SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY
XAGEE LAGU AASAYAA MEEDKA DADKII KU GEERIYOODAY DOONTA LAGA HELAY BADWEYNTA TALYAANIGA?

 

Dad badan oo Soomaali ah & Muslimiinta kale ee ku nool dalkan Talyaaniga ayay ku noqotay Naxdin labaad, ka dib markii ay ka arkeen Tv-yada Walaalahoodii Muslimiinta ah ee ku geeriyooday Halaaggi ka dhacay Badweynta Mediterraneum-ka oo lagu riday Sanduuqmanka dadka lagu aaso, dushana uuga dhegganaa Calaamadda lagu aqoonsado diinta Masiixiga ah, intaasi kuma ekee dadkaasi geeriyooday ayaa isla durbadiiiba la geeyay Kiyeesadda magaalada Lampedusa, halkaasina waxaa lagula tukaday Salaadda Masiixiga ah (Cerimonia funebre), qorshuhuna wuxuu ahaa in maanta lagu aaso magaalada Porte Empodocle oo ka tirsan isla jasiiradda Sicilia.

Haweenka faraha badan ee Soomaaliyeed oo ka shaqeeya dalkani ayaa la sheegayaa inay aad uuga xumaadeen ka dibna qeyla dhaan ay sameeyeen ay gaartay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Soomaaliya Md. Axmed Sugulle Xersi.

Qunsulka wuxuu si deg deg ah uugu diray Fax Duqa magaalada ee Lampedusa Sig. Bruno Siragusa, isaga oo markii hore uuga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay uugu gargaari dhibane-yaasha Soomaaliyeed ee halaagga kala kulmay Baddaas. Md. Sugulle wuxuu ka codsaday in Meedka dadkii geeriyooday loogu soo gudbiyo Roma, si loogu dukato Salaatu Al-Janaasa ka dibna loogu duuggo Qabriga Muslimiinta ee ku yaalla Magaalada Roma ee fadhiga u ah Qulsulka Guud ee Soomaaliya.

Warkan oo laga soo xigtay Wakaaladda wararka faafisa ee loo yaqaano ANSA ayaa sheegaya in Duqa magaalada ka dib markii uu la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda uu bilaabay inuu joojiyo qorshihii ama abaabulkii loogu daadgureyn laheyn Meedadkaas magaalada Porte Empodocle si loogu aaso.

Duqa magaalada Lampedusa Sig. Bruno Siragusa ayaa ballan qaaday in uu ku soo gudbin doono Marxuumiintaas sida ugu dhaqsiyaha badan ayna tahay mid Xaq ah in loo aaso sida ay qabto diintooda Suuban ee Islaamka.

Maanta ayaa shir ay albaabada u furan yihiin ka dhacayaa Hallka Safaaradda Soomaalida ee Roma, waxaana shirkaasi lagu marti qaaday Mas’uuliyiinta labada qeybood oo kale Qunsuliyadda & Saafaaradda oo iyadu marti gelineyso iyo dhammaaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan Talyaaniga.

Waxaa la filayaa in ka soo qeyb galayaasha dadkaan ay noqdaan dad aad u tira badan, waxaana Macquul ah in Hall-ka Safaaradda Soomaalida uu qaadi waayo.

Fiiro Gaar ah: Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa Shirkan dib ayaan idiinka soo socod-siineynaa, waxaana idiin xusuusineynaa in SomaliTalk ay qeyb weyn ka qaadatay qiiro kicid-da dadka Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga, ka dib markii ay sheegtay SomaliTalk.com in Tahriibayaasha soo gala aanan la siin wax gargaar ah.

Liis: Liiska dadkii ku dhintay Doonta..GUJI..

Hadaladii dadkii doonta ka badbaadey: Qaar kamid ah hadaladaas ka akhri halkan... Guji

Wixii talo ah oo kusaabsan gargaarka dadkaan dhibaatadu soo gaartey fadlan kusoo hagaaji emailka: amalroma@hotmail.com

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk – Rome Oct 23, 2003
amalroma@hotmail.com

"Waxaan Hoos Galnay Meedadka si aan isaga Difaacno Qabowga & Roobka"
Sidaad waxaa yiri qof kamid ah Soomaalidii ka badbaadey doontii ay dadka badani ku dhinteen xeebaha talyaaniga... Guji Oct 23

Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda
15ka qof ee ka badbaadey doonta magacyadoodu waa... Guji.. Oct 21

Tiro Badan oo Soomaali ah oo ku Geeriyootey Xeebta Talyaaniga
Warkaan ka akhri... Guji...

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD