Maxamed Xassan oo ku magac dheer
Diradhaba oo jooga dalka Pakistaan ayaa ka dhawaajiyey su’aal mudneyd in goor
hore la is weydiiyo, taasoo ah sababta keentay in haweenkii soomaaliyeed aaney
si fiican uga dhex muuqan warfaafintii dalka.
Maxamed markii uu ka dhawaajiyey su’aashaas waxaan is iri tallow wiilku ma
uurkaaga ayuu ogaa waxa ku jira?. Inkastoo aan aniga ahay suxufiyad soo caan
baxday wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye ee dalka hadana intii aqoonteey ah
waxaan ka hadli karaa oo keliya waqtigan xaadirka ah iyo sida ay tahay
aragtideyda ku wajagan kaalinta gabdha soomaaliyeed ee ay kaga jiraan
saxaafadda. Sidaas daraadeed ayaan ugu dhiiranaan karrin inaan ka hadlo wax
aanan goob joog u aheyn, ama anaan laheyn aqoonteeda taasoo haddii aan isku
dayo ay wax u dhimeyso meheradeyda weriyenimo.
Balse waxaan filayaa in gabadhihii ugu cad cadaa warfaafintii dalka kuwoodii
soo maray Raadiyo Muqdisho iyo Hargeysaba wixii ka nool ay arrintaasi wax ka
oran karaan ama xitaa laf ahaanteeda laga weydiin karro ma’uulintii wasaarada
warfaafinta ee iyagu shaqo ku lahaa.
Hadaba si aan jawaabta mowduucan muhiimadda leh si waadix ah ugu gaarno waa
inaan dib u yara jalleecnaa guud ahaan taariikhdii saxaafadda Soomaaliyeed oo
aan raad raac ku sameeyey si loo helo ugu yaraan waxa la oran karro wey is
horteegeen kaalintii gabdhaha soomaaliyeed ee ku wajahan saxaafada.
Warfaafinadii ka jiray dalka iyo qaabka dumarka soomaaliyeed uga muuqdeen waxey
ayaaheen kuwo kooban oo aan dhaafin dalka gudihiisa taasina ay sababta ugu weyn
ee jirtay aheyd dalka oo ahaa sabool iyo aqoonta dad oo ahayd mid aad u
xaddidan, inkastoo laga soo billaabo xilligii xorriyaddii illaa iyo 1969-kii,
ay jireen in kabadan 80 warside oo ahaa saxaafadda xorta ah kuna salaysnaa
afkaartii axsaabtii waqtigaas jirtay kuwaasoo iyagana 99% salka ku hayey
qabaa’lada kala duwanaa ee Soomaalida, meesha kaliya oo la oran karay waxaa ku
midaysnaa saxaafadda Soomaalida waxay ahayd labadii Raadiye ee dlka ka jiray
xilligaas ee Radio Muqdishu iyo kii Hargaysa, oo dadka ku maaweelin jiray
sugaanno kala duwan iyo warar kooban oo loo tarjumi jiraya afafk Carabiga,
Ingriiska, Talyaaniga, Sawaaxiliga, sidoo kale lahjadda Raxanwaynta ayaa iyduna
ku kororsanayd Idaacadda Muqdishu.
Nasiib darro saxaafaddaas xilligii ka hooreeyay kacaanka iska daa inay keento
horumar saxaafadeed e waxay wax wayn u dhintay danihii guud ee qarankii
Soomaalida oo markaas ahaa curdan u baahan in la kobciyo, taas ayaa qasab ka
dhigtay in markii uu kacaankii 1969-kii awoodda qabsaday uu albaabada u laabay
dhammaan saxaafaddii gaarka loo lahaa.
Haddaba aqristow dumarka Soomaaliyeed waxay marka hore dhibka wayn ee
saxafiyiinta hastay la qaybsadeen raggii saxafiyiinta ahaa, iyadoo ay intaas u
dheereyd ayaa haddana meesha ka marnayn dhaqanka Soomaalida oo ku salaysan
dhaqanka Islaamka ah oo aan ogolaanayn in qof haween ah ay ka dhex dhawaaqdo
raga dhexdiisa, waxaana xusid mudan aabbe gabadhiisa saxafaadda u hamuun qabtay
ku yiri ”Suxufi ha noqon aabbo, waayo suxufi iyo fannaan waa dammeer iyo
labadiisa dhagood!”
Hadaba marka laga soo tago labadaas caqabadood haddana xilligii Kacaankii waxaa
xusid mudan inay jirtay kulliyad Saxaafadeed oo ka tirsanayd Jaamacddii ummadda,
taasoo soo saari jirtay kaadiriin u bisil saxaafadda haba xaddidnaato
aqoontooda iyo awoodoodubee, taas ayaa keentay in xilligaas la arko dumar fara
ku tiris ah oo aan horay u jirin oo ka garab shaqaynaya raggii saxaafadda
gacanta ku hayay, waxayna dumarku si wayn uga dhex muuqdeen Raadiyo Muqdishu,
Wargayskii Dalka, iyo xitaa Telefishankii waddanka, iyagoo qaybta ugu wayn ee
ay hayeen ahayd Tebinta oo aan oran karo waa qaybta ugu dambeysa ee saxaafadda
uguna muhiimsan marka laga reebo diyaarinta, tifatirka,soo saarista iyo xitaa
farsamada, hasa yeeshee kama aysan marnayn dhinac-yada kale ee aan soo xusay.
Maxamed oo tusaale u soo qaatay gabadha la yiraahdo Christian Amambour oo u
shaqaysa CNN, kuna tilmaamay inay tahay saxafiyad loo caalwaayay, ayaan
xusuusin lahaa inay gabadhaasi haysato wax kasta oo u fududayn kara inay qabato
shaqadaas, mana aha keligeen gabdhaha hadda saxaafadda ku cad cad ee waxaa jira
kumanaan gabdhood oo haya shaqada ay hayso mid la mid ah ama ka sii xoog wayn,
meeshaas ayaan ka ogaan karnaa halka ay sartu ka quruntay oo ah in haddii
waddankaagu leeyahay awood maaddi ah islamarkaana ay saxaafaddiisu xor tahay ay
saxafiyiintaaduna noqonayaan kuwo mar walba dhagaha iyo indhaha loo taago, hana
ka reebin in luqadduna door wayn ku leedahay shaqada saxaafadda, dadkeennuna
waxay ku hadlaan hal luqad oo ay ka siman yihiin oo ah Soomaali, isha keliya ee
ay dhagta u dhigaanna waa meesha ay ka maqli karaan luqaddooda ku kooban in aan
ka badnayn 10 Milyan oo Soomaali ah.
Waxaa haddaba xusid mudan markii ay dagaaladu ka dhaceen waddanka oo ay
xukuumaddii kacaanku meesha ka baxday waxaa soo baxay in ka badan 150 jaraa,id,
10 Idaacadood iyo laba TV,oo intuba u adeegaya mabaa’d kala duwan oo salka ku
haya qabyaalad waxayna noqdeen sida (hooyadii uu inankeedu ku dhashay hadal
la’aanta oo muddo markii ay Alla bari u sameeyneysay si uu u hadlo, ugu
dambeyntii ku hadlay wax aan dhaguhu aqbali Karin).
Isku soo wada duub dumarka Soomaaliyeed oo aan hubo inay dowr wayn ka ciyaari
karaan saxaafadda, waxa ay sugayaan marka la helo waddan iyo saxaafad xor ah,
dhibaatadaas oo aysan dumarka gooni u ahayn laakiin ragguba ay la qabaan,
maalintaas ayaa la ogaan doonaa wax qabadka saxafiyiinta soomaaliyeed gaar
ahaan gabdhaha aan anigu kamid ahay.
Waxaa isku soo duwday;
Ikram Cali Kaar
ikraam@journalist.com