SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY
XABAALAHA MUSLIMIINTA EE ROOMA OO LAGU AASAY 13 QOF OO KAMID AH SOOMAALIDII KU GEERIYOOTEY XEEBAHA TALYAANIGA

SAWIRADA: Bogga koowaad | BOGGA LABAAD

BAROOR DIIQ LOO SAMEEYAY DADKII KU NAFWAAYAY BADWEYNTA MEDITERRANEUM-KA

Waxaa Galabta ka dhacay Xarunta dhexe (Campidoglio) ee fadhiga u ah Duqa magaalada Roma Sig. Walter Veltroni, Munaasabadda aaska 13-kii qofood ee kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Halaaggii ka dhacay badweynta Talyaaniga.

Munaasabaddaasi waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda Talyaaniga waxaana ka mid ahaa: Wasiirka Arimaha Gudaha Sig. Pisanu, Wasiirka u dooda xuquuqda dadka Talyaaniga ee ku nool Dibedda Sig. Tremaglia, Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga ee Garabka Bidix, Piero Fassino & Rabbiinka Diinta Yuhuudda u fadhiya Italy & Duqa magaalada Roma oo marti gelinayay.


Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya Col. Abshir Cismaan Eeg sawirka oo weyn.. Guji

Safka hore: Duqo Magaalada Roma, Wasiir Talyaani, iyo Qunsul Sugulle
Eeg sawirka oo weyn.. Guji


Sawirka hore: Ducaale, Sugulle, col Abshir
Eeg sawirka oo weyn.. Guji

Dhinaca Soomaalida waxaa Munaasabaddaasi ka soo qeyb galay dad aad u fara badan, waxaana ka mid ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya Col. Abshir Cismaan, Qulsulka Guud Md Axmed Sugulle Xersi, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga Md. Osmaan Jon, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Drs. Seynab Axmed Baraxoow, & dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku Nool dalkan Talyaaniga, kuwaas oo qaar kood ka yimid gobola-da Napoli, Firenze, Bologna & Milano.

Waxaa kaloo Munaasabaddan ka soo qeyb galay dad badan oo Dalxiis u joogay halkaas, kana kala yimid dunida dacaladeeda oo idil, maadaama ay aheyd halka Munaasabaddan lagu qabtay xudunta Bilicda magaalada Taariikhiga ah ee Roma, gadaalna uuga taalla Barxadda Caanka ah ee la magac baxday Piazza Venezia.

Munaasabaddaasi oo si aad u sareysa loo soo agaasimay ayaa bilaabatay maanta markii ay Saacaddu aheyd 03:00 - galabnimo, waxaana isla markii isugu soo aruuray halkaas dad yow aad u fara badan kuwaas oo ay indhahoodu ka muuqatay Geerida Naxdinta leh ee sida lama filaanka ah u haleeshay Marxuumintan Soomaaliyeed.

Haddaba markii la keenay Barxadda Xarunta dhexe ee Dowladda Hoose Sanduuqyada ay ku jireen 13 meyd ee Soomaalida ahaa, oo aanan illaa & hadda la heynin magacyadooda, laakiin waxaa aqoonsi looga dhigay Number-da ku dhegganaay sanduuqyada.

Sanduuqyada ay ku jireen 13 –ka Marxuum ayaa waxaa Salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Qalabka Sida (Carabinieri) taas oo ka tarjumaysa sida wanaagsan ay Dowladda Hoose ee Roma u soo agaasintay Munaasabaddan oo loogu barroor diiqayay dadkii ku naf waayay Doonta Geerida Soomaalida xambaarsaneyd.

Munaasabaddaasi waxaa hadalka ku furtay Haweenay ka tirsaneyd Dowladda Hoose taas oo Faallo gaaban ka siisay dadkii isugu yimid goobtaas halaagga ay la soo kulmeen Marxuumiintan, ka dibna waxay Codbaahiyaha ku soo dhoweysay Guddoomiyihii hore Maxkamadda Caddaaladda Talyaaniga ee haatanna ah Guddoomiyaha Hay’adda u doodda Xuquuqda dadka Qaxootiga ah Dr. Cosmi.

Dr. Cosmi wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga hortago Burcadda ka shaqeysa Xambaarkan Foosha Xun, kuwaas oo aanan u aabayeelin cidna, wuxuuna halkaas ka cadeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dowladda Talyaaniga Deyn Taariqi ah, aysanna Dowladda Talyaaniga ka soo bixin kaalinteeda, wuxuu xasuusiyay dadyowgii ka soo qeybgalay Munaasabaddan in Soomaaliya ay Dowlad la’aan tahay in ku dhow 13 sano ah, sida ay ku danbeyn doontana aysan cidna ogeyn.

Guddoomiyaha Hay’adda u doodda Xuquuqda Qaxootiga mar uu ka hadlayay sida ay ku nool yihiin Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deggan dalkan Talyaaniga wuxuu yiri in Ninka Soomaaliyeed aysan jirin wax uu ku tooran yahay & wax kale, Taasina ay sababtay Dowladda Talyaanigga oo ka joojisay 1999 Sharciga dal ku joogista oo lagu siin jiray si Bani’aadanimo ah. Waxaana habboon in la ogsoonaado in Muwaadinka Soomaaliga ahi uusan aheyn Muhaajir oo kaliyee uu yahay nin ka soo cararay ama la soo baxsaday Naftiisa, loona baahan yahay in la Xaqdhowro, wuxuuna ka codsaday Dowladda sidii dib loogu soo celin lahaa sharcigaas.


Marxuumiinta oo loo ducaynayo intii aan la aasin ka hor... eeg sawirka oo weyn

Ka dib waxaa hadalkii qaatay Duqa magaalada Roma Sig. Walter Veltroni oo run ahaantii lama filaan ku noqotay dhammaan dadkii isugu yimid Munaasabaddan Barroor diiqa aheyd sidii qurxeyd ee loo soo agaasimay (Daawo Sawirada).

Sig. Walter Veltroni isagoo ku hadlaaya magaca dadyowga Romaanka & kan dalkaba wuxuu Tacsi u diray dhammaan qoyskii & eheladii ay ka geeriyoodeen Marxuumintan, wuxuuna sheegay inay waajib tahay in la soo taago maxkamad Burcaddii soo abaabushay Raridda Doontan.

Sig. Veltroni wuxuu sheegay inay tahay mid aad looga xumaado in Badweynta Mediterraneum-ka ay ku naf waayaan dad aad u fara badan, maanta-se ay aheyd sidii loogu howl geli lahaa wada shaqeyn lixaad leh ay sameeyaan Dowladaha ay dul marto Badweyntan.

Duqa magaalada Roma wuxuu sheegay inuu rajeynaayo inaysan mar danbe dhicin arintan oo kale, Shacabka Roma-na ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay gacan u sii lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Siihaya Safaaradda Soomaalida ee Roma Col. Abshir Osman ayaa isna halkaas uuga mahad celiyay Madax-weynaha Talyaaniga Carlo Azeglio Ciampi, Dowladda Talyaaniga, Duqa magaalada Lampedusa, Duqa Magaalada Roma & dhammaan Shacabka Talyaaniga sida wanaagsaneyd ee ay uugu gargaareen dadkii Soomaaliyeed ee ku soo qulqulay Xeebaha Talyaaniga xilliyadan.

Col. Abshir Cismaan wuxuu mahad gaar ah u soo jeediyay Haweenka Soomaaliyeed ee deggan Talyaaniga kuwaas oo ka carooday kana xumaaday inaysan ka qeyb qaadan karin Aasidda Walaalahoodii ee ku nafwaayay Doontaas.

Col. Abshir wuxuu afkiisa ka caddeeyay inaysan Taladooda ku jirin sidii Marxuumiintaas loogu aasi lahaa Qabriga Islaamiga ah ee Roma, ka dibna markii Haweenkaas ay u soo garaaceen Hoygiisa habeen saq dhexe uu aqoon waayo wuxuu sheego, dabadeedna uu isla durbadiiba codsaday sidii loogu soo wareejin lahaa Meedadkaasi magaalada Roma.

Dowladda Hoose ee Roma ayaa suura gelisay soo wareejin-ta & hagid-da dhammaan arimihii la xiriiray Aasitaanka dadkii geeriyooday, sidaas ayayna Roma uuga muteysatay MAHAD aanan la illoobi kareynin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.

Baroordiiqda loo sameeyay Marxuumintii ku nafwaayay Badweynta Mediterraneum-ka ayaa dad Soomaaliyeed la meel dhigay Aasiddii Halgame – Marxuum Avv. Cismaaciil Jimcaale Cosoble.

Baroordiiqdan waxaa wehlinayay Gawaarida ay leeyihiin Ciidanka Booliiska, Ciidanka Qalabka Sida & Munishiibiyada.

Maanta waxaa Roma ka jirtay Shaqo joojin ay soo abaabuleen Hay’adaha u doodda Xuquuqda Shaqaalaha, taas oo keentay in ay waddooyinka magaalada oo idil ay Traffika (jump) noqoto, Laakiin Nasiib wanaag Gawaaridii daad gureeynaysay meedadka oo tiradoodu gaareysay in ka badan 100 ayaa waxaa wehliyay Ciidanka Jidadka oo iyagoo wata Mootooyin & Gawaari-ba ku sameynayay Jid goysmo gawaarida kale ee socotay, waxaana ku mareynay Isgoysyada iyado oo shidan Nalka Guduudan.

Intii aynu gaarin Xabaalaha Muslimiinta ee ku yaalla waqooyiga Roma ayaan waxaan ku leexanay Masjidka Muslimiinta ee ugu weyn Yurub, halkaasina waxaa Salaatu Jinaasa inagu dujiyay Imaamka Masjidkaasi.

Ka dib waxaan u Toosnay Xabaalaha, iyaga oo ay ina gelbinayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska & kuwa Qalabka sida, iyo weliba Taraafika-da oo ku howlan jid furitaankii ay inoogu jireen.

Gabagabaddii Munaasabadda Baroordiiqa loogu sameynayay Marxuuminta ayaa waxaa kalimado yar oo Diini ah ka jeediyay Sh. Xuseen Mohamud Muuse oo safar gaaban inooga yimid Dalka Imaaraadka Carabta.

Sh. Xuseen wuxuu sheegay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ay u noqoto Masiibadan la soo gudboonaatay Marxuumintaan mid lagu cimro qaato, wuxuuna Illaahey uuga baryay inuu Jannadii Firdowa ka waraabsho, Sammir & iimaan-na ka siiyo Eheladii & Qaraabadii ay ka geeriyoodeen.

Ka dib waxaa dib inoo soo galbiyay Gawaarida Ciidama-da Booliska – Jidadka & kuwa Qalabka Sida innaga oo dul saaran Bus-as ay inoogu talo gashay Dowladda Hoose ee Roma, kuwaas oo wejiga sare uuga qornaa RISERVATO!!!

Inaalilaah wa inaa eleyhi raajicuun.

SAWIRADA: Bogga koowaad | BOGGA LABAAD

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk – Rome Oct 24, 2003
amalroma@hotmail.com

LIISKA DADKII KU DHINTAY DOONTA
Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa magacyada iyo beelaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen 65 qof oo kamid ah dadkii ku dhintay doonta xeebaha talyaaniga... Guji... Oct 24

Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda
15ka qof ee ka badbaadey doonta magacyadoodu waa... Guji.. Oct 21

XAGEE LAGU AASAYAA MEEDKA DADKII KU GEERIYOODAY DOONTA
Muslimiinta Talyaaniga waxaa naxdin kunoqotay markii Tv-yada laga soo saa walaalahoodii Muslimiinta ahaa ee ku geeriyooday doontii oo lagu riday Sanduuqyo ay dusha uga dheggantahay Calaamadda lagu aqoonsado diinta Masiixiga, waxaana taas ka dhiidhiyey Qunsiliyadda Soomaalida Italy taas oo sababtay in.... Guji... Oct 23

"Waxaan Hoos Galnay Meedadka si aan isaga Difaacno Qabowga & Roobka"
Sidaad waxaa yiri qof kamid ah Soomaalidii ka badbaadey doontii ay dadka badani ku dhinteen xeebaha talyaaniga... Guji Oct 23

Tiro Badan oo Soomaali ah oo ku Geeriyootey Xeebta Talyaaniga
Warkaan ka akhri... Guji...

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD