Waraysi: Ismaaciil Hurre Buubaa
- Waxaan ka mid ahay dadka qaba soomaali wayn waayo dadka Alle baa wada abuuray meelna kala tagi maayaan Dalkuna waa mid qura.
Canab Mumtaz.
somalitalk.com

Ismaaciil Hurre Buubaa |
Imaaciil Buubaa oo ka mid ah xildhibaanada baaarlamaanka loo dhaariyay oo aan kula kulmay chasyer house ayaan wax ka waydiiyay mar aan wareysi gaaban la yeeshay waxa uu ka qabo baarlamaankii la dhaariyay dhawaan ee uu ka midka yahayn iyo aragtidiisa ku wajahan Jamhuuriyada la magac baxday somaliland ee uu u matalayo baarlamaanka saamaynta ay ku yeelan karto iyo sida uu shirka uu arko intaba; ugu horeyna waxaan wax ka waydiiyay arrimaha shirka iyo dhaartii baarlamaanka waxa uu ka qabo,waxa uu ku jawaabay.
J. Wax walba kuma dhamaadaan sidii la rabay ee saxda ahayd, waxna waa hagaagaan waxna waa qaldamaan. Shirku waa mid soomaaliyeed mudana ka socaday halkan, waxii ka soo baxayna waan taageersanahay oo waxaa isku yimid beelaha soomaaliyeed siyaasiyiintooda iyo wax garadkooda baarlamaankana soo xushay iyadoo dadaal ay ku bixinayaan wadamada dariska iyo kuwa caalamkaba, waxaana ku raja waynahay in dowlad soomaaliyed ku dhisanto inta ka maqana waa iman doonaan waan sugaynaa.
S. Marka aan ka hadalno baarlamaanka waxaa muuqata in lagu soo galay qaab beeleed, beesha aad matashaana ay sheegatay jamhuuriyad madax banaan, maxaa ka dhalan kara cilaaqaadna sideed ula yeelan kartaa?
J. Gooni isku taaga somaliland sida aad ogtihiinba waxaa keenay dhibaatooyin badan oo dalka ka dhacay aawadeed ayay ku timid in la is ururiyo ayna xal u arkeen dadka somaliland in ay sii haystaan maamulkoodaas, inta laga helayo dowlad soomaaliyeed oo dalka oo dhan wada maamusha, markaa kadibna uu u furmi doono wadahal waayo dadku waa dad wada dhashay dad meel kala tagaya maahan Alle baa wada abuuray aynu wada sugno waxa ka dhasha halkan oo aan ka wada shaqaynayno dadka ku nool burca, hargaysa, boorama, ceerigaaba, laascaanood iyo dhamaan W/galbeed, waxa ay soo eegayaan waxa halkan laga qabanayo, arrinta aan halkan ka samayno ayaan gundhig u wada noqon doonta, wadahadalka iyo isku soo noqodka ummada soomaaliyeed, marka aan dhinac kale ka eegnana maahan somaliland kaliya waxa ka maqan dalka ee wadankii ayaa maanta kala goo'go'an ninba inyar buu meel ku haystaa, dowladan la dhisayaana waxa ay shaqadeeda ugu wayn noqon doontaa in ay isku keento qaybaha kala tagay ee soomaaliya iyo maamulada la kala samaystayba, wadahal ayaana imaanaya, waan hubaa dadku ilayn makala maarmo ee halka wax haka soo baxaan.
S. Somaliland waxaa ka soo baxaya durba hadalo muujinaya in aysan shirkan wax shaqo ah ku lahayn isla mar ahaantaana aysan jirin cid matasha somaliland oo ka qaybgalay wadahalkan ayna yihiin jamhuuriyad ka madax banaan somaliya inteeda kale maxay kugu dhalin kartaa?
J: Wax saamayn ah ama raad ah oo ay igu leedahay ma jirto, dadku waa kuwa is wada yaqaan halkana waxaa lagu doortay baarlamaan sida aad wada ogtihiiba waxa uu ku salaysan yahay qaab beeleed, Isaaqna waxa uu ka mid yahay beelaha soomaaliyeed ee halkan wax ku qaybsaday, dadka Isaaq waa jiraan in ay ku kala aragtiyo duwan yihiin qaar qaba midnimo soomaaliyeed iyo qaar aan qabin oo raba gooni isku taag, anigana waxaan ka mid ahay inta qabta soomaali wayn iyo midnimadii dalka soomaaliyeed sina aanu dalku u kala go'i karin.
S. Shirkii carta oo aad ka mid ahayd iyo kan ka socda kenya maxay ku kala duwan yihiin marka aad is barbar dhigto?
J. kii cartana waan joogay kana waan joogaa, waxaa u dhexeeya faraq wayn oo aan halkan lagu soo koobi karin waayo waxaa joogay carta dad isku figrad ah oo u badnaa aqoon yahaniin dhibtuna isku si u wada dareemayay, hal dhinacna u wada jeeda laakiin kan waxaad moodaa in ay iskugu yimaadeen dad siyaasiyiin ah oo figarado kala duwan qaba dantuna ay tustay in ay isla fadhiistaan dabadeedna wada hadlaan marka khilaafku haba jiree hadana waxaa laga gaari doonaa xal goor ay ahaataba.
S. ugu dambayn maxaad ka filaysaa oo raja ah in ay shirkan ka soo baxaan?
J. Rajadayda shirku ma xuma waxaana ka soo baxaya dowlad soomaaliyed sida muuqata, waayo shirkan waxaa ku dhan siyaasiyiinti hubaysnayd oo dhan. waxa uu haystaa taageero caalamiyadeed waxaana aaminsanahay in ay ka dhalan doonto dowlad soomaali wayn oo dhibka ummadda ka saarta, khilaafaadka jirana waxaa lagu howlan yahay sidii loo xalin lahaa.