SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK
OGAYSIIS: XAFLAD WEYN OO LAGU SOO BANDHIGAYO BUUGGA XASUUS QOR

Waxaa la ogaysiinayaa dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool magaalada London, UK iyo nawaaxideeda in la qaban doono xaflad lagu soo bandhigayo buugga cusub ee Xasuus Qor. Buuggan waxa qoray Faarax Maxamuud Maxamed oo ah qoraa weyn oo ku nool waddanka Maraykanka.


Qoraaga: Faarax Maxamud maxamed

Xasuus Qor waxa uu ku saabsan yahay taariikhda soomaaliyeed, waxaanu qoraagu si kooban u dul-ka-xaadinayaa dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee soo maray Soomaaliya intii u dhexaysay 1400 ilaa 2000. Isaga oo af-soomaali wanaagsan ku muujinaya dhacdo kasta iyo sannad kasta wixii dhacay iyo wacaalihii la xidhiidhey.

Haddaba xafladdan lagu soo bandhigayo buugga cusub ee Xasuus Qor ayaa waxa marti inoogu ah Qoraaga buugga Faarax Maxamuud Maxamed oo ka iman doona waddanka Maraykanka, kana hadli doona buugga Xasuus Qor. Waxa kale oo xafladda goob joog ka noqon doona qorayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Maxamed Daahir Afrax, Siciid Cismaan Guuleed oo ah qoraa weyn oo luuqado badan wax ku qora iyo Maxamed Baashe X Xasan. Waxa maalintaas la keeni doonaa goobta xafladda buuggaag kale oo ay ka mid yihiin:

1. Miisaanka Maansada Soomaaliyeed (C/laahi Diiriye Guuleed –Carraale)
2. Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshey (M. D. Afrax)
3. Hal Ka Haleel (Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa) iyo Qaar kale

Taariikhdu waa:
Axadda 11 July 2004.

Wakhtigu waa:
12.00 pm Duhurnimo

Addreskuna waa:
300 Old Brompton Road,
Earls Court,
London
SW5 9JF

Nearest: Tube Station
Earls Court (District Line and Piccadilly Line)
U bax dhanka WARWICK, wadda Warwick Road bixid u raac, marka aad gaadhid wadda OLD Brompton midig u leexo. Khariidada -Map
Halkan Riix

Xidhiidhka:
Yaasiin Jaamac (Suldaan) 0208 980 7791
Dahabo Ciise (Dahabo Dawlo) 079 5619 1302
Maxamed Baashe: 020 7790 6611

Haddaba haddii aad doonaysid inaad qoraaga ka xog waraysatid buugga cusub iyo haddii aad diyaar u tahay inuu kuu saxeexo buuggaaga ha moogaanin inaad ka soo qayb gashid xafladdaas. Xafladdan ayaa waxa soo wada qaban qaabiyey labada urur ee Daadihiye Somali Development Organisation iyo Aftahan. Ka soo qayb gal wacan.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ka akhriso www.Aftahan.com

Reer Minneapolis::  HA MOOGAANINA RISAALA BOOKSTORE

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD