March 12, 2004
NOLOSHA SOOMAALIDA BELGIUM IYO HOLLAND
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Amsterdam, The Netherlands
E-mail:
ingiriis@yahoo.com
Waddanka Belgium wuxuu ka mid yahay wadammada Yurubta
galbeed ee ay ku nool yihiin Soomaalida ugu tirada yar
ee joogta qaaradda Yurub. Wuxuu hoy u yahay Soomaali
lagu qiyaaso tiradooda illaa 2,000. Belgium waxay
xuduud la leedahay dhinaca koonfurta waddanka
Faransiiska, dhinaca waqooyina Holland ama the
Netherlands, dhinaca barina waddanka Germany, koonfur
barina waxay xad kala wadaagtaa Luxembourg, dhinaca
galbeedna waxaa ka xiga Ingiriiska oo ay u dhexeyso
bad laysaga gudbo.
Juqraafi ahaan, Belgium waa waddan aad u yar, waxaana
lagaga hadlaa luuqadaha Faransiiska, Dutch-ka Holland
iyo Jarmal. Waddanka wuxuu u qaybsan yahay saddexdaas
qaybood, walow Jarmalku aad uga yar yihiin labada
kale. Soomaalidu waa ku soo kordhayaan Belgium
waayadan dambe, marka loo fiiriyo sannadihii hore,
sida uu ii sheegay Danny Vandergen oo ka tirsan
hay’adda qaxootiga qaabilsan.
Sida caadiga ah, Soomaalidu waxay u yimaaddaan
Belgium inay helaan sharci iyo nabadgelyo, iyadoo
wadammada kale ee Yurubta kaga furfuran dhinaca
sharci-bixinta. Hase ahaatee, qaxootiga ugu badan ee
Belgium yimaaddaa wuxuu ka soo galaa waddankii ay
horey u gumeysan jireen ee Congo DR.
Si ka duwan caasimadaha kale ee Yurub, magaalada
Brussels oo xarun u ah Belgium, kuma badna Soomaalidu,
waxaase ay deggan yihiin hareeraheeda iyo gobollada
kale ee waddanka, taasoo ay ugu xishaan nolosha iyo
kirada guryaha oo raqiis ka ah.
Magaalada labaad ee waddanka Antwerpen oo ah tan ay
deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee joogta Belgium
waxaa ku yaalla maqaayad iyo Super Market Soomaali
leedahay. Magaalooyinka Vervia, Kortrijk, Ghent, Liege
iyo Leurven ayaa ka mid ah meelaha Soomaalidu sidoo
kale ku badan tahay.
Nolosha Soomaalida ku nool Belgium ma xuma marka loo
fiiriyo Europe-ta kale. Dad badan ayaa shaqeeya oo
misana waxbarashada ku jira, sida dhacda mararka qaar
Belgium waxay tixgelisaa xirfadda qofku sheegto ama
waxa ay u diraan school si loo baro xirfad uu ku
shaqeysan karo, waxaa sidaas yiri Cabdullaahi Cabdi
Geesdiir oo ka mid ah Soomaalida sida rasmiga ah u
shaqeyso (full-time worker).
Shaqo kasta waxay ku xiran tahay dadaalka qofku
muujiyo iyo luuqadda uu shaqada ku rabo oo uu barto,
sida uu leeyahay Cali Xaaji Cumar (Cali Baashi) oo ka
mid ah Soomaalida deggan Ghent. Laakiin, qofku wuxuu
ku wareeraa aalaaba tuu hor baran lahaa luuqadaha
Faransiiska iyo Dutch-ka oo lagu shaqeeyo, sida
badanna shaqooyinka waxaa lagu helaa luuqadda
Dutch-ka.
Dhibaatada jirtaa waxay tahay Qaadka oo si dadban
waddankan looga soo geliyo dhinaca Holland, kaasoo
qatar badan geliya nolosha qoysaska carruurta leh.
Sida Soomaalida Europe-ta kale ku nool, dadku waxay ku
nool yihiin lacagta ceyrta ah ee dowladdu siiso dadka
qaxootiga ah (welfare).
Soomaalida Belgium deggan, si la mid ah Soomaalida
kale ee ku nool qurbaha, waxay aad ugu dhuun-daloolaan
waxa ka dhacaya waddankoodii, taas awgeed ayaa
su’aalaha ugu badan ee dadku i weydiinayeen waxay
ahaayeen; Soomaaliya rajo ma leedahay, shirka Kenya
caqiibo ma leeyahay?
Holland
Dalka The Netherlands waa waddanka mar marti-geliyey
Soomaalidii ugu badnayd ee qaxooti noqota abid inta la
xusuusan yahay. Wuxuu hadda u eg yahay inuu ka sii
baxayo saaxada soo dhoweynta qaxootiga. Waddankan
wuxuu xad la leeyahay Germany, Belgium iyo Luxembourg.
Dhinaca badda-na xiriir soke wuxuu kala leeyahay
Ingiriiska.
Waqtigan ma cadda tirada Soomaalida ku nool,
sababtuna waxay tahay tiro badan oo ku noolayd oo u
qaxay dhinaca Britain, sida uu ii sheegay Cabdiraxmaan
Cali Maxamed oo aan kula kulmay magaalada Amsterdam.
Illaa 20,000 oo Soomaali ah ayaa la rumeysan yahay
inay Holland ka guureen oo degeen Britain, kuwa kalena
hadda ayay isku diyaarinayaan inay baxaan.
Dadkaas waxaa ka mid ah Amaal Maxamuud Khaliif oo
deggan Rotterdam oo isku diyaarinaysa inay u guurto
magaalada London. "Asxaabteydii ayaa u wada guurtay
London, waxaan rabaa anigana inaan guuro" ayay tiri.
Waxaa jira dad sharci-sugayaal ah oo iyaguna damacsan
inay waddankan sii dhaafaan, waxaana ku jira dad raba
inay Soomaaliya isaga noqdaan sida Jeylaani
Cabdikariim oo aan kula kulmay maqaayadda Soomaalida
Amsterdam.
Holland waa waddanka labaad ee la keeno Qaadka ugu
badan ee yimaadda qaaradda Yurub, marka laga reebo
London. Mukhaadaraadka Qaadku waa kan liddiga ku ah
wax horukac ah inay sameeyaan dadku. Waxaa la yaab
leh in waddankan uu dadka u fasaxay isticmaalka
xashiishka iyo daroogooyin kale oo la mid ah, taasoo
dhallinyarada u keentay inay noqdaan dad aan meelna
degenayn.
Dhibaatooyinka Soomaalida Holland ka cawdaan waxaa ka
mid ah nolosha waddanka oo adag, sharciyada oo
waayadan dambe lagu dhibo, deynta faraha badan ee
dadka la geliyo iyo caro isa soo taraysa oo loo hayo
qaxootiga faraha badan. Soomaalida joogta waddankan
waxay badanaa deggan yihiin Amsterdam, Rotterdam,
Denhaag iyo Tilburg.
Baarlamaanka waddankan ayaa dhowaan waxa uu meel
mariyey sharci waddanka lagaga saarayo qaxooti gaaraya
26,000. Waxaa la rumeysan yahay inay dadkan ku jiraan
Soomaali fara badan oo aan tiradooda saxda ah la
helin. Illaa iyo hadda ma cadda wuxuu ku dambeyn
doono aayaha dadkan, inkastoo ururada u dooda xuquuqda
aadanuhu, sida Amnesty iyo Human Rights Watch ay
cambaareeyeen arrintaas.
Holland waxa ay Belgium la wadaagtaa qaab xun wax ku
doonashada, sida dadka sheegta cuuryaannimada
(handicap) ee raba in kaalmada ceyrta loo kordhiyo.
Waxaad arkeysaa dad aan dhegaha la'eyn oo dhegoole
sheeganaya iyo kuwo aan jiis ahayn oo cuuryaan
sheeganaya, si ay lacag uga helaan kaalmada dowladda.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Amsterdam, The Netherlands
E-mail:
ingiriis@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004
QORAALADII HORE EE INGIRIIS
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|