- Boqor Fahad waxa uu
ahaa Saaxiib ku Wayn reer Ugandha.
- Madaxweyne ku
Xigeenku Isagaa Masuul ka ah Ismaandhaafka Siyaasadeed
ee ka taagan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Boqor
Fahad waxa uu ahaa Saaxiib ku Wayn reer Ugandha.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk |
canabmumtaz@yahoo.com
Aug 4, 2005
Wasiirka
Arrimaha dibadda ee Dowladda Ugandha Mr.Augustine Nshimye oo
ka hadlayay geeridda Boqorkii Dalka Sacuudi Arabia ayaa
sheegay in Boqor Fahad Allaha u Naxariistee uu ahaa Saaxiib
ku wayn dadka reer ugandha.
Mr.Augustine waxa uu intaas ku daray in Taariiq weyn ay ka
dhaxayso labada dal,waxa uuna wasiirku xusay in dowlada
sacuudiga ay maalgalin ku samaysat mashaariic kala duwan oo
waxtar badan ku soo kordhiyay dadka islaamka ah ee
reer ugandha iyadoo ay ka faa'iidaysteen Muslimiin badan oo
dalka u dhashay sida masaajidyadda,Iskuulada iyo goobo kale
oo muhiim ah kuwaas oo wax badan u leh dalka.
Bartamaha magaalada Kampala dabaq weyn oo ganacsi ayna
leeyihiin dowlada sacuudiga laguna magacaabo King Fahad
Plaza ayuu xusay wasiirku isagoo sheegay in ay ku wareejisay
Muslimiinta Ugandha si rasmi ahna uu xariga uga furay
daartaas Madaxweynaha dalka Ugandha Mr Museveni Sanadkii
2003.
Sidoo kale Muslimiinta Dalka Ugandha ayaa Tan iyo markii u
geeriyooday Boqor Fahad ilaa hadda uga duceeynaya
Masaajidadda waaweyn ee magaalada ku yaala kuwa ka
baxsanba,muslimiinta Ugandha ayaa taageerada ugu badan ee
jaamacadda carabta ka hesha dalka sacuudiga
Arabia,waxyaabaha ay ka caawiyaanna waxaa ka mid ah
Maktabadaha kutubka Islaamiga ah laga helo oo ku qoran afka
Ingriiiska iyo kan carabiga ahba,Manhajka Sacuudiga oo aryad
oo badan oo reer Ugandha ahi ay wax ku bartaan iyo sidoo
kale Dugsiyadda quraanka oo kutubadda ay siiyaan caruurta.
Jaamacaddo Islaami ah oo ay maaligaliyaan wadamada Muslimka
ah gaar ahaan dalka casuudiga oo badankood ah kuwo lacag
la'aan ah ayaa ka mid ah faa'iidooyin badan oo ay muslimiin
badan oo reer ugandha ah iyo kuwo ka yimid wadamada geeska
Afrikaba kana barta culuumaad la xiriirta islaamka iyo
kuliyaddo kale ayaa ka mid ah waxyaabaha dalka ugandha kor u
qaaday aqoontooda xagga islaamka.
Guud ahaan Shacabka iyo Dowladda Ugandha ayaa tacsi
gaadhsiiyay dhamaan dunidda muslimka gaar ahaan
Boqortooyadda sacuudiga oo dhawaan oo dhawaan uu geeriyooday
boqorkoodi inuu Alle u naxariistona u baryay.
Canab Mumtaz | SomaliTalk |
canabmumtaz@yahoo.com
Madaxweyne ku Xigeenku
Isagaa Masuul ka ah Ismaandhaafka Siyaasadeed ee ka
taagan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn
Maxamed
Maxamud gaaxnuug
Tan iyo intii la doortay
madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhac
waxa ka aloosmay deegaamada SSC is maandhaaf siyaasadeed
oo u dhexeeya maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo
dadweynahaba kaas oo intabadan u dhexeeya madaxda
maamulka.
Hadaba si aan wax uga
ogaano arimahaa maamul ee ka taagan gobolada ssc ayaan
waxa aanu diirada saarnay dadweynaha ku dhaqan
deegaamada bal in ay wax nooga sheegaan arimuhu halka ay
ka socon la yihiin.
Isla markaa waxaan la
kulmay dadka iyagu xog ogaalka amase ah shaqsiyaadka
laga qadariyo bulshada dhexdeeda waxayana ii sheegeen in
arimaha ka taagan goboladan uu masuul ka yahay xasan
daahir waa madaxweyne ku xigeenkee. Waxuuna bay
yidhaahdeen shaqadiisii ku qaatay inuu ku jiheeyo
dhinaca maamulka Hargeysa oo la leeyahay waxa ka
dhexeeya xidhiidh hoose oo ku aadan sidii goboladani uga
mid noqon lahaayeen maamulkaa taasoo ayaamahan
warbaahintuna wax ka sheegatay.
Dhanka kale waxa is
hayntan u dhexaysa madaxda maamulka ayaa la sheegayaa
inuu isagu lug kula jiro oo uu la safan yahay qaar ka
tirsan madaxda maamulka sool oo ay wararku sheegayaan
inuu reernimo ku taageero.Taasina waxa ay markhaati ka
dhigtay duqa magaalada laascaanood oo wax qabadkiisa ay
taageereen dadweynaha ssc gudo iyo debedba hase ahaatee
shaqadiisii ay curyaamiyeen qaar ka tirsan madaxda
gobolku Xasan daahirna uusan waxba ka qaban.
Taasoo xistaa marqaati aan
ka ahay xafiiska duqa magaalada in loogu hanjanbay dadku
waa qabiil oo shaqada igama saari kartid taas oo duqa
maagaladuna ay geysiisay in qaar ka tirsan maamulku ay
ka horyimaadeen taasoo xistaa tagtay in loo adeegsado
idaacada radio laascaanood lagana sheego in aan lalala
shaqayn duqa magaalada.
Arimahan intii ay socdeen
madaxweyne kuxigeenku wax talaabo ah oo uu ka qaaday cid
alaale iyo cidii is hortaagta shaqada qaranka ma jirto
waxana ay gaadhay qalaase taas oo aan cid cid ka amar
qaadanaysaa aanay jirin.
Sidoo kale waxa dadweynaha
goboladan laga qaadaa lacago cashuur ah kuwaas oo wax
loogu qabtay dadweynaha aanay jirin waxaadna arkaysaa
waraaqo ay ku qorantahay FADLAN SII oo inta badan la
leeyahay waxay ka yimaadeen dhinaca madaxweyne ku
xigeenka iyadoo waxa soo hadhana aad ku maqlaysid
xafiisyada HEBEL BIYO CABAALKIISA u qor
Dakhligaa maalin walba
laga qaado dadweynaha ayaa ilaa iyo iminka ay dadweynuhu
la yaaban yihiin marka laga reebo waxoogaa yar oo duqa
magaaladu hawl galo ku sameeyay mooyee.Waxaadna
arkaysaa adeeg yadii bulshada oo aan wax laga
qaban.Tusaale waxa aan galay Jeelka laascaanood malaha
meel loogu shubo biyaha marka laga reebo Bac uu ii
sheegay taliyaha jeelku oo uu yidhi anagaa isku
taxalujinay inaan dadka xidhxidhan meel uun biyo ugu
shubno.
Sidaa darteed dadweynaha
deegaamadani marka aad la sheekaysato qof waliba waxa uu
kuu sheegayaa amase dhaliilayaa madaxweyne ku xigeenka
oo ay leeyihiin waxa uu gabay shaqadii uu qaban
lahaa.Nin shaqadii uu qaban lahaana gabay muxuu u qaban
goboladan.Taas oo ay inta badan leeyihiin muxuu wax uga
qaban la'yahay dadka maamulka hortaagan iyo arinka kale
ee lagu dhaliilayo ee ah inuusan kala jeclaysan beelaha
wada dega ssc.
Isku soo wada duuboo is
hayntan ku baahday deegaamada ssc ee ku aadan dakhli
boobista iyo tamarla'aanta maamulka uu madaxweyne
kuxigeenka ka yahay xasan daahir ayaa Cabdi xuseen
Jaamac oo ka mid ah odayaasha laga tixgeliyo ssc uu iigu
tilmaamay maraan waraysanayey ayuu waxa uu iyidhi.Xasan
Bede oo lahaa gaadhi UD ah ayaa waxa isagoo gaadhigii
wata dhulka la keenay baabuurta loo yaqaan WAARAADADA
markii uu arkay sida ay u socdaan ayuu yidhi war waa
Daasado la soo dhoobdhoobaye Lix bilood baabuurta inoo
dhiga markii uu geed ku shiraaqay oo sanad la marayo
ayuu yidhi war waa wax laysu soo diraye HAYAHA AAN LA
BOOBNEE ??
Markaa waa taa Xasan Bede
oo kale oo in lala boobo weeye amase aynu samirno
Sadexdaa sano ee boobka.Waayo hadii madaxdii aan
dooranayba ay iyaga wax ka dhaqaaqi la yihiin oo
arintoodii noqotay in reer hebel baanu nahay waxba
hagaagi maayaan.
Dhan kasta marka aad ka
eegto dadka ayaa waxa wejigooda iyo af ahaanba aad ka
arkaysaa sida ayna u taageersanayn madaxda maamulka
Puntland oo iyagu wixii laga filayay noqon waayay ayna
hadheeyee musuq maasuq reernimo.waxayna inta badan eeda
dusha ka saarayaan madaxweyne kuxigeenka puntland.Xasan
daahir afqudhac.
Maxamed Maxamud gaaxnuug
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 4, 2005
Qaramada Midoobey oo u Kala Dab Qaadaysa Labada Garab ee
DFKMG
»Laascaanood:
50 Dhuxul Shidayaal ah oo la xiray...
»London:
Amiirka Qatar oo Laga mamnuucay Nightclub..
»Toronto:
Diyaarad gubatey oo ay ka badbadeen rakaabkii
»Nairobi:
UNDP oo warbixin ka soo saartay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Aug 3
Boqor Fahad Bin Abdul Aziz oo Geeriyoodey
Boqorkii
dalka Sucuudiga,
Fahd bin Abdul Aziz Al-Saud oo
82 jir ahaa ayaa maanta geeriyoodey, waxaana la caleema
saaray Boqor Abdullah oo ....
Guji... Aug 1
John Garang oo ku Geeriyoodey Shil Diyaarad
Madaxweyne
kuxigeenkii Sudaan,
John Garang, ayaa geeriyoodey
kaddib markii ay la dhacday Helicopter uu ka raacay Uganda
asaga iyo...
Guji... Aug 1
Wafti Reer Canada ah oo Booqanaya Jawhar
Waftigan
oo xaqiiqo raadis ah waxaa hoggaaminaya xildhibaan katirsan
baarlamaanka dalka Canada, waxayna booqan doonaan magaalada...
Guji... July 31
DAREENKAYGII MARKAAN IMID LONDON
Warbixintii
Ibraahim Saalax oo booqday UK...
Guji... Aug 3 |