SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  •  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kampala oo la kulmay Hay'adaha Amniga Dalka ugandha.
  • Dowladda Ugandha oo iskugu yeertay shir dag dag ah Madaxda Afrikada Bari.

Dowladda Ugandha oo iskugu yeertay shir dag dag ah Madaxda Afrikada Bari.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Aug 5, 2005
 

Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kampala iyo xubno ka mid ah jaaliyadda ayaa kulan qaatay sadex saacadood waxa ay la yeesheen Hay'adaha ku shaqada Leh amaanka dalka Ugandha.
 
Ujeedada Shirkan oo aan ka waraystay Gudoomiyaha Jaaliyadda Xuseen Abuukar Xasan(xuseen garweyne) ayaa ii sheegay in uu ku saabsanaa sidii ay Hay'addaha Amniga u baari lahaayeen dad badan oo ah Ajaanib iskuna magaca dhiiba Soomaaliyeed xiliyadda ay iska diiwaan galinayaa Xarumaha Booliiska dalka Ugandha si ay ugu fududaato in ay helaan kaarka aqoonsiga ah iyo kan UN-ka  oo ay siiso badanaa Soomaalida.
 
Waxa uu gudoomiyaha sheegay in ay jiraan Dad u dhashay wadamada Ithopia iyo Ruwanda oo badanaa qaata aqoonsiga Soomaaliga ah iyadoo ay jiraan qaar badan oo ah dadkaas kuna dhoofay Soomaali ahaan.
 
Hay'addaha amaanka ayay ka dalbatay jaaliyadda in ay soo mariyaan xafiiska jaaliyadda qof walba oo la soo xiriira kuna socda magaca Soomaaliya si loo hubiyo ka hor inta aan la siinin kaarka aqoonsiga ah ama aan loo gudbinin UN-ka si loo yareeyo qatarka ay dadkaas ku gaysan karaan aduunka iyagoo wata aqoonsi Soomaaliyeed.
 
Arrintan ay jaaliyadda ka dalbadeen booliiska ayaa ku soo beegantay kadib markii dhawaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga lagu qabtay nin haystay Aqoonsiga Soomaaliyeed iskuna dhiibay balse la xaqiijiyay in uusan ahayn Soomaali oo uu ahaa Itoobiyaan.
 
Gudoomiyaha jaaliyadda ayaa sheegay in ay jiraan dad badan una dhashay Itoobiya horayna ula soo xiriiray jaaliyadda iyagoo ka codsanayay in ay ku dhiibaan magac Soomaaliyeed inkastoo ay jiraan xiliyadaas in ay jaaliyadda ku dhiibi jirtay xili hore haddana waxaa hadda feejignaan galiyay markii Soomaalida lala xiriiriyay in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii bishii hore ee July ka dhacay Magaalada London Xabsigana loo dhigay Wiil dhalinyaro ah Booliiskuna ay sheegeen in uu ka dambeeyay weeraradaas.
 
Booliska Magaalada Kampala ayaa sheegay in arrintan ay fiicnayn inay horay u sheegaan laakiin hadda waxii ka dambeeya ay qayb weyn ka qaadan doonaan in ay usoo gudbiyaan Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa ayna ka dalbadeen jaaliyadda lafteeda in ay u keento dad la shaqeeya oo ka socda iyaga si baaritaan ugu sameeyaan dadka aan u dhalan Soomaaliya inta ay socota diiwaan galinta.
 
Sadexdii Bilood ee ugu dambaysay waxaa magaalada Kampala ka socda diiwaan galin lagu aruurinayo Qaxooti Soomaaliyeed,waxaana gacanta ku hayay Dowladda Ugandha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka caawinaysay sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka jaaliyadda,waxaana dalabka dadkan lagu diiwaan galinayo ka yimid Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR si loogu qaado xerada Nekavali oo ay ku jiraan dad kale oo meelo kala duwan ka yimid waxaana ay Hay'addu qorshaynaysaa in sanadka cusub loo qaadi doono Dalka Maraykanka.

Dowladda Ugandha oo iskugu yeertay shir dag dag ah Madaxda Afrikada Bari.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Aug 5, 2005

Dowladda Ugandha ayaa shir dag dag ah iskugu yeertay Madaxda Afrikada bari si ay uga doodaan xaaladda dalka suudaan ka dib geeridii Madaxweyne ku xigeenkii dalka suudaan ahaana hogaamiyaha Jabhada koofurka suudaan ka dagaalanta ee SPLM oo dhawaan ku geeriyooday shil diyaaradeed ka dib markii uu ka duulay magaalada Kampala shir uu la yeeshay Madaxweyne Museveni kadibna ay la burburtay diyaarad helicopter ahayd, hawada oo xumayd awgeed sida ay sheegtay dowlada.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Dalka Ugandha Mr.Augustine Nshimye ayaa shaaca ka qaaday in Madaxda Wadamada IGAD ay shirkaasi uga wada xaajoon doonaan waxa laga yeelayo Mustaqbalka Suudaan iyo sidii loo yarayn lahaa xiisahada Hadda Socda ka dib Geeridii John Grand.

Dalka Ugandha oo haya xilka wareega ee urur goboleedka IGAD ayaa qorshaynaya in ay gacan weyn ka gaysta sidii ay u yarayn lahaayeen xiisadahaas ka aloosmay gudaha dalka suudaan ka dib geeridii John Grand oo ay halkaasi ka dhaceen rabshado ay samaynayeen shacabka qaarkiis oo aad uga xumaaday geerida Madaxweyne ku xigeenkoodi iyo taageerayaashiisa oo sheegaya in hogaamiyahoodi uusan shil ku dhimanin.

Shirkan ay iskugu imaanayaan guud ahaan Madaxda dowladaha IGAD oo ay warbixintan tilmaantay in Somaliya oo aan wali caadi noqonina ay ka mid ahaanto wadamada lagu casuumay 20 bishan ogosto balse laga yaabo in laga soo dib dhigo xiligaas oo aad u fog xaaladda suudaan hadda ka taagan marka la eego oo u baahan in wax weyn laga qabto si loo dajiyo shacabka.

Dalalka IGAD oo horay gacan uga gaystay in ay soo Af-jaraan bishii janaayo ee sanadkan dagaal mudo fog ka dhex socday jabhada SPLM iyo dowladda,heshiis buuxana ay gaareen labada dhinac ee Dowlada iyo Jabhadda iyagoo arrimo badan ku heshiiyay waxaana ugu dambayn jagada Madaxweyne ku xigeenka loo doortay John Grand july 9-keedi ee Sanadkan iyadoo 20-ka ogost-na ay ku balansanaayeen Madaxweyne Cumar Al-Bashiir iyo John Grand in ay wada jir ahaan usoo dhisaan dowlad.

Madax badan oo dunida ah ayaa ka hadlay geerida Grand,shalay waxaa shir iskugu yimid magaalada Nairobi ee dalka kenya wasiiradda Dalkaas,oo ahayd halkii lagu soo af-jaray heshiiskii labada dhinac ee suudaan Wasiirada oo muujinayay sida ay ka xun yihiin ayaa Tacsi gaarsiiyay dhamaan reer suudaan iyo gaar ahaan jabhadda SPLM hogaamiyahana u ahaa John Grand.

Sidoo kale Madaxweyne kibaki ayaa booqday isla shalay Xafiisyada SPLM ay ku leedahay Magaalada Lavington ee magaalada Nairobi,si uu ugu soo tacsiyadeeyo xubanaha ururka ee ku sugnaa halkaasi waxa uuna saxiixay buuga tacsida ee loo dhigay Grand,isla Kenya Madaxweynihii hore Daniel Arab Moi ayaa isagana shalay booqday safaarada dalka suudaan ay ku leeyihiin magaalada Nairobi si dalka suudaan tacsi uu u gaarsiiyo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Maraynka Mr.George Bush ayaa sheegay isagoo ku sugan Aqalka Cad ee magaalada Washinton ee dalka Maraykanka in geerida Grand ay ahayd mid murugo reebtay uuna aad uga xun yahay,waxa uuna ku tilmaamay in uu ahaa kan adkeeyay Nabad ku soo dabaalida dalka suudaan aqbalayna heshiiska labada dhinac,waxa uuna Busha intaas ku daray in dowladda Maraykanku ay ka sii qayb qaadan doonto howlaha nabad ku soo dabaalida dalka suudaan iyo Gobolka daafuurba.


canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2005

Boqor Fahad waxa uu ahaa Saaxiib ku Wayn reer Ugandha
iyo Madaxweyne ku Xigeenku Isagaa Masuul ka ah Ismaandhaafka Siyaasadeed ee ka taagan  Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn  Ka Akhri halkan... Aug 4

Qaramada Midoobey oo u Kala Dab Qaadaysa Labada Garab ee DFKMG
»Laascaanood: 50 Dhuxul Shidayaal ah oo la xiray...
»London: Amiirka Qatar oo Laga mamnuucay Nightclub..
»Toronto: Diyaarad gubatey oo ay ka badbadeen rakaabkii
»Nairobi: UNDP oo warbixin ka soo saartay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Aug 3

DAREENKAYGII MARKAAN IMID LONDON
Warbixintii Ibraahim Saalax oo booqday UK... Guji... Aug 3

Canada: Shir Lagu Martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga DFKMG
»Ururada Jaaliyada Toronto oo midnimo ku baaqay:
»Wafdigii ka socday Dalka Canada oo gaarey kenya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Boqor Fahad Bin Abdul Aziz oo Geeriyoodey
Boqorkii dalka Sucuudiga,
Fahd bin Abdul Aziz Al-Saud oo 82 jir ahaa ayaa maanta geeriyoodey, waxaana la caleema saaray Boqor Abdullah oo .... Guji... Aug 1

John Garang oo ku Geeriyoodey Shil Diyaarad
Madaxweyne kuxigeenkii Sudaan,
John Garang, ayaa geeriyoodey kaddib markii ay la dhacday Helicopter uu ka raacay Uganda asaga iyo... Guji... Aug 1

Wafti Reer Canada ah oo Booqanaya Jawhar
Waftigan oo xaqiiqo raadis ah waxaa hoggaaminaya xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Canada, waxayna booqan doonaan magaalada... Guji... July 31


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD