Qabyaalada Somalia ka
jirta iyo sida ay u kala baxdo.
Eng:Mohamed
Bashi.
E-mail:
mbaashimbc@hotmail.com
Somalia maanta
waxay ku jirtaa marxalad aad u xun taas oo ah
marxalad qabiil waxaynuna wada ognahay qabiilku in
uu yahay cudur aan daawo lahayn.
waxa aynu wada og
nahay in dagaal oogayaasha qabiilku ay yihiin qab
qablayaasha balse marna waxaynaan eegin in uusan qab
qabluhu kaligii reer isku duwan karin ee ay jiraan
rag adeegayaal ah kuwaas oo somalidu ugu yeeraan
nabadoono iyo cuqaal, anigoon nabadoonadii hore
waxba ka sheegaayn ayaan rabaa in aan wax idinka
tuso kuwa maanta oo aan ugu magac daray nabadoonada
habeenkii guda,
waxa aynu maanta
wada ognahay in uusan qab qabluhu inta uu u tago
qabiil uusan dhihin isiiya ciidan iyo dhaqaale balse
uu nabadoonku uga soo qaado,
Nabadoonku muxuu
daliil uga dhigtaa reerkiisa markuu rabo in uu rag
iyo dhaqaaleba ka soo helo?
Marka ugu horaysa
wuxuu ku dhahaa reer kiisa tala-ayeey ma reer hebal
ayaa maanta aynu iska raabi la nahay ar masidaas baa
inoo danbaysay waxaynu rag iska dhicinaba, markii
lagu yara amar diidana shaqsi shaqsi ayuu ugu tagaa
dadkii ka amar diiday isagoo oranayaa aabahaa ma nin
buu ahaa nin dhaaf ayuu ahaa oo laguma soo xadgudbi
jirin waxii soo fara gashtana faruhuu ka jabin jiray
mideeda kale hiil iyo hoo ayuu lahaa balse adiga
tolku wuu kugu khasaaray markaas ayaa wax ma yaqaan
oo dhami waxay hayaan u dhiibayaan marka waxaan
umada soomaaliyeed ku boorinayaa in ay iska
ilaaliyaan dab qaadaha qab qablaha.
Sideebuu qabiilku u
saameeyey soomaaliya?
waxaan oran karaa
ama ay tahay sedex siyaabood ayuu u kala saameeyey
kuwaas oo kala ah sidatan hoos ku cad,
1-Qori
qabiil nin qaaday oo wax u laayey qabiil.
2-Nin amar
ku bixiyey in qori la qaato oo wax la laayo
.
3-Nin ku
farxay labadaa siyaabood.
Qoriga qabiil kan
qaatay khasaarooyin badan ayaa u sugnaaday,
1:waa mida koowaad
ee aakhiro wuu seegay.
2:Hadii uu ku
dhaawacmo dagaal ama ay waaxi godo Hooyadii kaliya
ayaa u barooranaysa.
3:waatan sadexaad
ee dadka ayaa nebcaysanaya maxaa yeelay ma aha
qofkaani ni shaqaysan kara waayo waax ayuu la yahay
oo shaxaad kiisa ayaa badanaya kadibna dadku wadada
uu taagan yahay way ka cararayaan.
Marka walaalka
soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa in aan masuubadaas
oo kale aysan ku dhicin oo uu iska ilaaliyo waxii
waxaas la xiriira.
Kan amarka bixiyaa
isagu faa-iidooyin buu helaa isaga u gaar ah
waxaynuna ku tilmaami karnaa danayste maxaayeelay
wali mala arkay nin hala dagaalamo leh oo wiilkiisa
u diraya goob dagaal marka simuusan ku ahayn
danayste , bari kamaalinna walaalkii markay is
qabtaan oo uu dantiisa ka hor istaago wuu dilayaa si
kastaba ha u mishimeeyee,
marka walaalaha
soomaaliyeed waxaan iska jira leeyahay ninkaa
danaystaha ah oo aan nina u arxamayn.
Ninka ku farxay
falalkaa xun xun ee lagu kacay wuxuu ka danbi badan
yahay labada kale ee iyagu falka ficilka ah sameeyey,
waayo?
Maxaa yeelay labada
kaleba min haldanbi ayeey leeyihiin isagu seh laba
danbi ayuu leeyahay oo kala ah midka uu la qayb
saday kan qoriga qaaday iyo madka kale oo ah kan uu
la qayb saday kan wax amray marka laba danbi ayuu ku
jiraa, kufaraxu ma aha oo kaliya kan niyada ka
farxay,kan gabyey iyo kan qabiil u heesay kuli way
isku duuban yihiin.
Walaalaha
soomaaliyeed waxaan usheegayaa inaysan noqon ninkaas
ku farxay waxa xun uusana ka qayb qaadan falalkaas
oo kale.
Eng:Mohamed Bashi.
E-mail:
mbaashimbc@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan