SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Maxamed Dheere "waxaan rabo sheeg wixii aan rabin ha sheegin hadiii kale waa xarig" miyaa la soo daristay Wariyayaasha jooga Jowhar?

C/Laahi Kulmiye

Maxamed Dheere

Wararka ka imaanaya Magaallada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in habeenimadii arbacadii oo ay taariikhada ku beegneyd 3/8/2005 saacaduna ay aheyd 12-kii habeenimo saldhiga la dhigay Wariye Abdulaahi Kulmiye Cadow oo ka mid ah Wariyayaasha idaacada iyo TV-ga Magaallada Muqdisho, waxaana arintaasi ay timid kadib markii uu baryahan Wariye C/laahi ku howlanaa sidii uu xaqiiqada ka jirta Degmada Jowhar ugu gudbin lahaa bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Qaarka mid ah Ciidamada booliska ee Degmada Jowhar ee ka amar qaata Maxamed dheere ayaa habeenkaasi  oo dhan ku gaaf wareegayay meelaha ay degan yihiin Idaacada Jowhar iyo TV -yada jooga Magaallada Jowhar waxaana ay dhamaan wariyayaasha ku war geliyeen inay raadinayaan Wariye C/laahi Kulmiye Cadow,iyadoo ay wajiyada ciidamadaasi ka muuqatay caro way oo ay u qabaan wariyahaasi iyo cabsi ay ka qabaan Maxamed dheere sida ay ula hor tagi karaan inay soo waayi karaan Wariyaha uu u diray inay xabsiga dhigaan.

sida ay iigu warameen qaarka tirsan wariyayaasha habeenkaasi goobta ku sugnaa goobtaasi ku sugnaa oo codsaday in aan magacooda la shaacin,waxaana fatashaad loogu dhaqaaqay inbadan oo ka tirsan wariyayaasha Magaallada Jowhar ku sugan si looga baaro inay ku qarinayaan Wariyaha ay raadinayaan,waxana ay caado ay ka dhigteen Maamulka Maxamed dheere ugu horeeyo ee ku sugan Magaallada Jowhar iyo deegaano kale oo fara ku tiris ah isla markaana ka tirsan Gobolka SHabeelaha dhexe inay xabsiga isaga taxaabaan wariyayaasha ku sugan deegaanadaasi.

Mar la weydiiyay ciidamada raadinayay wariye C/laahi Kulmiye Cadow waxa lagu heysto oo ay u raadinayaan waxa ay ku jawaabeen inaysan fahansaneyn waxa laga rabo,laakiin ay fulinayaan oo kaliya amar kasoo baxay Maxamed Dheere oo ah ninka ka taliya Degmada Jowhar ee iminka jogaan qaarka tirsan Dowladii lagu soo dhisay Shirkii Somalida ee Kenya mudada ka socday,waxaana ay taasi muujineysaa xad gudubyada joogtada ah ee uu Maamulka Maxamed dheere ku hayo Saxaafada ka jirta deegaanada uu gacnata ku hayo.

dhamaan wariyayaasha jooga Magaallada Jowhar ayaa lagu war geliyay inaysan sheegi karin wixii xaqiiqda ah ee ka jira oo ay qabtaan indhahooda,waxaana haddii ay taasi u hogaansami waayaan loo sheegay in loo taxaabi doono xabsiga,iyadoo ay taasi Wariyayaasha kaliya aheyn oo ay taasi la wadaagaan qaarka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada ku sugan Magaallada Jowhar oo ay iminka ka taagan tahay allow mar un idinka bixi marna hoos iska oranaya waxay idiin dhaamaan in aad ku biirtaan xubnihii aad fikirka ku kala tagteen ee ku sugan Magaallada Muqdisho.

saacad iyo wax yar kadib markii uu amarka lagu xiray wariye C/laahi kulmiye soo baxay oo ay waayeen ciidamadii loo soo diray inay xabsiga dhigaan wariyahaasi ayaa waxa ay u sheegeen qaarka tirsan wariyayaasha ku sugan Jowhar inay badalkiisa xiri doonaan wariyihii damiintay markii uu soo galay Magaallada Jowhar oo ah magaalada kaliya ee saxaafada iyo bulshada kale ee Soomaaliyeed ay ku joogaan damiin looga yahay dhulkooda hooyo iyagoo jooga,waxaana taasi dhibka ay leedahay dareemi kara qofkii ah muwaadin sax ah gaar ahaan dadkii u soo halgamay xornimadii Somaliya,waxaana intaasi kadib ay ciidamdaasi u tageen Wariye Saciid Xagaa afrax oo ah wariyihii damiintay C/laahi Kulmiye markii u soo galay Jowhar 27-kii Bishii tagtay,iyadoo ay taasi xabsi kale oo hor leh ku abuurtay Wariye saciid xagaa iyo intii markaasi la joogtay.


Kulmiye oo lajooga weriyayaal kale ka hor intii aan la xirin

"haddii aad rabtaan in aad nabad uga shaqeysataan Jowhar waa in aad dhiibtaan qofkiiba 50 shilin Somali (kontan kun lacag Somalia ah) Wariyihii dhiibi waaya lacagtaasi waxaa igu balan ah in aan xabsiga u taxaabo,waxaa intaasi dheer oo aan idiin sheegayaa wariyihii diraa war aan aniga ogeyn oo aanan raali ka ahayn wixi ku dhacaa isaga ayaa mas'uulka ah,mid kale ayaa jirta xubnaha Dowlada ee halkan ku sugan ma ka hadli karaan xaaladda Somaliya sidoo kalana ma qaban karaan Siminaar uusan Maamulka gobolka raali ka aheyn,waxaana taasi idiin leeyahay halkan waxaan ka nahay Dowlada Kenya sidii ay ka aheyd Shirkii Somalida ee lagu soo dhisan Dowladan Jowhar joogta" hadalkaasi waa hadal uu wariye kasta oo gobolka booqasho ku yimaada ama ah kuwii horey usii joogay uu ku yiraahdo Xasan dhagey oo ah wakiilka Maamulka Maxamed dheere u qaabilsan Saxaafadda,iyadoo uu qofkasta uu dareemi karo saameynta uu yeelan karo warkaasi inuu nin mas'uulka la soo hor istaago Saxaafadda horteeda ama ku cabsiiyo.

waxaa xaqiiqo ah oo aan la inkiri karin warka uu sheegay Wariye C/laahi Kulmiye Cadow inuu ahaa mid ubaahnaa in Umadda somaliyeed meelkasta oo ay joogto usoo gudbiyo maadaama uu yahay wariye xil u qaaday bulshadaasi oo dhan si uu uga run sheego xaqiiqda jirta ee uu indhaha saaray,waxaana uu ahaa in kowda bishan aanu ku jirno ay tahay xiligii uu bilaaban lahaa Sanad dugsiyeedkii ardayda degmada Jowhar kaasoo ilaa iyo hada aan furmin kadib markii wali laga saari la'yahay xubnaha Dowlada ee degan dugsiyada ardaydaasi oo u hamuuqaba inay sii wataan waxbarashadooda dugsiyeed tan iyo inta laga helayo waxbarasho dhaanta mida ay iminka heystaan.

waxaan dhowr jeer oo horey maqli jiray run sheeg waa ceeb sheeg waana mida iminka keentay in Wariye C/laahi Kulmiye Cadow xabsiga loo taxaabo isagoo ku howlan mihnadiisa saxaafadeed ee uu ugu shaqeynayay bulshada soomaaliyeed,waxa uu C/laahi noqday wariyaha kaliya ee ku dhiiraday inuu ka talaabo hanjabaada joogtada ah ee lagu hayo wariyayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dalka Somaliya gaar ahaan mida uu Maamulka maxamed dheere ku soo rogay wariyayaasha ka howlgala meesha uu isaga ka taliyo.

Sida la iisheegay saaka waxaa xarunta Dowlada laga waayay dhamaan wariyayaashii halkaasi ku sugnaa kadib markii ay ka xumaadeen xariga loo geystay Saaxiibkood C/laahi Kulmiye Cadow oo xabsiga si sharci daro ah ugu jira,waxaana wariyayaashaasi ay ku wargeliyeen Maamulka Dowlada iyo Maamulka Maxamed dheere intaba inaysan wax war ah ka qaadi doonin ilaa iyo inta laga soo deynayo Wariyaha sida sharci darada ah loogu heysto xabsiga Jowhar,iyagoo xubnaha Dowlada gaar ahaan wasaarada ku shaqada leh Saxaafadda ay cabsi wayn ka qabto inay Maxamed dheere kala hadasho arimaha xadgudubka ee saxaafada uu ku hayo.

Maxamed Cabdi xayir "Maareeye" Wasiirka Wasaarada warfaafinta DFKS iyo Salaad Cali jeelle oo ah ku xigeenkiisa ayaa ku wada sugan Magaallada Jowhar waxaana mar ay la xiriireen qaarka tirsan suxufiyiinta Jowhar ku sugan ay sheegeen inaysan ka hadli karin arinta Wariye C/laahi Kulmiye Cadow,waxaana intaasi dheer inay si daahsoon ay danbiga u saa rayaan wariye C/laahi Kulmiye Cadow oo ay shegeen inuu ka hadlay arimo uusan shaqo ku laheyn.


Garyare oo waftiga Video ka duubaya

ma ahan markii ugu horeysay ee uu Maxamed dheere xabsiga u taxaabo wariye ku guda jira gudashada howshiisa Saxaafadeed,waxaana wali dhageha Saxaafada Soomaaliyeed iyo tan caalamkaba ka sii dhawaaqeysa xad gudub Saxaafadeed oo ay ugu wayn tahay gacan qaad uu Maxamed dheere laftiisa u gacan qaaday Wariye Abdi Weli Ibraahin Aden "Garyare" oo ah mid ahaa Wariyahaashii warka ka soo duubayay maalintii Madaxweynaha la soo dhaweynayay taariikhada markii ay ahayd 26 bishii tagtay,waxaana 3 saac lagu dul hayay gaari tigniko ah oo ahaa gaarigii dhinaca danbe ka socday Madaxweynaha Somalia markii loo soo waday dhinaca Magaallada Jowhar,iyadoo xiligaasi uu Wariye Garyare duubayay Filim dadkii soo dhaweenayay Madaxweynaha Somaliya,iyadoo Maalintaasi xitaa jiir dil xoogan loo geystay mid ka mid ahaa gudiga dib u hishiisiinta oo ahaa odaywaayeel ah isla markaana jiir dil kadib lagu amray inuu taagnaado meesha garoonka looga leexdo tan iyo inta uu Madaxweynaha ka tagayo Jowhar gaar ahaan guriga loo diyaariyay.

Dhinaca kale waxaa jirta wariye Maxamed Abuukar caseyr oo ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala idaacada Jowhar in Maxamed dheere uu amar ku bixiyay inuusan saxaafada ka sii mid ahaan Karin ninkaasi,haddii uu hadlana uu ciidanka amar ku siiyay inay xabsiga u taxaaban,Maxamed abuukar waxa uu ahaa Tifaftiraha Idaacad ka ahadasha Jowhar.

Mida kale ee jirta waxa ay tahay in Maxamed dheere ahaan uusan inta badan dhageysan idaacadaha isla markaana daawan tv-yada dalka iyo kuwa dibadda intaba,laakiin waxaa jira dad warxuma tashiil ah oo maxamed dheere ku dira Wariyayaasha,waxaana dhibka ugu wayn uu yahay inuu durba amar ku bixinayo in xabsiga la dhigo wariyahaasi isaga oo aan hubsan warka la soo gaarsiiyay miisaanka uu leeyahay..

Aniga waxaan ahay Wariye Soomaaliyeed oo ka dheeraanaya wixii meelka dhac ku ah qofkasta oo Soomaaliyeed,waxaana qoraalkan igu dhaliyay kadib markii aan u adgeysan waayay sida foosha xun ee loola dhaqmayo saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed,waxaana dhowr jeer oo hore aan tagay Magaallada Jowhar kuna soo arkay caburin xoogan oo saran dhamaan bulshada soomaaliyeed ee Jowhar ku dhaqan,waxaana ugu danbeyn aniga oo ku hadlaya magaca wariyayaasha Soomaaliyeed ka xunahay xariga loo geystay Wariye C/laahi Kulmiye Cadow oo aan oran lahaa waa ay dhawdahay xiligii laga bixi lahaa dhibkan ee dulqaado.

W/Diyaariyay Abdulaahi Abdi
Mantaana003@hotmail.com 
Muqdisho,Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD