SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

09 August. 2005

  • Qaramada Midoobey oo ka digtay cudurka duumada oo khatar ah kuna soo fool leh itoobiya.

  • WFP oo heshiis la gashay odeyaal soomaaliyeed. 

  • Khilaaf u dhexeeya Kenya iyo Britan. 

  • Wareysi aan la yeelanay M. Cabdi Yaasiin Diirrane oo ka warramaya taariikhda JWXO. 

  • Iyo Gabay cusub oo Abwaan Rooda Afjanno ka tirisay marxaladda siyaasadeed ee Ogaadeenya.

======================

Dadka qaaday cudurka duumada ama mallaariyada ee Itoobiya ku dhaqan ayaa si xawli ah u kordhay, waxaana laga yaabaa inay khatarta duumadu aad uga sii xumaato sida ay hadda tahay, inta lagu jiro xilliga ay duumadu ugu faafid badan tahay oo ah inta u dhexaysa bilaha Juun iyo Oktober, sidaas waxaa ka digay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Isku Xidhka Arrimaha Gargarka ee OCHA.

 Warbixin Isniintii kasoo baxday xafiiska OCHA ayaa lagu sheegay in cudurka duuamadu  si wayn ugu faafay 77 degmo oo Itoobiya ka mid ah intii u dhexaysay bilihii May iyo Juun, iyadoo cudurkan lagu arkay 18911 qof, 42 ka mid ahi ay u dhinteen.

Xafiisku wuxuu sidoo kale ka digay in dawada iyo agabka kale ee duumada lagula tacaalo ee Itoobiya loo soo dhoofiyay ayna ku fillaan doonin, haddii uu cudurka duumadu si wayn u faafo.

Meelaha ay faafidda duumadu ugu badan tahay waxaa kamid ah:  Ogaadeenya, Oromiya, Amhara, Cafar iyo dhulka ay degaan dadka Ben-shunguulka loo yaqaano oo galbeedka Itoobiya ku yaalla.

WFP oo heshiis la gashay odeyaal soomaaliyeed. 

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa daboolka ka qaadday inay heshiis la gashay odeyaal soomaaliyeed, heshiiskaas oo ah mid lagu sii daynayo markab cunno gargaar ah siday oo in bil ka badan lagu haystay xeebaha Soomaaliya. 

Hay’adda WFP ayaa jimcihii sheegtay in heshiiskani uu ka dhigan yahay in shaqaalaha iyo markabkaba seddex maalmood gudohood lagu sii daayo. Cunnada uu wadana lagu wareejiyo dawlada ku meelgaadhka ah oo laga dejiyo dekada Ceel-Macaan oo ku taalla dhinaca woqooyi ee magaalada Muddisho. 

Markabkan waxaa badhtamihii bishii Juun lagu qabsaday xeebaha badhtamaha Soomaaliya, isagoo raashiin gargaar ah u wada dadka dega xeebaha waqooyi bari ee dalka Soomaaliya ee ku tabaaloobay dhibaatadii badgariirka ee Tsunami. 

Dablayda markabkan qabsatay ayaa markii hore codsatay in shan boqol oo kun oo dollar la siiyo, si ay markabkan u sii daayaan, hase yeeshee hay’adda WFP ayaa diiday inay bixisay lacag madax furasho ah. 

Khilaaf u dhexeeya Kenya iyo Britan. 

Khilaaf diblumaasiyadeed ayaa soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Britan, ka dib markii ay dawlada Britan mamnuucday in wasiirka gaadiidka ee dalka Kenya Chris Murungaru soo galo dalka Britan, iyadoo mamnuuciddeeda sabab uga dhigtay arrimo musuqmaasuq la xidhiidha. 

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dawlada Britan ka codsaday inay mamnuuciddaas raalligelin ka bixiso, isagoo tallaabada mamnuucidda ku tilmaamay mid dhaqan gumaysi salka ku haysa, isla markaana ayna dawlada Kenya aqbali karayn tallaabo noocaas ah. 

Wasiirka gaadiidka ee dalka Kenya Chris Murungaru ayaa isaguna hadda sheegay inuu warqad u diray wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Britan, kaasoo uu waydiisanayo inuu faahfaahin ka soo bixiyo sababta looga mamnuucay gelidda Britan. 

Chris Murungaru ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogi doono dawlada Britan haddii ay warqaddiisa 14 maalmood gudahood kaga soo jawaabi waydo. Wuxuu kaloo intaas ku daray inuu shaqaaleeyay afar qareen, oo seddex ka mid ahi ay dalka Britan gudihiisa ka hawlgeli doonaan.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in dawlada Britan ay Chris Murungaru dalkeeda ka mamnuucday, iyadoo  u cuskanaysa dhaqankiisa iyo dadka uu saaxiibka la yahay.

Waraysiga iyo wararka kale ka dhegeyso Halkan.... GUJI..

 Radio Xoriyo

09 August. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 9, 2005

MAQAALADA MAANTA:::
»Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
»JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
»Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
»Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
»Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
»Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
»GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
»Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
»Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
»WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
»Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD