-
Madexweyne C/laahi Yuusuf oo
lagu eedeeyay in uu khiyaamo
Qaran Galay
-
Xasuuq ka dhacay xalay
Magaalada Muqdisho
-
Madexweynaha DFKG-ah Mudane
C/laahi Yuusuf oo dib oogu
soo laabtay Jowhar
-
Midowga
Yurub oo Lacag Dhan $50 Malyan oo Doolar
ugu Deeqay Dawlada DFKG-ah ee Soomaaliya
Madexweyne
C/laahi Yuusuf oo lagu eedeeyay
in uu Khiyaamo Qaran Galay
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Xubnaha labada gole ee ku sugan
Magaalada Muqdisho ayaa qoraal
ay maanta soo saareen kadib
kulan 4 saac qaatay ka soo
saaray war-saxaafadeed lagu
cambaaraynayo safarkii
madexweynuhu ku tagay qeyb ka
mid ah Gobolka Hiiraan iyo
ismaamulka kilinka shanaad ee
soomalida itoobiya.
Qoraalkan loo qeybiyay maanta
Saxaafada ayaa lagu sheegay in
ujeedada dhaq-dhaqaaqa
Madexwenuhu wado tahay in uu
ciidamo Itoobiyaan ah ku weeraro
qaar ka tirsan Gobolada dalka,
isagoo ugu horeyn bay yiraahdeen
bar tilmaameedsanaya Gobolada
Bakool ,Hiiraan iyo Bay. Kadibna
ay u qorsheysan tahay in
aakhirka uu weerar la beegsado
Magaalooyinka Muqdisho, Marka
iyo Kismaayo.
War-saxafadeedkan ayaa lagu
xusay in Beesha Caalamka la
ogeysiiyay ,in taliska Mene
Zanawi mas'uul ka yahay
dhibaatada Soomaaliya ka tagaan,
isla markaana uu weli ku hawlan
yahay sii fogeynta xal-uhelida
arimaha gudaha ee
Soomaaliya,iyadoo qoraalka lagu
soo gaba-gabeeyay in colaada ka
dhalata dhaq-dhaaqyada socda
aysan ku-ekaan doonin Soomaaliya
balse usii gudbi doonto Geeska
Afrika oo markaasina ay
wiiqi-karto nabada iyo
xasiloonada ka jirta wadamada
xuduuda la wadaaga Soomaaliya.
Dhanka kale xeeldheerayaaasha
sharciga ayaa aaminsan in
Baarlamaan uusan kooramkiisa
dhameyn uusan mar-naba soo saari
karin wax go'aan-ah, maadaama
loo baahan yahay marka sharci la
soo saarayo in la helo
Xildhibaano gaarayo 138.
Xubnaha ku sugan magaalada
Muqdisho ayaa mar-walba laga
dareemaa dhaq-dhaqaaq, mar-alaale
marka uu Madexweynuhu booqasho
ku marayo Gobola dalka qaarkood.
Sida wararka hoose ku cadna
Madaxweynaha DFKMG maanta ayuu
kusoo laabtay Jawhar.
Xasuuq ka Dhacay Xalay Magaalada
Muqdisho
Aug 11, 2005
Xasuuq abuuray xaalad naxdin iyo
murugo xambaarsan ayaa ka dhacay xalay,
xarun ay deganayaan beesha Aylo
oo ku taal duleedka isbitaalka
Digfeer, gaar-ahaan xero-qaxooti
ay daganaayeen ,waxayna ku
sugnaayeen xeradan sanadahii
oogu dambeysay ka dib markii ay
ka soo barakaceen deeganadoodii.
Hadaba waxaa xalay lagu
baraarugay dhawaaqa rasaasta oo
lala beegsaday dadkii maatada
ahaa ee ku sugnaa xeradan ,kadib
markii ay soo weerareen ciidan
la sheegay in saldhigeedu yahay
rugta Warshadii hore ee caanaha.
Ehelada dadka la xasuuqay oo ay
ku jirtay hooyo dhashay labo
walaalo ah, oo lagu dilay
goobtaas laguna magacaabo Mama-Karaama
kana muuqatay argagax iyo murugo
weyn,ayaa ka codsatay shacabka
Muqdisho in loosoo gurmado.
Dhinace kale mar suaal la
weydiiyay sarkaalka heysta
ciidamada Maxkamada islaamka
Warshada caanaha ayaa ka
gaabsaday in uu jawaab cad ka
bixiyo tuhunka loo heysto
ciidamadiisa.
isku soo wada duuboo falkan lagu
xasuuqayo shacabka ayaa dhacaya
xili uu magaalada Muqdisho ku
sugan yahay Gudoomiyihii
Baarlamaanka iyo xubnihii awooda
ciidan kulahaa magaalada
Muqdisho.
Wixii
warar ah ee ku soo kordho dib
ayaan idin kala socod siin
doonaa hadii EEBE Idmo.
Madexweynaha
DFKG-ah Mudane C/laahi
Yuusuf oo dib oogu soo
laabtay Jowhar
Aug 11, 2005
Madaxwaynaha Dawlada Federaalka
KMG-ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi
Yuusuf ayaa duhurnimadii maanta
dib oogu soo laabtay xarunta Kmg-ah
ee dawalada magaalada Jowhar.
Socdaalka madexweynaha ayaa sida
la sheegayo waxaa ku weheliya
qaar ka tirsan Xogheyntiisa
gaarka-ah ,garoonka markii uu
soo caga dhiganayey waxaa ku soo
dhaweeyay xubno isugu jiro
wasiiro iyo xildhibaan ka tirsan
dawlada FKMG.
Madaxweynaha ayaa ka soo
kicitimay deegaanka Mustaxiil oo
ka tirsan qeybta ismaamulka
Soomaalida ee itoobiya ,isagoo
halkaasi u joogay in uu
wada-xaajood lagalo waxgaradka
deegaanka gobolka Hiiraan, waa
sida aan warka ku helnaye.
Safarka madexweynaha oo markii
hore la shaaciyay in uu ku
wajahan yahay deegaano ka tirsan
gobolka Bakool ayaan la aqoon
waxa keenay isbedelka deg-deg
ah.
Midowga
Yurub oo Lacag Dhan $50 Malyan oo Doolar
ugu Deeqay Dawlada DFKG-ah ee Soomaaliya
Aug 10, 2005
Dawlada
Federaalka KMG-ah ee Soomaaliyeed
fadhigeeduna yahay magaalada Jowhar ayaa
gudoontay Deeqdii ugu balaarnayd ee hal
mar Dawlada lasoo gaarsiiyo.
Deeqdan
Midowga Yurub ugu deeqday Dawlada
Federaalka ayaa lagu sheegay 50 Malyan
oo Doolarka Mareykanka ,waxaana loogu
tala galay in lagu fuliyo qorshayaasha
dawlada horyaala.
Hadaba
kulan looga hadlayo deeqdaas ayaa maanta
lagu qabtay xarunta KMG-ah ee Dawlada
magaalada Jowhar.
Deeqdan
midowga Yurub ayaa ku soo beegantay labo
maalin kadib markii Xildhibaan Borys oo
ka tirsan baarlamaanka Canada uu ku
canaantay in deeq bixiye-yaasha ka been
sheegeen balanqaadkoodii ku aadanaa
caawinta Dawlada iyo bulsho-weynta
Soomaaliyeed, Xildhibaanka oo Jawhar kla
kulmay madaxda DFKMG, kaddib markii
kusoo laabtay Nairobina warsaxaafadeed
ku qabtay.
Faafin:
SomaliTalk.com | Aug 10, 2005
Wasiirka
Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga
Mudane Jurile oo u kicitimay Magaalada
Muqdisho...
Aug 10,
2005
Wararka naga
soo gaaray caasimada KMG-ah ee Soomaaliya
magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Wafdi uu
hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo
Iskaashiga Caalamiga ah ee DFkG-ah Mudane C/risaaq
Jurile ayaa saaka u ambabaxay magaalada
Muqdisho isagoo ku sii jeeda garoonka
diyaaradaha ee Cisaleey oo ku yaal duleedka
magaalada Muqdisho , si uu halkaas uga soo
gudoomo deeq ay dawlada Talyaaniga soo
gaarsiin doonto Dawlada.
Deeqdan
ayaan la ogeyn waxa ay ka kooban tahay,
Mudane Juriile ayaa la shaaciyay in marka uu
soo gudoomo deeqdaas uu durbadiiba ku soo
laaban doono magaalada Jowhar.
Hadaba
waxaa meesha ka baxaya wararkii ay maanta
saxaafadaha Muqdisho faafiyeen ee ahaa in
deeqdaas uu soo gudoomi doono ,reysalwasaare
Prof-Geedi.
Xuseen
Yaasiin Gode-Gode
Markabkii
Mucaawinada Sidey oo Weli ay Maleesiyo Ku
Haystaan Aagga Xarardheere..

Markabka lagu afduubay Xarardheere | Sawirka:
WFP
Wararka
ka imanaya Soomaaliya ayaa tibaaxay in ilaa
maanta oo ay taariikhdu tahay August 9 aan la
siideyn markabkii ay dableydu ku haysteen aggaa
Xarardheere.
Markabkaas oo u
kiraysnaa hay'adda WFP waxa ilaa hadda afduub
ahaan loogu haystaa toban shaqaale ah iyo
shixnadii uu markabku sidey oo ah mucaawino loo
sidey dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey
masiibadii badgariirka ee ku dhaqan aagga
xeebaha Woqooyi Bari ee Soomaaliya.
Markabka waxaa
la filayey in uu shalay u dhaqaaqo dhanka dekeda
Ceel-Macaan, laakiin nin u hadlayey shirkada
markabka leh oo ku sugan Kenya waxa uu yiri
dadka markabka afduubtay waxay ka soo jawaabi
la'yihiin raadiyihii lagula xiriiray.
Markii hore
dadka afduubashaash aah waxay sheegteen in la
siiyo nus-malyuun doolar, markii dambena waxay
yiraahdeen waxaan qaadaneynaa 850 ton ee
mucawinada ah oo uu markabku sido, mucaawinadaas
oo ay dadkii ku tabaaloobey masiibadii Tsunami
ay ugu dalalka Japan iyo Germany.
Dhamaadkii
toddobaadkii hore ayey ahayd markii Hay’adda WFP
ay sheegtay in ay heshiis l agashay odayaal
Soomaaliyeed si loo siiyaayo markabkaas. Waxayna
hay'adu sheegtay in saddex beri lagu siideyn
doono markabka, mark aay hadalkaas sheegtayna uu
ahaa Jimcadii, taas oo sida lagasoo werinayo
shirkada leh markabka aan siideyntii weli
qabsoomin.
Waxaa markabkan
xeebta u dhow Xarardheere laga afduubay June 27.
July 13 ayey ahayd
markii hay'adda WFP ay 48 saacadod u qabatay in
markabka lagu sii daayo.. [Guji
Halkan..]
Faafin:
SomaliTalk.com | August 9, 2005