SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

 Kooxda kubada cagta ee Goodir oo ku Guulaysatay

Koobka Koobabka Kooxaha Heerka Kowaad ee Caasimada JSL Hargeysa

Shiine Cilmi Kaahin 
shiinenet@yahoo.com
Hargeisa ,Somaliland

Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay tartankii koobka koobabka kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, koobkan oo aay ku tartamayeen sided kooxood oo ka tirsan kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Hargeysa, waxaa ciyaartii kama danbaysta ahayd isagu yimid labada kooxood ee Goodir iyo Liibaan. 

Hadaba Ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ka bilaabantay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium saacada hargeysa markay ahayd 4:20 galabnimo, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayna ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan masuuliyiin ay ka tirsan yihiin wasiirka wasaarada ciyaaraha Mr. Maxamud Siciid Maxamed, Taliayaha Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Maxamed Cige. iyo gudoomiyaha xidhiidhka Kuabada cagta JSL Mr. Cabdirashiid Caydiid Yasiin, iyo Boqor Raabi Maxamuud iyo Hobolada caanka ah ee walaalaha Sweden iyo Xassan Waraabe Cade. 

Ciyaartan oo ahayd mid aad loo sugayey ayaa waxay ku bilaabantay werar iyo weerar celis ay isaga hor yimaadeen ciyaar yahanada labada koxood, balse ma suurto galin in gabi ahaanba qaybta hore ee ciyaarta aan wax goolal ah lakala dhalin.

Hadaba markii la isku soo noqday laabada koxood iyadoo koox waliba ay la timid farsamooyin cusub, isla markaana ay macalimiinta kooxuhu ay sameeyeen badalo kala gedisan, soona siiyeen ciyaar yahanada labada kooxood talooyin ayaa waxa aan suurto galin in kooxna ay wax goolal ah keensadaan sidaas darted gabi ahaan wakhtiga rasmiga ahee ciyartu waxay ku soo gabagabowday barbaro oo aan wax goolal ah la iska dhalin.

Wakhtiga oo yaraa darted iyo roobab soo hooray dartood ayaa waxaa loo dhigay labada koxoodba laadka xorta ah (rigoore) kooxwalbana waxa alaga soo diyaaray shan ciyaartoy oo kala ah:

Naadiga Goodir     Naadiga Liibaan
Dhego Cunay 0 1 Shanbidhiidho Dhaliyay
Samiir Dhaliyay 1 1 Xassan Dhaliyay
Guray Dhaliyay 1 0 Haashim Cunay
Shabeel Dhaliyay 1 1 Basuuke Dhaliyay
Ahmed Yasiin Dhaliyay 1 1 Abdillahi Dhaliyay
Libaan halaasi Dhaliyay 1 1 Xusseen Cunay
    5 5    
Libaan Case Dhaliyay 1 0 Shiine Cunay

 Sida shaxda ka muuqata ayaa look ala laagtay rigoorayaashii iyadoo oo guushu ku racday kooxda Booliska ee Goodir 6gool :5 gool sidaas ayaanay ku noqotay kooxda Goodir horyaalka Kooxaha heerka kowaad ee ka dhisan caasimada hargeysa.

Waxaa halkaas ku gudoonsiiyay abaal marintii koobka koobabaka kooxaha heerka kowaad ee Caasimada Wasirka wasaarada Ciyaaraha Somaliland Mr. Maxamuud Siciid Maxamed.

Waxaa kale oo halkaas lagu bixiyay abaal marino ay ka mid yihiin:

  • Ciyaar yahanka u wanaagsanaa tartanka oo la siiyay Cabdirisaaq Quule oo ciyaarayey kooxda Gashaan. (best Player)
  • Goolwadihii u wanaagsnaa Tartanka oo la siiyay Saleeban oo u ciyaara Kooxda Goodir. (Best Goolkeeper)
  • Gooldhalinta waxa la siiyay Xusseen Cilmi oo u ciyaara kooxda Liibaan.
  • Waxa kale oo halkaas lagu bixiyay shahaado sharaf xubanaha sida firfircoon uga qayb qaatay hawsha tartanka inta uu socday oo ay ka mid yihiin:

  • Omaar Referee
  • Cismaan Yussuf Referee
  • Cabdiqaadir Maxamed Referee
  • Deeq Abdillaahi Saban Referee
  • Maxamed Nuur Jibriil Fourth Referee
  • Tartan Orodka ah oo lagu qabtay Hargeysa oo ay soo qaban-qabiyeen Jaaliyada Reer Somaliland ee dalka Norway

    Tageerayaasha iyo Ciyaar yahanada kooxda Goodir ee ciidanka booliska ayaa habeenkii oo dhan damaashaad ka sameenayay caasimada Hargeysa, koobkan oo ah mudaba kii labaad ee ay hantidu kooxda booliska ee Gaadir.

    Tartan orod oo aad u xiisa badan oo ay soo qaban qaabisay jaliyada Somaliland ee Norway ka dhacay Magaalada Hargeysa manta Tartankan oo ahaa mid si heer sare ah loo so agaasimay ayaa waxa goobjoog ka ahaa goobta laga bilaabay orodka Gudoomiyaha Jaaliyada Reer Somaliland ee Norway Mr. Siciid, iyo Xassan waraabe Cade oo ka tirsanaa Jaaliyada reer Somaliland ee Norway

    Tartankan oo ahaa 5000 M ayaa waxaa ka soo qayb galay orod yahano badan oo reer Somaliland ah orodkan oo lagu soo beegay Munaasibada dhamaadka Tartanka Koobabka ee Kooxaha heerka Kowaada ee Caasimada Hargeysa, waxaa tartanka laga soo bilaabay Guriga Madaxweyne K/xigeenka JSL waxana lagu dhameenayey Garoonka Kubada Cagta ee hargeysa Stadium, waxaa hawsha isku diba ridka ee tartanka lahaa Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee JSL (SLAF), waxaana qayb libaaxle kala qayb qaatay Ciidanka nabadgalyada Wadooyinka.

    Hadaba 4:30 Galabnimo ee saacada Hargeysa ayaa wadadaas laga soo daayay in ka bdan 45 orodyahan oo loogu dhawaqay bilowga orodka.

    Tartankan oo si qurux badan ku bilaabmay ayaa waxa dhinacyada hareeraha wadooyinka soo buux dhaafiyay dadwayne fara bdan oo u sacabo tumayey ordyahanada tartanka ordayey.

    Orodka ayaa waxaa loogu kala guulaystay sidan soo socota:

     

    Kaalinta Orodka Magaca Ordyahanka Cida uu matalo Natiija
    Kaalinta 1aad Mustafe Cabdi xaddi Nuradiin School 16:24.21
    Kaalinta 2aad Siciid Mire Sh. Yoonis AFGAL 16:59.35
    Kaalinta 3aad Maxamed Mowliid Haybe FAA Co 17:38.18
    Kaalinta 4 aad C/qaadir Abiib Hussein AFGAL 18:05.27
    Kaalinta 5aad Nimcaan Daahir Aden Dadwaynaha 19:11:54

    Shiine Cilmi Kaahin 
    shiinenet@yahoo.com
    Hargeisa ,Somaliland

     Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2005

    MAQAALADA MAANTA:::
    »Geeri aan Lagu Cibro Qaadaneynin Cabsiba Ha Joogtee | Dayax
    »JAHO XUMIDA XISBIGA UDUB JAANGOYNTA XISBIYADA | Diridhaba
    »Jawaab : Somaliland ictiraaf ka fog??? | M.A.Ismacil
    »Cudurka Qabiilka Oo Aan Daawada Lahayn Iyo Dadka dhaliya | Bashi
    »Ku-meel-gaar:: Maqaaalkii C/Waaxid Khaliif
    »Bani`aadamka: Qaabiil iyo Haabiil is-qoonsi-goodii | Bile 
    »GABAY: Horta soo deg laba Deel midbaa diirku ka caddaane | Dhuuraq
    »Madaxwayne balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah | Saida
    »Ciidanka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii Rwanda | Janale
    »WasiiradaHubeeysan ee Muqdisho Awood Gaar ah la siiyo | X.Carab
    »Maqaal Ku Saabsan Isboortiga (Ciyaaraha) | Muuse Abees
    »MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com

    BAARID | SEARCH

     



    HTML CD