SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Madaxweynaha DFKG-ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo ku sii jeeda Dalka Sacudiga
  • Aug 19, 2005

Wararka laga helayo caasimada KMG-ah ee Soomaaliya Magaalada Jowhar ayaa laga soo sheegayaa in maanta Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u boqooli doono Caasimada Riyad ee Dalka Sacuudiga ka dib markii uu casumaad ka helay Boqorka la wareegay dhaxaltooyada Sacuudiga Boqor Cabdala oo ku casumay in uu ka soo qeybgalo shir looga hadlayo cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dawladood ee walaalaha ah.

Madaxweynaha oo oo gaarey Kenya, kuna hakan doono inta uu joogo Neyroobi ayaa laga soo xigtay in uu la kulmi doono qaar ka mid ah beesha caalamka ee ku sugan Dalka Kenya,si uu warbixin u siiyo hawlaha dawlada la soo gudboonaaday guuritaankeedii caasimada KMG-ah ee Jowhar.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku wehliya qaar ka tirsan Wasiirada Dawlada Federaalka KMG-ah ee Soomaaliya, wararka qaar ayaa sheegaya in marka uu soo booqdo Sacuudiga ,uu uga sii gudbi doono Wadanka Masar,si uu halkaas ooga qeybgalo shir lagu qaban doono, magaalada xeebta ku taal ee Sharma-Sheikh,iyadoo Masar laga soo sheegayo in uu horay oogu sugnaa Wasiirka Iskaashiga Gobolada Mudane Ismaaciil Hure Buubaa.

Afhayeenka Dawlada KMG-ah ee Soomaaliya C/raxmaan Diinaari oo magaalada Jowhar ugu waramayey saxaafada ayaa shaaciyay in Madaxweynaha laga yaabo in uu gaaro Dalka Mareykanka, hadaba waa markii oogu horeysay ee laga dhawaajiyo in Madaxweynuhu u socdaali doono mustaqbalka dhaw Dalka Mareykanka.

Dhinaca kale waxaa horey oogu sugnaa Magaalada Neyroobi, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Reysalwasaare Geedi, maantana waxaa ku biiray Madaxweynihii Somaaliya C/laahi Yuusuf.

Ilo muhiim ah ayaan ka soo xigtay in Madaxweynaha uu yiri waan la kulmayaa Gudoomiyaha,hadii ay keligiis taladu ka go'do.

Wararka kale oo ka imanaya Nairobi ayaa sheegay in galabta uu qabsoomi waayey kulan labo geesood ah oo lagu waday in uu dhex-maro ,Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif iyo Reysalwasaare Geedi.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2005

Shirka Caux oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi oo ka hadlay kulanka ayaa Guji

Maxaad kala socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa? ...Guji... Aug 19


Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD