SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fahad sidani ma ka aqoon baa??

Marka hore waan idin salaamayaa dhamaan qorayaasha iyo soo saarayaasha bogga somalitalk sida runta ahana boggan wuxuu ka mid yahay bogagga ugu qoraal wanaagsan bogagga afka soomaaliga ku soo baxa, ragga wax ku qorana inkastoo aqoon durugsan oo suxufinimo aysan jiran hadana waxay wax u qoraan si edabi ku jirto sida runta ahna saxaafaddu waa midii dadka ku dhiiri gelin lahayd inay midoobaan ama ka baxaan khilaafka waayo ama diin ha noqoto ama mabda'a ma jiro nidaam dhiirigelinaya khilaafka.

Sidaas darteed waxaa wanaagsan inaad dadka ku dhiiri geliso inay nabadda iyo midnimada ka shaqeeyaan, hadaba waxaan dhowr goor boggan ka akhristay labo nin oo aan filayo inay jecel yihiin inay ku soo can baxaan mucaaradnimo inay markasta qoraan wax aad isleedahay maxay ka faa'iidayaan in dadka laga horkeeno nidaamkii ay iyagu gacantooda ku doorteen markan sidaas leeyahay ma jiro nidaam ay dadku toos u doorteen ee nidaam ay doorteen kuwii iyaga matalayay hadaad i leedahay kuwa na matalayay xoog bay nagu horjoogaan maxaad amarkooda u qaadataa taasoo aan ula jeedo haday ku yiraahdaan hebel baa xun waad ka maqashaa, amase maxaad u dhihi wayday hebel nama matalo.

Waxba yuusan hadalku ila tagine, waxaan ula jeedaa labadaas nin waa c/waaxid iyo fahad yaasiin, waxaad mooda inay si gaar ah ay colaad ula daba joogaan madaxweynaha la doortay ee soomaaliya mudane c/laahi yuusuf axmed, waxaa doortay 189 mudane baarlamaankuna wuxuu ahaa 275-189=86 waxaana xumaaday codadkii la tirinayay 2 cod hadaba waxa diiday madaxweyne yuusuf waa 84 mudane hadaba waa laba laab wax ka badan inta dooratay c/laahi yuusuf, maxaa hadda loo mucaaradayaa, islaantii ka shakiday boohinta gabadheeda waxay tiri boohinta orgiga ka weyn ma itoobiya ayuu saaxiib la yahay baa maya aniga aragtidayda, horaa la isugu ogaa cidna daah kama saarneyn inuu c/laahi yuusuf itoobiya  xiriir la leeyahay madaxna ka yahay isbahaysiga ssrc.

Cabdi madoobihii reer waqooyi waxaa laga hayaa ma anigaa suudaanta keenay,yaa idin qasbay? yaa idin yiri doorta?? ma itoobiya mise laaluush bay qaateen mudanayaasha???? ay waxtarka ka sugayaa saaxiibadeen c/waaxid iyo fahad.

Waxaan todobaadkan akhriyay maqaal uu fahad qoray oo leeyahay siyaad barre baan la kulmay ma aakhiruu kula kulmay mise aduunka qofka muslinkana waa ka xaaraan beenta waliba inuu ku sii sheekeeyo waa ka sii xag jirtaa, midda kale wuxuu yiri waa loo darsaday  siyaad barre taasna waa ka sii daran tahay beenta xitaa waa dambi weyn xagga ilaahay, xitaa weli wuxuu fahad xayaysiis u sameenayaa hadaladii laqwiga ahaa oo ku hadli jiray maxamed siyaad barre oo ahaa magacii uu u yaqaanay wadaadada.

Waxaan kusuustaa anigoo  yar ayaan waxaan meel derbi xaafadeed ah oo kuyaalay xamar xaafadii hodan  nala soo fariisan jiray fanaankii  faysal cumar mushteeg, isagoo halkaas kaban noogu garaaci jiray waana waagii wadaadada la laayay, wuxuu nagu yiri yaa saxsan siyaad barre iyo wadaadada waxaa hal mar la soo boodnay wadaadada (waayo  in madaxweynaha laga horyimaado waxaan u haysanay dembi) wuxuu nagu yiri waad qaldan tihiin, waxaan niri waayo? wuxuu yiri wuxuu qur'aanka yiraahdo iyo wixii shaydaanka yiraahdo keebaa saxsan, waxaanu niri qu'aanka waa sidaas ayuu yiri wadaadaduna waa qu'aankii siyaadna waa shaydaanimo wuxuu wado, waliba markuu sidaas na leeyahay wuu sakhraansanaa. Fahad oon faliyo inuusan qamriga cabin muxuu u garan la'yahay inaan loo darsanine waxaanba aabahood waa siyaad barre alaha uga meel bixiyee dambiguu soomaali weyn ka galay.

Cumar binu khadhaab ayaa isagoo madiino jooga waxaa loo keenay meel badan oo gaaladii laga soo furtay intuu la yaabay fara badnaantooda ayuu yiri keenay meelkan waa aaminiin, cali binb abii dhaalib oo ag fadhiyay ayaa yiri waxba hala yaabin waayo adigaa toosnaaday, iyaguna way toosnaadeen hadaad maalka islaamka daaqi lahayd iyaguna way daaqi lahaayeen oo aaminiin ma noqdeen waa run sheegay cali binu abii dhaalib isga iyo cumarba alaha ka raali noqdee hadaba nimanka aan la yaabanahay ee wadankii ka degi la,yahay aabahood waa siyaad barre, ninkii taas diidane  ilaahay ha garan siiyo boqol tusaalena waan raacin karaa inkastoo waqtigu uusan maqaalkan ii saamaxeyn inaan tusaalooyin keeno. 

Hadaba fahad ilaahay ha u toobad keeno wuxuu qorayana haka fiirsado naceybkuna yuusan la fogaanin waa bilaahi tawfiiq, inaan wax saxana way iga ahayd wixii iga xumaado shaydaanka ayaan u nasbaynaa wixii aan hagaajiyayna ilaahay baan uga mahadinayaa

abdirizak ali hassan hassan
xildiid2000@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaan leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2005


MAQAALADA MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD