QAYBTII LABAAD:
MADAXWEYNE RIYAALE MA DAN AYUU MOODAY
MUQUUNINTA SHACABKA SOMALILAND
MOHAMED ABDI
HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA,
SOMALILAND
diridhaba2001@hotmail.com
Qaybtii Koowaad....
Tan iyo
markii uu xukunka la wareegay Madaxweynaha
Somaliland Mr. Daahir Riyaale Kaahin waxaa
hoos u dhacii ugu danbeeyey gaadhay
hanaankii hawlaha guud ee qaranka
Somaliland, dabcan marka hawlo guud laga
hadlaayo waxaa markiiba maskaxdaada ku soo
dhacaaya Hawlaha ugu muhiimsan ee bulsho
kasta oo adduunka ku dhaqan qarankeed u
qabato, ha ugu horayso Caafimaadka,
Waxbarashada, xuquuqul insaanka, xuquuqda
hadalka ee muwaadin kasta, "Freedom of
Expression", isku soo dhawaynta beelaha iyo
mujtmacayada alla isbaday, daryeelka
muwaadinka iyo dhulkaba, balse taasi oo
dhami waa qaar markaad eegto nidaamka uu
hogaanka u hayo daahir Riyaale Meesha ka
baxay.
Akhristaha
qiimaha mudanlow qormooyinkaygani oo taxano
noqon doona waxaan jecelahay inaan
todobaadkani ku bildhaamiyo hawlaha guud ee
Daahir Riyaale iyo maamulkiisu dayaceen.
HAWLAHA
CAAFIMAADKA
Caafimaadku
waa shayga ugu horeeya ee qaran astaantii
lagu suurayn karo, waa hawsha ugu horaysa ee
looga baahanyahay in xukuumad kasta oo
dunida daafaheed ka talisa muhiimadda ugu
horaysa ka dhigto, waa daryeelka uu qaran
mujtmacii ku horumariyo, balse markaynu u
nimaadno Somaliland waxaasi oo dhami waxay u
muuqdaan qaar aan xisaabtaba lagu darsan,
akhristaha qiimaha mudanlow iska daa
gobolada iyo degmooyinka dalka eh,
caasimadda Somaliland oo ah halka hawl
maalmeedka ugu weyn ee qaranku ka bildhaamo
ayaad ka dheehan karta dayacaadaha iyo
foolxumada weyn ee ka muuqda hawlahii
caafimaadka Somaliland, ma jirto wax
tirikoob ah oo Xukuumadda Daahir Riyaale ku
samaysay dhakhaatiirta takhasuska ah ee
dalka gudahiisa jooga (professional
doctors), ma jiraan tallooyin caafimaad iyo
barnaamijyo wacyi gelineed oo dalka laga
hirgeliyey, Hospitalka ugu weyn caasimadda
Somaliland oo aan sidaasi uga durugsanayn
halka uu degenyahay Daahir Riyaale Kaahin,
waa mid gorayadu ka haaday.
Bukaan
jiifka loo dhigo hospitalka Hargeysa in ay
daryeel caafimaad kala kulmaan waxaa ugu
horaysa ee laga dalbada waa lacag adag oo ay
damaanad u dhigaan, Miisaaniyadda Qaranka
Somaliland ee la sheegay in %40 loo
qorsheeyey madaxtooyada Somaliland kuma
jirto qorshe caafimaad ama dawooyin ay
xukuumaddu ugu tallo geshay inay dadka usoo
iibiso, Haayadaha Qaramada Midoobay oo qaar
ka tirsani ay wadanka keenan oxoga
xidhmooyin dawooyin ah waxaa la geeya suuqo
madow badanaana waxay ku dhacaan jeeb nin
weyn.
Mid ka mid
ah dhakhaatiirta takhasuska ah ee nasiibka u
hellay inay dalka dibadiisa wax ku bartaan
oo aan la xidhiidhay ayaa wuxuu ii sheegay
markii uu dalka dib ugu soo laabtay oo uu
damacsana inuu rumeeyo daacadnimo
maskaxdiisa in badan ku wareegi jirtay oo
ahayd inuu dadkiisa si tabaruc ah wax ugu
qabto, Dhakhtarkaasi oo aan jeclaysan in
magaciisa la shaaciyo
ayaa ii
sheegay in uu markii uu dalka yimid shaqo
tabaruc ah ka dalbaday hospitalka weyn ee
magaalada Hargeysa, wuxuu ii sheegay in
muddo markii uu ka shaqaynaayey hospitalka
uu kala kulmay karaahiyo iyo necayb badan
dhakhaatiir badan oo uu la wadaagi jiray
hawl maalmeedka hospitalka, waxyaabahii uu
ii sheegay inay ku kala boodeen waxaa ka mid
ahaa in ay ku wargeliyeen dhakhtarkasi
inaanu qalliin ku samaynin qof aan laga
qaadin lacag u dhiganta 700$ (todoba boqol
oo dollarka maraykanka ah), ka dib markii
muran badan dhex gellay dhakhtarka iyo
dhakhaatiirtii kale ee hawlaha la waday ayaa
waxaa maalin maalmaha ka mid ah looga
yeedhay wasaaradda caafimaadka iyo shaqada
ee Somaliland, wuxuu ii sheegay dhakhtarku
in uu warqad ka hellay agaasimaha guud ee
wasaaradda, warqadaasi oo qeexaysay inuu
Dhakhtarku si deg deg ah xafiiska Agaasimaha
Guud u yimaado, balse markii uu dhakhtarku
tegay xafiiska Agaasimaha wuxuu ii sheegay
inuu markii uu gellay xafiiskiisa uu arkay
raggii (dhakhatiirtii kale) ee ay ku kala
boodeen musuq maasuqa oo xafiiska kagaba sii
horeeyey, markii uu hore u gallay xafiiska
Agaasimaha, wuxuu la kulmay documents uu ku
saxeexanyahay Wasiirku xigeenka iyo
agaasimaha laftigiisa oo qeexaya in aan
bukaan jiifka hospitalka Hargeisa imanaya
aan qalliin lagu samayn Karin ilaa lacag u
dhiganta 700$ dollar laga qaaado, ka dib
markii aan dhamaystay akhriska documentska
ayaa uu agaasimaha guud igu bilaabay hadallo
ay ka muuqato cadho.
Ninkaa
dhakhtarka ahi wuxuu ii sheegay inuu halkaa
kaga hadhay hawlahii uu ka waday hospitalka
magaalada Hargeysa markii uu u dul qaadan
kari waayey musuq maasuqa iyo dhiig
miirasashada lagu hayo muwaadiniinta
masaakiinta ah ee bukaan jiifka ah.
Waxaana kuu
caddaanaysa in heerka musuq maasuq uu
gaadhsiisanyahay ilaa madaxda sare oo laba
odhan karo waa silsilad taxan oo aan la
garayn halka ay ku dhaman karto.
Bulshada
Somaliland waxaa kaga darran in
dhakhaatiirtii takhasuska ahaa uu mid weliba
samaystay goobo caafimaad oo gaar ah, haddii
aad magaalada Hargeysa joogto ama degentahay
waxaad arkaysa xaafad weliba hospital si
gaar ah loo leeyahay oo ka furan, dhakhtar
weliba wuxuu daweeya oo keliya dadka inta
iska bixin karta, balse waxaa meesha ka
baxay adeegii caafimaad ee dadka masaakiinta
ah, taa waxaa ka sii darran shakhsiyaadka
sheeganaya dhakhaatiirta takhasuska ah oo
mid weliba furanaayo goobo caafimaad
(pharmacies), halkaasi oo uu ku bixinaayo
talooyin caafimaad oo u badan qaar uu
maskaxdiisa ka samaystay, ma jirto wax
khibrad iyo hawl caafimaad oo uu hore usoo
maray, waxaanay dhibanayaal badan ku
keliftay inay ku sumoobaan dawooyin aan
haboonayn oo dadkaa dhakhaatiirta sheeganaya
u qoreen (prescribed illegal medications).
Qormadaydani waxay Mahad balaadhan usoo
jeedinaysa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Ahna Mulkiilaha Hospitalka Adna
Hospital " marwo Adna Aadan Dhakhtar" oo
runtii nafteeda iyo maalkeeda u hurtay inay
hooyoyinka Somaliland u samayso hospital
gaar ah oo aan wax kharashaad badan ah laga
qaadin, waxaan kale oo u mahad celinaya
qurbe jooga Somaliland oo badanaaba inta
karaankooga ah isku daya inay gacan ka
gaystaan hawlaha gargaarka caafimaad ee
Somaliland, waxaan dhiiri gelin iyo tallo
balaadhan usoo jeedinaya ganacsatada
Somaliland in aanay shilinkooga ka dhigin oo
qudhaata bariis iyo baasto iyo sonkor
waddanka la keeno eh ay ka qayb qaatan
horumarka dalkooga ee qaybaha bulshada
ilaahayna ka doonaan ajar iyo axsanaad
buuxda.
ADEEGYADA WAXBARASHADA SOMALILAND
Waxbarashadu waa horumarka bulsho kasta oo
dunida ku dhaqan, waxaana hubaal ah in ay
waxbarashadu tahay midda horumarka dhaqaale
ee dunidu isku dhaafeen maanta u ah calaamad
lagu aqoonsado (education Is the basic
development character of any nation in this
universe)
Waxbarashadu waa haybadda sharafeed ee
bulsho kasta oo koonkani ku dhaqan, waana
furaha wax kasta oo bulsho ku dhaqani meel
lagu furo, Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W)
ayaa ilaahay subxanahu watacalaaye suuradii
ugu horaysay ee uu ku soo dejiyey ahayd IQRA
oo macnaheedu yahay akhri, oo nebiga lagu
amraayey inuu waxyiga u dhaqaaqo.
Waxbarashadu waa hanaanka lagu hago nidaam
kasta oo mujtmac doonayaan inay kor u qaadid
ku sameeyaan, hadday noqoto hawlaha
dhaqaalaha, caafimaadka, iyo ilbaxnimada.
"Economic, Health and civilization of any
population in this world"
Dawlad
kasta oo shicib doortaan waxaa lagu qiimeeya
miisaanka waxbarasho ee ay dalka ku soo
kordhisay iyo baaxadda horumarineed ee
waxbarashadu leedahay, daryeelka ay ku
samayso macalimiinta iyo ardayda wax ka
barta goobaha waxbarasho ee kala darajo
sareeya sida kuwa dugsiyada hoose, dhexe,
sare, heerarka jaamacadeed, kuuliyadaha
madaxa banaan, Daraasadaha lagu sameeyo
cilmi baadhisyada kala duwan (Education
Research Centers), waxaa kale oo looga
baahanyahay inay samayso nidaam waxbarasho
oo u gaar ah "special education schedule or
syllapus" waxaa Dawladda Waajibaadkeeda
koobaad yahay inay daryeel baaxadleh ku
samayso goobaha waxbarasho sida iskuulada,
kuuliyadaha, Jaamacadaha, waxaa kale oo
muhiimadda ugu weyni tahay inay Dawladdu
mudnaanta ugu horaysa saarto daryeelka
macaliiminta kala duwan ee wax ka dhigaaya
goobaha waxbarasho, ha noqoto in uu
macalinku helo mushahar ku filan isaga iyo
qoyskiisa, guri iyo biyaha iyo laydhka ugu
yaraan oo bilaash looga dhigo, iyo taakuulo
gaar ah oo la siiyo, si looga ilaaliyo in
goobaha waxbarasho ay noqdaan meelo uu musuq
maasuqu gaadho.
Somaliland
markaad u timaado waxaasi oo dhami waa hal
bacaad lagu lisay, Xukuumadda Daahir Riyaale
markii ay xukunka la wareegtay talaabadii
ugu horaysay ee ay ku dhaqaaqday waxay ahayd
inay wasaaradda waxbarashada u magacawday
shakhsi aan u qalmin, masuul ahaan, hadday
noqoto heerkiisa waxbarasho ee uu ku kala
saari karo ugu yaraan maxay kala yahiin
waxbarashada heerka sare ee madaniga ah iyo
ta aan madaniga ahayn (Acedemical higher
education and non academic education), siduu
qofka sidaasi ahi u garan karaa xuquuqda uu
yeelan karo macalin iyo ardaygiis, Sidee uu
u saxi kara khaladaadka iyo tusmooyinka
qaloocan ee horyimaadda hanaanka waxbarasho
ee Somaliland.
Ma jirto
wax qorshe ah oo Miisaaniyadda la sheegay in
dhawaan Baarlamaanku ansixiyeen lagu darray
mushahar ku fillan macaliinta Somaliland oo
ah halbawlaha ugu muhiimsan astaanta Qaranka
Somaliland, Macalamiintu waa kuwii usoo
banbaxay sannadkii 1991 inay dalkooga iyo
caruurtooda si tabaruc ah ugu adeegaan, waa
kuwii ka soo bilaabay inay wax ku dhigaan
sabuurad laga sameeyey dhagax tooshyo iyo
tamaashiir kooban oo haayadda Unicef bixin
jirtay, Daahir Riyaale iyo ragga ku xeerani
xaggay joogeen wakhtigaasi, sidayse caqliga
u geli kartaa in miisaaniyadda la sheegay
40% loo qoondeeyey Madaxtooyada uu Daahir
Riyaale ka taliyo.
Ma jirto
wax qorshe ah oo lagu darray miisaaniyadda
dayac tirka iskuulada Somaliland iyo weliba
kordhinta adeega waxbarashada Somaliland, ma
jirto barnaamijyo ay dawladdu ugu tallo
geshay kordhinta aqooneed ee Reer guuraaga
Somaliland.
Ugu yaraan
waxaa ka jira dalka laba jaamacadood oo
waaweyn Amoud University iyo Hargeisa
University oo ku kala yaalla labada magaalo
ee Hargeisa iyo Boorama, ma jirto wax
taakulo ah oo dawladdu ka gaysato adeegyada
kuuliyadaha ay jaamacadahaasi ka
koobanyahiin, waxaana jira dhaliilo loo
soojeedin karo maamulada labada Jaamacadood
oo kharash badan ka qaada bishii ardayda wax
ka barata, waxaa jirta arday leh karti iyo
aqoon balse aan lahayn awood dhaqaale oo ay
ku tahlaan waxbarashada jaamacadahaasi ee
qaaliga ah, ma jirto awood dawladeed oo
culays lagu saari karo jaamacadahaasi oo ay
iskugu tageen macalimiintii kuwii dalka ugu
aqoonta fiicna, uguna tayada wanaagsana.
Ma jirto
wax dhiiri gelin ah oo masuuliyiinta Daahir
Riyaale u magacaabay Wasaaradda Waxbarashadu
ku dhiiri geliyeen waxbarashada sida gaarka
ah loo leeyahay (the private education) oo
ah isha qudhaata "the only single source" ee
da’yarta Somaliland aqoon ahaan hayaan.
Warbixintaydani Waxay Amaan iyo dhiirigelin
iyo Mahad usoo jeedinaysa dhamaan
waxbarashada sida gaarka ah loo leeyahay "
The private education services" kuwaasi oo
dalka u horseeday horumar waxbarasho oo wax
ku ool ah, waxaan idinku baraarujinaya inaad
kor u qaad ku samaysaan hawlahiina
waxbarasho, waxaanad Mudanayaal/Marwooyin
ogaataan inaanay jirin wax idiin maqan oo
aad xagga dawladda ka sugtaan " Cidina
idinma maqna ceelna idiinma qodna"
Warbixintaydani waxay dhaleecayn weyn usoo
jeedinaysa Xukuumadda Daahir Riyaale oo
dhawaan si arxan darro ah ula tacaamishay
ardayda dugsiyada magaalada Hargeysa wax ka
barta oo loo taxaabay xabsiga, Dastuurka uu
qaranku ku ansixiyeen 97% kuma taalo qodob
dhigaya xadhiga sharci darrada ah ee lagula
kacay da’yarta Somaliland.
HEERKA
XUQUUQUL INSAANKA SOMALILAND
Waxaan
filaya in Marwo Raaqiya Cabdilaahi Oomar oo
madax u ah ururka African Watch, ay inbadan
ku xaradhay wergeysyada ka soo baxa
magaalada Hargeysa heerka xuquuqul insaanka
Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiisanyahay,
balse anigu waxaan jecelahay inaan ka hadlo
aqoon la’aanta baahday ee haysata booliiska
iyo ciidamada militeryga Somaliland, taasi
oo Maamulka Daahir Riyaale dayacaad weyn ku
sameeyey ciidamada amaanka Somaliland oo
laga dhigay qaar dadka dadqalato ku ah
(horror commitments), waxaa ku yaalla
Somaliland hal iskuul oo lagu tababaro
Ciidamada Amaanka ee Somaliland, sida
warbixin ka soo baxday taliska guud ee
ciidanka Qaranka Somaliland tibaaxday
sannadkii 1999-kii.
Waxaa
sannad kasta dhamaysta kuuliyadda tababarka
ciidamada ee Madheera tiro ciidamo ah oo
dhan 500 oo askari, balse waxaa ayaan
darrada ugu weyni tahay in aan ciidamada la
barin sidii loola tacaamili lahaa bulshada
ay amaankeeda sugayaan, waxaa loo dhiiba
qori iyo budh iyada oo lagu tababaro sidii
uu u garaaci lahaa ama uu rasaas ugu furi
lahaa shacabka Somaliland hadiiba ay isku
dayaan inay xorriyadooda muujiyaan "Freedom
of expression". Iyada oo sida kalaba ay
ciidamadu u bilaa daryeel yahiin ayaad
hadana ka dheehan karta aqoon darrida weyn
ee ka muuqata ragga madaxda u ah.
Ma jiraan
wax kala sarayn xagga darajada ah oo loo
sameeyey ciidamada Somaliland, ha noqdaan
kuwa amaanka (police Forces) iyo kuwa
qalabka sida (the para military forces).
Tusaale
ahaan maalintii 18 May 2004, Waxaa
kheyriyada magaalada Hargeysa damcay inay
xorriyadda iyo xaqqa ay u leeyahiin inay
mudaharadaan inay muujiyaan da’yar u badan
arday wax ka barata dugsiyada dalka
Somaliland, Waxaa loo dalbaday ciidamada
kuwa ku jira xeryaha magaalada Hargeysa
halkaasi oo lagu xidh xidhay 500 oo
dhalinyaro ah oo iskugu jira Wiilal iyo
Gabdho, dhacdadii ugu foosha xumayd waxay
dhacday markii laba hablood oo uur lahaa (
two innocent pregnant women) ay ciidamada
amaanku ku garaaceen budh iyo laag iyaga oo
kala dhacaayey adhaxda iyo caloosha, taasi
waxay sabab u noqotay in labada gabdhood-ba
uu ilmahii ay sideen ka soo dhacaan, ayna
halkaasi ku dhiig baxeen, balse ciidamada
amaanku waxay u qaadeen saldhiga dhexe ee
magaalada Hargeysa inyar ka dib ayey keenen
hospitalka weyn ee Hargeysa si loogu daweeyo,
dad halkaa goob joog ka ahaa ayaa xaqiijiyey
inay arkayeen labada gabdhood oo koomo ku
jira (seriously in comma condition) ayaa
kaga darane sariirahii ay jiifeen katiinad
loogu xidhay, laba dumar ah oo ka tirsan
ciidamada amaankuna dul taagnaayeen.
Eexashada (nepotalism)
ayaa ah Somaliland wax iska caadi ah,waxaa
tusaale ugu filan waxaynu ka soo qaadan
karna, Wiil yar oo degen Xaafadda Maxamed
Mooge (Kililka shanaad) ee magaalada
Hargeysa, ayaa waxaa qudha ka jaray
sannadkii 2003 wiil uu dhallay nin Suldaan
ka ah degaanka magaalada Berbera, Wiilka
dhibanaha ah ee la dillay oo ka dhashay qoys
daciif ah ayaa waxaa ku booqday hoyga ay
degenyahiin Raaqiya Cabdilaahi Oomar oo ka
tirsan ururka African Watch, Raaqiya waxay
la kulantay Aabahii iyo Hooyadii wiilka yar
ee la dilay waxayna u sheegen ka dib markii
ay damceen inay la xidhiidhaan maxkamadda
gobolka Hargeysa, in loo sheegay in aanay
maxkamaddu awood u lahayn inay dhegaysato
kiiskooga, ka dib ayey hooyada iyo aabaha
wiilka la dilay isku dayeen inay saldhigyada
booliiska kiiskooga u gudbiyaan, balse waxaa
loo sheegay in wiilkii wax dillay loo
kaxeeyey magaalada Berbera, uuna dhallay nin
Suldaan ahi awoodna aanay u lahayn ciidamada
amaanku inay wiilkaasi iyo qoyskuu ka
dhashayba la hor keeno cadaaladda.
Waxyabaha
ugu foosha xun ee lala yaabo waxay tahay, in
masuulka loo magacaabo Wasiir ama goob
dawladeed isla marka loo magacaababa uu
bedel ku samaynayo dhamaan shaqaalahii
goobtaasi ka shaqaynaayey, uuna keenaayo
shaqaale cusub oo horleh, oo isaga la beel
ah ama ay qabiil ahaan isku jaan yahiin.
Qodobka
kale ee aan jecelahay in ay akhristayaasha
qiimaha leh ila dheegtaan waxay tahay
warbixin layaableh oo aan ka soo diyaariyey
Jeelka dhexe ee magaalada Hargeya:
Waa Sidee
Xaaladda Jeelka Magaalada Hargeysa
Jeelka
magaalada Hargeysa oo ah xarunta Somaliland,
waa meel lagu qeexi karo Cadaabtii ifka ,
Jeelku wuxuu ka koobanyahay Lix Hool oo
waaweyn iyo dhawr makhsin oo yar yar, Jeelka
magaalada Hargeysa wuxuu leeyahay seddex
albaab oo waaweyn oo la iskaga gudbo,
kadinka ugu danbeeya ayaa waxaa ku yaalla
dhamaan hoolalka waaweyn iyo makhsinadaasi,
lixda hool waxaa loogu kala yeedha "one-ka,
two-ga, three-ga, four-ka five-ka iyo
six-ka", kuwaasi oo maxaabiistu aad arkayso
iyaga oo badana magac ahaan afka ku haya,
Jeelka taariikh ahaan waxaa dhisay
Maxmiyaddii Ingiriiska wakhtigii uu joogay
dhulka Somaliland, muddo ku dhaw 20 sanadood
na wax dayac tir ah oo lagu sameeyey gudaha
jeelku ma jirto, markaynu ku soo noqono
nolosha jeelka Magaalada Hargeysa waxaa
maxaabiista loogu kala xidha sida tani
Hoolka
1aad: waxaa gala dadka dawladda ka tirsan ee
la xidho ama salaadiinta waa hool weyn
dhulku wax sibidh ah malaha "without floor"
waa camuud saafi ah, gudaha hoolka waxaa ku
yaalla hal suuli ama baltalmay (one toilet)
oo qudhaata oo ay wadaagan in ka badan 100
maxbuus, injirta iyo tukhaanka dhex
sabaynaaya (the danger insects) makhsinka
ayaa ah mid iska caadi ah, inkastoo
makhsinka koobaad uu ka yar daryeel
fiicanyahay kuwa kale, makhsinku wuxuu
leeyahay tiro daaqado ah (windows) oo aan ku
qiyaasay 20-neeyo daaqadood, wakhtiyada
qaboobaha bisha January ilaa april oo
Hargeysa ay ka dhacaan qaboob farabadan ayaa
ay maxabiistu kala kulmaan cuduro aad u tiro
badan, waxaana ku bata cayayaanka dhex
sabaynaaya makhsinayada, ma jirto wax
nadaafad ah oo lagu sameeyo hoolalkaasi.
HOOLALKA 2
ilaa 6aad: waxaa gela dadka iska caadiga ah
oo ah shicibka lagu soo eedeeyo kiisaska
kala duwan, dhulku waa sibidh jajaban,
"rough floor " sida makhsinka koobaad ayuu
leeyahay hal suuli ama baltalmay (one
toilet) cayayaanka dhulka hoostiisa ka soo
baxa waa wax iska caadi ah, maxaabiista
ayaad arkaysa iyaga oo jidhkoogu wada nabar
noqday cudurada dubka sare ee jidhka ku
dhacaana saameeyen (skin infections), afar
iyo labaatanka saacadood ee habeenkii iyo
maalintii waxaa loo ogol yahay maxaabiista
30 daqiiqadood oo qudha inay dayrka usoo
baxaan, inta kale waxay ku xidhanyahiin
gudaha makhsinada, subaxa hore markay
saacadda afrikada beri tahay 6:00 aroornimo
ayaa ciidamadu usoo galaan gudaha hoolalka
iyaga oo sida xoolaha u tiray maxaabiista ku
jirta jeelka, hoolalka oo loogu tallo gallay
in lagu xidho 40 qof, waxaa la galiya in ka
badan 150 qof, iyaga oo goobaha habeenki la
seexdo isku cidhiidhya (very small spaces),
markaad gudaha ku jirto makhsinka waxay
maxaabiistu u kala bixisay laba qaybood, "shidka
iyo baska " shidku waxa weeyaan goobo ka yar
nafisan baska, balse basku waa meesha loogu
tallo gallay in la maro, halkaasi oo markii
ay maxaabiistu isku bateen ay gogosha
dhigteen.
Markaynu
usoo noqono kiisaska maxaabiista ayaa iskugu
jira qaar loo kala haysto, tuuganimo, dil,
khilaaf, IWM, marka ugu horaysa waxaa la
geeya maxkamadda magaalada Hargeysa, kuwaasi
oo usoo jarta ama ku xukunta 14 cisho oo
rumaan ah, balse waxay ku qaadata maxbuusku
muddo 6 bilood ah in maxkamadda dib looga
yeedho.
Waxaad
arkaysa caruur aan da’doodu u fasaxayn ama
ay xaarantahay in jeel lagu hayo oo ku jira
jeelka Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo
da’doodu u dhexayso 13 jir ilaa 17 jir, oo
markaad u duur gasho lagu soo oogay dambiyo
iska fud fudud sida Waalidkooga oo soo
xidhay.
Cuntada
loogu tallo gallay maxaabiista aan qoysaska
ku lahayn magaalada Hargeysa ayaa ah mid
bilaa daryeel ah, waxaa maxbuus kasta la
siiya arabikhida loogu tallo gallay inay
xayawaanku cunaan, taasi oo maxbuus kasta
loo siiyo calaa garaam ah ( per gram),
maxaabiista ku leh qoysaska magaalada
Hargeysa ayaa seddexda wakhti waxaa u keena
ehelkoogaasi.
CIQAABTA
MAXAABIISTA EE KA BAXSAN DASTUURKA DALKA
Gudaha
jeelka weyn ee magaalada Hargeysa waxaa ka
caan ah makhsin dadka maxaabiista ah si weyn
loogu ciqaabo oo loo yaqaano "alla ka jeed"
mid ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelka
magaalada Hargeysa oo aan si qarsoodi ah
kula xidhiidhay ayaa ii sheegay in makhsinka
gudahiisa lagu diyaariyey wax alla iyo wixii
qudhun ahaa sida cayayaan nool, saxarada
bin-aadmiga, iyo xashiish badan, waxaa ku
yaalla makhsinka alla ka jeed dhawr sil
siladood, marka maxbuuska lagu dhex
ciqaabayo makhsinkaasi magacaa loo bixiyey
ayaa waxaa lagu shuba biyo si khashinka iyo
qudhunku u kacaan, ka dibna waxaa labada
gacmood iyo labada lugood lagaga xidha
katiinad waxaana ul iyo shabuug lagaga
garaaca caloosha iyo gacmaha, marka uu
maxbuusku dhiig baxo ayaa lagu shuba milix
si uu nabarku olol u sameeyo.
Waxyaabaha
kale ee lagu ciqaabo maxaabiista ku jirta
jeelka dhexe ee magaalada Hargeya waxaa ka
mid ah bulaacado qofka madaxa loo geliyo,
budh gacmaha lagaga garaaco, iyo askarta oo
laag iyo feedh iskugu taga la dhaca
maxabiista, waxyaabaha aan damiirku u dul
qaadan Karin waxaa ka mid ah iyada oo meel
lagu wada xidho, dadka miyirka qaba iyo
dadka aan miyirkoogu dhamayn, Gebi ahaanba
looma ogola maxaabiista inay helaan dharka
adag ee dhaxanta ka celiya, iyo waxyaabo
nolosha u daruuri ah.
Isku soo
duubo lama qiyaasi karo xuquuq darrada ka
jirta gudaha jeelasha Somaliland, cadaalad
darrada ka jirta gudaha Somaliland.
Qormadaydu
waxay si gaar ah ugu mahad celinaysa
Haayadda qaramada midoobay u qaabilsan
horumarka "United nation Development program
commission" UNDP, oo inbadan ugu deeqday
maxaabiista ku xidhan jeelasha magaalooyinka
Somaliland deeqo kala duwan, kana diyaarisay
warbixino kala duwan, Warbixintaydani waxaa
kale oo ay dhiiri gelin ku samaynaya
Masuulka u qaabilsan jamiiciyadda quruumaha
ka dhexeysa "The United Nation" Somaliland
iyo Somalia oo muddooyin dhawayd Socdaal ku
yimid Somaliland gudaheeda inuu duurgal
farabadan ku sameeyo xaaladaha rigliga ah ee
ka jira gudaha Somaliland isaga oo weraysiyo
la samaynaaya qaybaha bulshada ee kala
duwan,Todobaadkani aan kaga baxo tixdii
salaan carrabay:
Balse aan
ku soo gunaanado dhambaalkaygani tixdii
salaan carrabay
- Hadaad
dhimato Geeridu marbay Nolosha
Dhaantaaye
-
Dhaqashiyo Marbay kaa yahiin Dheregu
Xaarane
-
Dhadhan Malaha Aadmigu Wuxuu kugu
dhaliilaaye
- Nin
dhirbaaxo Quudheed Dugsaday dhaqayadeed
Maalye
-
Dhashaaday sugtaa Xajadaad Dhawrata
Abade
Todobaadada
soo socda waxaan soo bandhigi doona,
Wasaaradaha dalka Somaliland iyo heerkooga
musuq maasuqu uu gaadhsiisanyahay, waxaan
kale oo aan ka hadli doona henjabaadaha ay
xukuumadda Riyaale la hor taagantahay
Saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland,
waxaan soo xigan doona weraysiyo aan ka
qaaday dad ajanabi ah oo Somaliland booqasho
ku tegay.
Akhri:
Qaybtii Koowaad....
WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
HARGEISA,
SOMALILAND
MOBILE:
00-252-2-406745 (TELESOM)