SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gudniinka haweenka:denbi la galay iyo dadnimo lagu tuntay

Gudniinka fircooniga ah,waa googoyn macnodarro ah,ku tumasho xaq iyo baabi’in shakhsiyad qofeed,.in ka badan 120 milyan oo haween ah ayaa si xaqdarro ah loo guday,in ka badan 2 milyan oo haween ahna sannad kasta ayaa la gudaa. 

28 oo ka tirsan dalalka Afrika ayaa waxa ay gudaan haweenkooda, Soomaaliyana waxay ugu horraysaa waddamada sida xun haweenka loogu gudo,sannadkii 2002 iyo 2003 baaritaan aan sameeyay oo ku saabsan raadka uu ku reebo haweenka Soomaaliyeed gudniinka gaar ahaan midka fircooniga ah ayaa waxaa ii soo baxay in gudniinka si ba’an u baabi’iyay haweenkeena.

Haweenka Soomaalida ayaa in ku dhow 100% gudan yihiin,waliba si waxashnimo ah loo googooyay,iyadoon haba yaraatee la ogeyn sababta haweenka looga xayuubsaday haweenimadooda,sababta aan u sameeyay baaritaankaas ayay ahayd in aan helo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dhiibaatooyinka uu geysto gudniinka fircooniga ah anigoo waqtigaas waday qoritaan buug aan ugu magacdaray “xusuustaydii xanuun ayay leedahay” waxaana u wareystay si taxadar leh haween Soomaaliyeed islamarkaana ka codsaday in sida xaqiiqda ah ay iigu warramaan sida ay u arkaan gudniinkooda iyo noloshooda siduu wax u gaarsiiyay.

Haweenka aan wareystay  oo gaaraya ilaa 100 una dhexaysay da’doodu 20-65 ayaan ku celceliyay in noloshoodu ay dhantaalan tahay ayna dareemayaan in ay naafo ka yihiin dhinacyo badan sida xagga nafsadda iyo jirkaba,inkastoo ay haweenkaasi ay i siiyeen jawaabo kala geddisan,haddana mid ayay ka wada sinnaayeen,taas oo ahayd xanuun joogto ah iyo haweenimadooda oo lala tagay,waxaa taas u sii dheerayd su’aasha ah maxaa naloo guday haddiiba falkan lid ku yahay diinta islaamka iyo jiritaanka dadnimada? 

Gudniinka asalkiisa wuxuu ku yimid nacayb loo qabo haweenka iyo in loo geysto xanuun aysan ka soo kaban karin waligood,gudniinka da’diisa ama cimrigiisa ayaa waxaa lagu sheegaa in ka badan ilaa afar kun oo sano wuxuuna ka cimri weyn yahay diimaha Islaamka (furqaan)Yuhuuda (tawreed)     iyo Kiristaanka (injiil),diin shaqo kuma laha gudniinka fircooniga ah,waxaa la sheegay in waqtigii faraacinada ay samayn jireen gudniinka,halkaasna ay ka soo qaateen carabtii jirtay waqtigii jaahiliyada ama diinta islaamka ka hor. 

Markii uu dhashay nuurkii diinta islaamka rusuulku sallallaahu calayhi wasallam waxyaalihii uu ku dhaqaayay waxaa ka mid ahaa xaq u raadintii haweenka iyo in ay carabi ka waantowdo  sidii xumayd ee haweenka ula dhaqmayeen tusaale ahaan carabtu waxay nolol ku aasi ama duugi jireen gabdhaha marka ay dhashaan nacayb ay u qabaan haweenka dartiis,inkastoo ay caadada gudniinka ay jirtay xilligii uu noolaa rasuulka haddane rusuulku kama dhigin wax sharci ah gudniinka gabdhihiisiina maba uu gudin sida ay sheegeen culumo badan.  

Qormooyinkayga soo socda ayaan ku soo qaadan doonaa haddii uu Ilaahay idmo dhibaatooyinka maalin laha ah ee uu uu gudniinku u geystay haweenka Soomaaliyeed.

Zahra Abdi Hersi
Holland

umubakar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2005


MAQAALADA MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD