SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya.

War maanta laga soo saaray safaarada dowalada maraykanka ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in dowladaasi ay ka digayso dagaal ka dhaca Dalka Soomaaliya, Safaaradu waxa ay intaas ku dartay in siyaasiyiinta ay ka fakaraan Maslaxada dalkooda si dagana uga fakaraan waxa uu sababi karo dagaal ka dilaaca Soomaaliya.
 
Hadalkan ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa ku soo beegmay xili uu Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad safar lugta ah ku marayo gobolada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ciidamo ka sii aruursanayo gobolada dalka qaarkood kadibna uu fariisin ka dhigan doono Magaalada Jowhar oo ku dhaw caasimada Soomaaliya ee Mogadishu, Isagoo difaaci doona dowlada, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka mid ah laba Gole oo uu ugu horeeyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamad Geeddi.
 
Siyaasiyiinta ku sugan Mogadishu kana mid ah Golaha wasiirada ee Dowlada FKMG ah ayaa horay uga digay Dowlada in ay fariisin ka dhigato magaalada Jowhar, Waxayna kula taliyeen Madaxweynaha iyo Xubanaha kale ee dowlada in aysan dagin halkaas hadii kale uu dhib imaan karo.
 
Horay waxaa khilaaf siyaasadeed oo ku aadan halka ay dowladu fariisin ka dhiganayso ku kala tagay Madaxweynaha iyo Af-hayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, gudoomiyaha waxa uu hadda fariisin ka samaystay magaalada Mogadishu waxaana kula weheliya hogaamiyayaasha Mogadishu oo iyagana ka soo horjeeda go'aanka Madaxweynaha Qaatay.
 
Haddaba hadalkan ay safaarada Maraykanku soo saartay ayaa ugu muhiimsanaa in ay ka digayso dagaal markale Soomaaliya ka dhaca, waxa ayna ku baaqday safaaradu in wax walba lagu dhameeyo wadahadal dagan si loo helo xal Soomaaliyeed.
 
Soomaaliya Malahayn Dowlad waxii ka dambeeyay markii jabhadihii Hubaysnaa ee Soomaaliya ay burburiyeen dowladii Milatariga ahayd sanadkii 1991, Xiligaas wixii ka dambeeyayna Dalka ma helin dowlad ku guulaysata Nabad iyo Amaan ku dhisan dowlad wadaag.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
canabmumtaz@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2005

Beelihii Khilaafka ku kala dhex galay Dooxada Dharoor ee Gobolka Bari oo la xaliyay
Waxaa soo xaliyay oo kala dhex galay khilaafkaa Xaaji Cusnaan X. Nuur X. Yuusuf. Khilaafkaa oo ahaa mid ka dhashay.. Guji... July 7

Dil Jabuuti loogu geystay Xubin Beesha  Gabooye ka tirsan
» Cambaarayn: Gubistii Xaafada Buulo Eelaay Boosaaso
» Masjid weyn oo  laga furay xaafadda Guulwade  Kismaayo
» Baaq nabadeed oo ku wajahan dilalka Mudug...
Wararka oo dhan... Guji.... July 6

Wararka Hargeysa ee Maanta:::
» Musharaxii labaad ee xisbiga Kulmiye oo is sharaxay
» Jirde oo ka hadlay Taariikh Nololeedkiisii....
» Horumarka Somaliland Ee Xagga Warshadaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 6

 


MAQAALADA MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD