SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixinta shirka 32-aad ee Wasiiradda A.dibada ee Dalalaka Islaamka.

War- Magaalada Sanca ee dalka Yaman ayaa 28-30,Juun,05 waxaa lagu qabtay shirkii 32-aad ee Dawlaha Caalamka Islaamka,Dawlada Federaalka KMG ee Soomaalida ayaa waxaa shirkaasi uga qayb galay Wafdi uu hogaaminayey Wasiir u Dawlaha A.Dibada ee xukuumada Federaalka Soomaalida Muddane Eng. Ibraahim Sh.Cali (Jeebo),Xildhibaan Sheekh Xasan Bile.  

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Isaaq,Dr.Sh.Cabdulqadir Xasan Yabarow  Agaasimaha Waaxda Carabta iyo Islaamka ee Wasiirada A.Dibada ee Soomaalida iyo Ambasator Prof.Mahdi Abuukar Maxamuud oo ka mid ahaa 26-kii Musharax ee Madaxweynenimada Soomaaliya . 

shirka Islaamka Go`aanadii ka soo baxay ayaa waxaan ka wareystey Prof.Mahdi Abuukar oo ii sheegay qoddobadii halkaasi looga hadlay ,Wasiiradii ay la kulmeen iyo qoraalkii halkaasi ka soo baxay oo lagu turjumay af-somaaliga sidan ayuu u qornaa. 

OIC/ICFM-32/2005/POL/DR.3REV.2

( QARAARKA  LAMB. POL-32/3  OO KU SAABSAN  XAALADDA SOOMAALIYA)

Shirkii  Labo iyo Soddonaad ee Wasiirada Arrimaha  dibadda Wadamada Islaamka

Ee ka furmay M.Sanca inta u dhaxaysay 21-23 Jumaadul  awal 1426H. kuna began 28-30 Juun 2005.

Ayadoo la xasuusanaayo dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirarkii Madaxda Wadamada Islaamka ,laga soo bilaabo shirkii  Lexaad  ilaa shirkii Tobanaad ee Madaxda Islaamka ,sidoo kale go’aamada ka soo baxay shirarkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Islaamka oo ugu dambeeyay Shirkii Kow iyo Soddonaad  ee lagu qabtay M. Istambuul -dalka Turkiga , waxaa mahad loo soo jeediyay Madaxda Dalalka Islaamka sida ay iskugu mashquuliyaan wax ka qabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya iyo xal u helideeda ,iyo sida ay Nabad buuxda iyo Degganaanba loogu soo dabaali lahaay Wadanka Soomaaliya iyadoo laga hergelinaayo dhammaan dalka oo dhan Dib u Heshiisiin qaran .

Sidoo kale waxaa la tilmaamay dadaalka iyo iskaashiga Ururka Islaamka uu la sameeyay Ururada Dowliga ah iyo kuwa goboleedba ,sida  Qramada Midoobay ,Jaamacadda Dalalka Carabta ,Ururka Midowga Afrika ,iyo Hay’adda Horumarinta Dowladaha Bariga Afrika ( Igad ), iyadoo la xusuusanaayo dowrka ay Ururka Islaamka ka qaateen gargaarkii balaarnaay iyo gurmudkii Soomaaliya loogu gurmaday 1992, iyadoo sidoo kale la xusay dadaalka iyo taakulada Banii -aadanimo ay ka geesteen arrintaas Bulshada Caalamka kali-kali amaba koox ahaan.

Ka dib markii la arkay warbixintii Xoghayaha Guud ee Wadamada Islaamka ee ku saabsanayd Xaaladda Soomaaliya ( Lambar. OIC/ICFM-32/2005/POL/SG.REP.3 ) :

1-Waxaa mar labaad la adkaynayaa in midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay shay Muqaddas ah ,sidoo kale in ay si buuxdo ugu madax banaanaato goboladeeda iyo  Siyaasadeedaba ,laguna dhowro.

2-Waxaa si buuxda loo taageerayaa dowladda Ku Meel Gaarka ee ka dhalatay Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Nayroobi ,iyadoo waafaqsan Axdiga ku meel gaarka Soomaaliya ,heshay kalsoonida Barlaamnka ku meel gaarka ,waxaana loogu baaqayaa Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya iyo kuwo kalaba in ay ka joogsadaan wax allaale waxii kicin kara Fitno hor leh oo cusub iyo kala fur-furasho, Taa soo horseedi karta in Fashil ku yimaado mirihii ka dhashay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ,sidoo kale waxaa lagu baaqayaa in la meel mariyo go’aankii Golaha Amaanka horay ugu soo baxay kuna saabsanaa in Hoy ,Taakulayn midna la siin kuwa Mucaarad ku noqda Dowladda Soomaaliya ,wax hub ahna loo dhoofinin dalka Soomaaliya.

3- Waxaa loogu baaqayaa dhammaan Hoggaamiyaasha Soomaaliyeed in ay dhowraan ayna u hoggaansamaan Natiijooyinkii ka soo baxay Shirkii dib u heshiisiinta ee Nayroobi ,iyadoo laga hormarinaayo Maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed  midda gaarka ah , waana in dib u heshiisiinta Aasaas looga dhigaa dhowrista iyo ku dhaqanka Axdi qarameedka ku meel gaarka ah iyo Sh. Islaamka .

4- Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Islaamka waxaa loogu baaqayaa in ay kordhiyaan gargaarka iyo Taakulaynta loo fidinaayo Dalka Soomaaliya ,iyadoo la- tixgelinaayo dhibaatooyinka iyo khasaaraha ay soo gaarsiiyeen Tuufaanta (Sunaami) ,iyo Haraaga Sunta Nukliyarka ah ,taa soo sababtay in dad fara- badan,xoolo miro beereed , Noolo badeed ay ku wax yeeloobeen .

5-Dhammaan Dowladaha Aduunka waxaa loogu baaqayaa ,in ay Dowladda Soomaaliyeed u fidiyaan deeq dhaqaalo oo deg deg ah ,si ay Dowladdu u hanato soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida , una dhamaystirto dib u heshiisiinta qaran ,sidoo kale ay u dhamaystirto waxa ka dhiman qaab dhismeedka Xukuumadda ,waxaa kaloo loogu baaqayaa Hay’adaha Islaamka kuwa Dowliga ah amaba kuwa aan ahaynba ,Bankiga Horumarinta Islaamka ,si gaar ahaaneed Sanduuqa Midnimada Islaamka ,in ay si hab sami ah ay u gutaan xilka kaga aadan Dalka Soomaaliya ,ayna u muujiyaan Taageerada Midnimada Islaamka ay u hayaan Xukuumada Soomaaliya ,sidoo kale waa in ay Taageero u muujiyaan Dalalka Islaamka ay ka soo gaareen dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaalida oo ku qul qulaaya dalalkooda sida Dowladda Jabuuti ,Dowladda Yemen .

6-Waxaa loogu baaqayaa dalalka loo xilsaaray Arrimaha Soomaaliya in ay wax ka qabtaan in ay dadaalkooda ku wajjahan arrintaas ay kordhiyaan ,ayna kordhiyaan sidoo kale Xiriirka ay la samaynayaan Dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya ,ayna u soo gudbiyaan warbixintooda shirarka Islaamka .

7-Waxaa Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka lagu boorinayaa in si tabarruc ah ay u bixiyaa Miisaaniyadda ay ku shaqayn la haayeen Kooxda loo xilsaaray arrimaha Soomaaliya ,si ay ugu fududaato gudashada xilkooda ,iyo sidii loo sahli lahaay dhaq- dhaqaaqa Ergiga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka ee u xil saran arrinta Soomaaliya .

8-Dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka waxaa lagu boorinayaa in ay ka qayb qaataan Ciidamo Nabad ilaalineed  ee Soomaaliya ,oo hoos taga Qaramada Midoobay .

9- Dhammaan Xubnaha Ururka Islaamka waxaa loogu baaqayaa iyagoo raali ka ah in ay gacan ka gaystaan sidii Safaaradaha Soomaaliya ee Dalkooda ka furan ay u gudan lahaayeen shaqadooda Diblomaasiyadeed ayna ku  taakuleeyaan  dhaqaalo maaliyadeed si ay u daboolaan baahidooda dhaqaale .

10- Waxaa lagu baaqayaa in Cunaqabateyntii saarneyd Xoolaha ,Miraha Beeraha ee Soomaaliya in la qaado .

11-Waxaa si buuxdo loo cambaareeyay dhammaan falalka dhibta ah oo loo gaysta badda Soomaaliya iyo Xeebaheedaba iyadoo lagu aasay Haraaga Nukliyarka ah ,waxaana loogu baaqayaa Dowladaha iyo Shirkadaha Shisheeyaba in ay joojiyaan ku xad gudabka iyo boobka Khayraadka Badda Soomaaliyeed ay u gaystaan .

12-Waxaa laga codsanayaa Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka in oo diyaariyo Daraasad suurto gelinaysa in uu Ururku ka furto Xafiis Soomaaliya si la iskugu duba rido  dadaalka Ururku oo ku doonaayo in Soomaaliya Dib u dhis lagu sameeyo ,loona siiyo Dowladda Ku Meel Gaarka ,kaalmo iyo la Talin xagga Siyaasadda ahba ,oona soo gudbiyo Miisaaniyadda looga  baahanyahay furitaanka Xafiiska kor ku soo xusnay .

13- Xoghayaha Guud waxaa laga codsanayaa in oo dabagal ku sameeyo sidii ay u fuli lahaay qaraarkan assaga ah , waana in oo u soo gudbiyaa war bixin la xiriira fulitaanka qaraarkaan Shirka Ururka Islaamka ee Wasiirada arrimaha Dibadda Dalalka Islaamka ee Seddax iyo Soddonaad . 

ugu danbeyn Prof.Mahdi waxa uu ii sheegay in ay la kulmeen Inta badan wasiiradii shirkaasi ka soo qayb galay waxayna kawada hadleen sidii Xukuumada Soomaalida Gacan loo siin lahaa iyo sidii Iskaashi waxwadaqabsi dhinacyo kala duwan  dib loogu abuuri lahaa,iyadoo arrimihii laga wada hadlay guul iyo afgarad ay ku dhamaadeen. 

dhamaad.

Abdikarim Aden Husein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD