SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

7th July 2005

MUQDISHO: WAA BOOG AAN BOGSANEYN!

Jowhar, waa magaallo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe; waxaayna Caasimada u jirtaa 90 KM oo laami ah, marka Caasimada dalka ee Muqdisho waxba uma jirta, isku reer ayaana deggan labada magaaallo. Laakin, Jowhar waxaay Caasimada dheertahay, ammaankeeda ayaa fiican, oo waa magaallo aan qoray, tekniko iyo dableey jidadkeeda lagu arkeeyn.

Haddaba, Sharciga iyo kala Dambeynta Jowhar in la adkeeyo, waxaa ka si fiican uga shaqeeyay Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, oo ah Guddoomiyaha Siyaasada Maamulka Jowhar. Sidaad daraadeed, Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada; waxaay go’aamiyeen (i.e., 21-ki Maarso 2005) markii hore in Dowladda degto Baydhabo iyo Jowhar; laakin hadda dowladda, waxaay degeysaa Jowhar si ku meel gaar ah, inta laga xallinaayo arrimaha la xarrira nabadda, ammaanka iyo xasiloonida Magaala Madaxda ee Muqdisho. Dowladda, in ay Jowhar degto ma jiro, wax sharci ah oo diidaayo, waana arrin maaul, oo ay rabto dowladda in ay hesho meel nabad ah; oo ay ku shaqeeyn karto, inta boogta Caasimada ku taal laga daweynaayo. Marka, ma ahin arrin Baarlamaanka shaqo ku leeyahay; una baahan inuu ansixiyo, mar haddii aan aan Caasimada, Xamar laga bedeleyn.

Haddaba, kuwa ku dacwoonaayo in dowladda ay Muqdishu degto; waa fargelin ay ku sameeynaayaan Maamulka Dowladda, oo ay u madax bannaantahay, laguna tixgelinaayo baahida Ummadaa Soomaaliyeed u qabto Dowlad, oo runtii dan u ah cid walbo. Mida kale, Ra’iisul Wasaaraha Caasimada ayuu degayaa, wuxuuna diyaar u yahay; in uu gacan siiyo kooxda Xamar hawsha ka wada ee dowladiisa ka tirsan, si ay Muqdishu u noqoto Caasimada Soomaaliyeed, kana soo jeeda deggaanka ay Caasimada ku taallo, xil gaar ahana ka saaran yahay iyo in hawlaha Caasimada laga qabanaayo, ay noqdaan mid Qaran oo ay Soomaalidu u dhan tahay iyo asagoo xogogaal u ah in dowldda la’aanteed aan waxba laga qaban karin, wax ka qabashada Caasimadana ay tahay mas’uulid saaran asaga iyo dowladiisa. Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu kaloo diyaar u yahay inuu dhammeeyo, wixi mugdi ah ee soo kala dhexgalay asaga iyo kooxda Xamar iyo wixii mugdi ah ee ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waa, maxaay sabahaha dowladda, ann Caasimada loo dejin karin xilligaan? Sababaha, Muqdishu aan loo degi karin; waxaa ka mid ah: 1) Caasimada, waa rugtii lagu fashiliyay Dowladahii Gen. Maxamed Siyaad Barre, Mudane Cali Mahdi Maxamed, Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Mudane Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan; 2) Caasimada, waa rugta dalka ugu badan hogaamiye kooxeed, dableey, ganacsato, maxkamado Islaami ah, hay’ado, wadaado oo wada hubeysan iyo ayadoo ah Caasimada meesha dalka ugu hub badan; 3) Caasimada, waa rugtii isticmaarka looga adkaaday; iyo 4) Caasimada, waa rugtii Ciidamadii dalka usoo gurmaday, si ay u quudiyaan dadki gaajada iyo macluusha u dhimanaayay, lagu fashiliyay oo ay dad uga dhinteen.

Waxaa, intaa dheer Prof. Geedi, ma rabo: 1) in ayadoo siyaasad ay ka dambeyso ama aano loogu aaneynaay lacagihi ay qaateen, xilligii doorashada Madaxweynaha; in la afduubo ama la dilo Xubnaha labada Gole ee Dowladda, sidi Dowladii Carte lagu soo dhisay; 2) in Xubnaha labada Gole ee Dowladda, ay marti ka noqdaan Caasimada Ummadda Soomaaliyeed, ayagoo marti u ah, Hawiye hubeysan; iyo 3) in Xubnaha labada Gole ee Dowladda, ay noqdaan la haysta-yaal naftooda u baqaayo aan Caasimada xor ku ahayn. Marka, waxaay ila tahay in Jowhar la dejiyo Xubnaha labada Gole ee Dowladda; arrin ayaga loogu daneeynaayo si loo bad-baadiyo, ammaankooduna u sugnaado. Waa, hubaal in Prof. Geedi ku talo jiro, haddii ay daruufta u saamaxdo, oo ayna caqabo kooxda Xamar isku urursaday, waqtigana ku dheereyn; in dhammaan Dowladda loo rari doono Caasimada Dalka ee Muqdisho. Intaa ka hor, Ra’iisul Wasaaraha, oo ku sugan Caasimada; wuxuu ka shaqeyn doonaa in la soo celiyo Sharciga iyo kala Dambeynta Caasimada, in la dayactiro lana dhiso Golaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada (Villa Somalia), in la furo dekeda iyo garoon dayaarada ee Caalamiga iyo in qaxootiga degan Cusbitaalada, Jaamacadaha, Hoteelada, Xerrouing Ciidamada Qalabka Sida, Dugsiyada Waxbarashada, Warshadaha iyo Xafiisyada Dowladda laga saaro si loo dayactiro, loona dhiso kadibna la isticmaalo.

Hadabba, kooxdan Hawiye ee horay loogu adeegsaday bur-burintii Dowladdii Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan, ayaa hadda waxaa la rabaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ayaga in loo adeegsado in ay fashilyaan Dowladda Prof. Geedi. War haloo caqli celiyo Guddoomiyaha iyo koxda Hawiye ee Xamar, in ayna fashilin dowlad ay wax kasoo dhiseyn, dowlad ay ka tirsan yihiin, dowlad ay ku haystaan dajo, dowlad ay magac iyo sharaf ku haystaan iyo dowlad ay wax ka tacban karaan, oo ayna mugdi dambe ugu celin dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Ma, waxaay u xilinaayaan Guddoomiyaha iyo kooxda Hawiye ee Xamar, wax yar aan dhuunta gaareyn, oo ay siyeen wakiilada dalalka qaar, hay’adaha iyo ururada; aan rabin in ay Soomaaliya nabad noqon?

Ugu dambeynti, Waa hubaal qilaafka taagan, in ay sabab u yihiin wakiilada dalalka qaar, hay’ado iyo ururo Caalami; lacagna ku bixiyeen in ay Xamar u diraan Guddoomiyaha iyo kooxda Hawiye ee Xamar iyo Xubnaha labada Gole ee Dowladda ee hadda Xamar jooga.

Kooxdan magaca Caalamka ku qaraabata, waxaay dhiiga Ummadda Soomaaliyeed muudsanaayeen, muddo 14-sanno ah, waxaayna gacanta ku hayeen deeqdii dhaqaale, mid horumarin iyo mid bani’aadam ee Dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed loogu talagalay; ayadoo ayna jirin cid la xisaabtameeysa, oo ayna lunsadeen wixii deeq ahaa. Runti, 14-sanno ayaga ayaad Dowlad Soomaaliya ka ahaa, waxaayna diideen mudadaa in ay Soomaaliya xarun ka dhigtaan, ayagoo ku andacoonaaya in Caasimada ayna nabad ahayn; hawshooduna ka wadayaan Nayroobi. Hadda, qorshahoodi waxaa ka fashilay Ra’iisul Wasaaraha, oo ku amray in ay dhammaan iska xaadiriyaan Jowhar, haddii ay dhab ka tahay in ay Ummadda Soomaaliyeed iyo Dalka wax ugu qabtaan deeqdi magaca Qaranka Soomaaliyeed lagu soo qaaday.

Haddaba, ayagoo diidan in ay Soomaaliya xarun ka dhigtaan, ayeey Guddoomiyaha, Kooxda Hawiye ee Xamar iyo Xubnaha labada Gole ee Dowladda ee Xamar joogo; u adeegsadeen Dowladda si qilaaf uga dhex abuurmo.

Marka, Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dibedda ku nool, dalalka kala duwanna Sharciga Muwaandinimada ku leh; waa in ayna indhaha ka qabsan dhibaatada ay ku hayaan dalkoodi hooyo kooxdan tuugada ee is-biirsatay ee Safaaradaha dalalkooda Nayroobi u fadhiya iyo hay’adaha iyo ururada dalalkooda Nayroobi ka jooga kuna lug leh arrimaha Soomaaliya. Shaqsi ama wada jir Jaalliyadda Soomaaliyeed, waa in dowladda dalkooda ogaadaan siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya, culeysna ku saaran in Dowladda Soomaaliyeed; laga taakuleeyo dinaca siyaasada, dhaqaalaha, bulshada, dib-u-dhiska iyo dib-u-heshisiinta.

Dalalka, aan mowqifkooda cadeyn, una baahan in culeys la saaro; waxaa ka mid ah United Kingdom, Australia, Canada iyo United States of America. Sidoo kale, culeys aan badneyn waa in la saara dowldaha Sweden, Denmark, Finland, Norway iyo Holland, oo deeqo fara badan ku bixiyay Shirkii Dib-u-heshisiinta, qaar ka mid ahna weli bixiyaan; laakin aan laga hayn aqoonsi rasmi ah. Waxaan, rajeynayaa In Jaalliyadda ay noqoto dad u damqado Ummadda Soomaaliyeed iyo dalkoodi hooyo, si looga hortago xaaladaha la abuuraayo ee la rabo in Dowladda lagu fashiliyo.

Dr. Abdi Ulusso
drabdi2000@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD