SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha DFKMGS Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Goordhoweyd Soo gaaray Galkacyo.
  • Waftiga C/Laahi Yuusuf oo Booqday xarunta mowlaca xerta Sh. M/ed Sh. C/laahi Baardheere
  • Beesh Jareerweyn oo kamid ahayd dadkii Galkacyo kusoo dhoweeyeey C/Laahi Yuusuf
  • Ciidamada Xoogga Dalka oo ay hoggaamineyso G/sare Xakiimo Cali Faarax oo gaaraya ilaa 8 boqol oo Galkacyo kusoo dhoweeyey waftiga Madaxweynaha DFKMG

Jimce, July 08, 2005
Galkacyo (Somalitalk)

Waxaa maanta saacaddu markay ahayd abaarihii sadexdii Galabnimo soo gaaray magaalada Galkacyo Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMGS, Mud: Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedMadaxweynaha Dowladda Soomaliya ayaa waxa uu horkacayay qaar kamida xubnaha dowladiisa Waxaa kaloo kamid ahaa waftiga madaxweynaha Soomaaliya  uu hogaaminayay Madaxweynaha DGSPL, Gen: Cadde Muuse Xirsi iyo qaar kale oo kamid ah Masuuliyiinta DGSPL.

Waftigan ayaa waxa uu saaka aroornimadii ka soo kici-timay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka PL.

Madaxweynaha ayaa waxa uu soo-maray markii uu ka soo kicitimay Magaalada Garoowe Degmada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal waxaa ku soo dhoweeyay masuuliyiinta degmada, shacabka, ururada haweenka,  dhalinyarada, odayaasha, waxgaradka iyo qaarkale oo farabadan, Madaxweynaha ayaa salaan wada gaarsiyay dhamaan shacabka reer burtinle oo dhamaantoodba Madaxweynaha ku sugayay wadada weyn waxa uuna qaar kamid ahaa shacabkii iyo masuuliyiintii soo dhoweynaysay salaansiiyay waxa uuna ku hakaday degmada burtinle dhowr daqiiqadood si uu salaanta u gaarsiiyo dhacbka maadaama ay tahay magaalada burtinle degmo ay ku noolyihiin dad aad ufara-badan. 

Madaxweynaha DFKGS, Mud: C/laahi Yusuf Axmed iyo waftigiisa ayaa sidoo kale waxay soo mareen deegaanada bacaadweyn iyo Xarfo oo iyagu katirsan Gobolka mudug waxa ayna labadan degmo isu-jiraan 20km'. Waftiga ayaa waxa ay soomareer kuna hakadeen Bacaadweyn iyo Xarfo, Waftiga ayaa waxaa degmoyinka sisiman ugu soo dhoweeyay shacabka oo isku xiray tan-iyo inta u dhexeysa labada degmo waxa uuna Madaxweynuhu kadaganayay hadba gaariga uu saaranyahay ayadoo ay ilaalinayeen ciidamo iyo tigniko kala duwan oo aad ufarabadnaa waxa ayna ciidamadan iyo gawaarida tignikaduba ahaayeen kuwii ka soo raacay magaalada Boosaaso iyo Garoowe.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa uu ku doonayay in uu ku tago magaalada galkacyo siiwatay ayaa Waxa uu booqday xerada ciidamada Ee Abqaale waxa uuna ka qaatay salaan sharaf ay ku soo dhoweeyeen ciidamada xerada abqaale waxa uuna u soo jeediyay hadal gaaban.

Socdaalka Madaxweynha oo ahaa mid aan kala go,lahayn ayuu u soo gudbay xarunta Hemo oo ah xarunta mowlaca xerta Sh. M/ed Sh. C/laahi Baardheere, waxaana Madaxweynaha iyo waftigiisaba loogu sameeyay xarunta Hemo Casumaad balaaran oo loogu talagalay qado sharaf, waxaana ku soo dhoweeyay Sh. Maxamed Sh, C/laahi Baardheer iyo xertiisa ayadoo sidoo kale ay ka hortageen masuuliyiinta gobolka Mudug oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka, Duqa degmada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Aaga Mudug Iyo Ceyn, Taliyaha ciidanka booliska, waxaana weheliyay masuuliyiinta gobolka oo isagu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGSPL, G/sare Nuur salaad oo isagu maalmahan howlo u joogay gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa qado sharaftii kadib kulan gaaban la yeeshay Sheikh Maxamed Sh. C/laahi Baardheere waxaana halkaasi Madaxweynaha iyo waftigiisa ku sii hakadeen labo saacadood, qado sharaftii kadib ayaa waftigu u kikitimeen qaybaha kale ee mowlaca waxa ayna indha indheeyeen isbadalka xarunta mowlaca Hema oo noqday mid keyntu isqabsatay, isla daqiiqadadii kadib ayaa waxaa loo kicitimay dhinaca Garoonka wayn ee kuyaala heema.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa daqiiqado kuwareegay gudaha garoonka hema oo ah garoon aad uweyn balse u baahan dayactir aad ufarabadan ayadoo garoonkan uu ahaa mid dhismihiisa iyo asaaskiisaba uu lahaa Madaxweynaha DFKGS Mud: C/laahi Yusuf Axmed intii uu Madaxweyne ka ahaa Dawlad Goboleedka PL, waana meesha kaliya ee uu wax kaqabrtay tan iyo intii uu ahaa Madaxweynaha gaar ahaanna marka laga hadlo waxqabadka gobolka Mudug oo kaliya.

Kormeerkan ay soo booqanayeen garoonka diyaaradaha ayaa  waxaa ku wehliyay Madaxweynaha iyo waftigiisa Sh, M/ed Sh, C/laahi Baardheere iyo qaar kamid culimada xarunta, ayadoo kormeerka ka-dib uu shiikhu ku haray xaruntiisa waxaana halkaa socodkiisii ka sii anba qaaday madaxweynaha iyo waftigiisa waxayna si toos ah ugu soo anbabaxeen magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha Imaatinkiisa ayaa waxaa ilaa saaka laga sugayay magaalada Galkacyo oo tan iyo intii uu garoowe ku sugnaaba ku jirtay diyaargarow balaaran, Madaxweynaha iyo wufuudiisa uu horkacayay ayaa waxay soo caga dhigteen Galkacyo saacaddu markay ahayd 3dii galabnimo ee saacadda Soomaaliya, ayadoo wadada isku xirta Galkacyo iyo Heemo ay ku sugayeen shacab aad ufarabadan halka ciidamada DGSPL ay iyaguna ku gadaanaayeen duleedada tuulooyinka iyo degmooyinka waxa ayna safnaayeen tignikadooda kaladuwan daafaha laamiga halka qaar kalana ay ka fogaayeen dhinaca laamiga.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo galayba si toos ah waxa uu ugu dagay hotelka cusub ee lagu magacaabo kabital hotel waxa uuna Madaxweynahu ka furay xarigii hotelkan cusub hotelka oo ah sadex biyaano (3 dabaq) ayaa waxaa hoostiisa safnaa shacabka si ay u arkaan una soo dhoweeyaan madaxweynaha waxa uuna ka salaamay dabakha sadexaad shacabka oo hoos taagnaa, waxaana ka mid ahaa dadka soo dhoweynayay oo hotelka hoostiisa dhoobnaa beesha Jareerweyn oo erayo sawaxan iyo durbaanba isku daray.

Waftiga ayaa waxa uu u kicitimay dhinaca xarunta Gobolka halkaas oo ay ku sugnaayeen kuna sugayeen ciidamada xooga dalka oo ay horkacayso G/sare Xakiimo Cali Faarax, ciidamadan oo tiradoodu gaaraysay ilaa 8 boqol oo ciidan waxa ayna salaan ubixiyeen Madaxweynaha iyo waftigiisa, Salaanta ay bixiyeen Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ka dib ayaa Madaxweynuhu isna dhowr kalmadood ku salaamay Ciidanka maadaama ay ahayd goor gaaban.

Waftiga Madaxweynaha ayaa intii uusan soo gaarin Galkacy waxaa wadada dheer ka dhacay shil fudud, shilkan oo ahaa gaari baroon ah oo ay saaraayeen ciidamo ku sugnaa Galkacyo kana qayb-qaadanayay soodhowaynta iyo amaanka Madaxweynaha DFKS, Gaarigan baroonka ah ayaa waxa uu ka baxay wadada balse ma uusan qalibmin ayadoo uu gaarigu socdo ayaa waxaa ka duulay afar askari mid kamid ah ayaa dhaawiciisu cuslaa walow ay dhaqaatirtu SomaliTalk u sheegeen isna in uu sahlan yahay dhaawiciisa.

Waa markii ugu horaysay ee safarkan uu ka dhaco shil fudud ayadoo la soo dhoweynayo Madaxweynaha DFKS, ama Madaxweynaha DGSPL, Madaxweynaha Soomaaliyeed oo dhulka soo marayay dhamaanba gobolada PL, kana soo bilaabay socodkiina Magaalada Boosaaso ayaa wax shil ah aysan wadooyinka ka dhicin.

Waftiga Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu dagi doono hotelka weyn ee Taar city ee ku yaala duleedka Magaalada Galkacyo, Madaxwynaha ayaan wali wax hadal ah ka soo yeerin maadaama uu salaan ku jiray tan iyo saaka markii uu ka soo kicitimay magaalada Garoowe, waxaa la sugayaa nasiinadiisa kadib ay shacabku ka helaan warbixin dhan walba ka hadlidoonta, sidoo kale ma cadda mudada uu joogayo Galkacyo gabi ahaanse waxa ay maanta utahay joogitaanka gobolada PL maalintii sideedaad. 

Sahro Sheikh | SomaliTalk | Galkacyo | sahrosiglan@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7

Warbixinta shirkii 32-aad ee Wasiiradda Arimaha dibada ee Dalalka Islaamka
Prof.Mahdi Abuukar oo ka warbixinaya go'aanadii ka soo baxay.. Guji... July 8

Yemen: Nin loo haysto Dilkii Sahro Xilwo oo Laqabtay
Wararka ka imanaya gobolka ku yaal koonfurta Yemen ee Laxaj ayaa shaaca ka qaaday in... Guji... July 8


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD