SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafti Sare Oo Uu Hogaaminayo Prof. Cali Maxamed Geeddi Uuna  Ka Mid Yahay Maxamed Dheere Ayaa Galabta Ka Soo Degay Garoonka Galkacyo. 

Sabti 09 July 05 
Galkacyo (Somalitalk) 

Waxaa Galabta Saacaddu Markay ahayd abaarihii 3-galabnimo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo wafti ka tirsan DFKGS oo uu horkacayay Ray’salwasaaraha DFKGS Mud. Prof. Cali Maxamed Geeddi  waxaana ka mid ah waftiga wehliyay Rey’salwasaaraha’ Gudoomiyaha guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelada Dhexe, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere). 

Wufudan ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay masuuliyiinta Gobolka kuwa dowladda, qaar ka tirsan DFKGS, iyo shacabka Magaalada Galkacyo, waftigan ayaa inbadan waxaa saaka lagu sugayay garoonka ayadoo ay shacabka iyo maamulkuba ku kalaheen gagida diyaaradaha xili hore’ si ay u soo dhoweeyaan Rey’salwasaaraha iyo waftigiisa. 


Maxamed Dheere

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb ayaa Daqiiqadihiiba garoonka dhexdiisa ay saxaafaddu wax kaga waydiisay arinta socdaalkiisa ee uu ku yimi magaalada galkacyo iyo  mudada uu sii joogayo. 

Maxamed Dheere ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkan uu yahay mid gaaban kana mid-yahay socdaaladii ay Dowladdu ku tagaysay Gobolada’ ayna la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. 

Maxamed Dheere waxaa kale uu uu saxaafadda iyo shacbka reer Galkacyo u sheegay in uu ku faraxsanyahay sida loogu soo dhoweyay magaalada asagoo ku daray in Galkacyo ay ugu danbaysay dagaaladii sokeeye kahor imaatinkiisana ay waxweyn kabadalayso fikirkii uu kaqabay Galkacyo. 

Dhanka kale warar aan laxaqiijin balse lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in socdaalkan Ray’salwasaaraha iyo waftigisa uu horgalayo uu u yeeray Madaxweynaha DFKGS oo shalay galabnimadii soogaaray Galkacyo haatanna jooga isla Galkacyo. 

Waftiga ayaa loo diyaariyay hotelka Taar City oo ah hotelka Ugu weyn ee kuyaala Galkacyo inta badanna ay ku soo dagaan DFKGS, shalayna uu degay Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftigii  lasocday. 

Waa markii labaad ee Rey’salwasaaraha Iyo Madaxweynaha DFKGS, ay yimaahaan magaalada galkacyo. 

Rey’salwasaaraha DFKGS ayaa isla Galbtaba shir jaraa’id ku qabtay hotelka uu ku suganyahay ee magaalada Galkacyo.

Shirkan jaraa’id ee uu qabtay Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waraysiyo kala duwan saxaafadda gudaha wax ka weydiisay arimaha siyaasadeed ee dowladiisa. 

Prof: Geeddi ayaa ugu horayn wax laga weydiiyay arinta socdaalkiisa uu ku yimid in uu ka warbixiyo, waxa uuna kaga jawaabceliyay: In Galkacyo uu u yimid wada tashi uu layeelanayo Madaxweynaha DFKGS, oo haatan jooga hotelka Taar City Ee magaalada Galkacyo. 

Waxaa kaloo laweydiiyay halka ay marayaan howlihii dowladdiisa? Waxa uu ku jawaabay in dhamaan arimihii dowladda bartanka looga jiro isla markaana qorshuhu yahay mid dowladdu hirgalinayso maamulladii degmooyinka iyo kuwii goboladaba. 

Isla su’aalaha dhexdooda ayaa laweydiiyay arimaha laxiriira ciidamada shisheeye ee dalka imaanaya? Waxa uuna sheegay in Afrika iyo beesha caalamkuba ay raali kayihiin in ciidamo nabad-ilaalin ah ay tagaan gudaha Soomaaliya, shirkii ugu danbeeyay ee kadhaca Sirta ayna isugu yimaadeen Madaxda Afrika isna arintaasi lagu soo dhoweyay. 

Su’aalan  kale ee laweydiinaya  ayaa waxaa ka mid ahayd” kalsoonida uu ku qabo dowladdiisa in ay hirgasho? Waxa uu ku warceliyay in Dowladdiisa ay dhamaan shacabka Soomaaliyeed taageereen, dowladduna haddii ay haysato taageerada shacbkeeda ay howlo badan qabankarto ayna qabandoonto. 

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa kaloo uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in la samayndoono ciidamo xoogan oo dalku yeesho’ kuwaasoo dhammaan beelaha iyo gobolada Soomaaliya laga soo qori-doono waxa uuna intaa raaciyay ciidan la’aann in aysan dowladdu aysan shaqayn Karin.

Rey’salwaraaha DFKGS Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaca ka qaaday ka dib marka uu u dhamaado wada tashiga uu la yeelanayo Madaxweynaha in uu dib ugu laabandoono magaalada Jowhar ee fariisinka u ah dowladda. 

Warar kale ayaan ku helaynaa in maalmaha fooda nagu soo haya la filayo in magaalada Galkacyo uu imandoono Xusseen Maxamed Caydiid Oo haatan la sheegay in uu ku suganyahay magaalada Neyrobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana soo shaac baxaya diyaargarow balaaran oo lagu taageerayo imaatinkiisa in looga jiro magaalada Galkacyo dhankasta oo ay tahayba. 

Sahro Sheikh | SomaliTalk | Galkacyo | sahrosiglan@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2005

Somali President Abdullahi Yusuf AhmedWafti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha DFKMGS Oo Soo Gaaray Galkacyo
Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha DFKMG C/Laahi Yuusuf oo uu weheliyo Madaxweynaha DGPL oo ay galbinayaan ciidamo iyo tigniko ayaa soo gaarey Galkacyo halkaas oo... Guji...
 

Mareykanka oo ka digay dagaalo dhex mara siyaasiyiin Soomaaliya
War maanta laga soo saaray safaarada dowalada Maraykanku ay ku leedahay Nairobi ayaa lagu sheegay in.. Guji... July 7

Warbixinta shirkii 32-aad ee Wasiiradda Arimaha dibada ee Dalalka Islaamka
Prof.Mahdi Abuukar oo ka warbixinaya go'aanadii ka soo baxay.. Guji... July 8

Yemen: Nin loo haysto Dilkii Sahro Xilwo oo Laqabtay
Wararka ka imanaya gobolka ku yaal koonfurta Yemen ee Laxaj ayaa shaaca ka qaaday in... Guji... July 8


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD