SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WFP

WFP oo 48 Saacadood u Qabatay in lagu Siidaayo Markabka Lagu Afduubay Xarardheere, isla mar ahaantaasna DFKMG ku eedaysay wax ka qabansho la'aanta Afduubkaas...
  • Markabka oo lagu magcaabo MV Semlow waxaa 27 June lagu afduubay aagga Xarardheere oo 300 km Woqooyi Bari ka xigta Muqdisho, asagoo kusii jeedey dekeda Boosaaso si cuntadaas loo gaarsiiyo dadkii dhibaatadu ka soo gaartey abaaraha iyo Tsumani (badgariirkii), waana markabkii ugu horeeyeye taariikhda WFP oo asagoo mucaawino sida la afduubo....
  • Markabka waxa uu sidey 850 tons oo bariis ah oo ay dalalka japan iyo Jarmalku ugu deeqeen barnaamijkii gargaarka ee WFP kaga jawaabeysey badgariirkii Tsunami.
  • Shaqaalaha markabu waxay ka kooban yihiin: Naakhuudahada (dareewalka markabka) oo u dhashay reer Sri Lanka, Injineer reer Tansaniya ah iyo siddeed shaqaale ah oo reer Kenya ah.

Tarjumadii SomaliTalk.com

NAIROBI, July 13, 2005 - Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WFP ayaa mar kale talaadadii dalbatay in markabka lagu afdubay aagga Xaradheere lagu sii daayo si degdeg ah shuruud la'aan. Markabkaas oo dadkii ka badbaadey Badgariirkii Tsunami u siday cunto dhan 28,000 tons.

WFP waxay dalbatay in markabka lagu siidaayo muddo 48 saacadood gudeheed ah, haddii aan waqtigaas lagu siideyn waxa ay WFP shaaca ka qaaday in ay gebi ahaanba mucaawinada ka goyn doonto Koonfurta Mudug, waaa sida warku u dhigaye, halkaas oo sida ay hay'addu sheegtay ay mucaawinada WFP ku tiirsan yihiin dad tiradoodu dhan tahay 34,000 oo deggan aagga Koonfurta Mudug sida uu shaaca ka qaaday madaxa WFP ee Soomaaliya Robert Hauser.

Mr. Hauser oo arrintaas ka hadlayay waxa uu yiri "Haddii ay markabka sii daayaan si shuruud la'aan ah oo degdeg ah, markaas waxaan u sii wadi doonaa deeqda aan gaarsiineyno aagooda sidii caadiga ahayd. Lakiin haddii aan markabka, shixnada saaran iyo shaqaalaha lagu siideyn 48 saacadood gudohood, markaas WFP waxay aggaas ka dhigeysaa liiska madow." "Waxaan baaq u direynaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo DFKMG in ay laba-laabaan isku daygooda sidii markabkaas loo sii deyn lahaa" ayuu yiri Hauser.

Waxaa warku intaas ku daray in uu jiro wadahadal u socda saraakiil ka tirsan Dawlada FKMG iyo afduubayaasha, laakiin Hauser waxa uu DFKMG ku eedeeyey in aysan wax badan arrintaas ka qaban. Asagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Waxaa dhib weyn iga haystaa in aan fahmo waxay tahay ayadoo adduunka oo dhammi uu ku dadaalayo sidii uu Soomaaliya u caawin lahaa in ay noqoto wadan wanaagsan, haddana in DFKMG ay ka qabatay wax aad iyo aad u yar ama waxba dhamaynta afduubka (markabka) iyo ka hor tegid in ay dhacdo arrin taas la mid ah."

Warar laga soo xigtey warbaahinmta kenya ayaa tibaaxay in wadahadal uu u socdo Wasiiru dawlaha arrimaha Dibada DFKMG, Ibrahim Jeebe iyo Wasiir ku xigeenka gaadiidka Badda Hirsi Aden Roble oo wada jira iyo afduubayaasha oo dhanka kale ah.

Warsame Saciid oo ka tirsan WFP waxa uu rajo ka mujiyey kulankii ay maalinimadii Axada yeesheen Afduubayaasha markabka iyo wasiirada DFKMG, madaxda aaggaas iyo caaqilada degaanka."

Warsame oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri "waxa aan rabnaa waa markabka, shixnada saaran iyo shaqaalaha in dhaqso loo sii daayo oo uu gaaro 28,000 qof ee ka badbaadey Tsunami oo ku sugan aagga Boosaaso".

Faahfaahin Afduubka ku saabsan ka akhri hoos::::

Markab Mucaawino sida oo la afduubay, Qaramada Midoobey oo Mucaawinadii ka joojisey Soomaaliya

Nairobi, Kenya, July 7, 2005 (Tarjumadii SomaliTalk.com) - Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WFP ayaa joojisey dhammaan shixnadihii mucaawinada ee ay gaarsiinjirtey dalka Soomaaliya kaddib markii la afduubay markab hay'addaas u kiraysnaa. Markabka oo ay hadda haystaan burcadda-badda waxa uu sidey cunto deeq mucaawino ah oo uu u sidey 28,000 oo qof oo ka badbaadey bad-gariirkii Tsunami ee December sannadkii hore. Cuntadaas oo loogu talo galay in dadkaas tabaalaysan lagu quudiyo muddo labo bilood ah.

Tani waa markii ugu horeysey ee taariikhda hay'adda WFP laga afduubo markab cunto mucaawino ah sida, sida ay werisey hay'adda degaanka.

Go'aanka lagu gaarey in shixnadaha mucaawinada laga joojiyo Soomaaliya waxaa sababay amaan darrida ka jirta biyaha Soomaaliya ee ku xeeran Afrika xeebteeda Bari, sidaas waxaa yiri agaasimaha WFP u qaabilsan Soomaaliya, Robert Hauser. Waxana uu intaaas ku daray "Haddii la helo xal degdeg ah, waxaan rajeyneynaa in aan kala go' weyn ku dhici doonin hawlgalada mucaawinada WFP ee wadanka Soomaaliya".

"Tobanka qof ee shaqaalaha ka ah markabka ayaa lagu soo waramay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay, waxana rajeyneynaa markabka MV Semlow ee sida mucaawinada in si shuruud la'aan ah loogu ogolaado in uu sii wato safarkiisii uu ugu socdey Boosaaso oo kutaal Woqooyi Bari ee dalka." ayuu yiri Mr. Hauser oo kusii daray "Soomaaliya waa meel ay ka jirto halis weyn oo sababeysa in aan shixnad kale loo diri karin."

Hay'adda Qaramada Midoobey (UN) waxa ay hadda wada hadal ugu jirtaa sidii loo siideyn lahaa markabka, iyo shixnada saaran iyo shaqaalihiisa.

Siideynta shixnada mucaawinada ah, markabka iyo shaqaalihiisa ayey ku xirnaan doontaa in WFP ay dib u eegto go'aanka joojinta shixnadaha mucaawinada ee loo diro Soomaaliya.
Qiyaastii 12 ilaa 15 markab oo u kiraysan WFP ayaa bil kasta yimaada dekeda Mombasa Kenya halkaas oo ay keenaan shixnado cunto deeq ah oo lo wado Soomaaliya iyo lix wadan oo oo kale oo ka tirsan gobolka. (Sawirka WFP)

Markabka MV Semlow oo ka diiwaan gashan St. Vincent iyo Grenadines, waxaa June 27keedii laga afduubay meel u dhexeysa Xarardheere iyo Hobyo oo qiyaastii 300km (200miles) Woqooyi Bari ka xigta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Markaas oo uu markabku mareyey meel xeebta u jirta 60km (40miles).

WFP waxay markabka ka kiraysatay shirkada Motaka (Shipping Agency) ee Mombasa, Kenya. Shaqaalaha markabu waxay ka kooban yihiin: Naakhuudahada (dareewalka markabka) oo u dhashay reer Sri Lanka, Injineer reer Tansaniya ah iyo siddeed shaqaale ah oo reer Kenya ah.

WFP waxay xiriir la samaysay caqilada beelaha (aagaasaas) iyo maamulka maxalliga iyo cuqaasha la xushmeeyo ayadoo weydiisatey in ay ka caawiyaan sidii loo xaqiijin lahaa siideynta shixnadaas.

Wafti kasocda Dawladda Federaalka Kumeel gaark ah (DFKMG) ee Soomaaliya ayaa isniintii hore u safray degmada Xarardheere si ay uga qayb qaataan siideynta cunatada mucaawinada ah ee WFP, markabka iyo shaqaalihiisa.

Waftiga DFKMG waxaa hoggaaminayey Xirsi Aaden Rooble oo ah wasiir-ku-xigeenka gaadiidka Badda, oo uu weheliyo wasiiru dawlaha arimaha dibada Ibraahim Jeebe oo ay la socdaan caaqilo magac ku leh jaaliyada (ku dhaqan aaggaas).

WFP sida caadiga ah waxay shixnado mucaawino ka qaadaa Mombasa, Kenya ayadoo geyneysa goobo kala duwan oo ka tisan Soomaaliy. Ilaa bishii Janaayo waxay WFP Soomaaliya u qaaday 22,000 tons oo cunto mucaawino ah oo laga raray Mombasa.

Intii u dheseysey April iyo May, WFP waxay 2,000 tons oo deeq cunto ah gaarsiisey Xaradheere iyo degmooyinka ku xeeran ee ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, ayadoo mucaawinadaas la sii mariyey hay'adda CARE international.

Markabka MV Semlow waxa uu dekeda Mombasa, Kenya ka dhoofay June 23keedii asagoo kusii jeedey dekeda magaalada Boosdaaso oo ka tirsan Puntland. Markabka waxa uu sidey 850 tons oo bariis ah oo ay dalalka japan iyo Jarmalku ugu deeqeen barnaamijkii gargaarka ee WFP kaga jawaabeysey badgariirkii Tsunami.

Bad-gariirkii Tsunami waxay ahayd dhibaato kale oo ku dhacday dadka markii horeba saboolka ahaa, waxayna tabar daraysay dadka Puntland, Soomaaliya. Gobolka waxaa waxaa isaga dambeeyey afar sano oo abaar ah oo ay ku xigtey duufaan wadata daada iyo dhaxan daran."  Sawirka WFP.

Soomaaliya waxay ahayd dalkii Afrika ee ay saamaynta ugu weyn ku yeelatay aafadii badgariirka Tsunami ee ay sababtay dhulgariirkii baaxadiisu dhamayd 9.0 ee ka dhacay badda jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia markey taariikhdu ahayd December 26, 2004.

Meelaha uu bad-gariirku aadka u aafeeyey waxaa ka mid ah qaybo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland oo ku taal woqooyi bari ee dalka Soomaaliya. Dadka halkaas ku dhaqan ayaan markabka la afduubay uu cuntada u sidey, ayey tiri WFP.

Afar sano oo xiriir ah oo roobku aad u yaraaday ayaa dooxada Sool iyo nawaaxigeeda Somaliland iyo Puntland waxay sabab u noqotay xoola badan oo ku le'day, xoolo dhaqatadii oo noqday cayr, arimahaas oo kordhiyey u nuglaanta dhibaatada iyo barakac.

"Waxaan ilaa hadda ognahay in Puntland ay ahayd meesha dhibaatada ugu weyn ay soo gaartey" sidaas waxaa yiri xubin ka tirsan UNICEF Somalia, Jesper Morch, waxa uu hadalkaas yiri wax yar kaddib markii badgariirkii Tsunami dhacday, waxana uu intaas ku daray "Arrintani waxa ay dhacday markii Puntland ay ku habsadeen abaar dheer, sidaas daraadeedna loo baahan yahay mucaawino badan si qoysaskaasi ay uga badbaadaan dhibtaadana ugana soo kabtaan".

Xaqiiqsiga baaxada dhibaatada waa adagtahay sabatoo ah xeebta aadka u dheer ee Soomaaliya iyo tuulooyin farabadan oo ku yaal meelo fogfog aan la gaari karin. Si kastaba ha ahaatee arrinta la garwaaqsaday wax yar kaddib Tsunami waxay ahayd sidii looga hor tegi lahaa cudurada ka dhasha biyahay iyo sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa cuntada asaasiga ah iyo hoy ama gabbaad.

Warbixinadii Janaayo waxay muujiyeen in dadku ka cabanayeen biyo wasakhaysan iyo in dadka qaar ay la halgamayeen sidii ay ku heli lahaayeen cunto.

Nuurto Muudey oo 27-jir ah waxaa masiibadaas kaga dhintay ninkeedii iyo ilmo yar. Hadda waa in ay ayada keligeed ay quudisaa saddex carruurteeda ah. "Ma haysto wax aan carruurta ku quudiyo" ayey tiri. "Biyihii ayaa qaaday dhammaan waxaan haysaney. Mustqabal fiican uma jeedo. Waxaan ku tiirsanahay deeqda cuntada ee mucaawanada ah ee aan ka helo WFP. Waxaan la noolahay qoys kale. Xataa ma haysano hoy." ayey tiri Nuurto.

WFP waxay caawisaa 275,000 oo Soomaali ah oo ay siiso 2,000 tonns oo cunto ah bil kasta. Waxaa hadda hay'adda dalka Soomaaliya u yaal cunto ay qabin karto labo bilood. Laakiin warbixintaas oo ahayd July 7 waxaa ka dambeysey in maanta July 13 uu Mr. Hauser sheegay in WFP ay dalka ugu hartay cunto dhan 4,000 tonnes kuwaas oo ku dhammaanaya laba toddobaad haddii aan afduubkani dhammaan oo aan aggaa afduubka la tegin.

ISHA: Environmental News & China News

Tarjumadii SomaliTalk.com

Faafin: July 13, 2005

Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji Xuseen

Waa Xaaraam wax ka qorista mashaariicda Islaamka iyo Culumada ka shaqeysa 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD