SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?

  • Xog soo gaartey SomaliTalk | June 12, 2005

Terry | Reer Australia aan la garanayn sababta uu u jooga Puntland

Tan iyo markii ay SomaliTalk daabacday sawir nin u dhashay dalka Australia oo kamid ahaa waftigii madaxweynaha DGPL ee June 10-keedii u ambabaxay UAE iyo Kenya, waxaa SomaliTalk ka soo gaarey dalka Soomaaliya guduhiisa warar ku saabsan ninkaas.

Waxaa wararkaasi tibaaxeen in ninkaas oo Puntland looga yaqaan magaca Terry in gobolka lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu maalgashi ku samaynayo Soomaaliya. Taas oo sida wararku sheegeen uu ninkaasi u muuqdo nin aan ganacsade ahayn marka la eego qaab socodkiisa uu ku joogo Puntland.

Mid kamid ah dadka la soo xiriiray SomaliTalk ayaa yiri: "Ninka reer Australia ee mudadan ku wareegayey Puntland uma muuqdo ganacsade, balse waxa uu u muuqdaa nin dano kale u jooga gobolka, waa nin xiriir aad u dhow la leh madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, waa nin dawlad Goboleedka Pubtland aad ugu dhex jira si shaki gelin karta shacabka, DGPL ilaa hadda ma ay cadayn waxa ninkani gobolka u joogo, waa nin Soomaalida aad u soo dhex galaya, gaar ahaan wuxuu aad u dhex galay dhallinyarada, uma eka nin maal qabeen ah oo gobolka u jooga maal gashi, muddo ayuuna gobolka ku gaaf wareegayey mana jiraan wax mashruuc muuqda oo uu qabtay. DGPuntland shacabku waxay ka qabanaan shaki wixii ka dambeeyey ilaa markii uu soo shaac baxay heshiiskii halka qarni loogu saxiixaday Xaafuun in lagu wareejiyo shirkad reer Australia ah, taas oo ilaa hadda aan xaqiqadeeda dawlada Dhexe iyo dawlad goboleedka toona aysan war cad ka soo saarin..  haddaba tolow ninkani muxuu Puntland u yimid.." ayuu akhristahaasi ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.


Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Terry.. Guji

Wararkaasi markii ay akhristayaasha ka soo gaareen SomaliTalk ayaa waxaan baaritaan ku samaynay arinta la xiriirta ninkan, waxaana ilaa hadda SomaliTalk u suurta gashay in ay ogaato arimahan:

Ninkan (Terry) waa reer Australia, waxana uu Boosaaso yimid bishii Febraayo ee sannadkan 2005, xilligaas waxa uu la socdey dhakhaatiir reer Australian ah oo Puntland u yimid in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami). Markaas waxa uu Terry sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samafal ah oo magaceeda la yiraahdo "Kids in Need" (taas oo marka la macneeyo ah: carruurta caawinaada u baahan - ilaa hadana funaanada uu wato sidaaas ayaa ugu qoran). Kaddib waxa uu Terry ku laabtay Australia, laakiin durbadiiba waxa uu Puntland kusoo laabtay asagoo aysan la socon hay'adihii samafalka ee markii hore uu la socdey. Waxana uu hadda ka mid yahay waftiga DGPL, sida ka muuqata sawirka midigta xiga, oo ah sawirka ay akhristayaashu jawaabaha naga soo gaarsiiyeen kaddib markii aan daabacnay.

Waxaa kale oo SomaliTalk u suurta gashay in ay ogaato in haya'adihii samafalka ee uu Terry la socdey in dadkii la socdey uu kamid ahaa Ciise Dhoolawaa, markiiba SomaliTalk waxay la xiriirtay Dhoolwaa si wax looga weydiiyo waxa uu kala socdo arimaha ninkaas, waxana uu Dhoolwaa ku jawaabey : "Ninkaas Boosaaso markii aan tagnay asagoo aan u malaynayo in uu ka socdey hay'ad samafal ayaa iigu war dambeysey, waxaana arimhiisa wax laga weydiin karaa Dawlad Goboleedka Puntland".

Isku soo duuboo waxaa dad badani is weydiinayaan sida uu nin dalka ku yimid magac hay'ad samafal ah uu durbadiiba ugu xuub siibtey ganacsade dalka maal gashanaya, ayado aysan muuqaan maalgashigaasi,. Waxa kale oo la is weydiinayaa sida xiriirka degdeg ah uu ula ayeeshay DGPL, iyo sida uu dhallinyarada u dhexgalay.

Warar kale oo dhowaan SomaliTalk soo gaarey ayaa sheegaya in uu jiro dadaal la isku deyayo in arinta ninkaas lagu war geliyo wasaarada arimaha dibadda ee Austarlia iyo booliiska dalka Australia.

Ugu dambayntii SomaliTalk waxay ku casumeysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan  reer Puntland, in qofkii xog ka haya ninkaas uu nasoo gaarsiiyaan si aan shacabka ugu soo bandhigno.

SomaliTalk waxa lagala soo xiriiri karaa halkan: www.somalitalk.com/feedback

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005



Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni..
ka Dhegeyso halkan...


XAAFUUN::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD