Bogag
Soomaliyeed oo ku dhiiraday baahinta qoraalo
Islaamka lagu aflagaadaynaya. Taas oo aysan ku
dhiiran karin kuwa gaaladu
Assalaamu
Calaykum!
Marka hore
waxaa mahad leh Ilaah. Intaa kadib maalmahan waxaad
moodaa qaabka khaldan ee loo fahmay kalmadaha fikrad
dhiibasho iyo diimuquraadiyad in talaabadeedu
dheeraatay oo ay gaadhay in bogagga Soomaaliyeed
qaarkood baahiyaan qoraalo lagu aflagaadaynayo
diinta Islaamka, Quraanka iyo Nabi Muxammed (s.c.w.).
Kuwaas oo aad mooddo in loogu tala galay in dadka
Soomaliyeed ee muslimiinta ah tashwiish looga furo
diinta Islaamka!
Sidaa
awgeed maqaalkan wuxuu ku socdaa oo baraarujin iyo
digniin u yahay bogagga qoraaladaas baahiya, dadka
qoraaladaas soo qora iyo guud ahaan shacabwaynaha
Soomaliyeed ee muslimiinta ah. Arintaan waa muhiim
ee haduu maqaalku kula dheeraado xoogaa dulqaada
yeelo.
Bogagga
qoraalada aflagaada ah baahiya:
Sidaan
wada ognahay website-yada Somalidu leeyihiin aad
ayay u fara bateen, isla markaasna intooda badan
isku wax ayay qoraan. Dad badana waxay u arkaan
inaysan u nafac badnayn sida ay u fara badan yihiin!
Maadaama sababta lagu asaasay badankood ay tahay in
reer hebel ay la tartamaan reer hebel, ama gobol
hebel furto daaqad uu wax ku qoro, siduu gobol
hebelba u furtay. Iyadoo waxa lagu tartamayo aysan
ahayn cilmi diineed iyo mid aduunyo ama wax soo saar
nafac u leh bulshada Soomaliyeed! Taas macnaheeda
maaha inay bogagga Soomaliyeed oo dhan sidaas ku
salaysan yihiin, balse waxaa jira kuwo nafac leh oo
danta ummadda u taagan mase badna.
Si kastaba
ha ahaatee website-yadaas waxaa ugu yaraan laga
filayay inay leeyihiin siyaasad, xeerar iyo shuruudo
u gaara. Taas oo ku wajahan qoraalada ay soo
gudbinayaan iyo dadka ay kasoo gudbinayaan, maadama
joornalada iyo website-yada caalamka ka jira
badankood leeyihiin xeerar khaas u ah oo ay raacaan.
Tusaale ahaan hadaan usoo qaadano kuwa reer
Galbeedka ee dadku qaarkood ku daydaan, marnaba
kuuma baahinayeen qoraal aad si cad ugu weerarayso
shakhsi, bulsho ama diin. Sidoo kale marnaba uma
aysan ogalaadeen nin iyaga dadkooda ah inay u
baahiyaan qoraal uu ku amaanayo Islaamka inuu xal u
yahay dadkooda. Sababtoo ah waxay ogyihiin in
akhristayaashoodu waxaan xiiseenayn amaba
akhrisanayn, balse ay xanaaqayaan oo ay aad uga soo
horjeesanayaan joornaalkaas ama boggaas. Hadaba
sidee ku dhacday in website-yo Soomaliyeed ay
faafiyaan qoraalo lagu aflagaadaynayo Islaamka ama
Nabi Muxammed (s.c.w.) iyo hooyooyyinkii mu’miniinta?
Sideese ku dhacday inay ku dhiiradaan website-yadaas
inay dadka Soomaliyeed ee muslimiinta ah usoo
gudbiyaan waxyaalo dhaqankooda diineed
aflagaadeenaya ama oranaya diinta Islaamka dib dhac
ayay nagu ridaye, midda reer Galbeedka aan qaadano?!
Waxaa laga yaabaa inay jawaabtu tahay dhawrkaan
sababood ee soo socda midkood. Akrhistaha ayaana u
dayn inuu kala dhex baxo midda ay noqon karto.
Sababta
1aad waxay noqon kartaa in tolnimo/gobol difaaciddii
lagu asaasay bogaggaas khalad loo fahmay, oo qof
kamida tolka hadduu qoraal aflagaadaynaya Islaamka
soo qoro loo baahiyo iyadoo aan la iska eegayn waxa
uu qoray. Qoraalkaas oo laga yaabo hadii badda lagu
dhibcin lahaa inay wasakhoobi lahayd, xumaanta ka
buuxda awgeed. Laakin maadama uu yahay ina hebel
qoraalkiisu akhrin uma baahna, hadduu rabo Ilaahayba
ha caayee!!! Waxaana xusid mudan hadalkii Nabi
Shucayb uu tolkiis kuyiri suuratul-Huud “Tolkeygiyow
jilibkaan ka dhashay miyaa idiinkaga qiimo badan
Ilaahay?”. Haday ciladdu middan tahayna waxaa
muuqata fashilaad xagga aqoonta iyo in la iska
furtay daaqado caqli qabiil ku shaqeeya kuna dhisan
tartan jaahilnimo iyo aqoon yari, wax manhaj ahna
aan lahayn. Dhinaca kale lagama fakarin dadka
qoraaladaan akhrisanaya inay yihiin dad Soomaliyeed
oo muslimiin ah oo aan marnaba raali ka noqonayn wax
Islaamka kasoo horjeeda! Hadaba waa yaabe bogagga
qoraaladaas baahiyaa miyaysan ka fakarayn
akhristayaashooda iyo bulshada ay la xiriirayaan?
Mise dadka Soomaliyeed ayaa Islaamnimadooda qalooc
lagu ogyahay oo waa la iskaga dhiiran karaa in wixii
la doono loosoo gudbiyo oo ay akhristaan? Tolow
dadka Soomalida halkee laga arkay salaad, soon iyo
aqoon diineedba kuma yaree? Yaase eeda iska leh,
kuwa baahiyaa mise kuwa lagu dhiiraday?
Sababta
2aad waxay noqon kartaa in khalad loo fahmay kalmada
fikrad dhiibasho, taas oo bogagga Somalida ku badan
ayadoo u qoran qaab af-English ah “Opinion”. Waase
wax dhaca inta badan qofku markuu af uusan lahayn ku
cusub yahay inuu kalmado badan khalad u fahmo ama si
qaloocan u isticmaalo. Sidaa awgeed waxaa laga yabaa
in dad badan kalmadaas u fahmeen qofkii afka kala
furtaba in la iska baahiyo wuxuu yiraahdo. Iyadoo la
is leeyahay dad diimuquraadiyad doon ah noqda!
Miyaanan la ogayn kii keenay diimuquraadiyadaba inuu
ku fashilmay oo caburin ka doorbiday maanta?
Miyaananse la ogayn in diimuquraadiyada laftigeedaba
ay ku salaysan tahay cid kaste inaan codkeeda la
gudbin. Sanadahaan danbe miyaysan dad badani fahmin
kalmado badan oo awal dadka qaarkood ka qarsoonaa?
Haddii aysan dadka qaarkood wali fahmin, sanadaha
soo socday mindhaa fahmi doonaan haduu Eebe idmo.
Tolow website-yada Soomaliyeed sababtaan cudur daar
ma u noqon kartaa?
Sababta
3aad waxay noqon kartaa ragga website-yadan iska leh
ama masuulka ka ah inaysanba akhrin maqaalada loo
soo diro, oo ay iska baahiyaan iyagoo xattaa aan
isha marin waxay ku saabsan yihiiy qoraaladaas.
Laakin haday iska akhrin lahaayeen ama labada
indhood wax ku wada eegi lahaayeen, laga yaabi lahaa
inay dad caqli badan yihiin oo aysan marnaba
baahiyeen qoraalo Islaamka lagu aflagaadaynayo ama
loogu tala galay in Soomalida diintooda tashwiish
laga galiyo si loo asaaso fidno aan maanta dhex
oolin dadka Soomaliyeed ee muslimiinta ah. Hadaba
baraarug la’aantaas cudur daar ma u noqon website-yadaas?
Waxaa kaloo qofku iswaydiin karaa oo maxaa dusha loo
saartay mas’uuliyad aan laga bixi karin?
Sababtu
miday doonto ha noqoto, laakin website-yadaas sinaba
cudur daar ku heli maayaan Waxaana muhiima in la
kala saaro tolnimo iyo Aakhiro seeg, sida ganacsiga
iyo saaxiibtinimadaba loo kala saaro. Qofkii raba
inuu Islaamka iyo Ilaahay la dagaalamo waa hawl
isaga u gaara, ee maaha inuu adiga ku aafaysto oo
kugu Aakhiro seejiyo magac toleed. Teeda kale waxaa
is xusuusin mudan dadka Soomaliyeed inay muslimiin
yihiin Islaamnimadoodana ku faansan yihiin meel
kaste oo ay joogaan. Hadaba hadii iyaga loo adeegayo,
maxaa loo baahinayaa qoraalo diintooda nadiifka ah
kasoo horjeeda? Hadaad niyad fiican tihiin middaas
oo ay dad badan idinku filayaan, shacabka bogagiina
soo booqda ha isnecbaysiinina waxaan aqbali
maayaane!
Hadaysan
intaas aan soo sheegnay baraarujin noqon waydo,
waxaa mudan inaad ogaataan inay jiraan dad qareeno
muslimiina. Kuwaas oo u taagan inay dacweeyan
bogagga Islaamka aflagaadeeya. Qareenadaas waxay
degan yihiin UK waliba nidaamkoodu wuxuu awood u
leeyahay, inay kaa dacweeyan dalka uu domain name-kaagu
ka diiwan gashan yahay iyo inay la xiriiraan
shirkadda webhosting-ka kusiisay. Luuqad kaste oo
wax lagu aflagaadeeyo dad xubno ka ah ayaa u tarjuma.
Taasna waxay goodi u tahay ninkii u bareeray
waxyaalahas inuu baahiyo, waano inuu wax ku qaatana
ogolayn.
Dadka
soo qora aflagaadada:
Marka hore
waxaa fiican inay xasuustaan awoodda Ilaahay,
ciqaabkiisa danbe iyo inuu Isagu diintaan leeyahay
cid kaste oo hor istaageeda isku daydana aysan
Aakhiro iyo aduunba liibaanayn. Marka 2aad waxaa
mudan in la xusuusiyo dadka soo qora qoraaladaan
inaan looga fadhiyin inay aflagaadeeyaan Islaamka.
Balse in laga soo dhoofiyay dalkoodi iyagoo caqiido
nadiifa wata, lagana sugayay in cilmi ama fikrad
fiican oo ay dunida darfaheeda kasoo helaan dalka
iyo dadka u keenaan. Sidii dadkii Japanka ahaaba
dalkooda markay kasoo qaxeen dagaaladii lagu
tilmaamay kuwii aduunka oo ay yimaadeen Galbeedka.
Kadibna halkaas kala laabteen cilmi iyo horumar ay
dadkoodi wax ku tareen, iyagoo aan la iman
canbaarayn dhaqankoodi diineed, ama aan soo badalin.
Kuwii soo badalayna waaba la gubay sida
taariikhdooda ku qoran!
Tusaalahaas haduusan mid wax ku oola unoqon qolodaan,
waxaa haboon in lagu baraarujiyo marka hore in la
dagaalanka Islamka uusan bilaaban maanta oo ay rag
badan uga horeeyeen dhamaantoodna baddu qaaday! Dad
dibad soo aada oo falsafad bartana inaysan iyaga ugu
horayn, balse waagii dawladihii Soomaaliya jireen,
in rag badan Ruushka loo soo diri jiray iskuna
dayeen dalka inay caqiidadiisa marin habaabiyaan!
Maku guulaysteen? Jawaabtu waa maya oo maantayba
Somali ka caqiido fiican tahay markii loo fiiriyo
dagaaladii sokeeye kahor. Raggaasna sidoo kale badda
ayaa qaaday ama diintoodi ayay iskaga soo laabteen.
Waxaa
kaloo xusid mudan ninka aduunka ku damdamleeya oo
cid walba xooga u sheegta in siyaasadiisa Islaam la
dagaalanka ah iyo sirdoonyadiisaba ay jahawareereen.
Waxoodina iskugu biyo shubteen maray Qur’aanka
Kariimka musqulaha raaciyaan iyo maray yiraahdaan
maanta waxan la hishiinaynaa ururada Islaamka. Waxaa
kaloo dadkaas in lagu baraarujiyo mudan inuusan
aduunku bilaaban 1918-kii, balse uu kumanaan sano
soo jiray, xadaarado badana soo jireen, mid kastana
lahayd xili ay dunida maamusho. Waxaa kaloo
baraarujin mudan dadka Soomaliyeed inay yihiin dad
muslimiin ah oo aan caqli xumo hayn kana deeqtoon
gabar gaaloowday iyo wax la mida. Hadaba maxaa la
isku daalin oo qoraalo aysan Soomalidu xiisaynayn
wakhtiga la iskaga lumin. Maxaase loogu soo gabadaa
aqoonta iyo ururada ardayda Soomaliyeed. Ma waxaa la
yiri dadka Soomaliyeed waa jaahiliin oo ninkii aqoon
yahan la baxa ama jabhad samaysta uun baa ka adag?
Xaqiiqduse sidaa maaha, Soomalina dad aqoon, caqli
iyo dadnimo u saaxiiba ayaa kujira. Kuwaas oo kala
ah, kuwo aqoontoodi hore kasii kordhistay aduunka
darfahiisa iyo kuwo dibadaha ku barbaaray waxna ku
bartay habeen iyo maalina ku seexda sida dhibta
looga bixi lahaa, dalkana diintiisa iyo dhaqankiisa
loo dhawri lahaa, laakin fursadeeda sugaya.
Dadwaynaha Soomaliyeed ee muslimiinta ah:
Marka hore
waxaad ogaataan in waajib na wada saaran yahay.
Diinta Islaamkana cid si khaasa Ilaahay waardiye uga
dhigay aysan jirin, wadaad si gaara u sheegan karana
ma jiro. Balse dadka oo dhan qof kaste oo muslim ah,
qaangaar ah, rag iyo dumarba masuuliyad ayaa ka
saaran in Diinta Islaamka la dhawro. Qofkii ku
xadgudbana runta loo sheego. Yaana lagugu harowsan
aqoonta la iska sheeganayo waayahan danbe. Inay dad
badan aqoonta iska sheegtaana wax beena maaha,
laakiin waxaa markhaati noqon kara in dalal aduunka
kamida badankood ka diidaan qofka Soomaliga ah
shahaadada uu wato haduusan dal ay yaqaananan ama ku
kalsoon yihiin kala imaan. Waxaadse ku
baraarugsanaataa inay jiraan dad badan oo cid aan la
aqoon u sheqeeya. Koleey dad uun beey u shaqeeyaan,
laakin qoloda ay u shaqeeyaan dadka badankood ma
yaqaanaan? Waana kuwa diinta dagaalka ku wada, iyo
kuwo kale oo dalkoo idil NGO-yo la tagay, moodana in
lagu soo yiri afka Soomaliga dalka ka tirtira,
meeshii gargaar iyo horumar inay geeyaan laga
filayay!
Marka 2aad
waxaa kaloo iswaydiin mudan shirarkaan aqoonyahano
kusheega ah ee Yurub ku qabtaan qaar kamida dadkaas,
loona qabto intooda badan immaa in lacag lagu cuno
ama lagu taageero nin dalka dagaal kawada, maxaa wax
loogu tari waayay dadka Soomaliyeed ee Yurub ku
dayacan? Maadaama hadaad fiiriso tirokoobka
ajaanibta dalal kamida Yurub, Soomalidu waxay ku
jiraan dadka ugu hooseeya dhinaca waxbarashada iyo
shaqada! Dhalinyaradooduna waxaadba moodaa in lagu
yiri dadka ugu fiican ee aad ku dayan kartaan waa
dadka loo yaqaan Afro-American-ka. Kuwaas oo aad
moodo in badankood lagu tarbiyadeeyay markay
dhargaan inay heesaan oo ciyaaraan, surwaalo iyo
silsilado waawayna xirtaan mustaqbalna ka fakarin.
Markay gaajoodaana dhulka fasahaadiya! Balse waxaa
xaqiiqa in Scandinavian-ka ka dhacday dadka aqoonta
ama ururda sheegta qaarkood inay caruurta
Soomaliyeed lugooyo noocaasa ku hayaan si ururkoodu
u waayin dhaqaalaha ay caruurtaas kaga helaan
dawladahaas. Hadaba qofkii garaad u saaxiibow fakar
oo maxaa kula haboon!
Halkii
Daqiiqoba Ameerika Waxaa Lag Dalbadaa Hal
Masxaf Qur'aan ah::
Sida ay qortay shabakada IslamOnline, waxay
hay'adda CAIR sheegtay in labadii toddobaad
ee lasoo dhaafay laga dalbaday 5000 oo
Kitaabka quraanka ah, waa halkii daqiiqoba
hal masxaf Quraan ah ayaa la dalbanayey,
arintaasi waxay ka dambeysey kaddib markii
shabakada CAIR ay soo bandhigtay qoraal ay
cinwaan uga dhigtay "Explore The Qu'aan"
kaddib markii ay soo bexeen warar sheegaayey
in Xabsiga Guantanamo Bay kitaabka musqul
lagu ridey.
SHABAKADA CAIR:
http://cair-net.org/ |
Tan 3aad
waxaa khibrad musiibo noogu filan middaan qabiilka
ee daba dheeraatay, taas oo aan Rabbi ka rajaynayno
inuu naga saaro. Laakiin waxaa naxdin leh inaan
khibradaas ka faa’iidaysan wayno oo cibro qaadasho
noo noqon waydo indhahana ka laabano dad raba inay
na galiyaan fidno ka daran midda na haysata. Taas oo
ah tashwiish diineed iyo caqiido khaldan
khilaafkeeduna uusan waligiis dhamaanayn sida
taariikhda aduunka lagu yaqaan. Sidaa awgeed waa
inaanan marna yeelin in dadka Soomaliyeed ee
muslimiinta ah fikrado khaldan oo kuwii lahaaba ku
nafacsan waayeen lagu dhex baahiyo. Teeda kale
waxaad agootaan waxay bulsho ku dhisan tahay
shacabkeeda. Wax uusan shacab wayneheedu aqbalayna
cid socod siin karta majirto ee hadaba waajibkeena
shacabnimo aan kasoo baxno oo qof walbow booska aad
bulshada ku leedahay xagso yaysan duufaantu kasoo
galine. Haday tabar daro dhinac kasta ah ku haysato,
isku day inaan Islaamka dhinacaaga laga soo weerarin,
dadkaagana lagugu garaacin, illayn maanta dadka wada
dhashay ayaa la isku dilaaye.
Tan 4aad
haweenaydii Kenyaatiga ahayd Professor Wangari
Maathai ee ku guulaysatay arinta lagu tilmaamo
”Nobel Peace Prize” ee laga baxshay dalka Norway
8-dii Oktoobar, 2004. Markii la siinayay biladaas
teleefishino badan ayaa waraysi la yeeshay. Hadalka
xikmadda ah oo ay ku hadashay habeenkaas wuxuu ahaa
inay tiri,”markii lagu canbaareeyo oo lagugu
tilmaamo inaad xaqiran tahay lagaana bad-badiyo,
waxaad iska aaminaysaa inaad xaqiran tahay adigoo
aan xaqirnayn. Kadibna niyadaa kaa jabaysa ismana
difaaci kartid waxna ma qabsan kartid”. Hadaba marna
yaysan kaa dhaadhicin inaad tahay qof liita.
Maadaama dadka maqaalada aflagaadada ah qora ay ku
andacoodaan Soomalidu waa dad liita, dadka
hormarayna ka haray. Meesha ay sidaa ka leeyihiin
waxaa fiicnaan lahayd inay tilmaamaan dhaqanka ama
falka xun inuu liito ee aysan dadku liidan oo ay
fiicnaan lahayd inay mid ka wanaagsan la yimaadaan.
Waa yaabe ma Soomali oo dhan ayaa liidata, maxaase
bulshadoo dhan loo aflagaadayn?
Ugu
danbaytii waxaa is xusuusin mudan in bulsho kaste
dhaqankeeda diineed ee soo jireenka ahaa ku faansan
yihiin oo ilaalsadaan. Raalina kama noqdaan in
dadkooda lagu dhex baahiyo caqiido kale oo lid ku ah
midda ay haysan jireen waligood, xattaa haday
khaldan tahay. Hadaba anagoo caqiido nadiifa iyo
diin saxiixa haysana sidee uga raali noqonay in
website-yo Soomaliyeed waxaas noosoo bandhigaan?
Teeda kale waxaa baraarujin mudan dhowridda diinta
Islaamka maaha wax u baahan dagaal iyo inaad xoog
lahaato kaliya, laakin qof walba inta awoodiis ah
waa inuu ku difaacaa diinta. Haday ahaan lahayd
maqaal, email qorid ama dood sharafeed. Hadaadan
intaas midna awood u lahayn, taageer cidda u
istaagta arimahaas.
Mukhtaar
Qooransay
London, UK
qoransay@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan