SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Waa Kuma Terry? Muxuuse Puntland u joogaa?

  • Mohamed Said Mohamud | Acting Country Director
    KIDS IN NEED | Garowe, Puntland State | SOMALIA
    Tell: 252-5-4-45024 | Email: kidsinneed_som@yahoo.com.au
     

Terry
 Waa Kuma Terry?

Terry waa Gudoomiyaha (Chairman of Executive Officers (CEO)) urur caalami ah oo Western Australia (Perth), Australia ka rejis-gareesan. Ururkaan waxaa la yiraahdaa KIDS IN NEED (KIN).

 
Terry wuxuu soo raacay dakhaatiirtii reer Australian-ka ahaa ee Bosasso Hospital timid February 2005 ka dib markuu barnaamijkooda ka daawaday idaacada (TV-ga) ABC ee Australia.
 
Terry wuxuu safarkiisii ugu horeeyey Puntland (February) waday deeq ururkiisa (KIN) ugu soo deeqday Tsunami-da. Balse Terry wuxuu ka calool xumaaday baahida haysata caruurta reer Puntland gaar ahaan, iyo dhamaan danyarta reer Puntland oo ay ka midyihiin reer-miyigii abaaraha iyo duufaamuhu xoolihii ka dhameeyeen, kaluumaysada Tsunami-du noloshoodii burburisay iyo dadka ka soo barakacay goboloda koonfureed ee kusugan xeryaha qaxootiga ee Puntland.
 
Muxuuse Puntland u joogaa?
 
Aniga oo ah muwaadin reer Puntland ah, waxaan Terry iyo ururka KIN la shaqeenayey ilaa bishii April. Terry waa nin ay aad u danqisay baahida Puntland taala iyo sida aan aduunku waxba uga qaban.
 

Maxwell Gaylard
Terry xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo dawlada Puntland wuxuu ka dhashay arintaas. Wuxuuna xoogsaday ka dib markii Madaxwaynuhu ku casumay casho sharaf loo sameeyey wafti balaaran oo UN Somalia ka socday oo uu ku jiray Maxwell Gaylard (ninka haysta UNta Somalia) 5tii April 2005. Terry cashadii buu habeenkii ka hadlay isagoo dhaleeceenaya waxtar-yarida iyo musuqmaasuqa ku dhexjira UN hay'adaheeda Somalia ka shaqeeya. Wuxuu Terry ka waramay in gaajo danyarta reer Puntland wada haysato raashinkii UNtu keentayna (hay'ada WFP) ay bakhaaro iib-uga buuxaan magaalada Bosasso. Terry wuxuu soo bandhigay sawiro uu ka soo qaaday IDP camps Bosasso iyo caruur dariiqyada ku tabaalaysan iyo raashinkii WFP oo bakhaaro lagu iibinayo - oo ay qaarkood leeyihiin shaqaalaha UNta u shaqeeya.
 
KIN waxay dawlada Puntland kula saaxiibtay sidii dhibtaan looga bixi lahaa iyadoo qaba fikrad ah in Puntland aysan tuugsan UNta iyo hay'adaha samafalka ah oo ay iyadu raadiso siday isugu filnaan lahayd.
 
Ururka KIN wuxuu qabaa in aysan xal-raaga u ahayn Puntland iyo Somali oo dhan inay waligood UN iyo International Community wax ka sugaan. KIN waxay ka shaqeenaysaa siday u caawin lahayd Somalida horumarka diyaarka u ah (sida reer Puntland) siday isku-filnaansho toos ah iyo xoriyad horumarineed u gaarilahaayeen iyagoo aan cidkale wax ka sugin.
 
Mashaariicda uu Terry iyo ururkiisa KIN Somalia u qabteen ilaa bishii February waa sidaan:
 
Project Name                               Activity Description Timeframe
  1. Wheelchair supplies
96 (20ft container)       Bosasso Feb
  1. Australian doctors and nurses visit
3 doctors 1 nurse   Bosasso Feb
  1. Medical equipment supplies
Bosasso Hospital Feb
  1. Provision of Tents
50 (6 man) tents  Bosasso Feb
  1. Drought victims restocking project
50 gouts 2 camel provided for a destitute in Nugal March
  1. Provision of fishing bouts
4x (24ft Fiberglass)  Tsunami April
  1. Two color TVs and DVD players
Bosasso Library         Bosasso April
  1. Bosasso Street Boys Employment
20 boys paid for collecting garbage in Bosasso (2.25 tons plastic bags) April
  1. C.I.B.A  capacity building project
6 computers + color printers/scanners provided for CIBA college in Bosasso April
  1. Bosasso Women’s IDP Camp Support
Provision of shelter for Women headed families April
  1. Garowe Hospital supplies
6 packs of medical equipments April
  1. Dr. Hadi Private Hospital Support      
Donated ECG Machine to Dr. Hadi in Galkacyo April   
  1. Kids Safe Heaven home
Construction of home for Bosasso street children and orphans April

 

  1. Garowe Hospital supplies
Provided 4 boxes of medical supplies June
  1. Puntland Ambulances Project
Establishment of Ambulance service in Bosasso, Qardho, Garowe, Lasano and Galkacyo cities. June-Dec           
  1. Bosasso English & Maths school Support
Provision of desks, benches, chairs, books, blackboard etc. for the school classes June
  1. Hargeisa Group Hosp. Medical equipment Supplies
Provision of (150) wheelchairs, lifting equipment, communes etc. )  June

 

  1. C.I.B.A
Scholarship for 2 full students June
  1. Bosasso Social Club Feeding project
Provision of three meals/day for 58 Kids in Need in Bosasso May-Sep.
  1. Bosasso Social Club Management
Management of Bosasso Social Club June-Dec.
 
 
KIN waxay xafiis ka furatay magaalooyinka Bosasso iyo Garowe. Dhawaana mashaariic badan ka bilaabi doonta gebi ahaan degaamada Puntland. KIN waxay Puntland ugu deeqday ilaa 19 mashruuc ilaa bishii February oo gaaraya ilaa 400,000 USD.
 
KIN iyo Gudoomiyaheedu waa kheyr iyo horumar ku soo saa'iday Puntland iyo Somalia oo aan isticmaarsi iyo conditions midna lahayn. KIN waxay investment ku sameenaysaa qorshaha horumarinta arimaha bulshada ee dawlada Puntland iyo caruurta reer Puntland si horumar waara mustaqbalka loo helo.
 
KIDS IN NEED KEEPS IT SIMPLE!!
 
Mohamed Said Mohamud
Acting Country Director
KIDS IN NEED
Garowe, Puntland State
SOMALIA
Tell: 252-5-4-45024
Email: kidsinneed_som@yahoo.com.au

Afeef: Aragtida qoraalakn waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2005

Waa Kuma Terry, Muxuuse Puntland u Joogaa?
Ninkaas oo ah reer Australia waxaa gobolka lagu arkay sannadkan 2005 horraantiisii ilaa hadda, waxana uu sheegtaa in uu... Guji... June 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD