SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Howlahii indho fiiqida ee ka socday kismaayo oo si guul leh ku soo gabagaboobay

June 24, 2005 6:21:09 PM

Dadka indha loo fiiqayey oo ubadanaa dad Da'a ah oo laga keenay gobolo badan oo dalka ah sida Jubbada Hoose iyo Jubbda Dhexe, Gedo iyo Sheebalada Hoose ayaa lagu guulaystay mar qura in ay helaan araga indhahooda.

Dadkan oo ay tiradoodu gaaraysay ku dhawaad 350 qof ayaa waxa in dhaha u qalay 2 dhaqtar iyo 4 kalkaaliyaal oo ah kenyaati kana yikid Kikuya Hospitaal oo ku yaalo magaalada Neyrobi ee cariga Kenya.

Howshaan idha fiiqa ah ayaa waxay ka bilaabeen isbitaalka magaalada kismaayo maalintii Isniinta ahayd ee aynu soo dhaafnay iyadoo dadkani hore loo sii diiwaangashay. 

Waxaana saaka ay u sameeyeen viisito guud intii aysan ka amba bixin Isbitaalka oo aysan ka duulin magaalada kismaayo mana ahan markii ugu horeeyey oo ay dhaqaatiirtani ka fuliyaan hooshaan magaalada kismaayo balse waa markii Afraad inta la ogyahay ee ay imaadaan magaalada kismaayo kana qabtaan hooshaan iyagoo u fiiqay ku dhowaad 200 qof sanadkii 2004 bilogiisii. 

Dadkii indha loo fiiqay oo saaka aan ku booqday isbitaalka ayaa ahaa kuwa aad ugu faraxsanaa yididiilaha ay heleen ee ah in ay helaan aragtida indhahooda oo u soo noqota mar aan wareysatayna waxay ii xaqiijiyeen in ay u mahad celinayaa dhaqaatiirtan u soo hurey waqtigooda .

Dadkan ayaa laga qaaday markii hore lacag dhan 40$oo ah lacagta hormarinta ee qarashka lagu bixinaayo hooshaani say sheegeen maamulayaasha Isbitaalka oo uu ka mid yahay Dr. Maxamed C/dulaahi, mar aan saakay ka wareysatay halka ay ku bixinayaan lacagtaani ayaa waxa uu ii sheegay Dr. Maxamed in qarashkaan ay ku fulin doonaan howlaha uu u baahanyahay isbitaalka iyo howl wadeenadiisa. 

Sikastaba ha ahatee dhaqaatiirtan ayaa xaqiijityey in ay imaanayaan hadii bay yiraaheen la helo bukaan u baahan daaweyntaasi iyo hadii bay yiraadeen Ammaanku noqdo mid lagu soo dhiiranakaro.

Dadkii ay u qaleen indhaaha ayey saaka gudoonsiiyeey daawooyin halka qaar kalena ay siiyeen muraayadha ay u gashtaan araga ayadoo ay dadkaan ay si aad ah u buuxdhaafsheen qaybaha kala duwan ee isbitaalka.


Warkii indha fiiqa ee Jun 21, 2005

Howlo indho fiiqid oo ka bilowday isbitaalka guud ee magaalda kismaayo

Dhaqaatiir u dhashay dalka Kenya ayaa June 20 u bilaabay howslo indha fiiqad kudhowaad seddex boqol iyo sodon qof oo kakala yimid gobolada Jubbada hoose, Jubbda Dhexe, Gedo, iyo Shabeelada hoose.

Laba iyo tabankii duhurnimee maanta ayaa diyaaradii siday dhaqaatiirtan oo ay tiradoodu gaarayso laba dhaqtar iyo afar kalkaaliye ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyadoo waayadana loo diiwaangalinaayey dhaqaatiirtani kudhowaad 330 qof oo iyagu ka cabanaayo xanuunka in dha la,aanta .

Dhaqaatiirtan oo ii xaqiijiyey markaan wax ka weydiiyey inta ay joogayaan magaalada kismaayo ayaa ii sheegay in ay hooshaani wadayaan kudhawaad shan maalmood oo ay sheegen in ay ku soo afjarayaan hooshaani oo ku eg maalinta jimcaha ah ee fooda nagu soo haysa. Waxayna intaasi ay raaciyeen in ay siinayaan dadkani Okiyaaloyaal ka caawiyo araga iyo daawooyin ,waxayna hooshani u fulinayaan si muta dawacnimo ah marka laga reebo lacag gaarayso 40 $ oo laga qaaday dadka taasoo ay maamulka isbitaalka ku tilmaameen qarashka ku baxaayo dhaqaatiirta .

Sikastaba ha ahaatee maahan markii ugu horeysay oo ay dhaqaatiirtani indha fiqid ah ay yimaadan magaalada Kismaayo ayagoo yimid horaantii sanadkii tagay ee labada kun iyo afarta.

Dadweynaha loo samaynaayo qaliinkani oo ubadan dad Da'ah ayaa tibaaxay in ay u tahay fursad aad u wanaagasan mar ay saxaafada u waramayeen dadka halkaa isgu yimid ee indhaha loo fiiqayo sida ay ugu faraxsanyihiin in ay helaan aragoodii oo mar soo noqdo,waxayna u muuqdeen dadkaasi in tooda badan dad iyagu ah danyar oo u baahan in loo fidiyo kaalmo mutadawacnimo .

Waxayna tahay markii afraad oo ay dhaqaatiirtani u fuliyaan howshaani dad ka soomaaliyeed ee gobolka Jubbada hoose shantii sanee aynu soo dhaafnay waxayna had iyo jeer ka yimaadaan Isbitaalak Kikuya hospital ee malaagad nayrobi ee cariga Kenya.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin) 

kismaayo soomaaliya

Faafin: Somalitalk.com | June 21, 2005

Shaqo Joojin ay maanta Sameeyeen Gaadiidlayda reer Kismaayo
Waxaa maanta gabi ahaanba shaqo joojin ku dhaqaaqay gaadiid leyda leh baabuurta isaga kala gooshta.. Guji... Jun 20

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa oo la doortay
»Khadar & Xiito oo loo doortay gudomiye & kuxigeen...
»Gobolka Bari Yuuduf Waceys: Xallinta khilaafka...
»Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Boosaaso ka gudub khilaafka
»Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka hadlay doorashada...
»Qardho: Israsaasayn sababtay 1 qof dhintay iyo 3 dhaawac
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jun 19

Geeddi oo soo Bandhigay Howlgalka ugu Horeeyay ee DFKMG
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo maanta u safray Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ka kooban...
Guji... Jun 18

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD