SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
  • Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay ee Magaalaad Boosaaso
  • Magaalada Gaalkacyo oo lagu so rogay Bandow
  • Galkacyo oo Lagu Diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle
  • Jaamacada Bariga Afrika oo Loogu Deeqay 10 Computer iyo Qayb Internet ah oo loo yaqaan VSAT
  • Kalfadhigii ugu Horeeyey ee Golaha Degaanka Degmada Boosaaso oo Furmay
  • 26 juun oo laga ilaabay gobolada jubooyinka halka laga xusay qaar ka tirsan gobolada soomaaliya

Warbixinadii: c/fatax jaamac
SomaliTalk | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com 

Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay ee Magaalada Boosaaso

June 26, 2005

Subaxnimadii Saaka markii ay ahayd 09:30 Subaxnimo ayaa waxaa uu Dab Qabsaday Buulo ka mida Buulooy ay dagan yihiin Dad iska dan yar ah dabkaa ayaa ahaa mid aad balaaran meesha uu Dabku qabsaday ayaa waxaa Degan dad Guryo ka samaysan Jawaano iyo Baakado oo ay hayaan ulo ay Dhexda kaga dhiseen Xaafadaa ayaa loo yaqaan Buulo Eelay.

Dabkii oo socda.

Gudoomiyah Degmada iyo Kuxigeenkiisa oo ku sugan Goobtii dabku qabsaday
 
Hooyo iyo Cunigeedi oo ka badbaaday Dabkii lakiin ay k agubatay waxii ay haysteen

Dabka ayaan la sheegin wax dhimashaa oo uu geystay lakiin ay jiraan Qasaare badan oo ka soo Gaaray Dabka Dadkii Deganaa Guryaha Xaafadaa oo ay kaga baaba'day wixii hanti ay haysteen, Dabkaa ayaa Baaxada uu Gaaray ay le,ekeyd 6km oo isku wareega ayadoo ay jirtay Dabaysha loo yaqaan Dabayl xagaa oo aad u xoog badan tasoo caawisay Dabka in uu u socdo si Xawliya, Guryaha ku gubtay ayaa lagu qiyaasay ilaa 800 Guri.


Madaxdii Gobolka iyo Degmada qaar ka mida oo wax ka daminaya Dabka

Taliyaha hawgalka Saldhiga Biya Kulule oo ka qaybqadanaya Nabadgalyada Goobtaa uu Dabku qabsaday
 
wayeel ka cararaya Dabkii oo kala soo baxday Gurigeeda waxii ay Qaadi kartay

Waxyaabaha ay ka dhisanyihiin Guryaha ay dagan yihiin Dadka Buulooyinka

Dadka Degen Xaafadaa ka Buulooyinka oo ayaa ah  Dad isugu jira Soomaali iyo Dad Afrikaan ah oo ka yimi wadamada Dariska ayaa ah Dhul ay leeyihiin Dadka Degaanka ah oo Markii uu rabo in uu dhisto Dhulka Ninkii lahaa laga Raro oo ay doontaan Meel kale oo ay dhistaan.

Dadkaa maanta uu ka Gubtay Guryohoodii ayaan haysan meel ay u hoydaan oo waxa ay ku sugan yihiin Dibada meel ku dhow Guryihii gubtay mana ay jiraan wax Gargaar oo ay heleen.

Dabkaan ka dhaca Buuloyinka iyo meelo ka mida magaalada Boosaaso ayaa soo Noqnoqday in badan ayadoo aysan jirin Wax Dab damisa oo lagaga hortago inta uu Dabku gaarin meelo kale.

###

Magaalada Gaalkacyo oo lagu so rogay Bandow
Galkacyo oo Lagu Diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle

  • June 26, 2005 3:10 pm

Waxaa lagu soo Rogay Magaalada Gaalkacyo Bandow uu amray Madaxweyna DGPL Gen. Cade, Warqad uu ku sheegay Madaxweynuhu in ay mihiim tahay in la ilaaliyo Nabadgalyada Shacabka ayaa uu ku amray in habeenkii lagu soo rogo bandow tasoo aad ugu adag Dadka Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa Bandowgaan uu ka dambeeyay kadib markii Dilal kala Duwan ay ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo Dilalkaa oo uu ka mid ahaa mid ka dhacay Galabta oo lagu Dilay Nabadoon Siciid Cumar Tinle oo loo yaqaanay (Siciid Caano-boore) Nabadoonka ayaa la sheegay in uu dilkiisa la xiriiro Aano Qabiil.

Magaalada Gaalkacyo ayaa Dilka uu ka yahay mid aan lala yaabin, mar aan Booqday magaalada ayaa waxaa ka dhacay Dilal kala duwan oo lagu tirinaaya Aano Qabiil.

Magaalada ayaa waxaa ay u qayb santahay Koonfur iyo waqooyi ayadoo hadana la is dhex maraayo.

Horay ayaa madaxweunahu ugu soo rogay Bandow magaalada Qardho oo ayadana ilaa hada uu ka jiro kadib markii dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada Qardho.

###

Jaamacada Bariga Afrika oo Loogu Deeqay 10 Computer iyo Qayb Internet ah oo loo yaqaan VSAT


Labadii Xubnood ee ka socday UNDP

Shirkii oo ay ku wada Jiraan Xubnaha Sare Jaamacada EA iyo Wakiilo UNDP

Kumbuyuutar ka mida Kumbuyuutarada la siiyay Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso

Jaamacad Bariga afrika Boosaaso ayaa waxa u yimi Labo Xubnood ka socda UNDP kuwaas oo jaamacada u keena ama Gudoon siiyay kambuyuutaro gaaraya 10 Xabo ayagoo u sheegay in u keenayaan Qayb Internet ah oo loo yaqaan VSAT kasoo oo ay Ardayda Jaamacada kaga faa,iidaysan doonaan Waxbarashada.

Mar aan wax ka waydiiyay labadaa Xubnood oo kala ahaa Tom Munyasyas oo ku taqasusay ICT Connectivity Programme iyo Abdiqani A Jama oo isagana ku taqasusay ICT International Consultant in  ay Ardayda kaga Faa,iidaysan doonaan Waxbarashada Fogfog oo isagoo wadankiisa Jooga uu wax ka barankaro.

Waxaa kaloo ay tari doontaa qaybtaan Internet-ka ee Jaamacada loo xiri doono in ay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ugu soo Gudbiyaan Aqoontooda Ardayda hada Aqoonytu u cusubtahay.

Labadaa Xubnood ee ka socday UNDP ayaa ii sheegay in ay nasiib u heleen VSAT-kaa Jaamcada Bariga Afria ee Boosaaso, Jaamacada Hargaysa ee Hargaysa, Jaamacada Camuud ee Boorame.

###

Kalfadhigii ugu Horeeyey ee Golaha Degaanka Degmada Boosaaso oo Furmay

June 26, 2005 2:45 pm

Waxaa maanta ka furmay Hoolka Xarunta D/Hoose ee Boosaaso kalfadhigii ugu horeeyey ee Golaha Degaanka Boosaaso kalfadhigaa ayaa waxaa ka soo qayb galay ilaa 20 Xubnood oo ka mida Golaha Degaanka Boosaaso.


Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Furay kalfadhigii Golaha Degaalka Boosaaso

Gudoomiyha Degmada oo ka hadlaaya Furitaankii Kalfadhiaga
 
Qaar ka mida Golaha Degaanka Boosaaso oo fadhiya Kalfadhigii koowaad

Kalfadhgaa ayaa waxaa Furay Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Wacays Dhado ayadoo ay ka hadleen Madax kala Duwan oo ka mida Wasaarada D/Hoose iyo UN-ka.

Waxaa Qudbadihii kadib loo sheey Golaha Degaanka Ajandaha looga hadlaayo Kalfadhigaa oo kala ah 7 Qodob.

  • 1-     In Gudi loo saaro sameynta Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Degaanka Degmada Boosaaso.
  • 2-     Ansaxinta Miisaaniyada D/Hoose Degmada Boosaaso oo ah 6 Bilyan Julay – Decembar 2005
  • 3-     Dib u Qaabaynta D/Hoose Boosaaso.
  • 4-     In NGO-yada Laga tashado sidii loola shaqeyn lahaa
  • 5-     Adkeynta Nabadgalyada Degaanka Boosaaso.
  • 6-     Furida Wadooyinka iyo soo celinta Bilicda Magaalada Boosaaso.
  • 7-     Soo dhamaystirka Xeer lambar 2 iyo Xiritaankii shirka.

c/fatax jaamac | somalitalkpl@yahoo.com 


26 juun oo laga ilaabay gobolada jubooyinka halka laga xusay qaar ka tirsan gobolada soomaaliya

Waxaa maanta gabi ahaanba maalin madoow ay u ahayed gobolada jubooyinka ayadoo aan gabi ahaanba laga xusin maalinta qiimaha weyn u leh umada soomalaiyeed meel kasta oo ay joogto oo ah markii ugu horeysay oo la arko calan soomaaliyeed oo babanaya.

Maanta magaalada kismayao oo ah caasimada gobolka jubbada hoose ayaa u muqatay meel ay gabi ahaanba ay bulshada ku dhaqan ay hilmaameem maalinta qiimaha badan ee 26ka juun oo ah maalinti ay heeryadii gumaysiga iska tuureen gobolada waqoyi ee soomalaiya ayadoo ay hadalo ka soo yeeraya qaar ka tirsan mas uuliyiinta maamulka isbahaysiga dooxada juuba oo uu ka midyahay gudoomiyha degmada Daahir maxamed cilmi daahir carabeey oo sheegay in ay mataaneyn doonaan maalinta 26ka juun iyo 1da luuliyo oo ah israacii labada gobol ee koonfur iyo waqoyi ee soomaaliya.

hadaba waxaa si weyn looga xusay munaasabadaan meelo badan oo ka mid yihiin magaalo madaxda muqdisho oo ayadu lagu qabtay xaflado kala gaar gaar ah oo lagu kala qabtay goobo kala gadisan oo ay ka mid tahay xarunta baarlamaanka dowalada FRKM ah ee soomalaiyeed halkaasoo ay ka soo qayeb galeen masuuliyiin ka kala socday labada gole ee dowlada aydoo sidoo kale munaasabadaan laga xusay degmada jowhar ee haatan u ah fariisinta dowalada FRKM ah ee soomaliyeed halkaasoo uu qudbad ka jeediyaya raysul wasaare geedi iyo mas uuliyiin kale ayadoo sidoo kale ay jiraan goobo kale oo munaasabadaan 26ka juun si weyn looga xusay waxaana caawa sidoo kale xaflada lagu maamuusayo maalintan qadarinta mudabn ay ka dhacaysaa xarunta maamulka la magac baxay somaliland ee hargaysa

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | June 26, 2005

 

350 Qof oo Indhaha Loogu Fiiqay Kismaayo
Howshaas indha fiiqida oo si guul ah loo soo gabagabeeyey waxaa ka qayb qaatay 2 dhakhtar iyo afar kalkaaliye oo kayimid Kenya, waxaana.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD