Siilaanyo ma Seeflabood buu noqday?
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Bruxelles, Belgique
Email:
Ingiriis@hotmail.com
Saddex bilood ka hor haddii doorasho
madaxtinimo laga sameyn lahaa Somaliland, shaki
la’aan waxaa ku guuleysan lahaa Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo). Haddiise maanta cod laga qaado
dadweynaha, ka noqod la’aan waxay dadka badankii ugu
ridi lahaayeen Madaxweynaha hadda kursiga haya
Daahir Riyaale Kaahin.
Mudane Daahir Riyaale, aragtideyda,
wuxuu kulansaday laba waxyaabood oo aasaasi u ah
dabciga hoggaamiye waddan; waa nin dulqaad badan oo
daacad u ah dadkiisa. Waxaa intaa u dheer, waa nin
qunyar socod ah, waana tan Soomaalidu tiraahdo
“Qunyar socod qodaxi ma mudo.” Hal mar baan la
kulmay Madaxweyne Riyaale - wuxuu iila ekaa nin
deggan oo xasilan.
Sababta dadka badankii u jeclaayeen inay
codkooda siiyaan Siilaanyo saddex bilood ka hor
waxay ahayd, waxay u arkayeen nin hoggaamiye ah oo
is beddel-doon ah. Waxayse hadda yaqiinsadeen inuu
yahay siyaasi sedbursi iyo xoog wax ku doonaya oo
halis ku ah nabadgelyada deegaannadooda.
Wuxuu yiri ninkii jiray, “Ninna waxaanu ka weynay
war ummadda la hadal (Marxuum Cabdiraxmaan Tuur Alle
ha u raxmadee), ninna waxaanu ka weynay war ummadda
ka aamu (Marxuum Cigaal Allaha u naxariistee).”
Haddaba waxay maanta maraysaa, “Ninna waa hurdayaa
oo waxaanu ka la’ nahay war is beddel samee, ninna
waa horor oo waxaanu ka la’ nahay war naga joog.”
Walaaca dadweynuhu qabaan ma ahan mid qarsoon.
Siilaanyo wuxuu dadka caadiga ah ula muuqdaa inuu
yahay nin doonaya inuu xididada u siibo xasiloonida
iyo iftiinka ummadda nabadda ku nooli higsanayso,
waayo lagama hayo wax degenaanshaha qalqal geliya
mooyee, wax qalqaalo geliya.
Waxaa aniga isu key qaban waayey
jaa’ifada ka dhanka ah Madaxweynaha Somaliland iyo
gefka loo geysanayo xitaa gurigiisa (waa tii la
xurmeyn waayey marwadii Madaxweynaha oo rag ka
tirsan xisbiga Siilaanyo ee Kulmiye ay gefeen) iyo
ummad baanu horumarinaynaa oo hagaajinaynaada
Kulmiye.
Sarkaal sare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan ayaa
dhowaan ku dhawaaqay hadallo soo cusbooneysiinaya
colaad oo ku baaqaya in ummaddu shaarica isku leyso,
dhiigguna qubto, isagoo yiri, “Nin aan warankaagu
gelin, warkaagu ma galo,” “xabadda waanu ka badinnaa
Daahir Riyaale iyo asxaabtiisu,” iyo “dalka waa in
dib loo xoreeyaa.”
Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Gaal dil,
gartiisana sii.” Madaxweyne Daahir Riyaale, wuxuu ku
ammaanan yahay, illaa iyo hadda, sida sharafta leh
ee uu dhegaha u cufeystay iyadoo waxaas oo gardarro
iyo gaboodfal ah oo aan geed loogu soo gabban ay
gurigiisa iyo gogoshiisa ku soo dhacayaan.
Dulqaadka iyo sabarka Madaxweynuhu muujiyey waa mid
naadir ah oo aan weligeed horey loogu arag hoggaanka
siyaasadda socota ee guud ahaan geyiga Soomaalida.
Hadduu yahay nin dictator ah ama yahay nin macangag
ah, nabadda Somaliland halis bay geli lahayd,
waxayna ku dhici lahayd god aysan weligeed ka soo
bixi karin.
Halkii uu ummadda uga horseedi lahaa jid ay ku
halaagmayso oo mixnad ay madaxa la geli lahayd,
Madaxweynaha waxaa muuqata inuu door biday inuu
isagu dhabarka u rito wixii mushkilad ah oo dhan.
Waxaa dhab ah in Daahir Riyaale lagu eedeeyo
jil-jileec iyo tabar-darro dhinaca maamulka ah,
taasna waxaa laga yaabaa inuu kaga jeedo maamul
ballaarin.
Dadka oggol munaaqishada, wada tashiga iyo critical
thinking xitaa ma aqbali karaan ijaafada iyo
deelqaafka ka imaanaya Siilaanyo oo dadku ay u
hanweynaayeen, waxaana ay tan ka luminaysaa wax
taageero ah inuu ka helo dadweynaha oo hadda u
arkaya inuu yahay nin seef la bood ah.
Siilaanyo waxaa socota beryahan, marka
la eego sida wax u dhacayaan, inuu doonayo kursi
qabiil, kuna doonayo magac qabiil – weliba siduu u
handadalayo Daahir Riyaale uguma caga jugleyn jirin
Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.
Haddaba, waxaan leeyahay Siilaanyo kursi ummad ka
dhexeeya waxaa kuugu dambeeyey kii lagu caana shubay
Suldaan Muuse ee wadnaha gufeyso oo cagaha dhulka u
dhig, candhuuftaadana dib u liq ama waxaad weligaa u
muuqanaysaa nimanka la yiraahdo Neo-conservatives ee
ku xareysan beerta Bush ee Crawford.
Wuxuu yiri nin gabyey, “Sagaal jeer
haddaan laga darnaan kaa na kala soocay, siyaadoow
siyaadoow, haddaan sannado lagu waalan, soo celi
Allahayow haddaanu noqon sowdkiinu, Soomaali garac
baan ka ahay ee taa ha la ogaado.’ Haddaba, reer
Somaliland waxaa u roon inay deystaan Daahir
Riyaalahooda, haddii kale waxay dhadhamin doonaan
xanuunka Axmed Siilaanyo oo dhigay SNM meesha ay
maanta ku moosan tahay.
Feysal Cali Waraabe isagu waa Ralph
Nader. Mr Nader, waa nin Mareykan ah oo doorasho
kasta oo madaxtinimo ah oo la qabto wuu isu soo
taagaa. Wuxuu ka hadlaa wax dadweynaha dareenkooda
taabanaya oo dadka Mareykanku ay jecel yihiin in wax
laga qabto. Nasiib darro, dalka Mareykanka waxaa
lagaga dhaqmaa nidaamka doorasho ee Electoral Vote
iyo Popular Vote.
Sidaa awgeed, macquul ma ahan, marka la eego
hannaanka soo xulista Madaxweynaha Mareykanka, in
Nader ay doortaan odoyaasha dhiibta codadka
Electoral Vote-ka. Sidaas oo ay tahay,
Nader ma haro, dadkuna kama haraan, odoyaasha
Mareykankuna codkooda ma siiyaan.
Doorashooyinkii Mareykanka ee 1996 iyo 2000 ayaa la
ogaaday in Nader mar kasta codadka uu helo inuu ka
helo dadweyne ka carooday xisbiyada Republican-ka
iyo Democrat-ka. Sidaa darteed ayaa John Kerry
musharrixii madaxtinimada ee Democrat-ka ee
doorashadii sannadkii dhowaa wuxuu yiri, ‘Vote for
Nader is vote for Bush,’ isagoo raba inaan qof ka
tirsan xisbiga Democrat-ku codkiisa isaga qasaarinin
Nader.
Haddaba, Feysal waxaa u fiican in Daahir Riyaale iyo
Siilaanyo uu midkood raaco, si aanu u noqon Nader ee
uu ugu yaraan u noqdo Raila Odinga oo kale. Waxaa
ifafaale wanaagsan ah in maalmahaan ay muuqato inuu
dhinaca Siilaanyo u sii dhowaanayo.
Hadday labada dhinac merger-sameeyaan, wuxuu Feysal
la mid noqon doonaa Raila Odinga oo compromise la
galay, lana heshiiyey Daniel arap Moi oo ay aabbihii
Oginga Odinga 30 sano siyaasadda isku hayeen.
Laakiin Raila wuxuu ku guuleysan waayey inuu is
waafajiyo fekradihii uu ka dhaxlay aabbihii iyo
kuwii Moi.
Feysalse, wuu ku guuleysan doonaa inuu mideeyo
fekradaha UCID iyo Kulmiye, oo waa tan ay dhahaan
dadweynaha caadiga ahi, "Siduu u hadal xun yahay,
uma calool xuma."
(Ingiriis waa
Suxufi Soomaali ah oo Philosophy ka barta University
of Leuven).
Ingiriis@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan