SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KULMIYE  OO  LUMIYEY  KALSOONIDII  BEELAHA  LA  HAYB-SOOCO
Saciid Cabdullahi Ismaaciil (Saciid  Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA
 
  Doorashadii ka dhacday Somaliland 2003 waxaa moodaysay in inta badan beelaha la hay-sooco ay codkooda siiyeen Xisbiga Kulmiye oo runtii aad moodaysay markii uu doorashada galayey inuu ahaa Xisbiga qura ee soo jiitay dadkaan oo ugu baaqay inuu dadkaan wax weyn u qabanayo.

Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa shir ka dhacay Columbus, Ohio oo uu lahaa Xisbigaas Kulmiye ay ka soo qayb galaan dad badan oo ka tirsan beelahaan oo ka kala tagey San Diago iyo Minneapolis. Laakiin waxaad moodaa inay noqotay "Sidaan kuugu lisay iiguma aadan hanbaynin", sababtoo ah wax hadal ah kamay soo saarin dilkii khadar iyo xarigii loo geystay 100 qofood ee ka mudaharaaday dilkiisaba, ogaadana "Libaax nin ganay iyo nin galadayba oge".

Waxaa kale oo aan si taxadar ku jiro aan u soo dhaweynaynaa booqashadii uu ugu tagay Guddoomiyaha Xisbiga Ucud oo aan leenahay "waa ciyi waa ka baryey", sababtoo ah haddii uu isagu wadanka ka maqnaa waxaa joogay ku xigeenkiisa iyo af-hayeenkii ururkaba kamana hadlin Dilkii iyo xarigii midnaba.

Waxaan rabaa inaan Su'aal weydiiyo Mr Saleebaan Gaal iyo Mr Qaybe, dawlada garanaye idinku maadaama aad tihiin guddoomiyayaasha Labada Gole maxaad uga hadli weydeen dilkii Khadar iyo xabsigii loo geystay dadkii mudaharaadayey? Mise waxaad tihiin la haystayaal iyo dad uun ka hadla wixii ay iyaga dani ugu jirto?

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso [BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO]


Ma jecli Udub iyo Dawlada midna inaan wax weydiiyo sababtoo ah waxaa u hadlay  Ismaaciil Faqash oo runtii BBC-da ka sheegay hadalo aan ku fiicneyn nin mas'uul ahi inuu yiraahdo aadna moodid marka uu hadlayo inuu dadka kala fogeeyo ma ahee inuusan sheegin wax dadka isku keenaba, waxaase iigu yaab badnaa markii uu yiri:-"Banaanbixii waxaa laga cambaareeyey Misaajidada".

Su'aal baan rabaa inaan weydiiyo hadiiba ay jiraan, maba u malaynayo inay jirtee, culimadu may ka hadasho dhibta 500 oo sano iyo ka badan dadkaan lagu hayo oo isugu jira takoorka iyo aflagaadada waxaanse u malaynayaa inay arrintu tahay"waxaa la yiri :-Qaylaa yeertaye xageen u cararaa? Markaas baa la yiri Masjidka markaas baa la yiri isagayba qayladu ka yeertay"!!!!!.

Waxaa jira 3 xubnood oo uga jira golayaasha beelahaan laakiin nasiib daro aad moodid inay yihiin "lax dhukani abaar moog" oo dantoodii khaaska aheyd ay uga xoog badisay, tii guud aadna moodid inay la haystayaal yihiin. Ogaada "ninkii dilay walaalkaa adigana waa kuu dan leeyahay": maanta khadar bari adiga!

Ma jecli inaan dadka u dhashay beelahaan la hayb-sooco aan idin iraahdo ciddaas doorta laakiin ogaada haddii aad UDUB doorataan Ismaaciil Faqash baa idinku soo noqon marka inta isku tagtiin waxgaradkiina isku raaca inaad meeshii danta beeshu ay ku jirto aad siisaan codkiina lana xisaabtantaan cida aad siinaysaan codkiina.

Su'aasha ugu dambeysa waxaan rabaa inaan wediiyo waxgaradka iyo inta nabada jecel haddii ninka wax dilay uu ka tirsanaan lahaa beelahaan la hayb-sooco, Ka la dilayna Uu yahay Beelaha isa sareysiiya maxaa dhici lahaa? Imisa qofood baa u dhiman laheyd qofkaas la dilay dartiis?

 

 Saciid Cabdullahi Ismaaciil (Saciid  Tumaal)
saciidtumaal@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD