SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faalo''YAA MAALI JIREY'' maandeeq maanta yaan la baylihin

waa arrin shaqsi waliba oo soomaali ah ka dheregsan yahay wixii dhacay mudadii lasoo maray burburkii iyo dagaaladii sokeeye waxaa sidoo kale ay shaqsiyaadka soomaaliyeed ka dheregsan yihiin dadaaladii lagu baadi goobayey dib u helitaanka dowlad qaran oo somaliya ka hir gasha, sidoo kalana waxaan daah ka saarayn shaqsiyaadkaasi somaliyeed halka ay ku danbeeyeen isku dayadii helitaanka xasilinta dalka xili waliba ha ahaadeene.

xiliyo qalafsan ayaa lasoo maray xurgufta dagaalada sokeeye waxaa ay gaareen meel aan kasoo laabasho lahayn, waxaase ugu danbayn lasoo amaamuday DKMG ah oo lagu dhisay shirkii Sanadaha ka socdey Dalka kenya, DKMG ah waxaa loo dhisay in ay waajahdo dhibaatada baaxada leh ee dalka taala,waxaa loo dhisay xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida Dalka.

Hadaba waxaa isweydiin mudan maxaa ka qabsoomay daruufihii dalku ku sugnaa dowlada Sanad jirsatey dhismaheeda ka gadaal, dadaalo caynkee ah ay muuqda oo la orankaro waa tilmaan lagu hiran karo ama saadaal iyo saan saan nabadeed oo intee le'eg ayaa socota.

Yaa waajahaya dhibaatada baaxada leh ee dalka taal, waxaa wax lala yaabo ah in aan laba garwaaqsanay kitaabkii lamaray xiligii ladooranayey Xubnaha baarlamaanka, kuxigeenadiisa,Madaxweynaha, Ra'isul wasaaraga,Golaha Xukuumada iyo masuuliyiinta gaarsiisan ilaa heer maamul gobol oo dhamaantood maray dhaartan.

waxaan ku dhaaranayaa magaca ilaahay inaan dhowrayo shruucda iyo axdiga dalka uyaal gudanayana waajibaadka la ii doortay.

Waxaa kaloo wax iska weydiin mudan hadii masuuliyiintii ladoortay ee heerarkaasi kala duwan ahaa ay aadaan goobo xasiloon kana warwareegaan goobaha aan saxiloonayn ee loo dhaartay xasilintooda yaa laga sugayaa inay xasiliyaan oo u dhalanaya goobahaasi, hadii ay masuuliyiintii qarankla u dhaartay banaanka ka istaageen gelitaanka goobahaasi.

Waxaa wax laga xishoodo ah fariimaha kasoo baxaya mirihii dadaalkii dheeraa ee nabada raadinta soomaliya, maxaa isku maray masuuliyiinta dalka u dhaartay, madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Xubnaha Labada Gole meeday masuuliyadii qaran ee loo han weynaa ee dalka iyo dadku idinka sugayeen.

waxaa sidoo kale wax laga naxo ah fariimaha ay bulshada gaarsiinayaa bahda saxaafadu, waxaa ay had iyo goor soo dalwiyaan fariimo dhiilo xambaarsan waxaa aad moodaa in ay haatan bahda Saxaafadu bedeleen Hogaamiyaashii kooxaha, maxaa idinku saladay inaad had iyo goor colaad ka sheegtaan goobo xasiloon, maxaa idinku saladay ka sheekaynta colaadaha sokeeye, Ciidamo iyo colaado aan jirin hurintood maad umada ugu bedeshaan wacyi gelin iyo barnaamijyada horumarka bulshada.

Abwaankii soomaaliyeed ee Abshir Bacadle waxaa uu yiri Hubka inaga dhiga waxaanu nahay hooyo Ubadkeede,waxaan masuuliyiinta labada gole ugu baaqayaa inaanay ka leexleexan waajihida dhibaatada dalka taala ayna ku dhiiradaan tegida goobaha colaaduhu ka oogan yihiin, adinkaa u dhaartaye hadii kale xilka u dhiga shacabka tabaalaysan.

Waxaan bahda Saxaafada usoo jeedinayaa inay ka waantoobaan usu jawaabida iyo kala qoqobida bulshada soomaaliyeed ee daalan ayna xaqiiqada uga war bixiyaan wacyi gelinta dadka soomaaliyeed ee raacatada u badan ay badiyaan.

Waxaan usoo jeedinayaa Da'yarta hubka sidata inay hubka sharuud la'aan isaga dhigaan dhiig danbana aanu micne la'aan udaadan, ayna ka qayb qaataan dhismaha dalka si ay uga nastaan garba beelka qoriga ayna qalinka waqti siiyaan.

waxaan qormadan kusoo gebagebaynayaa hadii aanay Xubnaha labada gole xaqiiqda dhabta ah waajihin aanayna geerin goobaha Xalka iyo xasilinta u baahan in aanu dalku marnaba gaari doonin goolka la higsanayo.

Xassan Cali Gurxan( mataan)
Saxafi Nairobi Jooga.
soompress@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD