Qaab Nololeedka Soomaalida :
Shaqada waa lafdhabarta horumarka - II
(Qeybtii labaad.)
Awes A.Cusmaan
Waxaa jira caadooyin badan oo
Soomalidu leedahay kuwaasoo ku abuurmay iska dhaadhicin
qalad ah oo dad badani ay iska dhaadhiciyeen ayadoo aan
jirin meel laga keenay ama dad lagu dayday. Caadooyinkaa
haddii ay noqdaan kuwa aan diinta ka soo horjeedin,
caafimaadka ama maanka bani'aadankana waxyeeleen, cidna aan
dhib u geysaneen, markaa shakhsiga asageey jirtaa siduu ka
yeeli lahaa laakiinse haddii dhibaato u keeneyso naftiisa
ama degaanka uu ku nool yahay waxa qasab ah in la joojiyo .
Dunida aan ku noolnahay waxaa
ka jira Diin iyo dhaqan. ma jirto meel Diinta iyo dhaqanka
boqolkiiba boqol isku mid yihiin taa baana keentay in
waddamo badan oo isku diin ah haddana kala dhaqan ah.
Waxaa xaqiiqa ah in dunida
aan la wada sinneen oo dadna ay horumar gaareen dadna ay dib
u dhac iyo dhibaato ku jiraan.
Haddaba
- Qaab nololeedka
dadyowga horumaray miyaa ka wanaagsan dadyowga dib u
dhacay?
- Maadaama ay diinteena
ka buuxdo qaabnololeedka ugu horumarsan , Maxey
muslimiinta dunida uga dib mareen waddamada reer
galbeedka. ?
Qaab nololeedka wanaagsan ee
diinta Islaamka sifeysay kuna wajahan nolosha dunidan waxaa
si xoogan u qaatay dadyowga reer galbeedka. Dadyowga hore u
maray ee dunidan waxey nolosha iyo xaaladeeda ka dhigteen
muqaddas , halka ay muslimiinta nolosha u arkeen ku meelgaar
aan dhab aheyn.
Xaqiiqada waxey tahay in uu jiro xadiis laga soo weriyey
Rasuulkeen (SWC) oo dhahaya : U CAMAL FALO (U
SHAQEYSO) ADDUUNKAAGA SIDA ADIGOO WELIGAABA
NOOLAANAYA, AAKHIRADAADANA U GUDO SIDA ADIGOO BERRITO
DHIMANAAYA.
Marka waxa uu xadiiskan noo
muujinayaa in loo baahan yahay in nolosha dunida noqoto mid
muhiim ah oo u baahan caqli wanaagsan, dadaal dheeraad ah iyo
tabaabushe horumar lagu gaari karo.
Waxyaabaha ay reer galbeedka
ka dhigteen sharci muqaddas oo kale ,anagana u aragnay
ciyaar waxaa ka mid ah :
Shaqada iyo shaqaalaha:
Shaqadu noocey noqotaba mid
gaar ah iyo mid dawladeed labadaba waa in shakhsigu u arkaa
waajib muhiim ah oo horumarka shaqada laga gaaraa waxey
lafdhabar u tahay horumarka nolosha shakhsiga iyo ehelkiisoo
dhan , horumarka dalka guud ahaan. Waxaa markaa loo baahan
yahay in qofka uu u shaqeeyo si daacadnimo ah , dadaal
dheeraad ku dheehantahay, waqtiga dhowro, masuul iska saaro
waxqabadkiisa. Haddii shakhsi walbaa uu intaa ka soo baxo
waxaa la helayaa bulsho ka kooban masuulqaadeyaal dan guud
ka dhaxeyso ileen hawlaha shirkadaha gaarka ah iyo kuwa
dawladda dhammaan wey isku xiran yihiin. Dayacaadda shaqada
iyo masuuliyad la'aanta ma ahan mid Somaali u gaar tahay ee
waa mid dunida saddexaad oo dhan ku ibtileysan.
Aqoon yahan ku xeel dheer
cilmiga shaqada iyo shaqaalaha ( Human Resources Expert)
ayaa wuxuu wax ka qoray waqtiga shaqada iyo nadaam xumida
wadamada khaliijka carabta. Wuxuu tafaasiisha baaritaankiisa
ku sheegay in si rasmi ahaan loogu talagalay shaqaalaha
waddamadaasi ay shaqeeyaan sideed saacadood maalintii
laakiinse xaqiiqa ahaan waxey shaqeeyaan in ka yar afar
saacadood oo keliya. Shakhsiga carbeed markuu soo shaqo tago
xafiiska dawladda wuxuu la soo galaa asagoo sita wargeyska
maalinlaha ah oo la socdo bogga ciyaaraha xiisaha leh oo
magaaladoo dhan la war hayo, maamulah iyo shaqaalahoo dhan
baa mar wada eega wargeyskii, nus saac bey qaadataa
falanqeynta mowduucaas ; asagoo shaqada ku jira baa loo
keenaa sandwich uu ka dalbaday shaahlaha xafiiska wuxuuna ku
bixiyaa cunitaanka in ka badan nus saac. Cid ka hadli kartaa
ma leh maadaama quraacda ay muhiim tahay. Marka la gaaro Lix
saac duhurkii wuxuu leeyahay hal saac fasax oo aan
sharciyeysneen laakiinse leysla afgartay maadaama uu
shaqaalahani caruurtiisa inuu ka soo wado dugsiga ay qasab
tahay. Jidadka wadamada carabta oo si xad dhaaf ah ciriiri u
ah baa waxey sababtaa in gaarigiisu jidka ku habsaamo ;
Islamarkii uu soo laabto baa in si degdeg ah xaaskii
telefoon usoo dirtay loo sheegay markaa waa inuu wacaa oo
waqti siiyaa wadahadalka asaga iyo xaaskiisa maadaama
arrintani ay tahay muhiim weyn. Qadiyad siyaasadeed caalami
ah oo saaxiibkii la shaqeeyo soo furay ayaa iyadana waxey
qaadataa waqti marka waxa ka soo hara waqtigii loo
qoondeeyey shaqada oo ahaa sideed saacadood waa keliya afar
saacadood ama wax ka yar , ilaah baana og in waqtigaa soo
haray uu si nafci leh u shaqeynayo iyo in kale.
halka shakhsiga reer galbeedka
uu u arko in waqtiga shaqada loogu talagalay yahay muqadas
aan si gaar ah loo isticmaali karin.
Shaqo ceeb ah ma jirtaa:
Cudurka ugu weyn ee na heystaa
waa in shaqooyin gaar ah loo arko inay yihiin kuwa sumcad
xumo ah in la qabto. nasiibdarada waxey ka dhacday
shaqoyinkaa qaar ka mid ah baa ah lafdhabar weyn oo horumar
keenaya.
..... Kan jornaal been ah
intuu gacanta gashaday maalintii oo dhan maqaayad shaah iyo
sheeko ku haya baa ka roonaaday kan subaxdii intuu toosay ,
ka shaqeynayey alwaax ama dhismo guri.
.....kan gogol lagu
heshiisinayo laba jilib qabiileed col ah baa ka sharaf batay
kan intuu baxay beeraha ka shaqeynayey .
Waxaan aragnaa in waddamada
reer galbeedka kan shaarka cad ee labisan habeenkii
xarageynaya maalintii uu ka shaqeeyo nadaafad hoteel ama
rinjiile.
Sida caadada ahna ma ahan
mid soomaalida u gaar ah oo waxaa jira sharci qosol leh oo
ka tirsan sharciyada leysla afgartay ee wadamada khaliijka ,Wasaaradda
Shaqada iyo Shaqaalaha ,kaasoo ah in shakhsi ka tirsan
wadamada jaamacadda carabta aanu qaban karin shaqada
baladiyada ( Dawladda hoose ) ee nadaafada ama isbasiininimo.
Waxaa badanaa ka shaqeeya shaqadaa dad reer Bangladesh ama
Hindi halka Suudaaniga, Soomaaliga iyo Yamaniyiintuba ay
shaqo la'aan weyn heysato oo diyaar u ah iney qabtaan shaqo
walba.
Halka shakhsiga reer galbeedka
uu waddankiisa ka qabto shaqo kasta , shaqadana aaney
halkaasi u gaar aheyn jinsiyado gaar ah.
Yaa ku haboon shaqadee?
(The Right Man For The Right
Position) Waxaa kale
oo muhiim ah yaa ku habboon shaqadee! Waa su'aal haddii si
sax ah looga jawaabo lana meel mariyo la gaari karo horumar
waayo qofka aan shaqada ku habbooneyn dhinac walba ma laga
yaabo inuu soo hoyo natiijadii laga lahaa. Waxaa dunida
saddexaad oo Waddankeenana ku jiro caan ku ah in dad aan u
qalmin loo shaqo siiyo ayadoo lagu qancinayo. Ha noqoto
qancin qabiileed ama mid siyaasad.
Ilaa laga gaaro in shaqo
walbaa qofka u qalma loodhiibo , waa adag tahay in la gaaro
horumar dhab ah.
Waxaa cad in dad badan oo
siyaasiyiin iyo eheladooda ay filanayaan in dawlad kastoo ka
dhalata dalkeena ay ku fadhiistaan kursi wareegaya oo xafiis
weyn yaalla , xafiiskaasoo ku bixi doona lacag ka badan inta
ay soo gelin karaan dhammaan shaqaalahaa ka shaqeeya. sidee
baa markaa loogu riyoon karaa Somalia horumarsan .
Aan kuu sheegee
shaqaaluhu waa .................
Aan kuu sheegee
shaqaaluhu waa .................
Sharaftii dhulka
sharaxeysay .........................
Sharaftii dhulka
sharaxeysay .........................
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com
The New Somalia
Group waa urur ka shaqeynaya midnimada indheergaratada
soomaliyeed ee dunida ku baahsan , kobcinta afkaartooda
siyaasadeed, ijtimaaci iyo caalamiyeynta dunida (Globalisation)
. Waa urur ku hawlan soo saarista ra'yi siyaasadeed
mideysan iyo abuurista xoog siyaasadeed ee awood ku leh
waddamada horumaray oo dhan ( Somali Political Lobbies).
Fadlan ra'yigaaga ka dhiibo sidii wax looga qaban lahaa
dhibaatada dahsoon ee siyaasadeed.
Awes A.Osman
thenewsomaliagroup@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
June 27, 2005
MAQAALADA
KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..