SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Baladweyn Allahayoow Haka Dhigin Guri Belaayo”

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Baladweyn waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ugu caansan. Waxaa barisamaadkii calaamad ahaan loogu soo qaadanjiray miraha khoonaha. Waxaa dhegaheenna kusoo dhici jiray wabiga jiinkiisa, buundada Liiqliiqato iyo beero. Haddaad rabtid dib u milicso Hadraawi iyo Beledweyn Allahayoow ka dhig guri barwaaqo.

Khoonihii iyo mirihii la maqli jiray waxaa bedelay “khaa’inul waddan”. Waxaad maqlaysaa maamulo cusub oo Xabashi u adeega. Waxaan si aan qarsoodi ahayn Baladweyne jooga dad Xabashi u adeega oon la gabbaneyn oo lawada yaqaan oon cidna saas u fiirineyn. Waxaa taas ka sii daran waxaa hadda la leeyahay wasaaradda Difaaca (Gaashaandhigga) waxay xarun ka dhiganeysaa Baladweyne! Qof kastoo ciidan maqlay wuxuu ogaanayaa inaan dhulka xudduudaha u dhow la geyn wasaarado, xarumo tababarro iyo wax la mid ah ee waxaa la geeyaa ciidan dhisan oo heegan ah; difaacna halkaas ka gala. Baladweyne waxay ka mid tahay magaalooyinkii Soomaaliyeed ee dhibaato badani ka soo gaartay dukheyntii cirka ee Xabashidu ku heysay Soomaaliya iyo weeraro kale. Waxaa la rabaa in la isku xiro Feer-feer ilaa Dikfeer. Ama ilaa qubuuraha kiilomitir 13. Alifle Xabashi ah baa go’aan ka gaaraya kii Dikfeer ama qubuurahaas la geyn lahaa.

Dadka Soomaaliyeed ee Xabashida u adeegayaa ma milicsadeen madaxda gobolada Soomaaliyeed qaarkood oo sheegtay inay yihiin agoomo dad reer Yurub ah dhaleen? Cid aan dhalin haba sheegteene maxay ku heleen? Maxay faa’iido ah ooy gaareen dadkii Xabashida dabo-orday laga soo bilaabo Bakool ilaa Banaadir? Dad waxaa la hayaa markay Xabashida la jireenna aan sumcad lahayn laakiin markay hadda ka soo horjeesteen ay siyaadeyso sumcadda ay ku dhexleeyihin bulshadooda.

Ma Feerfeer baa u arrimineysa Baladweyne? Waa halka ay Soomaalidu ka tiraahdo: Nugaal baa durdur weyday oo Docmaa looga arooray! Waxaan xasuustaa iyadoo dowladdii Kacaanka ahayd lagu dacaayadeeyo in la arko sarkaal hoose oo amraya sarkaal ka sarreeya laakiin arrintaas oo xaqiiq ah ayaa Xabashidu nagu sameysay. Waxaad arkeysaa wasiirro iyo saraakiil Soomaaliyeed oo u shirsan seddex aliflayaal Xabashi ah!

Barbarkey ka baxdaa waa bakeyle qaleen. Waxaan reer Baladweyne xasuusinayaa in dagaalkii caanka ahaa ee lala galay qolyihii riddoobay ee uu hogaaminayey Museylama Al-Kadaab in markii calankii Qureysh loo dhiibay nin mowle ahaa waa saxaabigii caanka ahaaye Saalim – Mowlaa Abii Xuduyfa (RC) ay saxaabadii Qureysh qaarkood ay sahladeen sida Zeyd Binu Khidaab (RC) oo Cumar (RC) la dhashay. Saalim (RC) markuu arrintaas dareemay ayuu yiri hadal taariikhda u gelay oo ahaa “Bi’sa xaamilul Qur’aani anaa in uutiitum min qibalii” oo ahaa: anaa u baaslahaaday nin Qur’aan xambaarsan haddii xaggey la idiin ka yimaado. Waa la ogaa waxay Xudeyfa iyo Saalim (RC) sameeyeen. Labadiiba halkaas bey ku shahiideen iyagoon xaggooda laga soo gelin. Waxaan rajaynayaa inay ka mid yihiin kuwii Ilaahay Qur’aanka ku xusay oo haddii Soomaali ahaan loo micneeyo noqonya: mu’miniinta waxaa ka mid ah rag ka dhabeeyey balantii ay Ilaah la galeen. Maanta taariikh baa qormeysa. Qof kasta oo wax qoraa wuxuu indhaha ku hayaa magaalooyinka iyo qabiilooyinka Soomaaliyeed iyo aragtidooda ku wajahan qaranka Soomaaliyeed iyo cadowgooda Xabashida.

Siduu gumeystuhu uga guuray Soomaaliya ma jirin halyeeyo badan oo Soomaaliyeed oo soo baxay marka laga reebo dadkii la dagaalay Xabashida. Waa maanta marka la rabo in la yiraahdo: waarimeyside war hakaa haro. Ama Xabashi-raac noqo ama Xabashi-diid. Waxay diinta Islaamku sheegtaa in wax kasta Ilaah qoray. Waxay diintu na bartay in aan si fiican u raadsanno irsaaqadda. Waxay diintu sheegtay in Ilaahay rifqiga iyo naxariiska ku bixiyo waxuusan ku bixin ad-adeyga iyo dhibka. Marka Soomaali waxay wadahadal iyo walaaloow ku dhaanto ma leh sidii dad hore sheegeen.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso [BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO]

F.G. Waxaan ku faraxsannahay in mar BBC-da laanteeda Afsoomaaligu waraysiyo ka qaadey dadweyne Soomaaliyeed oo kala jooga magaalooyin kala duwan sida Garoowe, Baydhabo, Marka, Baladweyne, Nairobi iyo meelo kale in dadkii Baladweyne joogay marka laga reebo hal qof ay intoodii kale diideen in ciidamo Xabashi la keeno Soomaaliya halka dadkii codkooda ka dhiibtay Garoowe ay kulligood u riyaaqeen in la keeno ciidan Xabashi Soomaaliya. Marka danta maqaalkan waa in la arko dadka Xabashida u adeegaya.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD