Madaxwaynaha Soomaaliyaa, 
						C/lahi 
						yuusuf , waraysi dheer oo dhinacya badan taabtay oo uu 
						siiyay joornaalka 26 September ee kasoo Baxa Yemen.
						"...Haa Muqdisho 
						waanu tagaynaa ugu damayn , waana anaga oo awood 
						dowladeed leh dhisan oo habaysan si aanu xamar ugu soo 
						rogno amaankii iyo kala damaynta oo kamaqan, ee maahan in aanu aadno muqdisho 
						oo gacanta ugu jirta maleeshiyo qabiil oo markaa aanu 
						anana qayb kamida noqono, maxaa diidaya in aanu sii 
						tagno magaala kale oo aan muqdisha ahyn haday taasi 
						nabada dan utahay , waa xarun ku meel gaara marka damana 
						waxaanu u guurin caasimadii oo markaa amaan iyo kala 
						damayn ah, doodaas ah xagee loo guurin iyo xagee la 
						dagin waxay na dhaafin muhimadii aanu rabnay oo ahayd in 
						dowlad somalia oo dhan ay leedahay la keeno.... " C/Laahi 
						Yuusuf
						
						
						 Waraysi 
						dheer oo dhinacya badan taabanaya ayaa waxaa uu 
						madaxwaynaha somalia mudane c/laahi yuusuf axmad uu 
						siiyay jornalka 26sebtambar oo ah joornaal asbuucla ah 
						isla markaana ku hadla afka dowlada yamen jornaalka oo 
						qormadiisii maanta (June 23, 2005) ku soo daabacay ayaa 
						waxaa uu yiri "waraysi muhima oo uu madaxwaynaha somalia 
						uu siiyay jornalka 26 sebtambar waraysiga oo aad udheera 
						ayaanu waxaan ku soo koobaynaa sidaan.
Waraysi 
						dheer oo dhinacya badan taabanaya ayaa waxaa uu 
						madaxwaynaha somalia mudane c/laahi yuusuf axmad uu 
						siiyay jornalka 26sebtambar oo ah joornaal asbuucla ah 
						isla markaana ku hadla afka dowlada yamen jornaalka oo 
						qormadiisii maanta (June 23, 2005) ku soo daabacay ayaa 
						waxaa uu yiri "waraysi muhima oo uu madaxwaynaha somalia 
						uu siiyay jornalka 26 sebtambar waraysiga oo aad udheera 
						ayaanu waxaan ku soo koobaynaa sidaan.
						su'aal : wadanka 
						yamen waxuu waligii iska saarayay xil wayn wadanka 
						somalia si loogu soo cesho xasilooni iyo kala damaynta 
						oo ka maqnay muda ka badan 15, mudane madaxwayne maxaa 
						ugu waynaa oo booqashadaan lagu falan qeeyay.?
						jawaab: run 
						ahaantii ma ahan markii ugu horaysay oo aan booqasha ku 
						imaado wadanka yamen ee hada ka hor ayaan imi oo aan 
						kulumo kula yeeshay madaxwaynaha yeman mudane cali c/laahi 
						saalax, lakiin marakan booqashadaydu waxay ka damaysay 
						kadib markii uu mudane cali cabdalaahi saalax uu ii 
						fidiyay marti qaad si aan uga wada hadalno meesha ay 
						marayso hawlaha dowlada isaga oo isla markaana , ma ahan 
						taasi mid ku cusub wadanka yamen oo caan ku ah 
						tixgalinta Somalia iyo ka warqabkooda , taana waxaa 
						keenaya in ay ka dhaxayso labada shacab somalia iyo 
						yamen xiriir soo jireen ah oo tariikhiya , iyadoo 
						markaana aanu iska kaashano nabada koonfurta bada cas 
						iyo sidoo kale geeska africa.
						su aal : mudane 
						madaxwayne waxaa warbaahintu hadal haysaa khilaaf in uu 
						soo dhexgalay dowlada aad adigu hogaanka u hayso sidee 
						ayaad u akhrin kaalinta ay yamen ka ciyaar karto xalinta 
						khilaafkaas?
						jawaab: mudane 
						cali cabdala saalax waa hogaamiye carbeed oo bisil oo il 
						dheer lana socda aadna uga warhaya dhibaatada Somalia ka 
						taagan isla markaana in badan ka agdhow , sidaa awgeed 
						ayaa uu madaxwayne cali c.lahi salax uu in badan 
						juhdigiisa saaray si uu uga hortago wax bur bura inayan 
						ku imaan nabada somalia oo haatan wada fiican haysa , 
						isla markaa ayuu waxuu isku dayayaa in uu isu soo 
						dhaweeyo aragtida lagu kala duwan yahay oo somalida 
						udhaxaysa isaga oo markaa ka duulaya maslaxada somalia 
						iyo daganaanshaheeda. lakiin aniga waxaa ay ila tahay in 
						marka hore anaga somalida ahi aanu xalka ka shaqayno 
						sida lagu helo lahaa isla markaana aanu noqono kuwa 
						qaabilaya waxii uu nagula taliya mudane cali c.le saalex 
						oo ah hogaamiye aad looga qadariyo somalia , sidaa 
						awgeed ayaan uleeyahay waa in ay somalidu iyagu rabaan 
						xal in ay helaan waayo hadii aan xalka dadka qaarkood 
						rabin waxay noqon xal xala loo heli maayo dhibta somalia 
						ka taagan. waxaan usoo qaadan karnaa taana miisaalo 
						wadanka lubnaan waxaa uu ka jiray dagaal sokeeye lakiin 
						markii ay lubnaaniyiintii ku hishiiyeen in arimahooda ay 
						xal uhelaan way dhamaysteen , sidoo kale dhawaan waxaa 
						dhacay hishiiskii konfurta sudan oo afjaray dagaal mudo 
						socday. hadaba somalidu maanta hadayan marka hore ka run 
						sheegin in ay nabada iyo mustaqbalka somalia ayan ka 
						fakarin iyo maslaxada caruurteena iyo aayaha dame hadaan 
						taa laga fakarin hagaagi mayso laguna guulaysan maayo 
						waxii dadaala oo la wado si kasta oo ay niyad waanag u 
						tahay.
						su'aal: manoo 
						sheegi kartaa dhidabada ay ubaahantay somalia si loo 
						gaaro arimahaa aad sheegtay mudane.?
						jawaab: maanta 
						waxaanu ku jirnaa hadaanu hogaanka somalia hayno waxii 
						ahaa wada shaqayn qaran sidaas ayaanu awood ugu helnay 
						xal inaanu ka gudubno dhibaatooyin waa wayn oo naga 
						horyimi waxaanuna u gudubnay marxalad kale oo ah in aanu 
						xariiqno shaqada na hortaal oo ay ugu waynahyd,in la 
						dajiyo wadadii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka 
						hubaysan , in amaanka lagu soo caliyo wadanka kasoo 
						keenaya dib udhiska wadanka iyo xoojintiisa , iyo in 
						aanu ka shaqayno mid nimada wadanka qoladii aan taa 
						markaa rabini waxay ku mar marsiyoon arima kale oo 
						markaa aan meesha olayn hada waxaad maqlaysaan dood aan 
						aqoon ku dhisnayn oo looga goleeyahay in nabada lagu 
						wiiqo , sida hadalka aad maqasheen oo la leeyahay 
						magaalo hebel ayaa magaala habel ka haboon , anagu 
						waxaanu aragnaa somalia in ay mid tahay magaalana ayan 
						mid kale ka wanaagsanayn wax walba oo taa aan ahayna waa 
						in aanu ka dheerana , sida in la dhoho muqdisho mayan 
						ahayn in aanu aadno? haa muqdisho waanu tagaynaa ugu 
						damayn , waana anaga oo awood dowladeed leh dhisan oo 
						habaysan si aanu xamar ugu soo rogno amaankii iyo kala 
						damaynta oo kamaqan , ee maahan in aanu aadno muqdisho 
						oo gacanta ugu jirta maleeshiyo qabiil oo markaa aanu 
						anana qayb kamida noqono, maxaa diidaya in aanu sii 
						tagno magaala kale oo aan muqdisha ahyn haday taasi 
						nabada dan utahay , waa xarun ku meel gaara marka damana 
						waxaanu u guurin caasimadii oo markaa amaan iyo kala 
						damayn ah , doodaas ah xagee loo guurin iyo xagee la 
						dagin waxay na dhaafin muhimadii aanu rabnay oo ahayd in 
						dowlad somalia oo dhan ay leedahay la keeno , dib 
						uhishiisiintii dhacday waxay u timi in doodaas oo kale 
						oo khilaafka keenaysa la joojiyo.
						su'aal: shirar badan ayaa dhacay oo looga gol leeyahay 
						in somalia dib loogu soo cesho dowlad marakan see loo 
						heli karaa xal dhinacyada oo dhan isu keena?
						Jawaab:
						ugu horayn khilaafku iyo hishiis la aantu kamid ma ahan 
						dhaqan iyo cadada dadka somaliyeed somalidu dhaqan soo 
						jirayna ayay leedahay taasna kamid ma ahan. waxii aad 
						horay u argteen oo lagu fashilmay shirar badan waa wax 
						meel badan oo aduunka ah ka dhacay mana ahan wax somali 
						u gaara macnaha fashilka keenayna ma ahan in shacabka 
						somaliyeed uusan nadad rabine waxaa arinku uu yahay 
						waxaa jira dad dantoodu ku jirto in khilaafku sii socda 
						in somalia ay ahaato dowlad la aan iyo bur burka lagu 
						sii jiro ayaa dad ka qaar u ah dan waana dad yar oo ah 
						ganacsato dagaal , ama dad markaa hogaamiya ku noqday 
						wada ama meel ay xoog ku haystaan sidaas ayayan urabin 
						dowlada iyo kala damayn mar walbana ay is hortagayaan in 
						xalka la helo , dadkaasi waa dad yar farahaana lagu 
						tirin karaa , anaguna aad ayaan uga war haynaa dadkaa 
						ulana soconaa xaalkooda una afduubnaan maayo wadanka 
						somalia kooxdaa yar sidaas awgeed ayaanu masxada guud 
						hor marin tan gaarka ahna ka hortagin halakan maanta 
						waxaanu unimi anagoo hadal ku celin waynay hogaamiye 
						aanu sxb nahay waana cali cabdale saalix oo kooxdan aan 
						hada wada hadalnay waxaanu uga gol leenahay inaanan nala 
						oran waxaanu nahay macangag anagu waanu soo dhawayn qola 
						walba oo damacda in ay qanciyaan yamen , ama carab , ama 
						muslim , ama african , cid walba waanu soo dhawayn 
						lakiin hadii ay nabada qadan wayaan wadooyin kale oo noo 
						furan ayaa jiraa khiyaarkuna waa badan yahay.
						su'aal: waxaan ognahay mudane madaxwayne in ay dhibta 
						somalia ka hor imaanaysa ay ubaahantahy tageeto in ay ka 
						hesho aduunka sida ururka afrikaanka ma jirtaa wax 
						tageera ah oo hada aad heshaan?
						Jawaab:
						marka hore waxaa jirta xoogag dibada ah oo aan somalia 
						dowlad ka rabin kuwaasi waxay gacan saar sadeen kuwa 
						gudaha jooga , taasina waxay keentay in anagu hadaanu 
						somali nahay aanu midowno si aan uga hortagno arimahaas 
						, markii la helo shacabka somaliyeed oo midaysan oo hal 
						ah waxaanu ka adkaan cid walba oo damacda in ay somalia 
						wax yeesho , dhanka kale haa waxaanu tageero ka helnay 
						oo ka dalbanay IGAD iyo ururka afrika iyo jamacada 
						carabta , waxaana qabnaa rajo in ay aqbali donaan 
						dalabkaa aanu u gudinay.
						su aal: madaxwayne xiligii somalia ay dowladeedu dhacday 
						waxaa jirtay dowlado kale oo aduunka ku yaal oo iyana 
						sidoo kale qabsatay lakiin waxay kuwani aduunka ka 
						heleen tageero maxaa somalia aduunku u tageeri waayay?
						jawaab: waa run in somalia ay dowlad la' 
						ahayd muda dhan 
						15 sano waxaana jirtay dhibtaa somalia ka dhacday in 
						aduunka iska dhega tiray sida Yurub maraykanka waxaana 
						ku oran karaa ilaa hadeer aduunku uma soo jeedo somalia 
						. lakiin meela somalia ka daran ayaa aduunku usoo jeeda 
						maxaa dhacay?sababtu saan u arkaa waa in dhibaatada ka 
						dhacday wadamadaa wax loo qabtay ay keentay danta reer 
						galbeedku in dag dag wax looga qabtaa marka waxaa jidha 
						istiratiijiyad ugaara iyaga , run ahaantii garan maayo 
						maxay tahay istaraatijiyadaasi lakiin markaad eegto dhaq 
						dhaqaaqooda iyo sida ay aduunka meel kamida wax uga 
						qaban ayaad dareemin in meesha ay istiratijiyadi ku 
						jirto , hadana lama oran karo somalia wax looma qaban 
						waayo hadaad eegto shirkii hada kenya ka socday 90% waxii ku baxay waxaa baxshay midowga yurub taasi wax 
						ayay tadhay lamana oran karo waa heerkii la rabay. 
						hadana anagu hadaanu somali nahay anaga ayaa wax qabsan 
						karna anagoo aan aduunka xal ka sugin waayo garan mayno 
						marka ay noo soo jeensan , isla sidoo kale carabta iyo 
						muslimka waxaa laga rabay in ay aduun ka somalia in wax 
						loo qabto ay cadaadis ku saraan , hadii kale waxaa la 
						oran carabti iyo muslimkii somalia uma jeedaan anana waanu 
						ka idha saaban.
						su aal: dib uhishiisiintii kenya waxay keentay in 
						madaxwayne la doorto iyo barlamaan isla markaana la 
						dhiso xukuumad lakiin taasi fowdadii ma ayan dhamayn 
						gaar ahaan caasimada muqdisho wali ma xasilna , mudane 
						aduu waxaad leedahay dib unoqosho ma jirto maxaad ku 
						waajihi doonta halganka ay nabadu rabto?
						jawaab: casimada waxa ka jira waa arin dhaba oo aan 
						qarsoonayn oo sida aad ogtahay adigu ana waan ogahay 
						waxaana ku oran karaa in dhibta somalia ka jirtaa ay 
						tahay Muqdisho oo aan ahayn meel xasilan somalia inteeda 
						kale xal ayay leedahay , lakiin muqdisho waa meesha aan 
						wax nadaama iyo kala damayn ka jirin sidaa awgeed ayaa 
						dowlada lagu dhisay kenya waxaa utaal kudad lagu waa 
						jahayo sidii xal loogu heli lahaa muqdisho, sidaa awgeed 
						ayaanu anagu dadka maanta muqdisho jooga oo hubaysan 
						aanu ula hadli doona sidii dad nala ah walaal , 
						waxaanuna isku dayi in wada hadal aanu xal ku gaarno , 
						waxaanuna usoo jeedin wax aanu ugu badalno burcad nimada 
						sida in aanu ciidan utaba barno , ama aanu xirfada barno 
						, lakiin hadii taas la doodo wada hadalna wax lagu 
						qaadan waayo dowlad sharciya ayaanu nahay waana ka 
						hortagin , waxaanuna qabnaa dadkaa aanu ka hortagaynaa 
						in ay yihiin dad yar markii shacaba somaliyeed la eego.
						su aal: hadii kooxahaasi wada hadalka aad la galaysaan ay 
						wada xiran gasho ma adeegsan doonta awood dibada ka 
						imaanaysa ? macnaha waxaan u wadaa dowladaha dariska iyo 
						kuwa aduunka ma la kaashan doonta inta aan nabada rabin?
						jawaab: waxaan rabaa in aan kuu sheego in dowladu ay 
						dajisay istaraatijiyad ku aadan dib uhishiisiin 
						dhamaystiran awood in aanu adeegsanaa waa khiyaarka ama 
						isku dayga ugu dameeya , sidaan kuu sheegay waxaanu wax 
						ku bilaabi wada hadal waxaanuna u gudbi talooyin in 
						ciidan ay kamid noqdaan lakiin markii la diido taas 
						xalku waa in awood la adeegsada markaana waanu dalban in 
						aduunka iyo dowlada aagaba aanu ka helno tageero si 
						nabada loo ilaasho.
						su aal: somalia kuligeed ma wada amaan darna waxaa jira 
						goobo nabad xoogle ka jirto sida punt land iyo somali 
						land sidaa somalia inta kale loogu dabaali karaa nabadaa?
						Jawaab:
						somalia waa mid, malahan yar iyo dad badan, malaha diimo 
						kala duwan, malaha madaahib kala duwan, waxa maanta punt 
						land ka jira iyo somali land waxaa waaye dadka meelahaa 
						dagan waxay arkeen in nabadu tahay tan lagu hormaro 
						sidaa ayay markaa nabad u qateen waxayna haleen barwaaqo 
						iyo nabad , meelaha kale haday iyana saa u fakari 
						lahayeen way awoodi lahahyeen lakiin waxay qateen nasiib 
						daro in ay xabad adeeg sadaan sidaas ayayna labada 
						meelood ku kala duwan yihiin , maanta ma aanan ogolin in 
						sidaa lasii ahaado shaqa qarameed ayaa na hortaal 
						iyadaanuna qaban somalina nabad iyo xasiloon ayay 
						rabtaa.
						ma daxwaynhe waa mahad san tahay.
						adaa mudan.
						xigasho:
						
						www.26september.com 
						tarjumid guud: asad gufure
						Email:
						
						asadgufure@hotmail.com  
						
						Faafin: SomaliTalk.com | 
						June 27, 2005
Bosaso: 
800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay 
Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, 
iyo warar kale oo googoos
akhri