SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shacab Aan Qarameynay’ Qaxootigoodana Ma Qaadan Karno.”Kenya”

 Hanaanka Cusub Ee Is

Qaxootiyeenta Kenya. 

Waxaa labdaan isbuuc soo ifbaxaya war-war sheegaya in dowlada Kenya,ay wado hanaan cusb oo looga gol leeyahy sidii loo ogaan lahaa,tirada qaxooti ahaan ku jookta dalkaan Kenya,si loo kala garto bal cida qaxooti ah iyo cida aan aheenba,sidaasi daraadeed ayaa haweyneeda u qaabilsan Laanta Socdaalka Dalkaan Kenya (MRS Kimilo),ay carbaka ku dhufatay in dhamaan dadka ku nool dalkan Kenya ay iska soo diiwaan galiyaan laanta socdaalka u qaabilsan Q-midoobe &Qaxootig UNCHR,Si cidii qaxooti ah loogu aqoonsado Qaxooti,cidii aan aheena uu hada isi soo diiwaan galiyo. 

Sikastba hala isugu goodiyee,maahan oo kaliya cida qaxooti ahaan  jookto dalkaan Somali ee waxaa jira wadamo kale oo ayagana ku joogo Qaxooti & howlkalabe,waxaana ka mid ah Ethopian,Eretiran,Tanzanian,haba ugu sii badnaadaane Zairian lakiin waxaad moodaa xanuunka ugu badan in uu durba saameeyay Somali-Weyn oo ahlkaan u guryo degen sidii dalkoodii oo kale,taasina wax ay iigu cadaadatay sida argagax-leh ee labadaan maalin ay u hadal hayaan is diiwaan galinata cusub,iyo cabashooyin farabdan ee ka soo baxaya bulshada qeybaheeda kala duwan ha ugu miizaan badnaatee Ganacsatada oo ah kuwa ay halkaan hanitooda si xoogan ay u tuurantahy,waxeyna durbadii ku dhawaaqeen gudi ka hortaga nidaamkaan cusub ee ay dowlada Kenya soo rogtay.

Maxuu Qabtay Ilaa &Hada Gudigaas. 

Talabadii ugu horeesay ee uu qaado wax ay aheed shalay oo jimco ah ka dib markii ay banaanbax si weyn loo soo agaasimay ay ka horsameeyeen xarunta Qaramada Midoobe ee ay ku leedahay dalkaan Kenya taas oo ah (UNHCR),   Wexeyna halkaas ka tiriyeen weedho lid ku ah    Q-midoobo wexyna ka dalbadeen in wax lagabadlo go’aankaan cusub ay soo roktay dowlada Kenya.

Waxaa intaas sii dheeree in banaanbaxaas u gaaray ilaa &Qunsuliyada Maryekanka oo aydana ay ka dalbadeen in ay soo fara galiyaan arinkaan,waxaana ugu badanaa dadkii sameynaya banaanbaxaas Somalida loo qaadi doono dalka Mareykana kuwaas oo ka dalbaday hay’adaha  dib u dejeinta u qaabilsan dowlada Mareykanka ee kala ah (I.O.M)(J.V.A)Wexyna ku booriyeen in ay u nugu laadaan dadkooda taas oo  loolajeedo in ay fiiri gaar ah u yeeshaan dadaka ay u qaadi rabaan dalkooda si ay uga samatabaxaan qul-qulatooyinka ku soo socda qaxootiga. 

Guud’Ahaan Sidee Looga Arkaa Nairobi?

30ka Bisha wixii ka danbeeyo waa la is raafaa..?”” 

Waa weedhaha loogu hadal heyksa badanyahy guud ahaan xaafadaha ay soomlidu sida weyn u soo buux dhaafisay,hadii aad si taxadr leh u dhax marto xaafda Eastlight oo ah halka xudunta u ah somalida ganacsigooda & degeenba  waxaad dareemikarta dhawac uu u geestay sharcigaan

Waxaan si hoosaad ah ula sheekeysaty oday 30sano ka badan ku noolaa dalkaan Kenya waxaan weydiiyay Su’aashaan 

HOL,Maxeey ku kala duwan yihiin sharcigan cusub & kuwii hore? 

Jwb.Run ahaantii intii aan dalkaan joogay ma maqlin arinta nuucaan oo kale ah oo,lakiin waan arki jiray Raaf & Tarxiilba” 

Hol,Maxaad ula jeedaa arinta nuucaan oo kale ah?

Jwb,Een wax kale maahan sharciga sidaan oo kale ah oo la isku amrayo in qofkasata uu isi soo diiwaan galiyo ma arkin abidkeey’ 

Waa run in arinkaan uu yahy waji aan horay looga baran dowlada Kenya ayana tahay hanaan cusub oo dowlada u gaar ah,waxaa looga wada fadhiyaa bal sida uu xaalku ku biyo shubto. 

Maroor Dilaaca Bulshada?

Somali weynta ku dhaqan Nairobi,wexey durba u fasirteen in loo qaadi doono dalkooda deedna ay halkaas ku idlaatay howlahoodii mahradeed & kuwoodii gaar ahaaneed.

Inakastoo aan la dhihikarin xaalku waa ceynkaas oo dalkii baadib la isgu celinayaa,maxaa yeelay  majiraan war kal-gal ah oo ilaa &hada tibaaxaya in dib la isku celindoono waloow  la isugu goodiyay cidii 30bihsa wixii ka danbeeso isku soo diiwaan galin weysa laga qaadi doono talaabo ku haboon,taasina loo fasiran karo in la is tarxiili doono,Hadaba bulshada waa ay ku kala araah duwan yihiin,qaarbaa durba dalkii ka hayaamay oo u sharci doontay dalalka dariska ah,qaarna waa ay naxdin gooyeen oo waxaa laguu sheegayaa in ay waxaani ay  tahy wax horay loo arki jiray ayna tahy (Dowlad Afrikan ah),sharcigeedana uu yahy wax iska laab kac ah aysan laheen wax Ficil ah…

Maxaa Xiligaan Farta Loogu Fiiqay Qaxootiga? 

Waa ay adktahy in ay durbaba kugu soo deg-degto jawaabta saxdah ee ku aadan qaxooti tirakooba cusub ee Kenya,lakiin waxaa iska cad in uu arinku yahy arin siyaasadeed,ha ahaatee bal aan idin guud maro war siyaasadeedka suuqa yaala.

.Sharci cusub kasta wax uu leeyahy u jeedo mida laga aaminsanyahy dowlada Kenya ayaa waxa ay tahy ayadoo la leeyahy,Waxa ay U dulqaadan la’adahy culeyska dul saran ayana rabto in ay iska yareeso qaxootigaan faraha badan ee dalkeeda ku soo hayaamaya,beesha caalamakna ay tusiso in aysan in aysan laba culeys isku darsandoonin,shacab  aan dowladnimadiisii qarameeynay qaxootigiisana qoorta ma gishan karno ee waa in arinka wax nagala qabtaa hadii kale…

.Mayee..”Waxaa jira hashiis ay kala saxiixdeen dowlada FKMG Ah iyo maamulka madwaxyene Kibaki kaas oo muujinaya in ay labada dhinac ay isku waafaqeen in Somalida qaxootiga ku ah dalkan Kenya dib loogu guryo celiyo dalkoodii,sababtoo ah waa dowlad lagu kalsoonyahy ayey nasiib u yeeshaan kal hore. 

Ilaa iyo hada majiro masuul ka tirsan dowlada FGMG ah oo arinkaas ka hadalya inta aan kar wahaayo. 

Warku sikastaba ha u tira batee,lama haayo siyaasda dhabta ah ee loo gol leeyahy arinkaan waloow uu ku akyahy oo kaliya (Qaxooti Tira koob Guud).

 

Faalo Qoraa Sare’

Farxaan-Ceynte

Nairobi-Kenya.

Cayntakayare@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD