SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma Hayaannaa mise waan Halgannaa? 

W/Q: Cali Maxamed Xaaji (Cali Catoosh)
    aliatosh@yahoo.com

    KARACHI-PAKISTAN

Bur bur iyo ba’ muddo Shan iyo Toban sano ka dib, waxaan manta ku dhownahay in magaceenu iyo haybteenuba la waayo, taasoo ay sii xoojisay hadaladii iyo ififaalihii ka soo bidhaamay maant mas’uuliyiinta labda gole ee dowladii lagu soo dhisay Dalka Kenya, hadaba hadii ay tani rumowdo oo rajadii iyo ka dhursuggii ay umadda Soomaaliyeed ka dhursugaayeen Shirkii muddada Labada sano ahayd ka socday dalka Kenya, kaasoo ay mas’uuliyiinta dowladda Kenya ku sheegen in ay ku baxaday lacg dhan $13,000,000 (Saddex iyo Toban Milyan oo Doolar) uu saas ku burburo waxay taasi noqonaysaa ama lagu tilmaami waqti lumay, Kharsh fara badan oo hadii umadda Soomaaliyteed wax loogu qaban lahaa anfaci lahaa kana dabooli laha dhinacya fara badan in uu halkaa ku lumay, waase hadii ay sida maanta wax yihiin aysan waxba iska badalin. 

Haddaba Soomaalaay waxaa ig su’aal ah dalkeenii bur buryay, balaaya hor lehne u soo bira tumatay, ee Dhallintii Dhulkaygaay, Aqoonyahnkii Waddankoow, Waddanigii Waddankow Ma Hayaanaa Mise waan Halgannaa???? 

Hadday Jawaabtu Tahay aan halganno oo yaan Hayaamin cadowna u banaan bixin, hadaba aan ka bilaabo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Dibadda iyo guddahab jooga, Aqoonyahnow I maqal oo meel u yeel oraahdayda: 

  • Aqoonyahay Hadaad tahay amar iyo arrin ruux laga sugaa tahaye  
  • Asluub wanaag iyo ilmacaani arrin amamudkii lagu ogadaad tahaye  
  • Aqoon lagu ilwaadsado iyo ilbaxnimaad ehelkeedibaad tahaye
  • Amaantaada waxa lagu qoraa erayo abwaan yiri iyo dahab iyo luule
  • Arxankaaga waxaad tari lahayd maantuu agab iyo ildaro u yaalaaye
  • Arrinta soomaaliyeed arag oo u arrimi adaa alif quraan dhigtaye
  • Aamiintaan kuugu kabnee ehel walaalow ha ina irdheynin noo armiye
  • Alxamudu Lillahi waa haduu aqoonyahan arrinteenu u istaagiye
  • Arrimahaan oogadeena saran idleeya oo inag saara gumaysig gaamuraye   
  • Aan idiin ducaynee aqoonyanoow arrinteena aflaxeeda inoo hela’e

Haddaba aqoonyahanka Waddankeenow ma waxaan ka dhursugnaa Nimankaa muddada 15-ka sano waddank u afduubnaa ee aan rabin in uu waddanka dago, nabad noqdo horumar gaaro, misa weynu kacnaa oo waxaan noqonna dad u diyaargroobo in ay u huraan naftooda iyo maalkooda waddankooda iyo diintooda tasoo ku tumashadeeda iyo ku tacadigeeda uu sii badanayo sida Dilka, Afduubka iyo Dhaca aan xadka lahayn ee ka socdo wadankeena hooyo.  Waxaa hubaal ah in ay aqoonyahanku wax baddali karaan hadday sameeyaan qodobadaan hoos ku xusan: 

  1. in ay aqoonyahanku u diyaargaroobaan niyadana ku hayaan in uu waddankeenu u baahanyahay isla markaana ay naftooda u diyariyaan ka dhex muuqashada bulshada ayna tusaan shacabka dhibaataysan in ay diyaar u yihiin wax qabad dhab ah iyo ka shaqaynta danaha guud ee wadankeena hooyo.
  2. In uu aqoonyahaynku aaminaa in uu waddankiisu Sharaf ku leeyahay oo uu mar walbaa niyadiisa siiyaa waddankiisa kuna howlanaadaa ka fekeritaanka waddanka iyo dib u dhiskiisa.
  3. in ay aqoonyahanku sameeyaan waxqabad dhab ah sida samaynta iyo soo celinta baraarugga waxbrshda iyo qiimaha uu aqoonyahanku leeyahy, sida ka qaybqaadashada dhisidda Iskuulo, Jamaacado, iyo wixii la midka ah.
  4. In ay aqoonyahanadu sameeyaan IDAACAD  lagu baraarujinaayo shacabka, gaar ahaan Dhallinta Soomaaliyeed, kuwaasoo u noqday hogaamiya kooxeedyada kuwa ay ku fushadaan howlohooda guracan, isla markaana noqday xaabada ay dabka ku shitaan dhiigya cabyada aan lahayn arxan iyo damiir damqada intaba . Hadaba  idaacadani waxaa laga baahinayaa dhowr arimood sida:

a)      Muhimadda aqoonta ay u leedahay bulshada iyo dhallinta gaar ahaan. Maxaa yeelay dhallintu waa laf dhabarka umad walba iyadaana mudadan in wax loo qabto si hrumar loo gaaro.

b)      Qatarta qabyaaladda iyo qurunka lamidka ah sida waqti iyo maal ku luminta qaadka, qori  iyo qabqable daba ordidi taankooda. 

c)      Tartamo ka’dis ah oo abaal marino lagu bixinaayo kuwaasoo isugu jiro tartan dhank Qur’aank, Siirada Nabigeena Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee, tartan cilmiyeed, aqoon guud iyo tartan faneedba, kuwaasoo ardayda kor u soo qaadi kara garaadkooda aqooneed, kuna dhiiri gelinaayo waalidiinta in ay ilmohooda wax baraan si ay facooda wax ula qaybsadaan.

d)      Dood Cilmiyeedyo ku saabsan aqoonta, waxbarashada qaybaheeda kala duwan, dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee qaadka, iyo khubaro kala duwan oo ku xeel dheer dhanka aqoonta bulshada in la keeno si ay uga faa’ideeyaan bulshada maan-garaadkooda iyo khibradooda isla markaana uga haqab tiraan dhallinta u hiillan aqoon iyo maan ku biiridba. 

  1. in ay qaybaha kala duwan ee aqoonyahanada Soomaaliyeed khaasatan kuwa maskax iyo maqaam ahaanba muuqda ay samaystaan dallad ama urur kulmiya kasoo xiriiya aqoonyahanada cusub, hadii ay suurta galtahayne tirakoob ku sameeyo aqoonyahanada wadanka ka maqan, isla markaana u horseeda aqoonyahanada cusub wax ka qabadka waddanka iyo ku laabashdiisa hadii ay joogaan dibadda hadii ay joogaan gudahana ku dhiira geliya in ay wax u qabtaan waddanka.
    Ururkaan aqoonyahanada wuxuu si toos ah am si aan toos ahaynba uga qayb qaadanayaa dhisidda iyo habsami u socodka waddanka arimihiisa.

Haddaba hadii aqoonyahanadeenu ay leeyihiin dhaqdhaqaaq iyo dhiifoonaan ay diyaar ugu yihiin wax qabad dhab ah waxaan hubaa in shacabkeena masaakiinta ah laga xuraynlahaa dambiilayaasha dagaal ee welina u ooman 15-sanoo kale in ay sii haystaan shacabkeena aan waxba galabsanin. Hadaba aqoonyahanka Soomaaliyeedow hadii aad tahay wadani waddankii adiga iyo aniga iyo inta nala halmaashow sugaayaaye bal aan ka dhiidhinoon dhulkeenii hooyo ka dhigno meel lagu dhaato oo nalaga dhaxlo dhawaqii Soomaaliyeedna uu ka dheeraanin ebedkeed. 

F.G.

Qaybta lbaad waxaan uga hadli doonaa Haddii ay jawaabtu tahay aan hayaano, oo yaan waddankeenii hooyo dib loogu laabanin……..??????  

W/Q: Cali Maxamed Xaaji (Cali Catoosh)

    aliatosh@yahoo.com

    KARACHI-PAKISTAN

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD