SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

c/laahi yuusuf iyo shariif xasan xagee ayay iska qaban wayday.
tarjumid: asad gufure

asadgufure@hotmail.com

maal mihii lasoo dhaafay waxaa ka socday dalka yaman gaar ahaan magaalada sanca dadaalo ay waday dowlada yaman taas oo ay ku shegeen in ay wadanka yaman ay rabto in la isu soo dhaweeyo khilaafka labada dhinac ee udhaxeeya waxaana isla markaa ay iskugu biya shubatay sadex qodob oo kala ah :
1-meesha ama goobta ay dowladu sal dhig ka dhiganayso ilaa iyo inta laga xalin casimada wadanka somalia oo gacanta ugu jirta meleeshiyooyin aan amar kala qaadan.

2-iyo in wadanka ay soo galaan ciidamo amaanka ilaaliyah oo ka socda wadamada africa.
3-qodobka sadexaad ayaa ah tuhmooyin ay is dhaafsadeen labada dhinac madaxwaynah iyo ra isul wasaraha oo dhinaca iyo afhayeenka barlamanka shariif xasan iyo wasiiro dhowra oo dhinaca.
qodobadaa ayaa ay iskugu aruurtay ayuu yiri wasiirka arimaha dibada ee wadanka yaman abuubakar al qurbi isaga oo uwaramayay al jazeera tv. waxaana uu yiri {waxaa lagu kala qaybsamay sadexdaa qodob oo dhinac walbaa waxaa uu kasoo dagi waayay markii hore mowqif kiisa} sidaa ayaa uu tilmaamay wasiirku , lakiin waxaa uu raaciyay in ay xoog wayn sareen labada dhinac si la iskugu soo dhowaan lahaa waxaana ka qayb galay ayuu yiri wada hadalka labada dhinac ra isul wasaraha wadanka yamen bajmaal iyo ra isul barlamaanka dalka yamen c.laahi al axmad iyadoo mar damana uu ku soo biiray madax waynaha yamen cali cabdalah saalax , kasoo labada hogaamiya c.laahi iyo shariif markii u horaysay isu keenay.
maxaa iska badalay mowaaqiftii labada dhinac.?

isla wasiirka arimaha dibada ee yamen oo hadalkiisa sii watah ayaa yiri : sadexda qodob oo ay isku khilaafeen madaxwaynaha iyo afhayeenka barlamaanka , waxaa uu ogolaaday madaxwaynuhu in uu utanaasulo maslaxada shacabka somaliyeed waana uu ogolaaday in ciidanka ayan ka mid noqon wadamada safka hore iyo caasimada in ay xukuumadu uguudho , balse ayuu yiri wasiirka yameb al qurbi oo uwaramay aljazeera net gudoomiyaha barlamaanku waxaa uu yiri waxaan lasoo tashan barlamaanka inta ka joogta muqodisho , markii aanu ka dalbanay in hada lakala saxiixi hishiis sidaana lagu af xiro khilaafka waxaa uu shariif xasan ku adkaysta mowqifkiisa ah in uu tago xamar si uu ula tashto taageerayaashiis.
isla website afka dheer ee islamonline ayaa waxaa qormadiisa maanta cinwaan uga dhigay dhex dhexaadintii yaman oo fashil matay? qormadiisa ayaa webku waxaa uu soo qaatay waraysi uu siiyay afhayeenka barlamaanka somaliyeed wakaalada wararka ee faransa AFP taas oo uu shariif xasan markii la waydiiyay waxa fashalka keenay uu yiri { ma doonayo in aan tafaasiil ka hadlo balse waxaan idiin cadayn karaa in wada hadalkii uu galay wada xiran !}

go aanka afhayeenka barlamaanka ayaa mid ka agdhow madaxtooyada yamen oo u waramayay islamonline uu sheegay in madaxwaynaha yamen uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin isaga oo sheegay in uu aad usoo dhaweeyay tanaasulka madaxyanaha uuna sheegay in yamen ay in badan qadarin doonto go aankaas.
dhanka kale madaxwaynaha somalia c.laahi yuusuf ayaa waxaa uu usheegay jornalka afka dowlada yamen ku hadla dabcadiisa maanta ee al thowrah [ in dhabaatada jirtaa ay tahay magalada xamar ee casimada somalia oo noqotay hoy aan lagali karin kadib markii maleeshiyooyin hubaysani ka dhigteen sal dhig isla markaana ayan diyaar u ahayn in ay dhigaan hubka, isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu jornalka al thowra uu ka soo wariyay madaxwaynaha in uu diyaar u yahay wada hadal toosa in uu la galo kooxaha xamar jooga uuna ku dadaali doono in uu ku qanciyo hubka in ay dhigaan waxaana uu sheegay taasi haday suura gali waydo waxaa aan laga maar mayn in hubka la dhigaa si taasi u suura gashaana aduunku uu caawinaa ciidamada dowlada ee hubka dhigaya}

hadaba markii aad eegtid hadalada ay labada dhinac saxaafada caalamka ay siiyeen ayaa waxaa muuqata in balantu ay noqotay gudaha wadanka in la tago waxaana uu jornalka albayan uu sheegay in ay soo muuqato saacadihii kala baxa kadib markii wada hadalkaasi fashil ku dhamaaday.
jibuuti oo yamen badashay?

shariif xasan ayaa waxaa uu usoo duulay dalka jibuuti waxaana jornalka al khaleej ee wadanka imaaraatka laga leeyahy uu tilmaamay in uu shariifku helay casumaad rasmi ah si markaa waxii yamen awoodi wayday jibuuti isku daydo isla jornaalka ayaa sheegay in madaxwaynaha jibuuti uu kula soo kulmay madaxwaynaha somalia isla markaana uu kula balamay in uu ka qayb qaadan doono wada hadalka yeman uuna ku qancin doono labada dhinac tanaasul.

hadaba waxaan ilaa haatan la garan karin in jibuuti ay ku guulaysan dadaalkaas ay hada bilowday iyadoo yamen ku fashil matay , balse AFP ayaa waxay sheegtay in madax waynaha rag ka ag dhow usheegeen in ayan tagi doonin jibuuti balse ay toos uga dagi donaan somalia , AFP ayaa sheegtay in madaxwaynaha uu sii mari doona MGPL . kahor intuusan tagin sal dhigiisa jowhar.

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

dhanka kale idaacada al jamaahiriyah ee dalka liibiya ayaa sheegtay in ay bilowday tageero xoogleh oo ay taageerayso wadanka somalia ayna hada ku wareejisay dowlada somalia idaacad dhamaystiran oo irsaalkeedu gaaro somalia iyo aduunka oo dhan taasna ay uga gol leedahay tageerada dowlada dhanka warbaahinta isla jornalka al khaleej oo isna warkaa sheegay ayaa raacshay in mucamar al qathaafi uu diyaar gareeyay kharashkii uu ubalan qaaday dowlada somalia uuna ku wareejin markii ay xarunteeda salka dhigato !
igu damayn mar la waydiiyay wasiirka arimaha dibada ee yamen al qurbi waxaa uu sheegay in sababta uu ku fashilmay shirka sanca ay tahay kalsooni oo aan ka dhex jirin labada dhinac waxaana uu sheegay in ay tahay in ay ogadaan tani waa fursadii ugu damaysay ayuu yiri wasiirku isaga oo uwaramaya wakaalada wararka ee al sabaa yamen.

isku soo duub intaa aan hada kasoo aruurinay saxafada wadamada carbeed oo si xoogle u falan qeeyay arinka somalia inta shirkaani uu socday ayaa waxaa aad uga muuqatay in ay ka raja xun yihiin sida aan wadani nimadu ku jirin ee somalidu dalkooda ugu wadaan iyagoo mar walba diyaar u ah in ay wadan kale marti qaad u tagaan oo ayan markaana wax hishiisa gaarin.
xigasho ; wakaaladaha wararka ee carbeed


tarjumid: asad gufure

asadgufure@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD