Madax adaygii col:c/laahi yuusuf iyo dowladii somaliyeed
						
						Diyaariye :Mohamed Mohamoud Osman (Qoordheere)
						
						mlambo77@yahoo.com
 
						
						Shirka ka socday wadanka kenya muda 2sano ah kadib ayaa 
						waxay lagu soo doortay col:c/laahi yuusuf axmed inuu 
						noqdo madaxwaynaha wadanaka somalia  5sano ee soo 
						socda ,inkastoo ay dowaladii uu ka ahaa hogaanka c/laahi 
						ane soo dhaafib weli kenya iyo yeman .
						Dadka somaliyeed  ayaa waxay  inataa u jeedaan  
						wixii kasoo bixilahaa dowlada uu hoogamiye ka yahay c/lahi   
						inay timaado wadanka gudihiisa  walow uu c/lahi  
						ka dhigaty saldhig   yeman iyo kenya   
						taasna waxay ku tusaysaa  madax adayg ,kalsooni 
						daro iyo maamul xumo awgeed  .
 
						Hadaba waxaaa is waydiin mudan  dowalada c/laahi  
						xagee weeye  fadhigeedu ma yeman baa ,Jabuuti mase  
						waa kenya  .?!!!!
						
						Hadaba jawaabto waa MAYA ..MAYA MAAHA  ...Saldhig 
						waxaa u ah dowlada somalia  muqdhisho .
						C/laahi yuusuf oo ay dadku ku tilamaamaan  
						madaxadayg ,maamulxumo,keligii tashade iyo amxaaro 
						jacayl  ....ayaa hadalkii umada somaliyeed ay ku 
						tilmaami jireen waxaa uu noqday run taasna waxaa tusale 
						inoo ah  dowladaan uu markii loodortay ee sharciyan 
						ahayd in ay dekto gudaha wadanka somalia ayaa hada waxaa 
						inoo muqata in ay ka dhigatay saldhig dibadda wadanaka 
						somalia  ......dhankakale  c/laahi maaha 
						muwadin somalia oo jecel in uu wadanaka somalia helo 
						kaladanbayn ,horumar ,iyo nabadgelo  balse uu rabo 
						in uu wadanku ku sii jiro  dagaal sokeeye  iyo 
						qas  .
						
						Dadka wax garadka ah markay  
						fiirsheen dowladaan ayey ku qiyaaseen in ay tahay dowlad 
						itoopiya ay wadato oo lagu doonayo in lagu hantiyo 
						dhulka somalia  balse  muwadinniinta somalia 
						taas waxay ka xigaan  huritaan dhiigoowda iyo 
						maalkooda , shakhsi kastoo raba danta umada somaliyeed  
						taas waxay la tahay  in qilaabaan uu ku rabo c/laahi 
						in uu  gesho dowlada amxaarada  ah  ee 
						itoopiya .
						
						Ugu 
						danbaytii waxaan umada somaliyeed meelkasta ay joogaan u 
						soo jeedinayaan in ay ka  soo wada jeensadaan 
						haldhinac  ,nooqdaan kuwo iyagu ismaamula ,kashaqayya  
						xasiloonida wadanaka iyo nabadgelyada umadasomaliyeed ,horumarka 
						wadanaka  dhinackasta ha noqdee  .
						
						Waxaan kaloo umada somaliyeed ugu 
						baqaayaa  in anu la dagaalano  amxaarada uu 
						rabo c/laahi in uu soo gesho wadankeena hooyo  taas 
						oo ay ku doonayaan in ay ku hantiyaan  dhulka mid 
						ah wadanka somalia ...Itoopiya oo dano gaara kala leh 
						wadanak somalia si ay u helaan  DEKED IYO KHEERAD 
						KALE .
						Sidaa darteed waa in aynu ka soo horjeedsanaaa  
						mowqifka uu wato c/laahi yuusuf ina galnaa dhaal  
						...taasina waxay ila ektahay in ay tahay jiihaad  .
 
						Diyaariye :Mohamed Mohamoud Osman (Qoordheere)
						
						mlambo77@yahoo.com
						
						Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
						
						
						Faafin: SomaliTalk.com | 
						June 27, 2005 
						
Bosaso: 
800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay 
Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, 
iyo warar kale oo googoos
akhri