SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA U GAR-NAQA SSC  IYO CURADADEEDA ?

(Qof Damiir Leh baa Damqanaye Doqoni waa Mooge)

HORDHAC

 


Eng. Feysal Nayruus
nayrus2001@hotmail.com

 

Ugu horeyn waxaa mahad leh Allaah(sw) Naxariis iyo nabad galyo waxay usugnaatay Maxammed Ibnu C/llaahi (csw). Anigoo mahad ballaadhan usoo jeedinaya dhammaan Website-yada Soomaliyeed iyo akhristayaashoodaba waxaan jeclahay inaan usoo ban dhigo aragtidayda daciifka ah balse ay ku lammaan tahay dareen wadaniyadeed. Waxaan maqaalkayga hordhac uga dhigaya Hooyo somaaliyeed oo tirsanaysa dhibaatooyin badan oo badan kana cabanaysa intii xigaalkeeda ahaa iyo wixii owlaad(ubad) ilaahay ka beeray. Waxay tiri (Hooyadii Somaliyeed) Ubadkaan dhalay Damiir laawe iyo maxaa dhigay Caasi ?, Daleel iyo maxaa ibaday Daqaradaan ?,  Bahalhiglaba afqurun kuma kala tagtee maxaa dharaar cad layga wada diday ? Tolla’ayoo tol belay….dhawacaan qabo ma waan la arag ? dhawaaqayga ma waan la maqal ?  dhambaaladayda ma waan la akhrin ? dhaayihii fayoow baa meel fog wax ka arkee wiilshaydu ma dhoohan yihiin? mase dhalanteedka yurub iyo dhalaalka mareykan baa meel fog uga bidhaamay ? caku oo caku, ciil badanaa……..daadka halkee igasoo galay ?.

            Waxay tiri “Ma dhintaa ? waxay isugu jawaabtay  Alla maya, maya oo maya sibyaankaa iga le’an, Ma dhoofaa ? “No way”Marwaan ahay dibad wareegna la iiga fiican, Dhalmada ma daayaa ?  Laa  Wallaahi….waxaa laga yaabaa inuu Eebbe  kor ahaaye kowa dambe Baarri iiga dhigo. Dhammaan su’aalaha aad kor kusoo aragtay waa kuwa ay in badan isweydiinaysay HOOYO dulqaad badan, misna dareen wacan, xagna daryeel iyo daadahayn suubban, doc kalana dabacsanaan iyo naxariis Rabbi(sw) ugu deeqay.

Haddaba Akhritaha qiimaha leh, waxaa is waydin ubaahan Hoyaadaas Calaancashay, Cabaadku ka yeedhay, Ciilku daashaday, Cawil-na loo waayay. misna Daqarada oogada kaga yaal iyo dhaawaca bogsoon la’ wax dhaya daayo curad ka damqada aan la arag, Caqoonyahan ugurmanaya aanay dhaayahagu  qabanin. waa tee  Hoyadaas ayaan daradu ku habsatay ? anigoon su’aalahan kusii dheeraan waxaan jeclaan lahaa inaan daaha idiinka rogo Hooyadu tay tahay Jawaabtu waa Dhulka hooyo amma Deegaanka SSC. 

 

Hadaba hordhaca Maqaalkan hadaan intaa kaga gudbo:-

Gedgadoonka nolosha iyo doonista aadana ee aan dhammaadka lahayn ayaa ah mid soo jireen ah kana soo askuntay qoyskii barakaysna ee xaawo iyo aadan (csw), kuwaasoo ay ka tarmeen dadyoowga cadceedii soo baxdaba la toosa ee ku dhaqan daafaha iyo dacalada dunida. Waxaana ka marag kacaya  xaaladaha ka jira deegaanka SSC  amma darawishland oo runtii ah deegaan taariikhda baal dahab ah kaga jira lahaana taariikhda ugu faca weyn ee soo mara Geyiga somaliyeed. Nasiib daro waxaad muuqata in waayadan dambe (Burburkii Dowladii Somaliyeed ka dib khaasatan qarnigan 21aad) ay hadheyeen taariikh ayan ab iyo issir toona ulahayn.

Qarnigan 21aad ayaan is idhi waa Zamaankii ayaan darada iyo qarnigii mugdiga ee soo mara dadka iyo deegaankaba, haddaba marka laga gudbo riyada beenta ah loona gudbo xaqaa’iqa ka jira geyiga darawiisheed waxaa la odhan karaa waxaa sabab u ah bahweynta SSC oo leh Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Wax-garad, Dhalinyaro, Culamaa’udiin, iyo Odeyaal dhaqameedyo idilkoodba kasoo bixi waayay kaalintii kaga aadanayd bulshada iyo masuuliyada ka saaran  deegaanka. Akhriste, Iyadoo ay jiraan cudurro badan  haddana Cudurka ugu weyn ee laga xusi karo waa ‘kala qaybsanaan’ baaxadeeda leh oo kukala dhex jira guud ahaan qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay sidi looga bixi lahaana ay tahay mas’uuliya qof kasta saaran..

Akhristayaasha Maqaalkan, intaanan ku dheeraan dhalliilaha jira waxaan jeclaan lahaa inaan xuso oo aanan baal marin inta wanaagsan ee danaysa deegaanka islamarkaana jecel inay is beddel ka sameeyaan mashaakilka ka jira, laakiin mar kasta waxaa badan dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ay wadaan inta xun (qalbiga iyo maskaxduba daxalaystay)  ee u adeegaya cadowgood iyo nacabka walaalahooda (SSC)  [“Ra’yiga iyo wax qabad wanaagsan ee aan muuqan waxaa ka awood badan Ra’yiga iyo falka xun ee muuqanaya”]. Haddaba waxaa isweydiin ubahaan laba arrimood:-

1-     koox yar  amma hal shaqsi isbeddel ma samayn karaa ?

2-     goortee buu isbeddel imaan karaa ?

Dabcan su’aasha 1aad jawaabateeda ma adka  waxaase muhiim ah inaan isla garano goorta  isbeddel imaan karo. Runtii koox yar oo midaysan amma aan idhaahde Shaqsi isbeddel waa samayn karaa laakiin isbeddelka ma aha wax iska yimaada waxay ubaahan tahay in helo Maskax furan, Xeelad, Falsafad iyo cudud midaysan oo diyaarna u ah inay abuurto isbeddel ka dhaca deegaanka iyo duruufihiisa cakiran ee Qaan-gaadhka ah [“Nothing Great will be Achieved with out Great person, and the person is always great if he determine to be so”] dhibkaana ilama ah in laga baxayo inta laga helayo dad wadniyiin ah, damqanaya oo in uun haba yaraate leh karti shaqaysa, damiir iyo dareen wacan, Runtii shaqsi kastana ilaahay karti waa u siiyay hadduu diyaar u yahay inuu ka shaqeeysiiyo, Qoraa weyn oo aanan magaciisa xasuusnayn ayaa qoray xigmad runtii aad isoo jiidtay cinwaankiisuna ahaa “It is Up to You” “aday ku jirtaa”  wuxuu yidhi:-

One song can spark a moment

One tree can start forest

One word can frame the goal

One flower can wake the green

One smile begins  friendship

One hand  lift a soul

One star can guide ship at see

One vote can change a nation

One sun beam lights a room

One voice can make a wisdom

One heart can know what is true

One life can make the difference

But it is all up to you.

  Akhristayaal taas hadaan intaa ku dhaafo, maanta oo (1) Deegaanka lagu yahay Duullaan, islamarkaana qayb aysan gacantaba inoogu jirin haday saas kusii socotana waxaa laga yaaba inay is beddesho khariidada (MAP)-ka Puntland Gaar ahaana SSC, (2) Heerka dhaqaale ee deegaankana aad u hooseeyo (3) Xarumo caafimaad oo tayo lehna aysan meesha kaba jirin (4) Dhanka wax-barashadana aan wax badan laga qaban (5) Guud ahaan gobolka ay ka jiraan duruufo adag oo dhan kastaba leh. waxaad moodaa amma  waxay ila tahay inaynaan kuba baraarugsanayn baahida loo qabo Isku Duubnida (Midnimo) [“gacmo wada jir bay wax ku qaban karaan”] iyadoo aysan jirin maalin looga baahi badan yahay maalinka maanta ah inaan ka baxno riyada beenta ah, meelna iska dhigno wixii mugdiyaal ee inagu kala gadaaman. Waxaa lagama maarmaan ah in laga gudbo af-ka-hadalka balse lagu daro ficil dhaba si loosoo cesho karaamadii iyo ixtiraamkii ay lahayd Hooyo, Hooyo SSC islamarkaana ay ula jaan qaado kuwa faceeda ah ee deriska la ah, deegaankeenu waa dambeeya, Muddo yarna dibu-dhaca waa jiri doona laakiin ma aha inaan hagaasnimada aan kusii negaadno, waa inaynu fadhiga ka kacno guntigana adkaysana si aan horey ugu socono. Xoriyada, bilicda (shacniga), karaamada iyo hurumarka deegaankeena hooyyaa inoo ah sharaf iyo guul [“He Who Wished to Secure the good of the others. Has already Secured His Own”] Confucius.

Seben tegay mid weli soo socda iyo saaka waxa jooga
Saddexdaa  wakhti  baa xaal  adduun  lagu  sifeeyaaye
Soo  noqod   ma   jiro  shalay  wixii  saadufoo   tegaye
Waxa   saa   dambeetiyo  berrina   waa   su'aal  maqane
Waxay  talada  kuu  suuban  tahay subaxaad joogtaaye.

(Abwaanka tixdan tirshay ma hayo magaciisa haddaan xusi lahaa)

Akhrisataha qiimaha leh, muddo hadda laga joogo bilo waxaan booqday Qolalka PALTALK-ga xilli aan ku jiray fasax 3 bilood ah, oo aan is idhi bal dhaga-dhage waxa ka socda qolalka Somalida khaasatan kuwa daraawiishta (SSC). Runtii waxaa iigula yaab badnaa:- waxaan kula kulmay Rag iyo Dumar badan oo aftahamo  ah,  Aqoon fiicana leh, Waayo aragnimo udheertay deegaankana xogogaal u ah Sool, Sanaag iyo Cayn-na udhashay. Nasiib daro aqoontoodii iyo waaya aragnimadii ay lahaayeen waxay ku baxshaan Dood aan wax micno ah ku fadhin iyo muran, mararka qaarna aanba ka wiswiso hadlada dhagahayga kuusoo dhacaya iyo af-lagaadada. Waxaan dareemay kala qaybsanaanta iyo uqdada ku kala dhex jirta akhyaartaas iskugu jirta aqoonyahamo iyo waayeel waayo arag ah [“Geela Baarqabkiisu durduriyay aarankiisa maxaad u malayn”?]. Yaase ugar-naqaya (Sool Sanaag iyo Cayn) iyo (Curadada ay dhaleen) ? halkeese loogu gar-naqi doona ? wa su’aal taagan ……. Si kastaba ha ahaatee [“Caano qubtay haraadigooda laga qabtaa”] waxay haatan haystaan fursado qaaliya oo ay wax ku taran karaan deegaanadooda islamarkaana ugu faa’deeyaan aqoonta iyo khibradahooda  xilligan aad loogu baahan yahay.

  Ugu dambayn  anigoo soo koobaya waxaan qaybaha kala duwan ee bulshada usoo jeedin lahaa arrimaha hoos ku xusan:-

1- Isimada, Garaadada, salaadiinta, ugaasyada iyo Cuqaasha SSC

            Madax meel ka sarraysa oo la salaaxo majirto, waxaan ka codsan lahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan Khilaafaadka iyo isku dhacyada soo noqnoqonaya  ee ka dhex aloosan dadka wada dhashay ee ehelka  ah, si aysan cadowga uga faa’idaysan galdalooldada jira. Sidoo kale waxaan soo jeedin lahaa inay sameeyaan abaabul shir qaran iyagoo kaashanaya qurba joogta si loo abuuro midnimo rasmi ah taasoo aasaas u ah Difaaca iyo horumarinta geyiga.

2- Masuuliyiinta Gobolka

            Waxaan odhan lahaa, waa inay ogaadaan inaan loo igman inay kuraasta diiriyaan, balse loo doortay inay bulshada iyo deegankaba u adeegaan iyo inay muujiyaan isbeddel wax ku ool ah iyo inay la yimaadaan barnaamij wanaagsan oo wax lagaga qaban karo dhibaatooyinka dhaqaale, caafimaad, iyo horumarineed ee ka jira deegaan iyo ammaan darida. Runtii masuuliyadan ma aha mid sahlan wax kaqabashada mashaakilka jirana  ma ah arrin fududa waxayse ubaahan tahay tadxiyayn (Sacrifices) (waqti iyo maskax loo huro), middaasna waxaa looga fadhiya shakhsi kasta oo ku ab tirsada deegaanad SSC iyo inta ku shaqaynaysa magaca ummada.

3- Aqoonyahamiinta dalka jooga iyo kuwa Qurbaha ku dhaqan

              Waxaan filaya inay xogogaal u yihiin heerka wax-barasho iyo aqooneed ee uu marayo deegaanka iyo baahida loo qabo cilmiga iyo waaya aragnimadooda. Waxaana waajib ku ah inay aqoontooda iyo maskaxdoodaba u hurtaan walaalahood, si ay u helaan aqoon iyo xirfad ay ku maareeyaan noloshooda islamarkaana uga baxaan jahliga iyo derbi jiifka. Ugu yaraan xilliyada lagu kiro Fasaxyada xagaaga (Summer Vacations).

4- Maal Qabeenada iyo Ganacsatada

            Waxaan usoo jeedin lahaa marka uhoraysa Deegaanka waa inuu kala qiima badnaado hantida ay haysataan sababtoo ah hanti waana la helaa waana la waayi kara. Marka labaad si loo gaadho wax uun horumar ah waa inay maal gashi ku sameyaan deegaanka qaybihiisa kala duwan ee aasaasiga u ah nololsha dadka iyo duunyadaba iyo bilicda deegaanka. Ogowna in hantida aad galiso goboladaada aadan marnaba ku qasaarayn.

5- Dhalinyarada

            Maadama aad tihiin tiirarka ugu muhiimsan ee halbeegga u ah qiimaynta bulshada, waxaan ku darsan lahaa inay markasta ku fekeraan mustaqbalkooda, kuna xisaabtamaan waxa wanaagsan ee ay qaban karaan, inay ka faa’idaystaan fursada qaaliga ee ay haystaan, xilna iska saaraan xoriyadda dalka iyo dadkaba islamarkana ay adkeeyaan midnimada iyo isku duubnida, waxa ugu waynee ay ka baqaana waa inuu ahaado “Cabsida amma Baqdinta”.

Maqaalkan waxaan kusoo khatimaya gabaygii caanka ahaa ee BOOCAME II lana baxay Beerka ka Ogaada. Waxaan ka cudurdaaranaya wixii khaladaad ee ku jira maqaalkan madaama aan ku qoray degdeg. Inta aan maqaal kale ku kulmi doono waxaan idinku dhaafaya gabayga “Beerka ka Ogaad”.

 

F.G. maqaalkan waxaan ugu tala galay inaan bulshada deegaanka kudhaqan iyo kuwa dibadaba ku baraarujiyo sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatooyinka ka jira iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa ummada ku dhaqan geyiga ee u baahan wax qabad, midnimo iyo horumar.  Wixii feker amma aragti ah waxaad igusoo hagaajin kartaan:-

 

Feysal Rashiid CumarEng. Nayruus

E-mailka:- nayrus2001@hotmail.com

Waaka Gabaygii Beerka ka Ogaada

Gabay waa markuu beegan yahay baahi aragtiise
Ana waxaan bal dhowraba xaluu uu burqaday laase
Bayaankiisa aan diro tolkay waa burji u yaale

Bancadiyo waxaan la hadlayaa Boocame iyo Hawde
Buuhoodle weyniyo Shaxdii baaqu haw tago'e
Baynaha Taleex iyo Nugaal buunka haw tumo'e
Ha baraarugeen dhowr gu' waa balacsanaayeene

Boga iyo salaan baan wadnaha baal ka soo jaraye
Boogaadintiina qalbigu ii balbalayaaye
Anigoo barqiyadaydu tahay baadilka iyo laabta

Biyo dhaca warkayga runtoo beenta ka ilaashay
Nin badheedhay hadalkiisu waa baylka ka cadeeye
Ana waa midaan badhax lahayn kaan idiin bulaye
Toban xaajo aan soo bandhigay beerka ka ogaada

Boqor iyo Garaad iyo Suldaan amase Beeldaaje
Biladii Abwaanada lahaa baalka laga taagay
Iyo shiikh burdaha noo akhriya bariyo yaasiinka
Iyo buuni iyo caalim kaan baabna celinaynin

Iyo borofosoorkii yaqaan sayninska iyo buuga
Iyo Ciidamada Baydan iyo bayladhku hor joogo
Iyo nimankan baadiye digee ba'iyada ilaasha

Alleylahe sidaad u badan tihiin waan idiin bogaye
Hayeeshee ninkii boqol halaad buurka ku ekeeyey
Ee boodhcad lagu qoojiyo baarqabna u saaray

Inkastuu bidhaan quruxsanay badanku laacaayo
Badho lagama waayiyo abeer beeshay naasaha'e
Idinka rag wada bool la' iyo buufiyaa jira'e
Burge iyo nin liitaana waa baqal shisheeyaade
Inay qaar balaysani jiraan beerka ka ogaada

Niman baan sidii baydho geel baadi ku ogaaye
Oo aan bidhiidh iyo lahayn balaqso mooyaane
Waa niman sidii baaniyaal beeso uun rabo'e
Waa niman berbera looga lulay balag ay eedayne

Baahi mahaysiyo aduun badan la'aantiiye
Baraarka iyo wankooda ku filan badhida waaweyne
Iyagaaba loo baratamaa biica xoolaha'e
Afkuun baa balaadhiyo hunguri booc madoobaha'e

Cashaba waa siday ugu baxdaa biidhi qaataha'e
Tobankii bariis doon hadaan bayda lagu haynin
Boodada horay aadayaan Boorame iyo Shiikhe
Inay talada buuq galinayaan beerka ka ogaada

Hadii wiil yaroo beyni baxay buus la odhan waayo
Buntukha iyo rasaasta markuu boobe la ordaayo
Inta badan waxuu bi'inayaad baga tidhaahdaane
Hadba yuu halyey biriim ah iyo baashihii diline

Nin haduu baxsado qaar kaluu baab u furayaaye
Baqdin iyo xishood bay mid uun baran lahaayeene
Labada haday baal maraan waa "Ba" iyo hooge!
Badhka geeya oo dila xaqaa lagu badbaadaaye
Inaan kaasi baradeena gubin beerka ka ogaada

Dhaqankeena waa waxa badalay buuri iyo qaade
Waa belo hareeraha ka timid oo busaarad ah'e
Waa waxa barbaartii Isaaq baytimaal dhigaye
Idinkuna sidii baaloleey haw bislaanina'e
Bakhti iyo nijaasbaa nin cuna loo baxshaa magace
Balwadii xun waa laga tagaa beerka ka ogaada

Inta aan Riyaale oo bakhtiyey biil udaba joogo
Ama aan bidhaan durugsan iyo bari jaleecayno
Ama aan Bulaale iyo Wardheer Bookh isku eryayno
Bunka hoose lama eegin iyo bahal galeenkiiye
Bacawga iyo qaniinkaa guryaha buuxa Caliyow'e
Baranbarada iyo jiirku waa ina baraysteene
Booraan dawaco joogto iyo buulalaa jiro'e
Sidii bololka loo goyn lahaa beerka ka ogaada

Nin kaleba bariidiyo salaan ha igu baashiro'e
Bulsho iyo wanaag Habar-jeclaan biidna ka aqoone
Waa niman bukaan socod ah oo boogi damaqdaaye
Waa niman dagaal wuu baxaaye booran waligoode
Waa niman adaan bayr lahayn beylahdaa jecele
Waa niman ninkii booqasho ah beer u yurura'e

Burco iyo ilaa Caynbaa belo idiin taale
Oo baadidoonka iyo socdaal lagu bireeyaaye
In kastay bilaahida maraan waa bar kuma taale
Inaan nabadu been ku aslaxayn beerka ka ogaada

Nimankaa wadada boodhka weyn baadhasho u jooga
Baabuurta noo raran intay fadhato boobayso
Ee ay hablaha baariga ah Ba'ay ka yeedhayso
Ee koodu Beyriyo ilaa Badhan ka gooshaayo
Inaan taasu waa baadil ee burino weeyaane
Sidii aan u baabi'in lahayn beerka ka ogaada


Daaroodka kala baahay waa nin iyo booskiise
Nin waliba badhkuu joogo waa biixi kugu taale
Ogaadeenba waa buur dugsiya oo buruud culuse
Biyihii Absame weeye iyo baho Daraawiishe
Inkastay abaalkeen ba'sheen ha ugu baanina'e
Birta cadowga wow siman tihiin beesha reer Dalale
Inaad beel walaalo tihiin
beerka ka ogaada

Soomaali idinka u badha oon barbar ahayne
Idinkaa biriijkii wadnaha ee bariga yaale
Bidixda iyo midigtiinu waa labada baaloode
Bogcadiina idinka oo fadhiya oo basar u jooga
Baaq baaqa sheekada hadii loo balamo dowlad
Nina yuu balaynkiisa odhan boowe igu raace
Inaad kiina boolaysataan beerka ka ogaada

Boholyowga qaran baa indhuhu ila basaaseene
Jeeraan buluuglay arkoo biligle guudkeena
Aan baarlamaan iyo rayiis bower leh u doorto
Oo aan dalkeenii burburay binada aan aaso
Bini aadamkii naga tagee baaska nagu dhaafay
Bulxankeena jeer ay maqlaan bigilka yeedhaaya
Wax kaloo la buun buuniyaa ima bogsiiyaane
In bishaaro loo helo midaa beerka ka ogaada

Afartaa bariisada cirkoo bururo loo hooray
Dhul baliidhay baad iyo xaydh beelo nabadeed
Baardheere iyo Jawharoo wabigu buux dhaafay
Sidoodii butaacada miyaa baxarka lay mooday
Budhlayda intaan waranlihii baqo taraarsiiyey
Oo baydal dheerow sengaha beydadka u giijay
Barbariiqo boodiyo kadliyo badhi kac mow diiday
Barqaduu asqoobaa ninkii ila baqoolaaye

Ninkii Budulka soo raacayoow waan iskaa bariye
Hadii ay Baraar iyo rag kale bixiso ii keento
Isagoo Biciid ah iyo anigoo bogaya liishaanka
Barta shiishka bowdada lafuhu waa baduugaha'e
Bundhigiisa ruuxii lahoow baaji waa talo'e

Wabillaahi Towfiiq


Eng. Feysal Nayruus
nayrus2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD