SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo

28 Jun. 2005

  • Dagaallo ciidammada cadowga Itoobiya  lagu jabiyay.

  • Xildhibaan Itoobiyaan ah oo dil ka badbaaday.

  •  Ku dhawaaqidii natiijada doorashadii 15kii May oo dib loo dhigi doono.

  •  Ciidammadii Itoobiya oo ka guuray magaalada Buuhoodle.

  •  Shirkii Oday dhaqameedyada ree Ogadenya iyo dowlada Itoobiya.

  •  

  • Barnaamijkii Ra,yiga dhagaystaha.

====================== 

11/6/05 Caado, oo ka tirsan gobolka Doollo, dagaal ka dhacay ayaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 2 kalana lagaga dhaawacay.

 Saax-galgalo, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, dagaal ka dhacay11/6/05 ayaa ciidanka cadowga itoobiya lagaga dilay 4 askari, halka dhaawucuna gaadhay 4 kale.

19/6/05  meel u dhow magaalada Shilaabo ayaa lagu gubay hal baabuur oo Uural ah. Inkastoo aysan weli nasoo gaadhin faahfaahinta khasaarahaasi inta uu la egyahay.

Dagaal ka dhacay 21/6/05 meesha lagu magacaabo Caac-dheer, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, ayaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 21 askari, tiro kalana lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale nolol lagu qabtay, oo hadda gacanta ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku jira hal askari oo seddex alifle ah. Waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya dagaalkaas lagaga furtay 10 qori.

24/6/05 dagaal adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Dhagax-yarey, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsan, ayaa ciidammada gumaysiga Itoobiya  loogu
gaystay khasaare aad u ballaadhan. Waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya dagaalkaas lagaga dilay 42 askari, halka sidoo kale lagaga dhaawacay askar badan oon tiradeeda dhabta ah la haynin. 

Dhinaca kale labadii bilood ee u denbeeysay wuxuu gumaysiga Itoobiya cunaqabatayn adag ku hayay deegaanka Garbo, halkaasoo laga xayiray gaadiidkii imanayay oo dhan.
Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay magaalada Maleyko labo toddobaad ka hor ku dheceen labo baabuur oo raashiin waday, waxayna la wareegeen raashiinkii ay labadaas baabuur wadeen oo loo qaybiyay ciidammada gumaysiga ee deegaankaas ka hawlgala.

Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale xabisga u taxaabeen dad rayad ah, waxaana ka mid ah dadkaas:
1- Faarax Cigalle Sh Siyaad.
2- Saxardiid Muxumed Cabdi.
3- Qalinle Maxamed Yuusuf.
4- Iyo Saleeye Abuulle, oo sagaashan jir ah. 

Xildhibaan Itoobiyaan ah oo dil ka badbaaday. 

Xildhibaan Saciid Maxamed, oo ka tirsan xisbiga CUD oo mucaarad ku ah EPRDF ayaa 20-kii bisha June ka badbaaday dil ay soo agaasimeen sarakiil ka socda nabadsugida Itoobiya. Isku dayga dilka xildhibaankani wuxuu ka dhacay magaalada Dese oo 400 km dhanka waqooyi ka xigta Addis Ababa. 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ka dib markuu xildhibaanku ka badbaday dilkaas, ay sarakiisha nabadsugida Itoobiya billabeen inay xidhxidhaan dad shacab ah oo tageersanaa xisbiga xildhibaankaasi ka tirsanaa ee CUD.  

Dadkaasi waxay haatan ku xidhan yihiin xero la yidhaahdo Denkoro Chaka. Waxaa dadkaasi lala xidhay arday iyaguna ka soo horjeeda EPRDF oo laga soo xidhay degmada Kembolcha oo u dhow magaalada Dese. 

 Ku dhawaaqidii natiijada doorashadii 15kii May oo dib loo dhigi doono. 

Xukuumadda Itoobiya ayaa laga yaabaa inay dib u sii dhigto ku dhawaaqista natiijada doorasho ku-sheegtii laga hirgeliyay Itoobiya 15-kii May, iyadoo waliba dib u-dhigistii hore ay ka dhaceen kacdoon ay dadwaynuhu sameeyeen. 

Xafiiska doorashooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay in baadhistii lagu hayay cabashooyinkii musuqmuaasuqa ku saabsanaa aan wali la dhammaynin, sidaas darteed laga yaabo in natiijadu ay dib uga dhacdo xilligii la sugayay. 

Natiijada doorasho ku-sheegtu waxay markii hore ahayd in lagu dhawaaqo 8dii Juun, hase yeeshee xukuumadda ayaa dib u dhigtay, taasoo keentay in dadwaynihii uu gadood sameeyo, hase yeeshee  ciidammada ammaanka ayaa laayay dadkii bannaabaxayay, waxayna dileen inta la ogyahay 36 qof. Waxaa kaloo la sheegay in ciidammada gaarka ah ee Agzee ay si qarsoodi ah u dileen in ka badan 50 qof. 

Dhinaca kale xafiiska doorashooyinka ee xukuumadda Zenawi ayaa sheegay in isbhaysiga EPRDF uu ilaa iyo hadda gacanta sare leeyahay, uuna haysto 303 kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka oo dhan 547. Xisbiyada yaryar ee taageera EPRDF ayaa iyaguna haysta 20 kursi. 

Xisbiga mucaaradka ugu wayn ee CUD ayaa isaguna haystaa 123 kursi. Halka xisbiga UEDF oo isaguna mucaarad ah uu haysta 56 kursi. Xisbiyo yaryar oo kale oo xukuumadda Zenawi mucaarad ku ah ayaa iyaguna isku helay 16 kursi. 

Ciidammadii Itoobiya oo ka guuray magaalada Buuhoodle. 

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa daba-yaaqadii toddobaadkii hore ka guuray magaalada Buuhoodle oo ay muddo dheer fadhiyeen. Dadka deggan magaalada Buuhoodle ayaa sheegay inay arkayeen kolonyo ciidammada Itoobiya ah oo ka sii baxaya magaalada. 

Lama garanayo meesha ay ciidammadani u guureen, laakiin waxay u bexeen dhinaca koonfureed ee magaalada Buuhoodle. 

Ciidammada Itoobiya ayaa si kediso ah uga baxay magaalada Buuhoodle, iyagoon guuritaankooda la socodsiinin malleeshiyaadka dhinaca ammaanka qaabilsan ee ka jiray magaalada, kuwaasoo wada-shaqayn la lahaa ciidammada Itoobiya. 

Guuristan kediska ah ayaa lagu macnayn karaa oo kaliya iyadoo xukuumadda Itoobiya ay ku jirto marxalad qallafsan, oo dhibaatooyinka gudeheeda ah ee doorashooyinka la xidhiidha iyo dagaalka ay kula jiraan jabhadaha xornimada u dagaallmayaa.  

Ciidammada xoreynta Ogaadeenya waxay ciidammada naf-la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya dhawrkii bilood ee ugu denbeeyay ka dileen in ka badan boqollaal askari, waxayna hadda ciidamada gumaysigu billaabeen inay isku uruursadaan meelo gaar ah oo ka soo duulaan. 

Dhinaca kale wargaysyo Soomaaliya ka soo baxay ayaa qoray in degmada Caabudwaaq ee dalka Soomaaliya uu kulan qarsoodi ahi ku dhexmaray Jenaraal Lama Gutama oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya, kaasoo ay la socdaan saraakiil sare oo Itoobiyaan ah, iyo maamulka iyo saraakiisha degmada Cabudwaaq.  

Kulankani wuxuu daba socdaa kulano ay horay u yeesheen labada dhinac oo ku saabsanaa sidii ay saraakiisha sirdoonka ee Itoobiya ula socon lahaayeen xaaladda degmada Caabudwaaq iyo degmooyinka kale ee gobolka Galguduud. 

Jenaraalkan iyo wafdigiisa ayaa horay u soo maray  degmooyin soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Ceel-Barde, Xuddur iyo Feerfeer. Waxaa sidoo kale la filayaa inay socod ku tagaan degmoyinka Gaalkacyo, Gal-dogob iyo Garowe. 

 Radio Xoriyo

28Jun. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos akhri

 MAQAALADA KALE KA AKHRI HALKAN... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD