SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO

Ganacsatada Boosaaso oo Shaqa Joojin Ku Dhaqaaqay

Suuqa oo xiran

Gaari gacan ley wax ay qaadan aysan jirin

June 28, 2005: Ganacsiga Magaalada Boosaaso ayaa maanta ahaa mid ay Albaabaha u laabanyihiin kadib markii ay Shaqo joojin Sameeyeen Ganacsatada. Shaqo joojintaa ayaa ka dambaysay Kadib markii Canshuur loo yaqaan Faa,idatul Faa,iido ama Canshuurta Dadban lagu soo rogay Ganacsatada Dukaamadooda ama Albaab kasta oo Furan. Canshuurta ayaa ah tan ugu badan lacag gaaraysa 100,000 ilaa 800,000 Shilin Soomaali Bishii kasta.


Ganacsiga xiran

Albabada xiran

 Ganacsatada ayaa markii lagu dhawaaqay Canshuurtaa hore u xiray Ganacsiga Dukaamadooda iyadoo ay samaysay Nolosha Dad aad u fara badan oo ku xiran kuwaas oo kala ah Xamaaliga, Maqaayadaha, Dulaalayda iyo Tagaasida.

Ganacsiga ka socda Magaalada Boosaaso ayaa ah mid ay Ganacsatadu ka raadiyaan Faa,iido aad u yar kadib markii ay Canshuurta lagaga qaado Dekada iyo Dowladaha Hoose ay aad u bateen sida uu ii sheegay Nin kamida Ganacsatada. Mar aan wax ka waydiiyay Xoghayaha Rugta Ganacsiga ayaa ii sheegay in arintaan aan lagala tashan Wasaarada iyo Rugta Ganacsiga aysana ka war Qabin oo ay ka war heleen Canshuurta la,isku haysto. Xubno ka mida ayaa ii sheegay in ay wadayaan Shaqo joojinta hadii aan laga Dayn Canshuurta maalin walba lagu kordhinaayo.Ganacsiga furan ayaa ahaa maanta Ganacsiga loo yaqaan Waratada oo ayaguna ii sheegay in ay alaabta kasoo Qaataan Baqaarada Waawayn.

Suuqa Waratada Bosaaso

c/fatax jaamac | SomaliTalk.com | somalitalkpl@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2005

Bosaso: 800 Guri ayaa Ku Gubtey Dab Qabsaday Xaafada Buulo Eelay
iyo Magaalada Gaalkacyo oo lagu soo rogay Bandow, waxaana Galkacyo lagu diley Nabadoon Siciid Cumar Tinle, iyo warar kale oo googoos
akhri halkan.. Jun 26

Gen: Cade Muuse oo Diiday in ay Saxaafadu Warkiisa Baahiso
»Bosaso - MDGPL: xirta waxa Qalab war lagu duubayo..
»14 Xubnood oo ak Socda DFKMG oo booqday Kismaayo..
»Warbixin: Shaqo Joojintii Ganacsada Boosaaso...
»Brussels: Shirkii golaha wasiirada ACP oo soo gabagaboobey
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 23

350 Qof oo Indhaha Loogu Fiiqay Kismaayo
Howshaas indha fiiqida oo si guul ah loo soo gabagabeeyey waxaa ka qayb qaatay 2 dhakhtar iyo afar kalkaaliye oo kayimid Kenya,  Guji.. Jun 25

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD