SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Dawladda Minnesota oo qarka u saaran in la xiro
  • Baarlamaan kala qaybsan iyo dawlad la xiro Soomaaliya kuma koobna.
  • Iska jir Masawir qaadooyinka (Cameras) laga qotomiyey wadooyinka Minneapolis.   

Baarlamaan kala qaybsan iyo dawlad la xiro Soomaaliya kuma koobna. 


Khaaridada Gobolak Minnesota oo la qafiley |
Isha Sawirka: KSTP TV

Maanta oo ah bisha June 30 keeda aqalka baarlamaanka Minnesota waxaa ka socda xusul duub iyo heshiisyo hoose si loo badbaadiyo xiritaanka dawladda Minnesota qayb ka mid ah.  Haddii caawa habeen kala bar lagu guulaysan waayo waxaa ay reer Minnesota birimo luulyo ku ciidi doonaan dawlad qayna shaqaynayso qaybna xiran tahay.  Dagaalkan waxaa uu ku qotomaa khilaaf xagga sharci dejinta oo la xiriira miisaaniyadda gobolka iyo siyaasadaha iska soo horjeedoa 

Gudoomiye maxkameed oo maanta qoraal soo saaray ayaa ku baaqay in hadii wax kasta la xiro aan la taaban adeegga dhinaca caafimaadka.   

Meelaha uu saamayn ku yeelan doono waxaa ka mid ah: 

Meelaha laga goosto shatiga baabuur wadida

Adeegga wadooyinka iyo meelaha musaafuriinta ku nastaan ee wadada dhexdeeda

Daryeelka caafimaadka 

Waxaa aad looga shaqaynayaa in xiritaanka dawladda gobolka aanay saamayn ku yeelanin gaadiidka dadweynaha, nabadgelyada, iyo dhamaan adeega muhiimka ah. 

Baarlamaanka maraykanka gaar ahaan Minnesota ayaa iscanaadkiisa uu la mid yahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya weliba uga sii dheereeya kala qaybsanaanta iyo xarig jiidka aan dhamaanayn  iyo kala qaybsanaanta.  Gobolada maraykanka kii ugu danbeeyey oo dawladdiisa la xiro waxaa uu ahaa gobolka Tennessee 2001. 

Iska jir Masawir qaadooyinka (Cameras) laga qotomiyey wadooyinka Minneapolis.    

Bisha June 7 deeda ayaa si rasmi ah looga qotomiyey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Minneapolis camerooyin loogu talo galay inay sawiraan ama qabtaan dadka aan raacin calaamadaha nalalka gaadiidka kala haga waa samaafrayaasha eh.  Sharcigan oo dhaqan geli doona Bisha July 7deeda 2005 waxaan dadweynaha Soomaaliyeed uga digaynaa inaany ku sirmin.  Sharcigii iyo nidaamkii wadooyinka ee magaalada oo dhan is isbedelay.  Ganaaxa halkii mar oo uu qof qalad galo waa $130.    

Habka ay u shaqeeyaan waa: 

Markii uu qofka soo galo wadada oo uu nalka gaduudan daaran yahay ayey sawir ka qaadaysaa taargada baabuurka ama astaanta baabuurka (Plate number)  ka dib qofka ganaaxa waxaa loogu soo dirayaa boostada gurigiisa. 

Marlabaad dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga codsnayaa inay ka foojignaadaan warkanna isgaarsiiyaan waayo waxaa dhici karta in dadka qaar aanay ogayn ilaa dhowr ganaax ay helaan.  Camerooyinka laga qotomiyo wadooyinka magaalooyin badan ayaa dunida ka jira laakiin Minneapolis waa ku cusub tahay.  

Warar dheeraad ah oo ku saabsan camerooyinka  waxaad ka heli kartaa websute ka ah www.ci.minneapolis.mn.us/stoponred

Goobaha lagu rakibay Camerooyinka Minneapolis waa kuwan:

Camera Sites:::

  1.   35th Street East & 1st Avenue South
  2.   35th Street East & 2nd Avenue South
  3.   36th Street East & 1st Avenue South
  4.   East Hennepin Avenue & 10th Ave SE/Johnson Street NE
  5.   2nd Avenue North & 3rd Street North
  6.   Park Avenue & 28th Street East
  7.   Park Avenue & 9th Street South
  8.   8th Street S & 5th Avenue S
  9.   11th Street & Hennepin Avenue
  10.   West Broadway Avenue & Lyndale Avenue North
  11.   West Broadway Avenue & Washington Avenue North
  12.   Franklin Avenue West & Nicollet Avenue

Waxaa isku soo dubaridey

Maxamuud Nuur Wardheere

mnwardere@yahoo.com

Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 30, 32005


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD