-
Cali
Geddi oo ka dagay Jowhar maanta.
-
Dowlada FKMG ah oo yeelatay meel ay
ku gudbiso wararkeeda.
Warbixintii Canab Mumtaz
| SomaliTalk |
canabmumtaz@yahoo.com
June
7, 2005
Cali
Geddi oo ka dagay Jowhar maanta.
Ra'iisulwasaaraha
dowlada FKMG ah iyo xubno uu hogaamiyo uuna
ka mid yahay Wasiirka beeraha ayaa
maanta ka dagay magaalada Jowhar,
safarkan oo ahaa mid baryahan la
saadaalinayay in uu ku tagi doono
magaalada jowhar ra'iisulwasaaraha.
Cali geddi
ayaa sida ay sheegayaan wararka ka soo
baxaya xafiiskiisa waxa uu ka
qaybgalayaa mashruuc biya xireen ah laga
samaynayo wabiga shabeelada dhexe kadib
markii ay daadad ku soo furmeen halkaas
mudo aan sidaas u sii fogayn.
Socdaalka
Ra'iisulwasaaraha kama marna dadaaalka
ay dowladiisu ugu jirto sidii ay
fariisin uga samaysan lahayd magaalada
jowar.
Wafdiga
Cali Gedi ayaa dib ugu soo laaban doona
Magaalada Nairobi isla maanta sida la
qorshaynayo.
Dowlada
FKMG ah oo yeelatay meel ay ku gudbiso
wararkeeda.
Wargays
cusub oo lagu magacaabo Dalka oo ay
leedahay dowlada FKMG ah codkeedana ku
hadlaya ayaa maanta markii ugu horeysay
laga soo saaray magaalada Nairobi ee
Xarunta KMG ah u ah dowladda.
Wasiirka
Warfaafinta Dowlada FKMG ah Maxamad Abdi
Xayir oo ka dambeeyay soo saarida
wargayskan ku hadlaya codka dowlada ayaa
sheegay in dowladdu aysan lahayn meel ay
ku gudbiso wararkeeda, warbaahinta ka
jirta gudaha iyo dibadana sida uu
hadalka u dhigay maahan ayuu yiri kuwa
ka tarjumaya xaqiiqda jirta ee mid walba
waxa uu dhigaa hadalka sida uu rabo taas
ayaana nagu kaliftay ayuu yiri inaan soo
saarno wargayskan oo ahaan doona
todobaadle.
Waxa uu
sheegay Wasiirka warfaafinta in meel
walba oo dalka ah la gayn doono
wargayskan si ay dadka Somaliyeed u
ogaadaan ayuu yiri wararka rasmiga ah ee
dowladda ay faafiso.
Dowlada
Somaliya waxa ay xarun gaar ah oo KMG ah
ahaan ah ku leedahay dalka kenya,waxana
la qorshaynayaa ina y dhawaan ka
guuraaan magaalada Nairobi,waxaana socda
qorshe ah in ay u guurayaan jowhar iyo
baydhabo.