MAXAMED MUKHTAR
MAXAMED”TAAREY”
Guddoomiyaha
KMG ah Ururka SAMO ahna
Xubin Guddiga
Xalinta Khilaafadka Shirkii
Dib-u-hishiisiinta
Soomaaliyeed (Mobile +254-721-944210 Nairobi)
WAR SAXAAFADEED
Taariikh: 07/06/05 | ARAGTI QOF GOOB JOOGE AH
MARXALADA SIYAASADDA SOMALIYEED IYO
XELADAHA SIYAASIINTA
Marnaba ma haboona in shacabka Soomaaliyeed ee
Dawladnimada u haraadsan in la niyad jibiyo,xagga
garsoorkuna kuma haboona in lagu degedego wax ka
sheegista Dawlad aan tagin Dalkeeda oo weli ka
howgalin.Haseyeshe, waajibka dadnimada waxuu inna
faraya in aan ka amusi karin hadba wixii inoogu
muuqan karo in u dhibaato keenayo.Haddaba, aniga oo
ka duulaya xikmadda ku dheehan, War Saxafadeedkan
oo aan ku caddeynayo war bixintan soo socoto.
Kadib markii ay badatay dhaliilo iyo dacaayad is-daba
joog ah oo aan loo Dulqaadan Karin oo si joogta ah u
Caaddeystay Mowliid Macaan Maxamud oo ah Wasiirka
Dhulka & Deegameynta ee Dawladda Fedarlka KMG
Soomaaliyeed in uu si toos ah aan lexleexad lahayn
uu ugu bareeray Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsan
labada Golle ee Dawladda fed.KMG oo sharaf iyo
karaamaba ku dhex leh Ummadda Soomaaliyeed oo kala
ah Guddoomiyaha Golaha Barlamanka Soomaaliyeed” Md.Shariif Xasan Sh.Aden iyo Wasiirka Amniga
Qaranka Md.Maxamed Qanyare Afrax,” oo
qaranka soomaaliyeed ku dhex leh misaan Siyaasadeed
oo aad u culus, asaga oo garan la masuuliyadda ay
xambaarsan tahay Xilka u ka haayo Dawladda uu
miisaankeedu yahay dib-u-hishiisiin. Kadib markii
aan si qoto dheer aan ugu kuurgalay,waxaa ii soo
baxday in Mowliid uusan xaq u lahayn in uu ku sii
fadhiyo kursiga siyaasadda beessha Jareerwyne,waayo
Maba matala Buslshada uu Magaceeda ku qaatay
kursiga,umana qalmo Hoggaan Bulshadeed,sifaha uu ku
sifoobay awgeed:-
-
1.
Asiga oo aan ahayn shaqsi akhlaaqdiisu wanaagsan
tahay
-
2.
Asiga oo aan lahayn garaad wax lagu Hoggaamiyo
-
3.
Asiga oo si joogta ah u caaddeystay ku takrifalid
awoodeed
Kadib markii ay ku caddaatay qab isla weyni-nimo ,
una dheer tahay caddaadis bulshada uu magaceeda
adeegsanayo oo habba yaraate uu wax taageero ah ku
dhex lahayn iyo Khayru mas’uulnimo iyo markii uu si
toos ah ugu fashilmay doorkii Hoggaaminta Bulshadda
Jareerweyne ka hor iyo kadib inta uu socday Shirkii
dib-u-hishiisiinta Ummadda Soomaaliyeed ee Kenya.
Intaa kadib,bulshada Jareerweynaha
Soomaaliyeed,waxey u howlgali doonta sida ugu
dagdagsiyaha badan in go’aan ka dhan ah
Mr.Mowliid,isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan
ay dib ugu soo ceshan doonto korsigeedii ee ugu
maqan meel cidla ah.Si loo soo celiyo sharafka iyo
doorkii siyaasadeed ee beesha jareerweyne; loona
dhiibo xilkaasi qof u qalma hoggaaminta bulshadaasi
oo gudan kara waajibaadka Qaranka.Soona noolayn kara
xiriirkii bulshada Jareerweyne ay la lahayd
soomaalida inteed kale.
Mudanahu waxaa la filayey in uu miisaankiisu uu
culus yahay,marka loo eego xilalkii kala duwanaa ee
u ka soo qabtay Dawladii hore ee
Somaliyeed.Haseyeshe aragtidaasi waxaa Wiiqay hab u
socodkiisa siyaasadeed iyo kala garasho la’aantiisa
doorkiisa midi midi ku taga ahaa uu ka dhex
ciyaarayey siyaasadda kooxaysiga ahayd ee burburkii
ka dib tilmaan u ahaa kubadda siyaasadda
Somaaliya.Waxaa naxdin leh in uu aad ugu mashquulay
wax lidi ku ah hadafkii Dawladda KMG oo ahayd
dib-u-hishiisiin,dib-u-hishiisinta sida uu ku nuux
nuuxsaday Prof.-ka Caanka ku ah amuuraha Nabadda ee
lagu Magacabo Prof. Johan Galtung -
dib-u-hishiisiinta waa sala’an oo kale talabaadda
ugu horeyso ka bilabaneyso shaqsiga in uu isla
hishiiyo kadibna
gurigiisa,eheladiisa,jufadiisa,qabiilkiisa iyo
Qaranka,qofka waa inuu garanayo hadba meesha koreyso
in ay ka qeymo badan tahay meesha
hoseyso,somalinimada ay ugu koreyso jufadna ugu
hoseyso,waxaa dhab ah jufo in aan aqoonsi lagu heli
Karin balse Soomaalinimada sida la ogyahay ay
suuragal tahay .
Labo aragti ayaa arrimaha Soomaaliya saldhig u ah;
mid waa tii burburka Aabaha u ahayd oo ka soo
bilaabaneysay Qarankii oo la burburiyey,markii ugu
dambeysayna waxaa taageero laga raadiyey Jufo dadka
inta badan waxey ag fadhiyaan jufada,rag ayaa ayaa
ka sii gudbay jufada oo meel cidla ah taagan.
Aragtiida labaad ee xalka u ah arimaha Soomaaliya
waa midda kor u socota ee ka bilaabaneysay Jufada
marka ugu dambeysana Qaranka ku dhamaneysay,taasi
dadka ehelka u ahi wuu yar yahay waayo waa
bartilmaadedka dhabta ah ee Somaaliyeed(Abwaankii
Soomaliyeed ee Caanka ahaa -Cabadullaahi
Macalim Dhodan ayaa ku yiri Gabigiisii la
oran jiray jilba riiqad (1973) oo uu ku tilmaamay
waxii hore Soomalida ku dahacay iyo waxa waqtigaa
joogay iyo waxa soo socda ayaa waxuu yiri :
-
“Ruqa Dabada laga fuushan yahay ruuxna kicin waaye
-
Hadaan kii ribada doonaya rixinka dhowreeynin
-
raqbo waa rageedii soo meesha kuma roona.”
Somalida inta aan baa biinay ayaan haddana ku sii
taagan nahay oo aan leenahay Somaaliya ha noolaato;
Astaamaha dhabta ah ee hoggaanka waa afar
1.Hoggaamiyaha waa in uu noqda mid Qadiyad u halgama
(Crusader) 2. Waa in uu si sharci ah dadka wakiil
ugu Noqdaa (agent) 3. Waa nin dadka uu wakiilka ka
yahay ka gadi karo,waxii dadaka uu kula hishiiyey
(salesmen) 4. Waa in dab damis noqdaa si daacad ahna
u damin karo wixii khilaaf ee soo baxa howlihii uu
bulshada Wakiilka ugu ahaa (firefighter). Siyaasad
xaafadeed dad ka guuri la isla markaana ka gudbi la
rabsho kuna guul dareystay in uu u gudbo siyaasad ma
noqon karaa Hoggaan dhab ah? Oday Mowliid waxaa
isaga darsamay uu kala fahmi waayey wasaradda uu
wakiilka ka yahay iyo tan warfaafiinta iyo xilka
afhayeenka dawladda kmg ah,shaqsiga noocaasi kale ah
Soomaaliya maka mid noqon karaa in uu wax ka
badbaadiyo Shaqaaqadan ay Somaaliya dhex
dabaalaneyso.
Ninka dhaho aniga oo innaga oran waayey waxuu la mid
yahay tixdii Abwaanka Soomaaliyeed oo ahayd:
-
“Sheekada nagaar baa ka weyn yaaq ma nuuxsade leh
-
wax la mid ah nirgaha dheyle biradooda.”
Dhibka na haysto waxaa weeye dadka noocasi oo aan
hadda sheegayey waxaa ka maqan aragti ama waa dad
garsho leh oo dan gaar ah difaacaya Somaliduna
Sugaanta waa ka hodan (Abwaanka la yiraahdo Maxamed
Xaashi Dhamac Gaariye Ayaa isaga oo la hadlayey
bulshada ku nool W/Galbeed mar uu jaha wareer
hareeyey ayaa waxuu uu yiri: “Nin dariiq
hariiqdaa garan karo dayode dhadarkii ku kacay
danab doc kasataba ha u tooso, nin dhagaha daboosho
indhaha duubtay maqal iyo ma dareemo muuqaal.” Dulucda warkeyga waxa weeye Idaacadahu waa in
loo isticmaala dib-u-hishiisiin raga Hoggaamiyaasah
ah aysan isku weerarin bulshadeena dhiibatad
hareereysay wax ayaga u dhaxeyna ayna la dhex galin.
Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan ka mid ahaa
Ergooyinkii Shirkii Nabadeynta Soomaalida ka soo
Qeyb qaadanayey mudadii labada sano ee u socday ilaa
hadda xil Dawladeed ama haayo sidaasina waan ku
faraxsanaha haddii ay Bulshada Soomaaliyeed u soo
celineyso Dawladnimadii,laakiin waxaa naxdin leh
haddii ay wax is-badal keeni weydo dawladda
Haddii aan Qibradii inta uu shirka socday dib ugu
noqdo kuna xero waxa hadda socda iyo wax imaan kara.
Kooxaha Somalida heshiis ma ahayn Dadka aan
heshiiska ahayn sida caadiga ah waxaa hishiisiin
kara cid hishiis ah.nasiib darro arrimahaynii waxaa
loo dhiibay Dalal aan heshiis ahayn oo lagu magacabi
jiray “IGAD Frontline States”,
dadaalka noocasi oo kale, waxuu dhaliey wax hadda
inna haysta,marka waxa ka sii xun taa Bulshaddii
Soomaaliyeed ee intaa inna sugeysay in aannu geyno
wax aan hishiis lagu ahayn oo tafa raaruq iyo
dhibaato hor leh sii dhaliya.
SOO JEEDIN
-
Waxaan soo u soo jeedinaya Hogganka dawladda KMG
ah in ay dib-u-hishiisiinta ay xoojiyaan,dadka
ka maqanna ay ku dadaalaan in ay afkaartooda
mideeyaan inta aan dib loogu noqon wadankeyna
hooyo, dadaalkooduna waa in uu saldhig u noqdaa,
daacadnimo iyo Allah ka Cabsi .
Mas’uuliyiinta Muqdisho howsha ka wada waa in ay
ka mira dhaliyaan dadaalka ay ka wadaan
caasimadda, waxaa indhaha ku haya oo daneynaya
Bulshada soomaaliyeed iyo tan caalamka. Haddii
ay daacad ka noqdaan kana miro dhaliyaan
howshaasi taariikhda ayaa sheegi doonta.
-
Bulsho weynta Soomaaliyeed,waxaannu u soo
jeedinayaa inaysan ehel u noqon kobcinta sun
Siyaasadeed..Wixii dhinaca wanaag iyo dib-u-hishiin
u socda ay gacan siiyaan,wixii lid ku ahna ay
gacmahooda ka laabtaan. Isla markana waxaan u
sheegaya Dhalinyarada Soomaaliyedna oo
magacayada kala duwan loo bixiyey in cidda uu
mastqbalkooda lumayo ay iyaga yihiin. Waa inay
ka waantooban una soo istaagaan muuhimada
waqtiga isla markaan daaba Qabtaan
mustaqbalkooda.Xuruyadii Soomaaliya (SYL) waxaa
Aabbo u ahaa Dhalinyarada,waa inay ku sifoobin
burburka Soomaaliyeed.Walaaliyaal Qabiil ma
nihin Qadiyadeyna aannu u halganno Qaymihii uu
qaranku lahaana aannu soo celino.
-
Beesha Caalamkuna waxaan u soo jeedinayaa inay
gacan ku siiyaan bulshada Somaaliyeed iyo inta
wanaagga dooneyso sidii loo sixi lahaa
Qaladaadka Shirkii ka dhacay Kenya oo culeys
saaray awood Qabsi,wiiqayna dib-u-hishiisiinta.Iyagoo
ku mahadsan dadaalkii dheeraa oo ay soo galeen,
ayaa ka codsaneynaa hal cod inay ku xoojiyaan
geedi socodka dib-u-hishiisnta Soomaaliyed.
WABILAAHI TOWFIIQ!
MAXAMED MUKHTAR
MAXAMED”TAAREY”
Guddoomiyaha
KMG ah Ururka SAMO ahna
Xubin Guddiga
Xalinta Khilaafadka Shirkii
Dib-u-hishiisiinta
Soomaaliyeed (Mobile +254-721-944210 Nairobi)
Qoraalkan waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
abdikarimhussein@hotmail.com