Qaab Nololeedka 
							Soomaalida 
							Rajada soo 
							nooleynta waddan Horumarsan
							
								
								Waxa jirta in 
								Ilaah inagu beeray qab iyo qumanaan aadane kasta 
								luqunta u suran. Waxa lagu kala geddisan yahay 
								waa keliya in dadka qaarkii ay qarsadaan isla 
								weynida iyo  naf jecleysiga , qaarkiina ay 
								xadidadaan xajmiga qabkaa , qaarkiina waxey ku 
								cabbiraaan waaqiciga nolosha , qaarna nasiib 
								darro qabkooda bey ka horeysiiyaan afcaashooda 
								oo asagaa hogaamiya.
								waxa ugu 
								wanaagsan in shakhsiga fekerkiisu mar walba ku 
								saleeyo wadciga nololeed ee lagu jiro iyo meesha 
								la joogo ee aaney sida uu nolosha isu arko 
								shakhsi ahaan u horseedin xiriirka uu la 
								leeyahay dunida inteeda kale . Qaab nololeedka 
								somalida waxyaabo badanoo lagu faano   iyo 
								waxyaabo caado jaahilnimo ah abuurtay labadaba 
								wey leedahay qaab nololeedkaa ayaa ah tan na 
								hogaamisa , saameyn weyna ku leh wadciga 
								siyaasadeed bahdalan ee lagu jiro. Haddaba waxaa 
								wanaagsan inaan tooj ifaya ku fiirino qaab 
								noloeedkeena iyo waxyaabaha  loo baahan yahay 
								inaan ka saxno.
 
							
								- Qabiil 
								iyo Qabyaalad:   In qabaail kala kala 
								gedisan somaliya leedahay waa xaqiiqo dabiici ah 
								. Baniaadanka  wuxuuu ka soo farcamay Abuuna 
								aadan iyo ay xaawa, ilaa iyo maalintii la 
								abuuray, aadanuhu wuu tarmayey, wuxuuna isku 
								baheystay waddan waddan ayadoo ay raaceen afka , 
								juqraafi ahaan iyo dhaqan, waddan walbaa wuxuu 
								haddana isu baheystay koox koox loo yaqaan 
								qabiil ka soo jeeda ku abtirsiga hal awoowe ama 
								heshiis taariikhi ah oo dhex maray kooxo is 
								baheystay. haddii bani aaan walbaa uu dib u 
								raaco asalkiisii hore oo si mucjisad ah awood u 
								yeesho inuu ilaa aakhirkii baaro wuxuu tegayaa 
								Abuuna aadam. Kan shiineeska , hindiga , 
								afrikanka ,carabka iyo yurub dhamaan wey wada 
								tagayaan faracaa abuuna aadam . Waa ictiqaad 
								mala awaal ah oo hadba sida la rabo laga dhigi 
								karo . Ummadaha reer galbeedka baa nolosha ku 
								soo koobay Nin iyo Familkii oo ah xaas iy caruur 
								oo xiriirka ay la leeyhiiin dadyowga kaloo dhan 
								waa uu xadidan yahay . Ku tiirsanaanta shakhsi 
								uu ku tiirsan yahay naftiisa baa waxey ku 
								dhalisay bulshadweynta reer galbeedka iney ku 
								dadaalaan sidii ay isku dabiri lahaayeen  . 
								Shakhsiga markuu subaxdii hurdada ka tooso , 
								aamin san yahay inaanu isku haleyn karin ina 
								adeer iyo qaraabo  midna , markaa uu soo saartaa  
								muufadiisa. Marka shakhsi kastoo somaliyeed uu 
								ku tiirsanaado ilaah iyo naftiisa , waxa 
								dhaceysa in ay yaraato baahida loo qabo qabiil 
								iyo qaraabo aan aheyn aqoonsi sida uu ilaah 
								quraankiisa kariimka ah ku sheegay.. 
 
- Shaxaad: 
								Ficilka shaxaad waa sunta marin 
								habaabisay dhallinyaro iyoodayaal badanoo somali 
								ah . waana midda nagu dhiiragelisay inaan noqono 
								mashaqeysteyaal. Marka shakhsiga og yahay inuu 
								ina adeerkii ka heli karo lacagta uu ku noolaan 
								lahaa todobaad asagoo keliya u sheekeynayaa , ma 
								ku fekerayo inuu dhididkii wax ku helo. Kan wax 
								bixinayana ma ka fekerayo sida uu ina adeerkii 
								dib u dhac ugu sameeyey . Waa mid aan lagu arag 
								waddan kale siiba kuwa horumaray.  (F.G : Wax 
								isa siismada waxey ka mid tahay caadooyinka 
								wanaagsan ee dadkeenu ku faanaan  laakiinse waxa 
								wanaagsan in ay noqoto mid natiijo fiican keenta 
								. Waxaa haddaba fiican in la fuliyo shaxaadka 
								haddii ay shuruudahan jiraan : 
-  a)  Ina 
								adeerka / Qaraabáda uu yahay qof aan awoodin 
								inuu soo saarto lacagta uu u baahan yahay . b)  
								MArka Inadeerka / Qaraabada uu yahay qof karti 
								badan oo shaqeysta laakiinse ay soo food saartay 
								xaalad adag kuna kaliftay inuu ina adeerkii u 
								soo shaxaad tago.  
 c) Marka Ina adeerka/ Qaraabada oo shaqeysta 
								laakiinse aan ku filneyn macaashaka uu helo.
 
- Siyaasad 
								: Somalidu waxaa lagu tiriyaa iney ka 
								mid yihiin dadyowga dunida ee aad u xiiseeya 
								siyaasada dabiici ahaan. Xirfad walboo uu ka soo 
								baxo , shakhsiga somaliga waa u caado joogto ah 
								ka hadalka iyo xiiseynta siyaasadda gudaha iyo 
								caalamkaba. Waxa dhacda in nin aan weligii wax 
								akhrin ee xamaasaha , haddana galabtii shanta 
								iyo barka raadidye yar garabka u saaran tahay oo 
								BBCda afsomaliga dhegeysanaya. caalamka intiisa 
								kale waxaa caado ah in shakhsi walba uu kala 
								socdo dhacdooyinkadunida warbaahinta maalin 
								walba laakiinse uu ku mashquulo hawlhihiisa 
								gaarka ah . Waxa keliya waqti dheer ku bixiya 
								siyaasaddda iyo falanqeynteeda waa  dadka u 
								dadka  u kuur gala siyaasadda ama hawshoodu 
								tahay waxyaabaha siyaasadda qusaya sida 
								Diblomaasiyiinta , Siyaasiyiinta , Suxufiyiinta 
								, Qoreyaasha IWM.        
Waxa nasiib darrose 
							ah in ayadoo aan si xoog leh ihtimaam u siino 
							siyaasadda  haddana  badankeenfahmin mecnaha Qaran , 
							hawlaha madaxweynaha iyo waajibaadkiisa, xoogga isku 
							haya qaranka iyo siyaasadda ( mowduucan oo ah baab 
							weyn oo aan la soo koobi karin halkan ,waxaan ku soo 
							qaadan doonaa maqaal gaar ah inshalah)
							Qabyaaladda waa 
							mowduuc nafsaani ah ( psychological issue) kaasoo 
							bulshadeena gaarsiiyey dib u dhac weyn oo dhinac 
							walba ah . wuxuuna ka unkamaa jaceylka dheeraadka ah 
							ee uu shakhsi u qabayo qabiilkiisa  kaasoo ku qasbi 
							kara inuu ka sooco dadka kale dhinac bani'aadminimo 
							iyo waxqabadba. Wuxuu markaa shakhsiga ku jiraa 
							dembi diini ah iyo mid dunyaawi labadaba oo kala 
							soociddaa ah in shakhsi wuxuu muteystay la dafirro , 
							mid aan muteysneyna loo hibeeyo baa ah dembi weyn.
							waxaa waajib ah in 
							qaab nololeedkeena wax ka bedelno oo dhaqanka toosan 
							la harno , kan xunna tuurno oo aan ku bedelno 
							caadooyinka wanaagsan ee horumar gaarsiiyey dadyow 
							badanoo dunida ka tirsan. Caadooyinkaa aan dhulkeen 
							lagu arag , reer galbeedkana ka dhigteen caado 
							muqaddas ah qaarkood waxaa ka mid ah:
							Shakhsiyadda : 
							Shakhsiyadda fiican wax ay dhisantaa marka carruurta 
							yar yihiin oo maskaxdoodu furan tahay; caadooyin 
							wanaagsan waa lagu abuuri karaa. 
							shakhsiyadda 
							wanaagsan ee mudan in lagu daydo waa tan diinteena 
							ina fartay  laakiinse aanaan dheg u dhigin badankeen, 
							waxaana aasaas u ah waxyaabo badan . Waxaan ka soo 
							qaadaneynaa keliya qaar ka aan ka tagnay somali 
							ahaan 
							Isla weynida : 
							waxaan ka faanaa kan aan ka cilmi badanahay , 
							carruurta aan ka weynahay , kan aan ka lacag 
							badanahay, kan aan ka xoog weynahay  ... intaaba waa 
							akhlaaq ay ku yar tahay reer galbeedka haddana hoos 
							u dhigeysa mujtamaca .. Waa in qof walbaa la siiyaa 
							ixtiraamka ay xaq u leedahay.
							Dhowrista balanta  
							iyo waqtiga , ka fogaanshalah beenta , gardareysasha 
							shakhsi kale intabana waa akhlaaq wanaaga loo baahan 
							yahay inaan isku guubaabino. IWM.
							Waxaa xaqiiqa ah in 
							mecnaha xukuumad , dawlad ama qaran ee maankeena ku 
							jiraa ay ka timid khibradii xukunkii 21ka sano ee 
							xukumadii hore (1969 -1990) . Hogaamiye kooxeed iyo 
							siyaasi kastoo fadhiya Kenya wuxuu niyadda ku hayaa 
							qaabka kursigii uu ku fadhiyey madaxweynihii hore 
							MAxamed Siyaad BArre alaha u naxriistee , 
							xukunkaasoo lahaa xumaan iyo sammaan  intaba .Taana 
							qaladkeena ma ahee khibradda nolosha aan ka heysanay 
							baa intaa ku ekaa, xajmiga  tacliin ee aan ka 
							baranay dawlad baa nasiib darro ku soo koobmay  21 
							ka sano iyo dhacdooyinkii la xiriiray . 
							Waxaan rajeynayaa 
							in isdhexgalka ay dad badan oo indheergarato 
							somaliyeed la yeesheen nolosha yurub iyo mareykan  
							ay keeni doonto in uu ballaarto waayoaragnimada 
							dhinaca siyaasadda iyo ijtimaaciga , ka reebi karno 
							caadooyinka qaldan ee ay dadyowga horumaray wataan , 
							si'aan ugu dabaqno qaab nololeedkeena. 
							Awes A.Osman
							
							thenewsomaliagroup@hotmail.com 
							
							The New Somalia 
							Group waa urur ka shaqeynaya midnimada 
							indheergaratada soomaliyeed ee dunida ku baahsan ,  
							kobcinta afkaartooda  siyaasadeed, ijtimaaci iyo 
							caalamiyeynta dunida (Globalisation) . Waa urur ku 
							hawlan soo sarista ra'yi siyaasadeed mideysan iyo 
							abuurista xoog siyaasadeed ee awood ku leh waddamada 
							horumaray oo dhan ( Somali Political Lobbies).  
							Fadlan  ra'yigaaga ka dhiibo sidii wax looga qaban 
							lahaa dhibaatada dahsoon ee siyaasadeed.
							Awes A.Osman
							
							thenewsomaliagroup@hotmail.com
							Afeef: Aragtida 
							qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan