SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maamul goboleedyo ay madaxda dowloda FKMG ah ay sheegeen in ay ku dhawaaqi rabaan iyo diidmo lagala hor yimid 

Dowladda Federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliyeed ee sanadkii tegay lagu soo dhidibbeeyay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegaysa in ay sameynayso dhowaan maamul goboleedyo, waxana sida ay sheegeen ay sameynayaan maamul goboleedyo koonfurta Soomaaliya ah. 

Sida ay sheegeen madaxda dowladda FKMG ah waxaa lagu dhawaaqi rabaa in gobollada Gedo, Bay iyo Bakool ay isku noqdaan maamul goboleed, halka Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoosena ay sheegeen inay noqon doonto maamul goboleed laga xukumo magaalada Kismaayo. 

Dowladda FKMG ahna waxa ay sheegtay in maamulladii iyo madaxweynayaashii maamul goboleedyadaas dhowaan lagu dhawaaqi doono. 

Dadweynaha gobolka Gedo ayaa markii ay maqleen arrintaas waxa ay durbadiiba billaabeen mudaaharaadyo iyo diidmo ku wajahan habka loogu darayo gobollada Bay iyo Bakool.  waxana ay sheegeen shacabka reer Gedo in aanay arrintaasi waxba ka socon doonin. 

Dhanka kale maamulka isbahaysiga dooxada Jubba oo aannu arrintaas ka wareysannayna waxa ay sheegeen in aanay wax war ah ka haynin, isla markaasna aysan laba soconnin arrinkan. 

Lama oga waxa ay madaxda dowladda FKMG ah kaga jawaabi doonaan diidmada shacabka reer Gedo ee ku wajahan qorshahooda maamul goboleedyada. 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin:  SomaliTalk.com | June 9, 2005


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD