SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

Boqorka Swaziland oo isku diyaarinaya inuu guursado Haweeneydii 12-aad muddo ka yar saddex todobaad


Mswati III

“Nin Adduunka joogoow maxaa aragti kuu laaban”, Tanna waa sheeko layaab leh oo ka hadlaysa Boqorka Swaziland oo qorsheynaya inuu guursado xaaskii 12-aad, tanina waa qayb weyn oo ka mid ah diin la’aanta.

Boqorka Swaziland oo lagu magacaabo Mswati III ayaa isla qaba haatan 11-haween ah oo middii ugu dambeysay oo lagu magacaabi jiray Noliqwa Ntentesa oo 20-jir ah uu guursaday muddo laga joogo saddex isbuuc ka hor, waxayna haatan ku jiraan bishoodii Malabka, sidoo kale wuxuu haatan qorsheynayaa inuu guursado haweeneydii 12-aad oo ah gabar oo 18-jira isla markaana ardayad ah laguna magacaabo Nothando Dube.


Mswati III (dhexda) oo la fadhiya mid kamid ah xaasaskiisa (midig)

“Waa run inuu Boqorku doonayo inuu guursaday gabadhan lagu magacaabo Nothando Dube laguna naynaaso (Inkhosikati La Dube) sabtidiina uu mehersaday” sidaa waxaa u sheegay warbaahinta dalkaas Jim Gama oo ah Guddoomiyaha Gobolka Ludzidzini.

Boqorka Mswati III oo haatan 37-jir ah ayaa guursaday tan iyo sidii uu boqorka uga noqday dalka Swaziland haween tiradoodu gaarayso 11-haween ah oo uusan midna furin, waxaana boqorka ka hor guurkaan faraha badan uu muddo dheer ahaa doob aan weligii guursan, haweeneydii 11-aad ayuu la aqal galay dhammaad bishii May ee aynu soo dhaafnay, wuxuu haatan qorsheynayaa inuu la aqal-galo sannad kaddib gabadha uu haatan mehersaday oo iyadu ah ardayad dugsiga sare fasalkiisa ugu dambeeya, boqorkuna wuxuu u fasaxay inay dhameysato waxbarashadeeda, waana caado ka jirta waddamo badan oo Afrikaan ah in gabadhaha aan la guursan iyagoo ka yar da’da 18-ka amaba iskuul dhigata.


Mswati III oo hogaaminaya dagaalyahanada  "worrier"

Mswati III oo ka khudbaynaya xarunta qaramada Midoobey

Mswati III oo ka hadlayay guurkiisaan faraha badan ayaa yiri: ”Reer Swaziland ahaan waxaan leennahay dhaqan iyo caado noo gaar ah, waxaanan anigu hadda dhowrayaa dhaqanka dalkeyga iyo ka dadkeyga ee soo jireenka ah”.

Dhammaadkii bishii Ogosto ee sannadii hore ayuu boqor Mswati III oo ku labisan dhar laga sameeyay haragga shabeelka ku qabtay guriga Boqortooyada dalkaas xaflad uu ugu dabbaaldagayo xilligii uu qabtay boqortooyada dalkaas, waxaana halkaas isugu soo ururay haween dhallinyaro ah oo aad u fara badan, waxayna dhammaantood ku dheelayeen boqorka hortiisa, iyadoo mid walbaahi ay dhoollo-caddeynayso rajeynaysana inay indhaha boqorka soo jiidato oo ay sidaa uga mid noqoto aqalka boqortooyada dalkaas, waxayna aaminsan yihiin in mustaqbalkooda uu sidaa ku jiro.

Xafladdu markay soo gabagabowday ayay gabar walba u reebtay boqorka masawirro ay iska qaadeen, wuxuuna halkaas kala baxay gabar ka mid ahayd gabdhihii ka soo qaybgalay xafladda oo uu sawirkeeda ka helay, waana caadada boqorka Mswati III inuu sannad walba guursado gabar ama laba amase saddex gabdhood oo cusub.


Bidix: Worrier , gabdho reer Swaziland ah oo ciyaaraya, aqal kamid ah guryaha dhaqanka ee Swaziland.

Gabar ka mid ahayd 20-kun oo gabadhood oo ka ciyaarayay xafladdii arooska boqorka ee dhacday bishii May dhamaadkeedii oo 15-jir ah ayaa tiri: “Aniga iyo Hooyadey waxaan ku nool nahay nolol aad iyo aad u ciriiri badan, waxaana raashinka aan nafta ku ceshanno oo aad u yar aan ka helnaa barnaamijka Cunnada Adduunka ee (FAO), biyaha aan cabno waxaan ka hoorsannaa guriga aan ku nool nahay oo ka sameysan dhoobo kor iyo hoos, biyahaas ayaanan ku qadnaa xilli roobaad illaa xilli roobaad kale, Aabbahay wuxuu u dhintay cudurka AIDS-ka, hooyadeyna waxay ku dadaashaa inaan waxbarto ama aan noqto gabar caan ah, waxaan halkan uga ciyaarayana waa uun armaad ka mid noqotaa haweenka uu guursan doono Boqorka”. waxay intaas ku dartay inay doonayso inay noqoto xaaska boqorka ayna ku socoto gaari Mercedes ah maalin uun.

Dalka Swaziland oo ah waddan ku dhex yaalla gudaha qariidadda dalka South Africa ayaa ah dal ay dadkiisu 65% qabaan cudurka AIDS-ka, sidoo kale dalkaas ayaa ah dal dadkiisu ay faqri la tiicayaan, waxaana in ka yar hal dollar maalintii ku nool dad gaaraya 1.2 Milyan oo qof, boqorkuna wuxuu xaflad walba oo uu qabanayo ku bixiyaa lacag gaaraysa 1-Milyan iyo dheeraad Dollar.

Sida ay tilmaamayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee laga soo saaray dalka Swaziland ayaa sheegaya in saddex meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay qabaan cudurka halista ah ee AIDS-ka, dhallinyaro gaaraysa illaa 1-Milyan ayaa sannad walba qaada cudurka AIDS-ka amaba Virus dhaliya cudurkaas halista ah. sidoo kale faqriga ayaa ah mid si weyn ugu sii fidaya dalkaas.

Hooyooyinka dalka Swaziland ayaa ku eedeeyay Boqorka dalkaas Mswati III inuu gabdhahooda ka ugaarsanayo iskuullada uuna doonayo inuu guursado iyagoo aan ka bixin xilligii xaaraan-tinimeynayay guurkooda oo jira 15 illaa 18-sano, balse xukun loogu ogolaanayo Boqorku inuu joogteeyo caadadiisa ah naago guursiga badan ayaa ka soo baxay maxkamadda sare ee dalkaas.

Taariikhda Boqorka iyo Boqortooyada hoos ka akhri:::

Waxaa tarjumay: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com

Isha Wararka: Wakaaladaha Wararka

QORAALADII HORE EE JANTIILE::: GUJI...

Faafin: Somalitalk.com | June 15, 2005
Sawirada:
 Google Search

Taariikh Kooban ee Boqor Mswati III & Boqortooyada Swaziland

Mswati III waxa uu dhashay April 19, 1968, waxana dhalay boqorkii dalka Swaziland oo magaciisa la oran jirey Sobhuza II. Waxana uu boqor Mswati III dhaxalka boqortooyada la wareegey sannadkii 1986 kaddib geeridii aabihiis.

Mswati III waxa uu ahaa wiilkii 67aad ee boqorkii da'da weynaa ee King Sobhuza II, waxana uu ahaa wiilka keliya ee ay dhashay Ntombi Thwala (haweeneydaas oo loo yaqaan Inkosikati LaTfwala) oo ahayd haweeney kamid ah xaasaskii boqorka kuwii ugu da'da yaraa. Waxa uu Mswati III ku dhashay cisbitaalka  Raleigh Fitkin Memorial Hospital, waxana uu dhashay dhawr bilood ka hor xornimadii ay dalka Swaziland ka qaateen dalka Ingiriska. Mswati III markii uu dhashay magacii loo bixiyey waxa uu ahaa Makhosetwe.


Boqor Sobhuza II

Boqorkan aabihiis King Sobhuza II (July 22, 1899 - August 21, 1982) waxa uu ahaan jirey boqorka Swaziland. Waxaa cajaa'ib ahayd in boqorkaas hore uu aabihiis dhintay  December 10, 1899 xilligaas oo Sobhuza ay da'diisu ahayd dhawr bilood oo keliya, waxaana xukunka sii qabtay ayeeyadiis oo lagu magcaabi jirey, Labotsibeni Gwamile Mdluli, waxaayna xukunka ku simeysey boqorkaas ilaa laga soo gaarey December 22, 1921. Markaas ayuu xukunka la wareegey King Sobhuza II waxana uu boqortooyada haystey in ka badan 60 sano, taas oo ka dhigtay boqorkii ugu waqtiga dheeraa Swaziland, ilaa uu ka geeriyoodey 1982.

Markii uu Sobhuza II u dhintay limooniya (pneumonia) sannadkii 1982, ayaa gudiga boqortooyadu waxa ay caleema saareen Makhosetwe (waa boqor Mswati III) oo markaas da'diisu ahayd 14-jir. Afartii sano ee uga dhinayd 18-jirka waxaa dalka sii xakumey laba haween ah oo kal aahaa Queen Dzeliwe Shongwe (1982-1983) iyo Queen Ntombi Thwala (1983-1986) xilligaas waxaa la sugayey inta uu boqorkan da'da yari soo dhamaystirayo iskuulka uu dhiganeyey, waxana uu dhigan jirey dugsiga lagu magcaabo Sherborne School.

Mswati III waxaa si rasmi ah loogu caleemo saaray boqortooyada Swaziland markey taariikhdu ahayd April 25, 1986 xilligaas oo uu jirey 18 sano iyo 6 maalmood, taas oo ka dhigeysa boqorkii ugu da'da ayaraa ee la caleema saaro. Waxaa boqortooyada si wada jir ah u hagay boqorkan da'da yar iyo hooyadiis oo lagu naanayso "marioodiga dhediga ah ee weyn".

Maanta waa boqortooyada ugu dambeysey ee ka jirta Afrika oo xukunka aan cidna la taraxin fara adagna ku haysa dalkeeda.

Boqorkan waxaa lagu eedeeyaa in uu dhaqaalihii dalka oo dhan ku bixiyo wax uu asagu ku raaxaysto, sida gawaarida dhaareer ee xaragada ee loo yaqaan "limousines", diyaarado farabadan, guryo qurux badan oo ay ku nool yihiin xaasaskiisa tirada badan, saxaafaduna haba yaraatyee dalkiisa guduhiisa kama hadli karto. Laakiin waxa uu soo celiyey baarlamaankii uu aabihiis mamnuucay.

Sannadkii waxaa mar la qabtaa ciyaar loo yaqaan "Reed Dance" taas oo ay ka soo qayb galaan 20,000 (labaatan kun) oo gabdho ah oo naasuhu u qaawan yihiin, waana xilliga uu boqorku halkaas ka xusho xaas cusub, waana tan sheekada sare ay ku saabsanayd.

Sida dhaqanka u ah boqortooyada Swaziland lama sii magcaabo qofka bedelaya boqorka. Marka boqorku dhinto ayaa  boqortooyadu waxay doortaan wiil ay dhashay mid kamid ah xaasakii boqorka dhintay, xaaskaas oo loo yaqaan 'xaaskii weyneyd' taas oo ay magacaas kula baxday in ay ahayd qof karti badan, isla ma ahaataasna boqorka u dhashay hal-wiil oo keliya. Wiilkaas ayaa noqonaya boqorka cusub, sidaas ayuuna boqornimada ku helay boqorkan hadda haysta ee la magac baxay Mswati III.

Waa soo ururiyey SomaliTalk.com

Faafin: Somalitalk.com | June 15, 2005

 


Akhri qisadii: Boqorka Belgium oo Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD