SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muhiimada waxbarashadu u leedahay horumarka wadan.

Qormadaan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay waxbarashadu u leedahay horumarka wadan. Balse waxaan ugu horeyn ku bilaabeynaa muhiimada tacliintu u leedahay shakhsiga caadiga ah. Qoyl la yiraahdo kan ugu qiimaha iyo qadarinta muddani waa kan ilaahay subxaanuhu wa tacaalaa.Haddaba eebe isagoo ka hadlaaya qiimaha tacliinta waxaa uu yiri. “ Miyey siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan waxba aqoon” Halkaas waxaa inooga cad muhiimada ay waxbarashadu aadanaha u leedahay. Tacliintu waa mida shakhsiga u suurto gelisa in awooda maskaxeed ee ilaahay ku minaystay uu si heer sare ah u isticmaalo. Maskaxda aadanuhu ma aha mid dhisan oo tababaran ilaa inta ay tacliin ku filan ka heleyso. Maskaxda dhisanina waxaa ay u sahashaa qofka inuu si sax ah u fekero, uuna gaaro goàano macquul ah oo wax ku ool ah. Qofka jaahilka ahi waxaa uu la mid yahay qof ku jira qol mugdi ah oo weliba daaqadihii iyo albaabadii loo xiray. Balse kolkii qofkaasi tacliin helo ay la mid tahay iyadoo daaqadihii iyo albaabadii loo furay, ka dibna uu dhinac walba iftiin kasoo galay.

Waxaa jira shey ay aqoonyahanadu ugu yeeraan( rationality), taas oo loola jeedo in wax macquul ah kolkasta la qaato. Tusaale ahaan qofku kolka uu yahay mid tacliintiihu ay wanaagsan tahay oo miisaaman
( rational), waxaa uu mar walba eegayaa in ficilka uu sameynayaa uu ugu horeyn isaga faaìido u leeyahay, ka dibna uu bulshada faaìido u leeyahay. Kolkaa ayuu  ku dhaqaaqayaa ficilkii haddii uu labadaas shuruudood buuxiyo. Hadddii kalese faraha ayuu ka qaadayaa oo wax kale ayuu sameynayaa.  Kolkeynu maanta eegno wadamada horey u maray hantida ugu weyn ee ay heerkaas ku gaareen waa tacliinta dadkoodu leeyihiin.
Shirkadaha waaweyn ee wadamadaasi waxaa ay ku tartamaan sidii ay gacantu ugu dhigi lahaayeen qofba qofkii uu ka tacliin wanaagsan yahay.

Kelmadaha sida aadka ah loo isticmaalo waxaa ka mid ah: “ The human capital” oo loola jeedo hantida aqooneed ee uu qofku leeyahay.
Shirkadha qaarkood waxaaba ay qabaan in hantidaas aqooneed ee qofka maskaxdiisa ku jirta lagu muujiyo xisaabaadka ay shirkadu sanadkii diyaariyaan. Maxaa yeelay shirkadaha ay dadka aqoonta lihi ku badan yihiin waa ka qaalisan yihiin kuwa aan haysan dad aqoon leh.

Wadamada horey u maray waxaa ay sanad walba arimaha waxbarashada ku bixiyaan hanti aad u tiro badan. Tusaale ahaan wadanka Iswiidhan oo ah wadan aad u yar waxaa uu sanadwalba waxbarashada ku bixiyaa boqolkiiba sodoba ( 7%) ee dakhliga guud ee wadanka oo dhan soo gala.
Halkaas waxaad ka aragtaa sida ay uga goàn tahay dowlada iney lacag tiro badan ku bixiso arimaha tacliinta.

Haddii aynu taariikhda dib u raacno muddo haatan laba qarni laga joogo ayaa nin caan ka ahaa kacaankii faransiiska oo la oran jirey Danton uu yiri oraahdan soo socota. “  Tacliintu waa sheyga ugu muhiimsan ee uu aadanuhu u baahan tahay kolkii laga reebo cuntada, dharka iyo hoyga”.  Hadabada masiibada ugu weyn ee maanta haysata wadamada soo koraaya waxaa ay salka ku haysaa tacliin laàanta dadkooda haysata.
Baaritaankii ugu dameeyey ee ay hayàda waxbarashada qaramada midoobey ee UNESCO samaysay, waxaa lagu sheegay in cadad ku dhow 836 milyan oo qof oo u dhashay wadamada soo korayaa ay tacliinta asaasiga ah la`yihiin. Xiriir toos ah ayaana ka dhexeeya fakhrinimada baàn ee wadamadaas haysata iyo tacliin laàanta dadkooda. Aqoon yahanada baara arimaha saboolnimadu waxaa ay isku raacsan yihiin in tacliintu ay qayb weyn ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha wadan.

Madaxda wadamada saboolka ahi waxaa ay ku andacoodaan in aaney dhaqaale u haynin arimaha waxbarashada. Balse halka uu dhibku ka imanayaa ma aha dhaqaale xumo ee waa qorshe xumo. Haddii la eego lacagta wadamda saboolka ahi ay ku bixiyaan soo iibsashada hubka waxaad si toos ah u arki kartaa in aaney dhaqaale xumo jirin.

Madaxweynihii hore ee tanzania mudane Julius Nyere ayaa isagoo madaxda africaanka la halaya ku calaacalayaY:
 “ Ma caruurtayada ayaan gaajo iyo tacliin laàan ku dilaa  si aan u bixino deynta laynagu leeyahay”
“ Ma caruurtayada oo gaajeysan ayaan soo gadashada hubka kordhinaa”
“ Kolkii ciyaalkeenu saqda dhexe ay gaajo la ooyaan ma qoriga dagaalka ayaan u dhiibnaa” Hadalada madaxweynaha waxaa ka cad in lacagta ka soo baxda ilaha dhaqaalaha wadamada saboolka ahi ay meel qalad ah ku baxdo.

Gebagabo
Waxaan ka soo hadalay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay aadanaha iyo weliba sida ay uga qayb qaadan karto horumarinta wadan.
Waxaan ku soo xirayaa maqaalkan dhiiri gelin iyo talo aan u soo jeedinaayo dhamaan dhalinyarada soomaaliyeed iyo waalidiinta. Anigoo ogsoon in waalid badani ay aad ugu dadaalayaan iney ubadkooda tacliinta kula dadaalaan hadana waxaan kusii dhiiri gelinayaa waalidkaas iney halkaas ka sii wadaan weliba ay la tashadaan dadka kale ee iyagu leh takhsusaadka gaarka ah ee arimaha waxbarashada. Dadkeena soomaliyeed badankeen waxaan umadkeena ka dhisnaa xaga jirka inaga oo marwalba ugu dadaala xaga cuntada. Balse waxaa iyana sidaas oo kale muhiim u ah in ubadka laga dhiso dhinaca maskaxda. Maanta wadankeenii quruxda badnaa waxaa sida uu yahay ka dhigay arimo salka ku hayo aqoon la àan. Dhalinyarada waxaan kula talinayaa iney xoogooda iyo xeeladooda isu geeyaan dhinaca tacliinta inta ay da`yar yihiin.

Anigu waxaan ahay aqoonyahan soomaaliyeed mudana ku soo jirey arimaha waxbarashada, waxaana diyaar u ahay inaan waxii talo ah ee ku saabsan xaga tacliinta iyo qaabka loo wajahi karo aan kala qayb qaato waalidiinta iyo dhalinta waxbaraneysaba. Ciwaankeygu halkaan hoose waa kan ku qoran. Waxii aan wax ka ogahay kaa hagran maayo.

Mahadsanidin

Cabdirisaq maxamed Xuseen
University of Gävle- qaybta dhaqaalaha- Sweden
habdirisak@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2005


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD