SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ITOOBIYA CADOOWGA SOOMAALIYEED SHALAY SAAXIIB MAANTA CADOOW BERI SAAXIIB.

-QORE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-11-05-2005.
-
sharifhassan50@yahoo.com


Dalka Itoobiya oo ah midka xuduudka ugu dheer la leh Dalka Somaaliya isla markaana Gumeeysta Ummadda Somaaliyeed oo malaayiin gaaraya Dhul balaaraan heysta kana mid ahaa Dowladihii ka qeyb galay qeysigga Qaaradda Afrika labo dagaal oo waaweyn dhex maray Somaaliya ayaa siyaasadda iyo xiriirka u laheeyahay Qoomiyadaha Somaaliyeed wajiyo badan leeyahay.

Marka laga yimaado Dagaalkii 64-kii iyo kii 77/78kii oo naf iyo maalba Ummadda Somaaliyeed ku weeyday dharbaaxooyin waaweyn gaarsiiyey Dowladdii la oran jiray Libaaxa Afrika taariikhdana ku xusan guulihii iyo xeeladihii geesimo ee Ciidamadda Qalabka siday ee Somaaliyeed iyo taageeraddii hiil iyo hooba laheyd ee Dadweynuhu la garab taagnaa Geesiyaasha Ciidamadda Somaaliyeed sharafta iyo sumcada Ummadda si ku haboon u illaalinaayeey Boqolaalkii Sarkaal,Sarkiil Xigeen iyo Askartii ku Shahiiday Dagaaladaas ayaa Amaan iyo Xurmo weyn mudan.

Haddaba biloowgii Jabhadaha hubeeysnaa ayaa caawimo iyo gaboodba ka doontay Dalka Itoobiya oo Calaadda weyn u hayeey Qoomiyadda Somaaliyeed ee Nidaamkii Taladda hayeey oo dagaalkii ka sokoow dacaayado hab dagaal ahi dhex yiilay markaas Jabhaduhu waxeey xeleen soo dhoweeyn iyo taakuleyn iyo adeegsigga Dulka Itoobiya ka taliso oo ah Dhul eey leeyihiin Somaalidu laakiin gumeeysi lagu heeysto markaas waxaa Dowladdii Itoobiya ee Xiligaas u muuqatay maslaxad ugu jirta soo dhoweeynta cidii Somaaliya ku kacsanba weeyna siiyeen intii tabartoodu aheyd Jabhadihii qaarkoodna guulo weeyn ka soo hooyeeyn dagaalkii eey kula jireen Nidaamkii Kacaanka oo aslan naftiisa dumiyeey,Markaas kuwa Itoobiya gacanta ka doontay waxeey ku sifeeyn jireen kama ku tilmaan Dalka Itoobiya Saaxiib iyo in eey mudan yihiin soo dhoweeyn dagaalaka sokeeye ayaa waxeey mar damme soo celiyeen taageero ka doonashadda Itoobiya oo hadba kooxdda xaliiska la,ahi ku tilmaanto Saaxiib halka kuwa kelena ku tilmaamaan cadoow waana sinaariyo sidaas u soconaayeey oo marna Saaxiib marna Cadoow.

Xaqiiqadda ayaa ah in maslaxadda markaas la leeyahay lagu qiimeeyo Dowladda Itoobiya iyo Taageeradda iyo taakuleeynta laga helaayo waana mid la oran karro ayaan darro iyo guul daradda weyn ee Ummadda Somaaliyeed la soo derestay Dalkii iyo Dadka Somaaliyeed oo ahaa Qaran jirra sumcadiisa leh xurmadiisa leh Geeska Afrikana awood Ciidan iyo heybad Dowladeed ku laheeyn jiray xoriyadda Qaaradda Afrikana door weyn ka soo qaatay magac iyo maamuusna ku yeeshay Beesha Aduunka hanaanka xoriyadda illaaliya.

Waji kastoo la siiyeey ama loo hayo ama la siin doono Itoobiya iyo maslaxad kastoo laga yeesho anigu aragtidda xusuustay ku duugan oo aan weligeed ka tirmeeyn ayaa dhigeeysa Dalka Itoobiya Dowladihii noocii eey doonta la yeelato waa cadowgga koowaad ee Ummadda Somaaliyeed Dalka Somaaliyeed Qaranimadda Somaaliyeed anigoo si weyn u taageersan helitaanka Dowlad Somaaliyeed oo hab cadaaladeed Ummadda ugu shaqeysa Dalkeena soo degta Dadkeeda ka shiidaal qaata dib u dhiskana ku dadaasha soona nooleeysa habkii iyo nidaamkii Dowladeed iyo kala dameeyntii Dowladaha dereskana siyaasadad deresnimo kula dhaqanta mudnaanta koowaadna siisa danaha Ummadda Somaaliyeed.

Itoobiya waa Cadoowgga Ummadda Somaaliyeed-Saaxiibnimaddu waa mid lagu saleeyo habka diplomaasiyadda iyo ilka ka qosolka Dowladaha Aduunka ka dhexeeya.

-ALL MAHAD LEH-

-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH(XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-11-05-2005.
-
sharifhassan50@yahoo.com

. Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2005


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD