SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dastuurkii oo Arbaco Go’ay Khamiisna God Gelaya

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

May 11, 2005

Ilaah baa mahad leh. Naxariis iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Labo “professors” (Geeddi & Dalxa) iyo hal “President” ( 3Ps) ayaa shalay dharaar cad dastuurkii la degsaday madaxa ka toogtay. Waxaa la filayaa in dastuurka madaxiisa inta “mudane” Geeddi goosto uu beri oo 12/05/05 Zenawi hor dhigi doono! Waxaa Zenawi laga filayaa inuu dhihi doono guuleyso Geeddi; geeddigana wad!

Mar la sheegay in qofkii inta Khamiis dhinta Jimcana god gala uu janno galayo ayaa nin reer Mudug ahi wuxuu sheegay inuu saas damacsanyahay! Ma la yaab bey leedahay haddaad maqashaan nin reer Mudug ah oo raba in inta huwan soo geliyo Soomaaliya uu kaligiis wax kala xukumo?

Raqda dastuurka waxaa iiga sii daran waqtiga loo qabtay in lagu dilo. Waxaa la sheegay in habeyn hore 10/05/05 inta korneylka iyo Geeddi u yimaadeen Shariif Xasan ay ku dhaheen beri waaberigii (11/05/05) shir u qabo xildhibaannada. Shariifka waxaa la sheegay inuu yiri shir waan qaban laakiin waxaan ka dhigayaa in la qabto 17/05/05 si qolyaha Soomaaliya ku maqani usoo xaadiraan. Laakiin labada nin waxay dhaheen waa in shir lagu qabtaa 12 saac gudahood. Shariifku wuxuu sheegay inuusan sidaas oo kale u shaqeyn markii cagojugleyni uga timid xagga C/hi.

Horta xisaabta xildhibaannada waan ku wareeray. Waxay ku sheegaan 275 laakiin aniga waa igala badanyihiin. Haddee waxaa la yiri boqol kuwa gaara Xamar bay ku maqanyihiin; kontomeeyo kale oo Shariifku ku jiro oo jooga Nairobi ayaa la sheegayey oon kulankaas imaan; xeyn kale oo Bakool joogta oo Baydhabo weerar ku soo ah iyo 152 joogtay meeshii dastuurka lagu dilay. Haddaad sida dadku wax iskugu daro la isku daro waa ka badanyihiin 275. Waxaa la sheegay in 145 ka mid ah 152 xildhibaan oo shalay halkaas joogay ay u codeeyeen in ciidamo ka socda Ugaandha iyo Suudaan la keeno Soomaaliya sidoo kalana dowladdu sii degto Baydhabo iyo Jowhar inta Xamar laga islaaxinayo!

Waxaa la sheegaa in Hal-abuur Sangub inta jacaylkii qabri gashay (riwaayaddii Qarbigii jacaylka) la arkay isagoo mar dambe jacaylkii xuud liqsiiyey (Xuud baa liqay Jacaylkii). Wariyayaashii riwaayadahaas dacaayadda u sameynayey waxaa laga sheegay iyagoo leh: jacaylkii uu shalay qarbiga dhigay buu maanta dilayaa oo xuud liqsiinayaa! Marka waxaan uga danleeyahay marba hadduu korneylku dastuurka dilayo waxaa la rabay inuu Khamiis dilo oo Jamce god dhigo si aan niyadda kheyr ugu heyno.

Waxaa nasiibdarro ahayd in korneylku “xubnihii” baarlamaanka hortooda ka eedeeyey guddoomiyaha baarlamaanka isagoo ku heystay seddexda qodob ood maqasheen. Wuxuu yiri Shariifku isagaa jeebkiisa wax kala soo baxaya.

Korneylka iyo Geeddi waxay istuseen haddii dastuurku dhinto inay dhaxlayaan dowladnimo! Laakiin waxay waayo-aragnimadu na tustay inaysan arrintu saas ahayn oo haddii la baalmaro waxii la isku ogaa inaan faa’iido iyo horumar la gaarin.

Muslimiintu waxay qabaan inaan muslim iyo gaal isdhaxlin. Si Zenawi Soomaaliya u dhaxlo wuxuu sameystay dagaal-oogayaal ka amar qaata oo muslimiin sheegta iyo waddamo saaxiibo la ah oo uu tiisa ku fushado oo qaarkood muslimiin iyaguna sheegta. Ciidamada Zenawi waxay ku tunteen oo saxarada iskaga tireen kitaabka Qur’aanka Kariimaa markay Gedo qabsadeen. Waa sheekada hadda laga sheegayo Maraykanka inay Xabsiga Kuubba ku yaal ay sidaas oo kale yeeleen. Haddaa dadkii reer Afganistaan bannaanbaxyo ay arrintaas uga soo horjeedaan wadaan. Marka hadday Zenawi u toosto waa la arkin masaajid badan oo noqda meel ay waardiye ka galaan askar Amxaaro ah ama Ugaandha u dhalatay.

Maxaan ka waday 3Ps? “Three Puppets”. Awal baa dad hore soo qoreen haddaad aragtaan “Dr” ka carar iyagoo ku sheegay: dalkiis roge/dadkiis roge. Laakiin hadday rabto diintiis roge bay noqon kartaa.

Dhimashadu ma dastuurka keliyey ku ekaan? Ma filayo. Madaxyo badan waxay ku go’i doonaan sidoo kalana dhiig badan ku daadan doonaa dagaaladan ka hilaacaya Bay iyo Bakool. Dhibta ugu badan waxay gaareysaa shacabka aan shuqul ku lahayn waxa isceyrsanaya. Marka waa Soomaali badan ha dhimato; ciidamo Suudaan, Itoobiya iyo Ugaandha u dhashayna ha yimaadeen.

Nin Carbeed oo dagaalka aad u yaqiinay baa dagaalka ka sheegay. Soomaali ahaan wuxuu yiri:

  • dagaalku cabbaarkiisa hore waa gabar cas oo kale
  • oo quruxdeeda caalle kastaa dabocararo
  • ilaa uu dabku cartamo oo holucu cirka isku shareero
  • markaasay cajuusad noqotaa aan ninna cudduda ugu jirin
  • cirro leh, urkeeda laga cararo, dhunkashadeedana laga caago.

Nin ka mid ah ragga gabaygaas loo tiirsho ayaa Cumar Binu Khidaab (RC) weydiiyey dagaalka. Ninkaas oo Camri Macdiiyakrib la oran jiray wuxuu yiri: markuu dabku oogmo oo dhudhumada la feyto waxay u dhammaataa ninkii ka daciifa dagaalka waxaana la gartaa ninkii ku samra. Marka dagaal-oogayaasha Xamar oo u qabay inay sheekadu ciyaartaas ku dhammaaneyso waxaan ku leeyahay: korneylkii isagoo huwantuu wadan jiray wata buu idin soo hayaa ee idinkey idin jirtaa sidaad yeelilahaydeen. Shalay korneylku wuxuu xabashi soo geshay Galdogob iyo Balanbale maanta waa Baydhabo, Belidoogle, Kisaamaayo,…, iyo Xamar.

Taageero Go'aankii Xubnaha Baarlamaankii FKMG ku Ansixieiyeen Labada Qodob...
Minneapolis: Qoraal kasoo baxay qaar katirsan Jaaliyada Soomaalida ee deggan Minnesota ayaa...
Guji... May 12

Ciidamo ka socda Afrika oo Mogadishu ka bilaabi doona howlgalkooda ugu horeeya
»BFKMG oo ansaxiyay in dowladu dagto Baydhabo & Jowhar
»Puntland oo Beenisey in Ciidamo u Dirtay Gobolo kale
»Kismaayo: Colaado Lagu soo afjaray tuulada kaanjiroon
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 11

Dad badan oo wax qora waa u digeen Soomaali. Markii Soomaali badan ay Xamar iyo meelo kale ku soo dhoweeyeen Geeddi waxaan soo qoray maqaal ahaa (Geeddi: hadday Xamar igu soo dhoweeyeen, Anigu Xabashi ma kusoo dhoweynkaraa?). Jawaabtii Geeddi isagaa caddeeyey. Maqaalka waxaan uga danlahaa inaan cid la iska soo dhoweyn iyadoon la ogeyn waxay la socdaan. Marka Soo dhoweyntaad soo dhoweyseen wuxuu ugu abaalguday in inta dastuurka wax ka dilo oo Adisababa madaxiisa u qaado uu isaga iyo Amxaaro aad marka dambe Xamar ku soo dhoweysaan idinkoo la idin soo khasbay.

. Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2005


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD